Trump oo shaaciyey go'aan xasaasi ah oo laga yaabo in Mareykanka uu ka qaato Shiinaha

0
Friday May 15, 2020 - 17:43:32 in Wararka by
  • Visits: 289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo shaaciyey go'aan xasaasi ah oo laga yaabo in Mareykanka uu ka qaato Shiinaha

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan dooneyn inuu la hadlo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, wuxuuna soo jeediyey in laga yaabo in gebi ahaan uu xiriirka u jaro dalka labaad ee ugu dhaqaalaha xooggan caalamka. Wareysi uu siiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan dooneyn inuu la hadlo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, wuxuuna soo jeediyey in laga yaabo in gebi ahaan uu xiriirka u jaro dalka labaad ee ugu dhaqaalaha xooggan caalamka. Wareysi uu siiyey taleefishinka Fox Business, ayuu Trump ku sheegay inuu aad uga niyad-jabsan yahay guul-darrada China ay ku xakameyn weysay faafitaanka cudurka Coronavirus, oo sida uu sheegay iminka halis ku ah heshiiskii ganacsi ee bishii Janaayo uu la gaaray Beijing. "Ma ahayn in marnaba ay ogolaadaan in tani ay dhacdo," ayuu yiri Trump. "Waxaan la galay heshiis ganacsi oo weyn, hase yeeshee iminka sidii hore ma dareemayo, warqaddii lagu qoray heshiiska weli waa qoyneyd, balse waxaa yimid safmareenkan, mana muuqato hadda sidii hore."                 Carrada Trump ee ka dhanka ah Shiinaha ayuu sidoo kale kusoo daray madaxweyne Xi oo marar badan uu sheegay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay.

                      "Ma doonayo inaan iminka la hadlo,” ayuu yiri Trump oo wareysiga uu siiyey Fox Business ee la duubay Arbacadii lasii daayey Khamiistii.

                Trump ayaa wax laga weydiiyey soo jeedin ka timid Senator Jamhuuri ah, oo ah in dal-ku-galka Mareykanka loo diido ardayda Shiinaha ee codsanaya waxbarashada xiriirka la leh amniga qaranka.

                "Waxaa jira waxyaabo badan oo aan sameyn karno, waxaana ka mid ah in gebi ahaan aan xiriirka u jarno,” ayuu yiri.

     "Haddii aan sidaas sameyno, maxaa dhici doona, waxaad keydsan kartaa 500 oo bilyan oo dollar,” ayuu yiri Trump oo tixraacaya qiimaha badeecadaha sanad kasta uu Mareykanka kasoo dhoofiyo Shiinaha.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha Zhao Lijian ayaa maanta weriyayaasha ugu sheegay magaalada Beijing in joogteynta xiriirka ay dan ugu jirto labada dalba, oo dadkooda ay ka faa’iidayaan nabadda iyo xasiloonida caalamka.

REUTERS + VOA




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip