Weerar lagu qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Kenya & khasaaro ka dhashay

0
Friday July 24, 2020 - 14:30:52 in Wararka by
  • Visits: 276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar lagu qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Kenya & khasaaro ka dhashay

    Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Booliska Kenya ku leeyihiin deegaanka Yumbis ee gobolka Gaarisa ,waxaana la sheegay in uu halkaasi ka dhacay dagaal culus. Dadka de

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Booliska Kenya ku leeyihiin deegaanka Yumbis ee gobolka Gaarisa ,waxaana la sheegay in uu halkaasi ka dhacay dagaal culus. Dadka deegaanka ayaa ku waramay inay mar qura ka warheleen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac ee Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab,isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalkaas.        Sidoo kale dadka deegaanka Yumbis ee gobolka Gaarisa ayaa Warbaahinta gudaha dalkaasi waxaa ay u sheegeen inay dareemeen cabsi ballaaran markii uu dhacay dagaalka, sidoo kalena dadka ka agdhow saldhiga Ciidamada Kenay ay barakaceen.

            Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarka lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Booliska Kenya ee degaanka Yumbis ee gobolka Gaarisa, iyaga oo sheegay inay werarkaasi ku dileen lix Askari 10 kalena ku dhaawaceen.

          Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya weli wax faah faahin ah kama bixin weerarka ay Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga degaanka Yumbis,waxaana lagu soo waramayaa in Maanta Ciidamada Kenya ay wadaan howlgallo kala duwan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip