Madaxweyne Deni oo Farriin u diray Madaxda dowladda Dhexe ee Soomaaliya

0
Saturday July 11, 2020 - 21:01:32 in Wararka by
  • Visits: 269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Deni oo Farriin u diray Madaxda dowladda Dhexe ee Soomaaliya

    Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka hadlayay shirka ayaa ammaanay Maamulka Galmudug oo fidiyay gogosha shirkan, isagoo boggaadiyay dadaalka reer Galmudug u galeen inay xaliyaan arrimaha dhexdooda, wada hadal iyo wada xaajoodna la galaan deriskood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka hadlayay shirka ayaa ammaanay Maamulka Galmudug oo fidiyay gogosha shirkan, isagoo boggaadiyay dadaalka reer Galmudug u galeen inay xaliyaan arrimaha dhexdooda, wada hadal iyo wada xaajoodna la galaan deriskooda Puntland, isla markaana ay dhigaan Gogosha Qaranka, taasna ay muujineyso inay yihiin dad u taagan horumarka dalka uu maanta hiigsanayo. Shirkaan ayuu xusay in Umadda Soomaaliyeed uu ka saari doono welwelkii ay ka qabeen in dalka aysan doorasho ka dhicin. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Shirkaan si gaar ah diiradda ugu saari doonaan sidii looga tashan lahaa doorashada soo socda. Waxaa uu xusay in uu rajo qabo in lasoo afjaro Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda. Madaxweynaha ayaa sheegay in Siyaasad jahweer ah ay ka taagan tahay Soomaaliya, islamarkaana loo baahan yahay hanaan isku tashi oo fududeyn kara in horay loo socda. Deni ayaa aad ugu dheeraan eedeynta dowladda dhexe ee Soomaaliya oo looga bartay Sanadyadii ugu dambeeyay. Madaxweynaha Puntland ayaa Farriin u diray Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya oo uu sheegay in aysan shareysan Shirka ka socda Dhuusamareeb, islamarkaana tahay Shaqo laga rabay oo ay qabanayaan maamul goboleedyadda. Madaxweyne Deni ayaa Caddeeyay in doorasho qof iyo Cod ah aysan muuqaan, laakiin looo baahan yahay in loo gudbo wixii fududeyn kara in doorasho dalka ka dhacdo. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip