Galmudug oo Guddi u saartay Shaqaaqadii ka dhacday Dhuusamareeb

0
Wednesday July 01, 2020 - 18:56:53 in Wararka by
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galmudug oo Guddi u saartay Shaqaaqadii ka dhacday Dhuusamareeb

    WASIIRKA AMNIGA GALMUDUG AXMED MACALIN FIQI Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hadashay dagaal Maanta Magaalada Dhuusamareeb ku dhex-maray Ciidamo ka kala tirsan kuwa Haramcad ee Booliska gaarka ah iyo kuwa Nabadsugida,dagaalkaas o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WASIIRKA AMNIGA GALMUDUG AXMED MACALIN FIQI Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hadashay dagaal Maanta Magaalada Dhuusamareeb ku dhex-maray Ciidamo ka kala tirsan kuwa Haramcad ee Booliska gaarka ah iyo kuwa Nabadsugida,dagaalkaas oo geystay khasaaro kala duwan. War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Guddi baaritaan loo saaray dhacdadaas,waxaana saraakiisha Ciidamada loogu baaqay inay xasiloonida ilaaliyaan. "Wasaaradda Amniga Gudaha Gamudug waxey u saartay guddi baaritaan iyo xaqiiqo raadin ah shaqaaqo iyo gacan ka hadal muddo kooban ku dhexmartay laba ciidan maantay magaalada Dhusamareeb, Wasaarardu waxey ciidamada ugu baaqaysaa in ay ilaaliyaan xasiloonida deegaanada ay ka hawlgalaan iyo sumcadda ciidamada qalabka sida.
Wasaaradda Amniga ayaa sidoo kale sheegtay in Guddiga Wasaaraddu arrintaan u xilsaartay uu soo baari-doono sababta keentay isku dhacaas iyo haddii ay jirto dhibaatooyin bulshada ka soo gaaray shaqaaqadaas.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip