Sawirro: Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo ka furmay Jabuuti

0
Sunday June 14, 2020 - 15:45:10 in Wararka by
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo ka furmay Jabuuti

    Waxaa goor dhow Qasriga Madaxtooyada Jabuuti ka furmay wada hadaladii u dhaxeeyay Madaxda Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo ay goobjoog ka yihiin Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa goor dhow Qasriga Madaxtooyada Jabuuti ka furmay wada hadaladii u dhaxeeyay Madaxda Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo ay goobjoog ka yihiin Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Shirkan ayaa ah kii ugu heerka sareeyay ee labada dhinac, tan iyo markii uu bilowday wada hadalada, waxaana gadaal ka riixaya dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub oo doonaya in dib loo soo celiyo Midnimada Soomaaliya.                           Wararka qaar ayaa sheegaya in shirkan uu yahay mid hordhac ah, isla markaana ay dhici doonaan shirar kale oo gaar gaar ah, oo u dhaxeyn doona wafuuda labada dhinac kala matalayaan.

            Arrimaha kale ee shirka ku dahsoon ayaa ah barnaamijka is dhex galka Geeska Afrika oo uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ah sidii bulshada ku nool Geeska Afrika is dhexgal dhaqan dhaqaale u dhex mari lahaa.

            Mareykanka ayaa door weyn ku leh arrintan, iyadoo uu wakiil uga yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo labadii sano ee u dambeeyay soo waday hindisahan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip