Mucaaradka Somaliland Qaarkood oo diiday ka qeyb galka Shirka Jabuuti

0
Saturday June 13, 2020 - 22:00:02 in Wararka by
  • Visits: 210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucaaradka Somaliland Qaarkood oo diiday ka qeyb galka Shirka Jabuuti

    Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in uu hadda ka soo horjeedo kulanka la filayo in uu dalka Jabuuti ku dhex maro madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya. Geeska kale, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Wadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in uu hadda ka soo horjeedo kulanka la filayo in uu dalka Jabuuti ku dhex maro madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya. Geeska kale, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani Cabdirisaaq Khaliif ayaa sheegay in ay si buuxda u taageersan yihiin kulankaasi. Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in aan la joogin wakhtigii lala hadli lahaa dawladda uu madaxweyne Farmaajo, hoggaamiyo. "Aniga jeermaan ahaan mawqifkaygu waxa weeyi horena waan uga soo horjeeday horena waan u sheegay in aan kulankaasi aanu maanta meesha qaban, wakhtigeediina aanu ahayn" ayuu yiri Faysal Cali Waraabe. "Dawladda Soomaaliya ee maanta lala kulmayaana aanay ahayn dawlad mutaysatay in lala kulmo ayaan u arkaa, markaa guud ahaan kama soo horjeedno in Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlaan hase ahaatee dawladda hadda joogta ood ogtahay dhibaatooyinka ay la raadiyeen Somaliland iyo heshiisyadii ay ka baxeen, iyo kii u dambeeyey ee ninkaa arimaha dibada u qaabilsan wixii uu ku hadlayey in la horfadhiistaa waxaan u aragnaa in ay tahay guul darro ku timi Somaliland."ayuu yiri Mar kale Faysal Cali Waraabe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip