Diblomaasi Turkiga u dhashay oo loo doortay Madaxweynaha Qaramada Midoobey

0
Thursday June 18, 2020 - 12:34:31 in Wararka by
  • Visits: 201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diblomaasi Turkiga u dhashay oo loo doortay Madaxweynaha Qaramada Midoobey

    Diblomaasiga u dhashay dalka Turkiga ee Amb. Volkan Bozkir ayaa Arbacadii loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha 75aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey. Diblomaasigan ayaa cod aqlabiyad leh lagu soo doortay, isagoo helay 178 ka mida 189 codbixiy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diblomaasiga u dhashay dalka Turkiga ee Amb. Volkan Bozkir ayaa Arbacadii loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha 75aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey. Diblomaasigan ayaa cod aqlabiyad leh lagu soo doortay, isagoo helay 178 ka mida 189 codbixiye-yaal oo wax dooraneysay, iyadoo 11 oo qura ay maya ugu codeysay. Amb. Volkan Bozkir ayaa ahaa musharaxii keliya ee jegadaasi isu soo sharaxay, waxaana uu noqonaya diblomaasigii ugu horeeyay oo reer Turki ah, oo xilkaasi loo doorto.

      Tallaabada lagu soo doortay ayaa waxaa si diiran u boggaadiyay, oo u soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu.

"Marka la tilmaamo magacaabista Madaxweynaheena waxaa loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha 75aad ee Qaramada Midoobey, iyadoo taageero buuxdo uu ka helay xubnaha Qaramada Midoobey, hambalyo Danjire Bozkir guushaan aad gaartay.” Ayuu yiri Wasiirka.

          Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa xusay in tani ay muujineyso booska xushmadda leh ee Xukuumadda Ankara ku dhex leedahay Qaramada Midoobey, isla-markaana ay taageeri doonaan dadaalka Madaxweynaha cusub ee la doortay.

"Taasi waxay cadayn u tahay booska xushmadda leh ee Turkiga, wuxuuna taageeri doonnaa dadaalkiisa oo dhan.” Ayuu yiri Wasiir Çavuşoğlu oo warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

           Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya ayaa soo dhaweeyay tallaabada diblomaasigan loogu doortay Madaxweynaha 75aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Bozkir ayaa 15-ka bisha September ee sanadkan xilka kala wareegi doono Tijjani Muhammad-Bande, Madaxweynaha weli talada Golaha Guud ee Qaramada Midoobey haya.

            Mr. Tijjani ayaa xafiiska joogay tan iyo 17-kii bishii September ee sanadkii 2019, xilli uu horey u soo noqday Madaxweyne Kuxigeenka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey,bishii September ee sanadkii 2016.

          Madaxweynaha cusub oo 69 jir ah ayaa 39-kii sano ee la soo dhaafay ka soo shaqeynayay arrimaha diblomaasiyadda, waxaana uu horey u soo noqday Danjiraha Romania, La taliyaha Qunsulka Guud ee New York, Kuxigeenka Qunsulka Guud ee Stuttgart, Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Baghdad, Wakiilka Joogtada Turkiga ee Midowga Yurub, Wakiilka Joogtada Turkiga ee OECD iyo xilal kaloo badan oo uu soo qabtay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip