Qabiilada Somalida iyo Carabta!!!=Faallo=

0
Saturday July 25, 2020 - 21:11:03 in Wararka by
  • Visits: 1520
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qabiilada Somalida iyo Carabta!!!=Faallo=

    1-Xiriirkii wanaagsanaa ee Somalida iyo Carabta Xamar. Somaliya Magaalo xeebeedyda oo dhan waxaa soo degay Dad Cad cad oo Asal ahaan Carab ah iyo kuwo aan Carab aheyn oo kala ahaa: Hindi, Malesiya, Pakistan, Bangali,Iran, Yuhud, iyo Asiyaan kale, qa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Xiriirkii wanaagsanaa ee Somalida iyo Carabta Xamar. Somaliya Magaalo xeebeedyda oo dhan waxaa soo degay Dad Cad cad oo Asal ahaan Carab ah iyo kuwo aan Carab aheyn oo kala ahaa: Hindi, Malesiya, Pakistan, Bangali,Iran, Yuhud, iyo Asiyaan kale, qaarkood waxaa ey Ganacsi ku lahaayeen Magaalooyinka ka fog Xeebaha, sida: Baydhabo, Baladweyn, Mahadaay, Mareg, Afgoi, Baardheere, iyo kuwa kale, waxaa loo xushmeyn jiray in ey yihiin Ganacsato Muslim ah, waxa eyna ka tirsanaayeen Qabiilada ey la degan yihiin. Sidoo kale Carabta Xamar degan waxa ey ka tirsanaayeen oo kafiil ka ahaa Qabiilada deegaanka, sida ku cad Documentiyada la hayo, aad ayaa loo xushmeeyn jiray bacdamaa ey ahaayeen Dad Diinta Islaamka fidinayay badankoodu, lahaana Culumo caan aheeyd. ( F.S: 1aad)
     
2-Maxaa xumeeyaya Xiriirkii Carbta iyo Somalida ee Xamar?
            Xiriirkaa wanaagsanaa waxaa uu xumaaday markii Ingriisku uu yeman ka keenay Ciidamo Yemaniyiin ah iyo Xaasaskoodii kuwaa oo aad u taageersanaa Mustacmaradii Ingriiska, halka Carabta kale ee Reer Xamarku ey ku taageersanaayeen Somalida in xuriyad la helo.
Sannadkii 1948 ayaa qaar ka mid ah Carabtii Yemaniyiintu waxa ey qabanqaabiyeen banaanbax ey ka soo bilaawday dhinaca via Rome iyaga oo ku sii jeedo xaruntii Governatoraha Ingriiska oo deganaa wadada Tiyaatarka dhinac marto.
             Waxa ey lahaayeen waa in aan Somaliya Maxmiyad la galin 1950 ka, SYL na laga hortago, Xuriyaddana dib looga dhigo 1960ka, waana in Somaliya la hoos geeyo Mustacmarada Ingriiska ee Cadan, bacdamaa Yemaniyiintu ey ahaayeen kuwa kaliya ee Af Ingriiska yaqiin una badnaayeen Ciidamadii Ingriisku Cadan ka keenay.
              Yeman waxaa ka hor xuroobay Somalida oo xur noqotay 1960, laakin yeman waxa ey xuroowday 30 November 1967, markii hore Mareykanku waa diiday in uu aqoonsado laakin dib ayuu ka aqoonsaday xuriyadda yemen. Todobo sano oo Somalidu Xur aheyd, Ingriisku waxa uu diidanaa in "Jaziiradda Sokadara” lagu daro Somaliya, laakin 7Sanno kadib ayuu Abaal marin uga dhigay yeman.
              Banaanbaxayaashii Reer yeman , Afar irdoodka Xamar weyne markii ey marayeen ayeey isku dheceen wiil Somali ah oo dhawac ey u geeysteen, willkaa oo aad looga yaqiin Xaafadda, dhalinyarada Somaliduna ey jeclaayeen kana mid ahaa Horseedkii SYL, lana dhihi jiray: Maxamed Baare. ( F.S:2aad)
               Dhacdadii ayaa aad loo buun buuniyay, oo la yiri: wiilkii yaraa ee Maxamed Baare Barre waa dhintay Yemantii ayaana dishay.
Dadkii oo aan wax hubsan, isgaarsiintuna ey aheyd warka la isku tabiyo oo kaliya, ayaa ku soo qamaamamay Xaafadihii Carabtii reer Yeman, waa la wada bililiqeeystay ilaa habeenkii, waxaana la fara xumeeyay Haween badan, ilaa Ingriisku yimid si uu u badbaadiyo, rabshadaa waxaa loo yaqiin            Hanoolaatadii 1aad, waxaa xigay Hanoolaatadii Gobanima doonka.
Carabbtii kale iyo ee Reer Xamarka oo la fikir ahaa Somalida kale ayaa iyana ku kacay yemantii, waxaana Yemantii loo raray Xaafadda Bilaago carab, Shibista maanta.
            3-Carabta iyo Baarlamaankii Somalida ee 1956
Baarlamaankii ugu horeeyay ee Somalida koofurta ayaa la doortay, kaa oo ka koobnaa 70 xildhibaan. 60 ka mid waxaa la siiyay Somalida waana doorasho, 10 waxaa la siiyay Ajaanibta waana soo Xulid. 60 Somali, 4 Carab, 4 Talyaani, 1 Bakistaan, 1 Hindi, wadarta guud 70 xildhibaan.
60ka Somalifa, waxa loo qeybiyay 25 Goob Codeed oo midiiba laga soo dooranayo 1-5 xildhibaan, Shuruudaha: A) Qofka wax dooran karo waa 21 Sanno jir iyo kii ka weyn. B) Qofka la dooran karo waa 30 jir iyo ka weyn. C) Waa in uu wax ka yaqaan Luqada Carabiga iyo laatiinka. D) waa in Deegaan doorasha, Somaliya uu deganaa ugu yaraan 2 Sanno doorashada ka hor. E) Doorashadu waa in ey noqotaa "mid toos ah Magaalooyinka”, laakin "Miyaga waa in ey noqotaa Dorasho Dadban”. Oo ey soo dooranayeen Gudiyo ka kooban 613 ,loona yaqiin waqtigaa " Shirs” ( Open council)
             4-waxaa ku tartamay dhowr xisbi ( F.S: 3aad)
1-leegada SYL: waxa ey heshay 333,820 Cod oo ah 54.29% waa 43 Kursi.
2-Xisbiga Digil iyo Mirfle waxa uu helay, cod 159,967 oo ah 26.01% waa 13 kursi.
3-Somali Demo. Movement waxa uu helay cod 80,866 oo ah 13.15%waa 3kursi
4-Xisbiga Marexaan Union waxa uu helay cod 11,358 oo ah 1.85% waa 1 kursi
Wadartu waa 43+13+3+1= 60 Kursi+ 10 Ajaanibta. Wadarta codadka Guudna waa 614,904 Cod.
5-Arrinta aanan Fahmin weli.
           Waxaan la yaab ah oo aanan weli fahmin, Xisbiga Somali National Union oo helay 21,630 Cod oo u dhiganto 3.5% ma helin Hal kursi, Laakin Xisbiga Marexaan Union oo helay 11,358 kaliya oo ah 1.85% . waxa uu helay hal kursi. Xisbiga Somali National Union ayaa dheeraa 10,272 cod haddana hal kursi ma helin?
              Xisbiyada tartamay ee aan Cod helin waa :1-Somali National Union.2- Afgoi-Audegle .3- Hawiya Youth Union.4- Six Shidle. 5- Bagiuni Fichirini. 6- Xisbiga Demogradiga Caluula.
FG: Wixii aan ka khalday iga sax, wixii ka dhimana ku dar, Mahadsanid.
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip