Rio Ferdinand Oo Sheegay Inuu Xagaaga Wada Bedeli Lahaa Ciyaartoyda Kooxda Liverpool Madaama Uusan Ku Jirin Hal Ciyaaryahan Oo Halis Ah.

0
Thursday March 03, 2016 - 11:52:38 in Sports News by
  • Visits: 714
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rio Ferdinand Oo Sheegay Inuu Xagaaga Wada Bedeli Lahaa Ciyaartoyda Kooxda Liverpool Madaama Uusan Ku Jirin Hal Ciyaaryahan Oo Halis Ah.

    Halyeeyga Manchester United Rio Ferdinand ayaan sameynin wax ay ku jeclaadaan taageerayaasha Liverpool mudadii sannadaha aheyd, waxaana uu qiimeyn aad u adag uu ku sameeyay ciyaartoyda haatan ee kooxda Liverpool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halyeeyga Manchester United Rio Ferdinand ayaan sameynin wax ay ku jeclaadaan taageerayaasha Liverpool mudadii sannadaha aheyd, waxaana uu qiimeyn aad u adag uu ku sameeyay ciyaartoyda haatan ee kooxda Liverpool.

Isagoo ka hadlayay istuudiyaha BT Sport oo tabinayay ciyaartii Anfield ee Liverpool iyo Manchester City, Ferdinand ayaa shaaca ka qaaday inuu bedeli lahaa ciyaaryahan walba oo Liverpool ah marka la gaaro xagaaga.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa wajahaya xilli ciyaareed adag iyagoo ku dhibtoonaya inay u soo tartamaan kaalinta afaraad ee loogu soo baxayo Champions League iyo finalkii Capital One Cup ee laga badiyay.

Liverpool-v-Manchester-City

"Waan jelcaan lahaa inaan halkaan imaado oo aan la ciyaaro kooxdaan Liverpool. Maba arko cid halis ah oo hanjabaad geysan karta” ayuu yiri Ferdinand.

"Inta aan fiiriyo kooxdaan ma dhahayo waxaa jira ciyaaryahan i dhaawici kara. Ma jiro cid kugu celineysaa booskaaga gabi ahaanba.

"Haddii aan ahaan lahaa Jugen Klopp waxaan noqon lahaa mid walwalsan. Waxaan ka fekeri lahaa wixii aan sameyn lahaa suuqa kala iibsiga ee xiga.”

Ferdinand ayaa waxaa markaas ka dib su’aal weydiiyay qabiirka kale ee ay istuudiyaha isla joogeen Steve McManaman kaasoo weydiiyay inta ciyaaryahan ee uu bedeli lahaa xagaaga.

"Dhamaantood ayaan bedeli lahaa” ayuu ku jawaabay. "Waad wada bedeli kartaa dhamaantood haddii aad dooneysid.

"Nathaniel Clyne ayaa qaab ciyaareed joogta ah soo bandhigaya, Henderson isna waa kabtanka sidaasi darteed ma arkeysid labadaas oo la bedelayo.”

Paul Scholes ayaa ku raacay: "Labada nin ee ugu halista badan waa Sturridge iyo Coutinho, waxaana qabaa inay sii joogi doonaan kooxda ilaa sannadka danbe, waxay u baahan yihiin inay ciyaartoydaan udub dhexaad uga dhigaan dhismaha kooxdooda.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip