
Deni oo sheegay in uusan ka qeyb-galeyn Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo xalay ka qeyb-galay munaasad lagu xusayay 1-da luulyo ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka sida, Amniga doorashooyinka iyo shirkii uu dhawaan dowlad Goboleedyaa ku casuumay Madaxweyne Farmaajo.
Saciid Deni waxaa uu sheegay in uu aqbalayo qaraarkiiBbaarlamaanka Puntland oo u diidayay in uusan ka qeybgali karin Shirka Magaalada Muqdisho ee uu Madaxweynaha Soomaaliya ku casuumay dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Waxaa uu Madaxweyne Deni muujiyey walaac iyo rajoxumo ku aadan xaaladda dalka, isaga oo sheegay in madaxda dalka ay Soomaaliya ku wadaan kala qeybin keeni karta burbur waa sida uu hadalka u dhigay.
Isaga oo ka hadlayay Go'aankii Xildhibaannada Golaha Shacabka ay Gobolka Banaadir ugu ansixiyeen inay 13 Xubnood ka hesho Aqalka sare ayuu sheegay in aysan jirin maqaam ay hehso gobolka Banaadir,balse ay tahay in wax walba loo maro hab sharci ah.
Ugu dambeyn Madaxweyne Deni ayaa ku eedeyey Madaxweynaha Soomaaliya in uu iska horkeenayo Shacabka iyo xildhibaanada Baarlamaanka, isagoo sheegay in uu doonayo mudo kororsi, isagoo u mahadceliyay Beesha Caalamka dadaalkooda dalka. .
Deni oo sheegay in uusan ka qeyb-galeyn Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo xalay ka qeyb-galay munaasad lagu xusayay 1-da luulyo ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka sida, Amniga doorashooyinka iyo shirkii uu dhawaan dowlad Goboleedyaa ku casuumay Madaxweyne Farmaajo. Sac