Somaliya waxa ey leedahay in ka basan 59 Jasiiradood.!!!!!. =Yaah, Ha degdegin ee sug, waxna hubso, waa Run=.

0
Sunday May 17, 2020 - 11:11:37 in Wararka by
  • Visits: 1593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliya waxa ey leedahay in ka basan 59 Jasiiradood.!!!!!. =Yaah, Ha degdegin ee sug, waxna hubso, waa Run=.

    Hor dhac. Jaziirad maxaa la yiraa?. waa Dhul dhinac kasta biyo uga wareegsan yihiin, ama Caksiga "Haro", oo ah Biyo dhinac kasta Dhul uga wareegsan yahay, Caalamka waxaa jiro Jasiirado aad u yar yar oo aan ka weyneyn 100miter oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hor dhac. Jaziirad maxaa la yiraa?. waa Dhul dhinac kasta biyo uga wareegsan yihiin, ama Caksiga "Haro", oo ah Biyo dhinac kasta Dhul uga wareegsan yahay, Caalamka waxaa jiro Jasiirado aad u yar yar oo aan ka weyneyn 100miter oo isku wareeg ah, iyo Jasiirado ah hal waddan. Badanaa Waxaa dhacdo in wadamadu ey isku absadaan ama ku dagaalaan lahaanshaha Jasiirad aan ka eeyneeyn Garoonka Kubadda Cagta sida Ugandha iyo Kenya oo isku heeysto "Jasiiradda Migingo" oo la eg Garoonka Kubbadda Cagta,horena ugu dagaalay Milkiyadeeda . Jasiiradaha waxaa loo isticmaalaa in Berriga laga ilaaliyo, ama Dad ayaa ku nool oo wax soo saarka ayeey ka qeyb qaataan, Kheyraadka Badda hoosteedaa sida Shidaalka ayaa lagu milkiyaa, inta bandanna Xarumo Dal xiis ayaa laga dhigtaa. wadamaduna waa ku xisaabtam aan Taako kasta oo Dhulkooda ka mid ah Badda iyo berr igaba , hadeeynan aheeyn Muwaadiniin war moog ah oo ey ugu horeyaan Anniga iyo Adiguba. Bal Fiiri, Sawirada Dayax Gacmeedka, min Raas Kanbo ni ilaa Kismayo, waxaa ku yaal 26 Jaziiradood oo ah kuwa yar yar iyo kuwa waaweeyn, ( kuwa u dhexeeyo 50 Miter. Sq. illaa 10 km. Sq ) ( F.S: 1-4) in kasta oo Dadka qaar ey yir aahdiin Jaziiradaha la isku yiraa "Baajuuni Islands" ee So malidu waa 6 Jasiiradood. Taasi waa been, intaana waa ka badan yihiin, waxa ey ku soo koobmaan Jasiiradaha: Buurgabo, Istanbuul, Jawaay, Juula, Kalbiyow, Koyoma, Kudhaa, Kufaaye, Madhawa, Raaskambooni, Fuuma iyo kuwa kale. Bal fiiri, Bilicda Jasiiradaha Somalida ee Baajuuni Islands ( F.S: 5-14)

               Xeebta Barawe waxaa ku yaal 5 jaziiradood waxaa ugu caansan tan Magaalada ( F.S: 15aad). Mid kale oo aad u yar ayaa iyana ku taal Xeebta Jasiira ee Mogadishu ( F.S: 16aa) waxaa kale oo jira Jasiirado yar yar oo Xeebaha ku teedsan illaa Laas qoray, kadibna "Laas Qoray illaa Maydh” waxaa ku yaal jaziirado qaarkood dhererkeedu uu dhanyahay illaa 2 Sq. km.

Dhinaca Waqooyi ee Dalka .

            Dhinaca waqooyi ee Dalka hadaan fiirino , Sawirka 2aad ee Dayax Gacmeedka ,”Sacadin Island” waa Jasiiradda ugu weyn 6da Jasiirad ee Seylac, waxa eyna ku taal meel 15 km u jirto Magaalada Seylac. "Jasiiradda Ceebaadna” waa midda Labaad ee ugu weyn 6da Jaziiradood ee Seylac , waxa ey leedahay Munaarad ifta oo laga hago Safarada Badda .waxa ey leedahay Xeeb ku wanaagsan Dalxiiska iyo dhir, Jasiiradahaa waxa ey leeyhihiin "Wabi” ku dhax yaal Jasiiradda oo ku haboon Dalxiiska .( F.S:17-27aad)

            Tusaale=26+ 5+1+6=38+ kuwa yar yar ee u dhaw Xeebta sida tan Jazeera iyo illaa 20 kale waa 59. Jasiiradahaa loogama faa’iideeysan dhinaca Dalxiiska iyada oo qaarkood bilicda Deegaanka ka sokoow ey leeyihiin Noole soo jiidasho leh mid Badeed iyo mid Birri. Welina ma arag Cid ku hamisay in ey ka dhisto Hoteelo Dalxiis, waxaa intaa sii dheer Khuuriyo iyo Xeebo bacaad ah oo Bilic Dalxiis leh.

           Waxaa isga noolaa Jasiiradahaa Dad somaliya oo badankooda la hilmaamay, oo aan loo horuumarin Xirfadoodada kaluumeeysi, weliba lagu yasi jiray Xirfadahooda. Jasiiradaha Qaar ayaa la yiraa, Dowladii kacaanka ayaa ka dhisatay Xabsiyo lagu xiro Maxaabiista Siyaasada iyo Xaruma dhaqan celin, taa lafteedu waxa ey ciriiri galisay Nolosha Dadkii ku noolaa Jasiiradahaa.

Jasiirado Isticmaarkii Bililiqeeystay.

             Jasiirada Khuuri, waxa ey ku taal Guardafui Channel ee Punt Land, waxa eyna 100 km oo kaliyana u jirtaa Cape Guardafui oo somaliya ah, Laakin markii Ingriisku uu Jasiirada Socotra siiyay yeman ayeey sharci ahaan hoos tagtay Yeman. Labada Jasiirad ee Khuuri iyo Socotra yeman iyo Somalia waxa ey u dhaw yihiin Somalia.

               Si kastaba Khuuri iyo Seddex Jasiiradood oo kale waxa ey Somaliya u jiraan wax ka yar 370km. Xeerka UN ee exclusive economic zone ayaa mar kale nalagu xadiday. Inkastoo Somalia ey mar hore Codsi u gudbisay UN si looga hadlo Madax banaanida iyo Mustaqbalka 3daa jaziiradood. Laakin lama daba galin, waana mid ka mid ah sababihii Dowlada yeman ey ula safatay Ethiopia Dagaalkii 77.

                Jasiiradda "Abdal Kuri” oo badankeedu lama degaan yahay, waxaa ku nool noocyo Shimbiro ah waxa eyna leedahay Laba Buurood oo waaweyn oo ey kaluumeysato yari ku noolyihiin sida hareeraha "Tuulada Kimiya” oo ey degan yihiin Dad ka yar 1000 Qof. In kasta oo ey Yamani sheegato haddana cidi kama joogto Dowlada Yeman , waxa kaliya oo uga wakiil ah, hal Nin oo heeysto Isgaarsiinta Fooneeyaha Gacanta "Haloo Haloo”, oo 6dii Bilba mar la hadlo Dowladda Yeman, marmarna isagaaba la waayaa, waana Jasiirado aad ugu dhaw Somaliya .( F.S: 28-31aad)

Dalxiiska Jasiiradaha.

           Dalxiiska Jasiiradaha, Jasiiraduhu waa meelaha ugu badan Dalxiiska ,Dadku waxa ey u tagaan in ey ka nastaan buuqa Dhul weynaha. Waxaa laga dhisaa Hotelo ,waxaana la abuuraa Muuqaalo iyo Magacyo soo jiito Dalxiisa yaasha.

              Ardaydeeydii hore qaarkood oo weliba Somali ahaa, ayaa igu Casuumeen in aan Dalxiis u tagno "Jasiiradda Longkawi”, (waana uga Mahadcelinayaa Ardaydaa), Hal habeen oo kaamil ah ayaa Markab Dalxiis ugu safray laga bilaabo Magaalada "Kuala Lumpur” ilaa "Jasiiradda Longkawi” oo isku jiro 413 Km. Si aan u soo arko jasiirada Longkawi, Taalada Gorgorka iyo Jasiiradda Gabareey Maanyada Uurka leh ( Jasiirada Gabarey Maanyada Uurka leh oo ah mid ka mid ah Jasiiradahala isku yiraa Longkawi Islands ,waa Jasiirad yar oo hal dhagax ah baddana ku dhax taal, dhinacna Bacaad ka ah, waxa ey leeyihiin Bacaadkaa ayaa Galabtii waxaa fadhiisan jiray Gabareey Maanyo Uur leh oo Timaha ku Shanleeysan jirtay) u maleeymaayo in ey Sheekadu dhab tahay, laakin Qof kasta in uu tago ayuu rabaa ,Lacag ayaana lagaaga Qaadaa.

           Maxaa noo diiday in aan Anaguna dhahno, Somaliya waxaa ku taal Jasiiradii ey ku soo dageen Noolayaashii la yaanka lahaa ee Xiddigaha Sare ka yimid, si Hadalkaasi u soo jiito Dalxiisa yaasha. Reer kismaayo iyo Reer Seylac intaa ayeey Lacag ku heli lahaayeen. ( F.S: 32-38aad).

              FG: Waa hubaa in kuwa badan oo aan ka mid ahay eyna aqoon Jasiiradaha wadankooda iyo sida looga faa’iideeysan karo. Dhagax kasta oo badaada ku dhax yaal waa Jasiirad Somaliyeed oo deegaan ahaan looga faaiideysan karo. 10 Miter oo ah dhagax badda ku dhaxyaal ayaa Dunida la degan yahay. Hadda wax ma ka fahamtay Jasiiradaha Dalkaaga, Haddii aadan weli fahmin, iska bax, ha ka dhumin Gurgaaga, waxaad tahay Damiin Aniga oo kale ah. …Iga Raali Noqo.

Wixii aan ka khalday ka sax, wixii iga dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip