Garoonka Muqdisho oo marti gelinaya cayaartii ugu horeysay tan iyo 2004-tii.

0
Monday June 29, 2020 - 09:29:51 in Wararka by
  • Visits: 2698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garoonka Muqdisho oo marti gelinaya cayaartii ugu horeysay tan iyo 2004-tii.

    Waayihiin mugddiga ahaa ee garoonka kubabdda cagta Muqdisho ayaa soo dhamaaday, waxaana rumoobaya riyooyinkii mudada dheer soo jiray marka uu garoonku marti geliyo cayaartii ugu horeysay muddo 16 saanadood ah maalinta talaadada ah ee inasoo aadan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waayihiin mugddiga ahaa ee garoonka kubabdda cagta Muqdisho ayaa soo dhamaaday, waxaana rumoobaya riyooyinkii mudada dheer soo jiray marka uu garoonku marti geliyo cayaartii ugu horeysay muddo 16 saanadood ah maalinta talaadada ah ee inasoo aadan. Naadiyada MCC iyo Horseed SC ayaa ku loollami doona cayaarta dib u furitaanka garoonka oo dhici doonta maalinta talaadada ah ee inasoo aadan oo bisha June tahay 30. Labada koox ayaa hada kaalimaha hore kaga jira horyaalka SPL waxaana xiriirku go'aamiyay in labadoodu dheelaan cayaarta ugu horeysa maadama ay horyaalka ugu sareeyaan hada socda. Waxaa loo dhigi doonaa koob hal maalin ah oo ujeedadiisu tahay in lagu maamuuso dib u howl-gelinta garoonka Muqdisho oo ah hoyga xulka qaranka Soomaaliya. Wasiiradda dhallinyarada iyo cayaaraha Marwo Khadiija Maxamed diiriye iyo guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab yaa goobta cayaarta kusoo dhaweyn doona madaxweynaha jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed oo laadi doona kubbada ugu horreysa cayaarta.                    Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka Cabdiqani Saciid Carab ayaa sheegay in dib u howl-gelinta garoonka loo aqoonsan doono tallabadii ugu weyneyd ee dhinaca horumarka kubbadda cagta ah ee sanadka 2020-ka. Wuxuu guddoomiyuhu uga mahadceliyay dowladda Soomaaliya in ay garoonka kusoo celisay gacanta shacabka Soomaaliyeed.

       "Garoonka Muqdisho hadda waa diyaar, xiriirka kubabdda cagta Soomaaliyana wuxuu aad ugu faraxsan yahay in uu shaaciyo in xulka qaranka Soomaaliya ay mustaqbalka dhaw ku cayaari doonaan gurigooda. Garoonku wuxuu sidoo kale marti gelin doonaa cayaaraha kale ee xiriirku qabto”ayuu yiri guddoomiyaha xiriirka kubbada cagta dalka oo sheegay in sidoo kale xarunta xiriirka laga dhisi doono meel aan ka fogeyn garoonka iyadoo dhaqaalahana ay bixin doonto hey’ada FIFA.

Warbhixin kooban oo ku saabsan taariikhda garoonka.

           Garoonka kubbadda cagta Muqdisho oo ah guriga xulka qaranka Soomaaliya, waxaa la dhisay sanadku markuu ahaa 1978-kii waxaana dalka Soomaaliya u dhistay dowladda Shiinaha. Garoonku wuxuu marti geliyay cayaaro badan oo isugu jira kuwo qaaradeed, kuwo heer caalami ah, cayaraha bariga iyo bartamaha Africa iyo sidoo kale cayaaraha Carabta.

         Cayaartii ugu horreysay ee lagu qabtay garoonka Muqdiho waxay dhex martay qaranka Soomaaliya iyo koox ka socotay dalka Shiinaha oo la yiraahdo Leonen, wxaana ay ahayd cayaartii lagu furay garoonka.

            Markii dagaalladu ay ka qarxeen dalka Soomaaliya sanadkii 1991-kii, garoonka Muqdisho wuxuu ka mid noqday xarumo muhiim ah oo dagaalada ku xirmay ama ku burburay. Mudadii u dhexeysay 1993-1995-kii waxaa garoonka daganaa oo isaga dambeeyay ciidamadii Mareykanka iyo kuwii Pakstan ee dalka Soomaaliya u joogay howlgalkii nabad ilaalinta ee fashilka ku dhamaaday.

          Kaddib bixitaankii ciidamadii UN-ka waxaa garoonku dib ugusoo laabtay gacanta xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya. Qeybihii dambe ee sanadkii 1995-kii waxaa garoonka dib uga furmay cayaaraha kubbadda cagta, waxana tartankii ugu horeeyay burburka kaddib ee lagu qabto garoonka Muqdisho uu ahaa tartankii loogu magac daray IFTIINKA NABADDA, kaas oo daba socday tartankii ka horeeyay ee loogu magac daray KOOBKII RAJO SOO CELINTA ee lagu qabtay garoonka Banaadir.

           Markaa kaddib tartamadu si caadi ah ayay ugasii dhacayeen garoonka Muqdisho, ilaa laga gaaray 2004-tii oo horyaalkii ugu dambeeyay lagu qabtay, waxaana horyaalkaas ku guuleysatay naadigii la oran jiray Banaadir Telecom oo hada loo yaqaano MCC.

            Tartankaas oo ay ka qeyb galeen 8 kooxood ayaa muddadii uu socday waxaa guud ahaan la dhaliyay 109 gool, waxaana gool dhalinta sanadkaas ku guuleystay cayaaryahan Maxamed Nuur Cabdi (Shaarkeey).

            Kooxihii xilligaas ka qeyb galay horyaalka dalka waxay kala ahaayeen: Banaadir Telecom oo hadda ah MCC, Elman, SITT oo hadda ah Saxafi FC, Dekedda,Suppershel oo hadda ah Gaadiidka,Feynuus oo hadda noqotay Horseed, Badbaado iyo Gasco.

             Muddadii u dhexeysay 2007-2009 waxaa garoonka dagay ciidamadii Itoobiyaanka ee caawinayay dowladda Soomaaliya, laakin dhamaadka bishii Janaayo ee sanadkii 2009 ayaa waxaa garoonka la wareeyay qolyaha Islaamiyiinta oo daganaa tan iyo 6-dii Agoosto 2011-kii, xilligaas oo ay hadana dageen ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.

           Ugu dambeyn waxaa ciidamada AMISOM ay garoonka isaga bexeen 28-kii Agoosto sanadkii 2018-kii xilligaas oo ay ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliyeed la wareegeen amaankiisa. Hadda waxaa soo dhamaaday dib u dhiskii garoonka wuxuuna dib ugusoo laabtay gacanta shacabka iyadoo loo adeegsan doono ujeedooyinkii markii hore loo dhisay oo ahaa in lagu horumariyo kubbadda cagta Soomaaliya.

Waaxda Warfaafinta Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya

Email:info@somsoccer.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip