Dad ku dhintay Dooni sidday muhaajiriin oo ku degtay Turkiga

0
Wednesday July 01, 2020 - 18:54:02 in Wararka by
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad ku dhintay Dooni sidday muhaajiriin oo ku degtay Turkiga

    Doonida oo ku degtay harada Lake Van ee bariga Turkiga ayaa la rumeysan yahay inay waday ilaa 60 qaxooti iyo muhaajiriin ah, kadib markii ay haleeshay duufaan jihada ka qaladay, sida uu sheegay Wasiirka Arimaha Gudaha Suleyman Soyl. Isagoo wariyeyaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doonida oo ku degtay harada Lake Van ee bariga Turkiga ayaa la rumeysan yahay inay waday ilaa 60 qaxooti iyo muhaajiriin ah, kadib markii ay haleeshay duufaan jihada ka qaladay, sida uu sheegay Wasiirka Arimaha Gudaha Suleyman Soyl. Isagoo wariyeyaasha kula hadlayey gobolka Van Wasiirka Arimaha Guddaha ayaa waxaa uu sheegay in mas'uuliyiintu ay xireen 11 qof oo lala xiriirinayo masiibadaan. Howlgallada baadi goobida iyo badbaadinta ayaa uu tilmaamay in ay socdaan, isagoo raaciyay in lix mayd ah laga soo helay illaa hadda Harada. "Macluumaadka uu wasiirka arrimaha guduhu haysto waxay kuxirantahay maragkacayaasha marqaatiga ah," ayuu yiri Sinem Koseoglu oo ah Sargaal sare oo Al Jazeera u wamaray. Madaxa tuulo u dhow harada Lake Van oo booliska ku wargaliyay inay doontu ku degtay, ayaa yiri "wali way socdaan baadi goobka" Sida laga soo xigtay iyaga, doonta, oo lahayd 20 awood, ayaa buux dhaafiyey oo degtay kadib markii ay ku dhowaad 8km (5 mayl) u jirtay biyaha harada. Harooyinka u dhow xadka Turkigu la leedahay Iran,ayaa badi ah halka qaxootigu si joogto ah ugu gudbaan, iyagoo u sii jeedda Yurub.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip