Baarlamaanka Somaliland oo ku baaqay joojinta dagaalka Buuhoodle

0
Tuesday July 07, 2020 - 19:01:13 in Wararka by
  • Visits: 344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Somaliland oo ku baaqay joojinta dagaalka Buuhoodle

    Xildhibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka ee Somaliland ayaa baaq nabadeed u diray beello walaalo ah oo shaqaago ku dhexmartay degaannada Horufadhi iyo Beeyo Macaan oo ka kala tirsan gobollada Saaxil iyo Buuhoodle. Xildhibaanadan oo kala ahaa Xild

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka ee Somaliland ayaa baaq nabadeed u diray beello walaalo ah oo shaqaago ku dhexmartay degaannada Horufadhi iyo Beeyo Macaan oo ka kala tirsan gobollada Saaxil iyo Buuhoodle. Xildhibaanadan oo kala ahaa Xildhibaan Cawil Cismaan Dawiil, Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax (Budeeye) oo labaduba ka tirsan golaha guurtida Somaliland iyo Xildhibaan Maxamed faarax Qabile oo ka mida golaha wakiillada ee Somaliland ayaa beelaha ku diriraaya deegaanka Horufadhi ee Buuhoodle iyo ardaayada dirirtu ku dhexmartay deegaanka Beeyo Macaan ee gobolka Saaxil waxaa ay si wada jira ugu baaqeen in si dhakhso ah dirirta u joojiyaan lagana shaqeeyo nabadda wada noolaanshaha bulshada. Xildhibaanadan waxaa kale oo ay u mahadnaqeen cidkasta oo arrinta nabadaynta beellaha ka qayb qaadanaysa, iyaga oo u rajeeyay in Alle ku guuleeyo xoojinta nabadda. Waxa ay beelaha walaalaha ah kula dardaarmeen in aan la joogin wakhtigii dirirta ee la joogo wakhtigii horumarka loona baahan yahay in dadka garaadkoodu shaqeeyo oo ay ka waantoobaan dhiiga xaaranta ah ee la daadinaayo. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip