
Soomaaliland oo xukun ku riday Nin kufsi & dil geystay
Maxkamadda gobolka Awdal ee Soomaaliland ayaa Maanta waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Nin horay Gabar u kufsaday kadibna dilay, falkaasi oo ka dhacay degmada Garbadadar ee gobolka Awdal.
Ninka Xukunka lagu riday oo lagu Magacaabo Cabdi Siciid Muuse ayaa waxaa la sheegay in uu kufsi iyo dil uu u geystay Gabar yar oo lagu Magacaabi jiray Shukri Yuusuf Xuseen.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal Cabdiraxmaan Geedi Barre ayaa sheegay in kaidb markii falkaasi kufsiga iyo dilka ah uu kusoo cadaaday Cabdi Siciid Muuse ay Maxkamadda ku xukuntay dil toogasho.
Xeer ilaalinta Gobolka Awdal ayaa sheegtay in Maxkamadda Gobolka ay ku qanacsan yihiin xukunka ay rideen,isla markaana ay u arkaan in uu yahay mid cadaalad ah.
Qaar kamid ah Ehellada Marxuum Shukri Yuusuf Xuseen ayaa soo dhaweeyay xukunka Maxkamadda, iyaga oo sheegay in Gabadhooda ay xaquuqdeedii ay heshay kuna sabrayaan.
Falka kufsiga iyo dilka ah ayaa waxaa Marxuum Shukri Yuusuf Xuseen loo geystay 16-kii Bishii Febaraayo ee sanadkaan 2020, waxaana xilligaasi wixii ka dambeeyay socday baaritaano ku aadan falkaas.

Soomaaliland oo xukun ku riday Nin kufsi & dil geystay
Maxkamadda gobolka Awdal ee Soomaaliland ayaa Maanta waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Nin horay Gabar u kufsaday kadibna dilay, falkaasi oo ka dhacay degmada Garbadadar ee gobolka Awdal. Ninka Xukunka lagu riday oo lagu Magacaabo Cabdi Sici