
Maamulka Somaliland oo sheegay inay dhexdhexaadin karaan Dowladaha Maser iyo Ethiopia

Mas’uulkaasi la hadlay Wargeyska"Daily News Egpyt”ma uusan shaacinin Magacyada Wafdiga Masaarida iyo Xilalka ay hayaan, balse, wax uu xusay inaysan ahayn markii ugu horeysay ee Wafdi ka socda Dowladda Masar ay soo booqdaan Somaliland.
Sida laga soo xigtay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee Somaliland waxa uu tilmaamay inay Dowladda Masar door muhiim ah ka qaadan karto dadaalka Maamulka Somaliland ku doonayaan inay dalalka Carabta iyo Afrika ka helaan Ictiraaf.
"Masar waxay door weyn ka ciyaari karaan Aqoonsigeena Ictiraaf-raadiska ee Caalamka, iyadoo ay Masar tahay dal weyn oo ku yaalla Afrika iyo Dunida Carabta waxay awood u leedahay inay horey u riixaan Kiiskeena Ictiraaf Raadiska Somaliland ee Ururka Midowga Afrika "AU” iyo Ururka Jaamacadda Carabta” ayuu yiri Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee Somaliland.
Waxa uu intaasi ku daray in Somaliland la timid inta badan Inkaaniyaadka Asaasiga u ah Dal Dimuqraadi ah, isla markaana ay Somaliland ka dhaceen Doorashooyin Xor iyo Xaq ah iyo inay leeyihiin Lacag, Ciiddan iyo Baasaboor u gaar ah.
Dhinaca kale, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Liibaan Yuusuf Osman waxaa wax laga weydiiyey Wararka sheegayo inay Dowladda Ethiopia ka carootay Wafdiga Masaarida ee booqday Hargeysa, wuxuuna ku jawaabay inay awood u leeyihiin inay Heshiis la galaan dal kasta, iyadoo la eegayo Danaha Somaliland, taasina ay tahay Shaqo iyaga u gaar ah.
Waxa uu hoosta ka xariiqay in Heshiiska ay la leeyihiin Dowladda Masar aanu waxyeeli doonin xiriirka ay Somaliland la leedahay Dowladda Ethiopia.
"Somaliland waxay awoodaa inay dhexdhexaadiso Masar iyo Ethiopia, maadaama ay Xiriir wanaagsan la leedahay labada Waddan” ayuu yiri Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Liibaan Yuusuf Osman.
Waxa uu intaasi ku daray in Mowqifka Somaliland yahay in Wada-xaajood Nabadeed lagu dhameeyo Khilaafka Dowladaha Masar iyo Ethiopia ee ka dhashay Biyo-xireenka weyn ee Dib-u-curashada Ethiopia ee GERD.
Xigasho: Daily News Egypt
Maamulka Somaliland oo sheegay inay dhexdhexaadin karaan Dowladaha Maser iyo Ethiopia
Xilli ay Maamulka Somaliland galangal xooggan ugu jiraan Aqoonsi Caalami ah ayaa waxay haatan u ololeynayaan sidii ay Dowladda Masar ula yeelan lahaayeen Xiriir Diplomaasiyadeed oo xooggan iyo inay gacan ka geysan karaan xalinta Khilaaafka u dhexeeya