
HALKAN KA AKHRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY 9-MAY-2020
RW Kheyre oo faray Xubnaha Guddiga inay badiyaan wacyigelinta Bulshada COVID19.
Shirka fogaan-aragga ee Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19 ayaa Habeen hore qabso omay, waxaana Shir guddoomiyay R/Wasa araha JFS Md.Xasan Cali khayre,iyada oo lo oga hadl ay qodobo dhowr ah. Shirka ayaa waxy aabaha looga ha dlay waxaa ka mid ahaa ball aarinta wacyig elinta bulshada, gaar ahaan dha llinyarada oo ah tirada u gu badan ee laga helayo fe yraska Carona. R/Wasaare Kheyre ayaa far ay Xubnaha Guddiga inay badiyaan wac yigelinta Bulshada ee la xiriirta ka hortagga Cudurka safmareenka ah ee COVID-19.
Guddiga ka hortagga Cudurka COVID-19 ee uu Guddoomiyaha ka yahay R/Wasaare Kheyre ayaa waxaa ay yeesheen kulan joog to ah,kaas oo laga soo saaro go’aamo looga hortagayo Coronavirus,kuwaas oo qaarkood aan weli dhaqan gelin.
Kulamo lagu xalinaayo dagaal Beeleed dhacay oo ka bilaawday Galgaduud
Xdhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Do wlad Goboleedka Galmudug oo deegaan do orashoodu tahay Dhuusamareeb iyo Saraaki il Ciidan Ciidan Ciidan ay bilaabeen kulamo lagu xalinaayo saga ka dhacay deegaan ku yaalla duleedka Magaalada Dhuusanareeb.
Xildhibaanada oo Dorraad gelinkii dambe gaaray de egaanka Qalaanqale.
Qalaanqale ay la kul meen saraakiisha Ciida mada Qalabka sida iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada si xal lo oga gaaro dagaalka ka degaankaas.
Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida oo dhawaan gaaray degaanka Qalaanqale ay aa ku guuleystayinay xabad joojin kala dhex-dhigaan maleeshiyaadka dagaalamaya, wa xaana socda kulamo kala duwan oo lagu soo afjarayo dagaal beeleedka.
Xildhibaannada ka tirsan Baarlamaanka Galmuudg iyo Saraakiisha Ciidamada Qalab ka sida ayaa isku dhacay in go’aan rasmi ah laga soo saaro colaada sababtay khasaara ha dhimasho iyo midka dhaawac ee gaaray Shacabka ku nool degaanka Qalanqaale.
Deegaanka Qalanqaale oo ku yaalla Ga lbeedka M/Dhuusamareeb ayaa maleeshiya adka dagaalamay waxaa ay isku heysteen dhul ku yaalla deegaankaas,waxaana xaala du ay tahay mid degan maadaama Ciidamo la kala dhex-dhigay.
Qabuuraha Muqdisho oo ay buuxdh aafiyeen dadka dhimanaya!!!
kiisaska COVID19 ee Soomaaliya waxay ku sii dhaw yihiin 1000 kiis, iyadoo labadii to dobaad ee lasoo dhaafay la diiwan galiyay kiisaskii Covid-19 ee ugu badnaa.
Inkastoo wali uu faafitaanka xanuunka uu jiro haddana mas’uuliyiinta magaalada Muqdisho ayaa ka digaya in tirada dadka xanuunka qabo ama u dhimanayo xanuunka ay intaas ka badan tahay.
Warihaya BBC-da ee M/Muqdisho Bella Sheegoow oo warbixintan Muqdisho ka soo diyaarisay ayaa sheegtay iney qa bruurihi hore ee Muqdisho ay buuxsameen oo haatan dadka lagu aaso qabuuro cusub.
Afar qoys oo mid walba uu qof ka dhintay ayaana qabuuraha joogay, wajiyadooda mur ugo ayaa ka muuqatay, waxay waayeen xub in qoyskooda ka tirsan oo aan dib ugu soo noqoneyn. Ilaa hadda ma cadda inta ay la’eg tahay tirada dadka Muqdisho dhexdee da Coronavi rus ugu dhimanaya, laakiin dad ka xabaalah an joogo ayaa BBC u sheegay inuu korar ku yimid qabriyada ay qodaan iya ga oo sheeg ay iney maalinkasta qodaan ilaa 20 qabri.
"Sidaad ogtihiinba markii hore ilaa iyo 450 qabri iyo wax ka agdhow ayay qabuura ha ahaan jireen laakiin bishan 558 ayey ahaayeen marka 100 baa ku korortay, waa bishi la soo dhaafay ee afaraad taasoo mac naheedu yahay maalin walba 3-4 qof ku dha waad oo siyaada ah ayaa halkan la keenay ey.
Marka dadweynihi oo xawaalaha loo soo dahweeyeywey noqon kartaa dhibka jirana qayb ayuu ka yahay taa lama inkiri karo” ay uu yiri guddoomiaha qabuuraha barakaat Cali Wehliye. Qabuuraha Muqdisho
Cudrka COVID19 wuxuu ku faafay gobolla da dallka oo dhan, dadka caafimaadka ka shaqeeya ayaana dagaal kula jira xanuunk an laakiinse Soomaalia malahan awood ka ga hortagto ama ay kula socoto tirada saxda ah ee xanuunkan, waxaanay sidoo kale lah ayn adeegyo caafimaad oo awood u leh da waynta dadka uu xanuunka uu soo rito.
DFS ayaa sheegtay iney dad 40 qof ka badan ay u geeriyoodeen xanuunka corona. Laakin duqa M/Muqdisho ayaa sheegay in 2dii todobaad ee la soo dhaafay ay maamu lka G/Banaadir uu diiwaan galiyeen 500 oo dhimasho, tiradaan ayaa aad uga badan intii hore u dhiman jirtay waxuuna u badiyay inay covid-19 u dhinteen dadka geeriyooday.
"Waxaan soo billaawnay inaan gudbinno tir ada meyd ee qabuuraha la geeyo maalin wa lba 19-ka Apriil ilaa iyo Xalay warbixintaasi waa gudbinnay. Shalay 32 meyd ayaa la soo aasay, tiradi ugu badneed oo aan gudbi nno maalin qur ah waxay ahayd 49, tirada u gu yareyd oo aan gudbinnayna waxay ahayd 22” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka banaa dir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxammed (Cumar finish).
Xirfadlayaasha caafimaadka ee ka how lgala M/Muqdihso ayaa duqa Magaalada ba di ku raacsan hadalkiisa, ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaana ka digay in ay dad ba dan ay fayraska corona ugu dhiman doon aan Soomaliaya, haddii aanay Soomaaliya caawinaad helinna ay xaalad xun gali karto
Lambarrada qabuuraha cususb loo diyaari yey
Cudurka Safmarka covid-19 waxuu saa meeyey mid ka mid ah adeegyada caafima ad ee ugu liita adduunka. Soomaaliya waxay leedahay wax ka yar 20 sariirood oo dar yeelka degdegga ah, waxaana aad ugu yar qalabka neefta ee ventilator loo yaqaanno waxay sidoo kale leedahay hal isbitaal dawl adeed oo la tacaalo bukaanka Covid-19.
Xaaladda ayaana si aad ah gacanta uga sii baxaysa xakameynteeduna ay adkaan do ontaa hadii aan degdeg wax looga qaban.
Xigasho:BBCSomali
Wasiirkii Hubka Dhigista iyo Dhaqancelinta maleeshiyaadka Hirshabelle oo geeriyooday
Wasiirkii Hub ka dhigista iyo dhaqan Cel inta Maleeshiyaadka Maamul goboleedka Hir shabelle Axmed Cumar Gaabow oo ku magac dheeraa Sheekh Libbi ayaa ku geer iyooday Shalay M/ Jowhar ee xarunta D/GHirshabelle.
Madaxweynaha DG/Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray maamulka gol aya asha iyo qoyskii uu ka geeriyooday Allaha u na xariistee Wasiirka Hub ka dhigista iyo dha qan Celinta Maleeshiyaadka Marxuum Axmed Cum ar Gaabow.
Madaxweynaha Waare oo ku hadlayay Af ka Golayaasha Dowladda, iyo Shacbiga Hirsh abelle ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey in uu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.
"Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Aad baan ugu naxay marka aan maqlay geerida Wasiir Xildhibaan Sh Libbi waxa uu ahaa shaq si karti iyo Wadaniyd ku sifoobay wax badan ka soo maray dhismaha D/Hirshabelle. ayuu yiri Waare.Marxuum
WHO oo ka digtay in COVID 19 uu Afrika ku dili karo in ka badan boqol kun qofood
Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka walaacsan xaaladda caafimaadka qaa radda Afrika, waxeyna ka digtay iney ti ro ka badan 100 kun oo qofood u geeriyo on kar to cudurka COVID19 ha ddii la gu guu ldareysto in bulshada ay ra acaan talaaboyinka lagu xakameynayo xanunka
Sida la sheegay WHO waxey saadaaliney saa in ku dhawaad 200,000 qofood ay u dhi man karaan safmarkaan haddii aan la raacin hababka looga hortago.
Matshidiso Moeti oo ah agaasimaha Afr ika ee hay’adda caafimaadka Adduunka ay aa qiray in Afrika uusan si xawli ah ugu fidin xan uunka, balse ay macquul tahay inuu sare u kac sameeyo hadii aan la raacin tallaabo oyinka looga fogaanayo.
WHO waxey soo jeedisay talooyin caafi maad oo ay tahay in la raaco si looga fogaa do xanuunka, balse in laga adeegsado qaar adda Afrika waa wax aad u hooseeya.
Haweeneyda WHO u qaabilsan Afrika wa xey warbaahinta u sheegtay in loo baa han ya hay dabagal dheer in lagu sameeyo baari ta an ada COVID19, sidoo kalana daaw eyn iyo kar antiilba loo sameeyo qof walba oo la ga helo.
Madaxweynaha Jubbaland oo Magacaa bis sameeyay
Madaxwaynaha D/G/Jubbaland Axmed Ma xamed Islaam ayaa Shalay Magacaabay Gu ddiga qaban-qaabada aaska Wasiirkii Wa saaradda Waxbarashada iyo Tacli inta Sare ee Jubba land ee dhaw aan ku geeriy ooday dalka Hindiya.
Guddiga ayaa ka kooban 7 xub nood oo iskugu jira madaxwayne ku-xi geenka 2aad ee Jubbaland, Wasiiro, gan acs ato iyo odayaasha dhaqanka.
24 Saac ee soo socota ayaa la filayaa in meydka Wasiirkii Waxbarashada Jubbaland la keeno M/Kismaayo,isla markaana Aaska ay ka qeyb galaan Madaxda Sare ee Maa mulka Jubbaland.
Hoos Ka Akhriso Magacyada Guddiga qaban qaraabada Aaska.
Barakac xooggan oo ka socda Beledweyne
Dadkii ugu badan ee ku nool Beledweyne ayaa Shalayy ka barakacaya Magaalada ka dib markii wabiga shabeelle uu fatahaad ka sam eeyay qeybo ka mid ah magaalada ha ba ugu badnaato xaafada xaawo taako.
Dadka ayaa la sheegay inay aadayaan dhi nca degaanka Ceeljaalle ee Duleedka Ma gaa lada Beledweyne si la mid ah ay sanad kii ho rey ay ku barakaceen waxaan jirto cab si xoog gan ah oo ah in guud ahaan Biyaha ay gaar aan Magaalada .
Maamulka G/Hiiraan kan D/Balad weye ne iyo Ganactasada oo iskaashanayaa ayaa maal mahaan waday howlo lagu carra-tuur ayo goo baha laga cabsi qabo inuu fatah aad ka sameeyo Wabiga waxa ana wali socdo da daalo lagu ka meynayo.
Safaaradda Mareykanka oo diyaarad u soo heshay muwaadiniinta ku xayiran Somaliya
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay shirkadda Itoobiyaan ah Ethiopian Airlines kala shaqeysay inay M/Mu qdisho kasoo qaaddo muwaadniniinta Mar eyk anka iyo dadka haysta deganaanshaha dal kaas.
Duulimaadkan, oo ku wa jahan garoonka diyaarada ha Dulles Airport ee gobol ka Virg inia ayaa waxa uu baxayaa 14-ka bi sha May, isaga oo sii maraya magaalada Addis-Ababa.
Diyaaraddan ayaa waxaa qorshuhu yahay inay qaaddo muwaadiniinta Mareykanka iyo da dka haysta Green Card-ka ee ku go’doon san Soomaaliya kadib markii duulimaadyada caala miga ah loo joojiyey sababo la xiriira cudurka Coronavirus.
Dadka doonaya inay ka soo baxaan Mu qdisho, oo badan kood Soomaali ah, ayaa waxaa laga doonayaa inay ayaga si gaar ah ticket-ka uga goostaan website-ka shirkadda Ethiopian Airlines. Sida ay safaaradda sheegtay, waa inay ka la goostaan laba ticket oo kala duwan oo hal dhinac ah (One way), oo mid yahay Muq disho ilaa Addis Ababa, halka kan kalena uu yahay Addis Ababa illaa Virginia.
Safaaradda waxay sheegtay in adeegan uu yahay sida loogu kala hormaro (first-co me, fir st-serve), oo inta qof ee ugu horgoo sataa ay bixi doonaan oo kaliya.
Safaaradda Mareykanka ayaa ku boorisay in cid kasta oo dooneysa inay ka baxdo So omaaliya ay ka faa’iideysato fursaddan, wax aana ay sheegtay in go’aan kasta oo la isku dhaafiyo fursaddan uu yahay mid ku talo-gal iyo ujeeddo lagu gaaray. Waxay sheegtay in aysan damaanad qaadi karin duulimaadyo kale oo kan xiga mustaqbalka.
Haddii aad dooneyso inaan ka baxdo So omaaliya, fadlan link-ga safaaradda oo aad ka heli karto link-ga aad ka goosaneyso tic ket-ka waxaad ka eegta hoos. Fadlan markaad gasho si fiican u aqri tilmaamaha iyo habka aad u goo san karto ticket-ka.
https://www.ethiopianairlines.com/aa/en/special-offer?key=US-Embassy-Evacuation-Charter-MGQ. Xigasho:Caasimadda.Net
Ruushka oo u gurmanaya dagaal-ooge Khalifa Haftar oo guul-darrooyin kala kulmaya Libya iyo Turkey
Ruushka ayaa calooshood u shaqay s te yaal ka tirsan ciidanka Bashar Al-Assad ee jo oga magaaladda Daraa ee koofurta Sy ria u di raya in ay ka bar-bar dagaalamaan ciidan ka dagaal-ooge Jeneral Khaliifa Haftar ee jooga bar iga Libya, sida ay ilo wareedyo maxalli ah u sheegeen wakaalad da wararka Anadolu.
Tan iyo 24-kii April, taliye darajadiisu sarre yso oo Ruush ah iyo kooxdiisa ayaa ku lamo is xig-xigay la qaatay calooshood u sha qays teyaal ka barbar dagaalama ciidanka Syria ee jooga Daraa.
Kulamaas waxay Do wladda Ruushku ku soo bandhigtay heshiis soco naya seddax bil ood oo askari kasta bishii lagu siinayo 1000 dollar, lana cusbooneysiin karo.
Waxaa lagu warramay sheegay in qaar ka mid ah kooxda calooshood u shaqaystey aa sha ay diideen kuwo kalena ay ogolaade en he shiiska.
Kuwa aqbalay ayaa ka shaqaynaya in ay magaaladda Daraa kasoo ururiyaan xoogag kale oo calooshooda u shaqysteyaal ah.
Waxaa xoogagaan mushaarka siin doona Ruushka, markii lagu tababaro xeryo militari oo ku yaala Syria ayaana loo diri doo naa Liibiya.
Ciidamada dowladda fadhigeedu yahay Tripoli ee loo yaqaan GNA ayaa maalmihii dho waa dhulal badan ka qabsaday kooxda Haftar ee la baxay LNA. Ayada oo Turkey ay ku caa winayaan diyaarado drone ah oo hub eysan, dagaal-yahanno Syrian ah, iyo hub casri ah, ayaa ciidamada dowladda waxay kooxda Ha ftar ka qabsadeen saddex maga alo oo ku tee dsan xuduudda, waxayna kusii siqayaan saldhi gga howl-gallada kooxdaas ee Tarhouna, oo 65km koonfur bari kaga aadan magaalada Tripoli. Guul laga soo hoyo Tarhouna ayaa soo geba-gebeyn karta dagaalka sokeeye ee Libya, sida ay sheegeen saraakiisha dowl adda.
Ciidamada Xoogga oo gacanta ku dhigay doomo ay lahaayeen Al-Shabaab
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose a yaa gacanta ku dhigay doomo ay lahaayeen maleeshiyada ururka Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa shee gaya in doomahan ay ko oxda Al-Shabaab u adee gsan jireen in ay kaga gudbaan webiga Shabeelle ee dee gaanada Janaale, Awdhe egle iyo Degwarir, si ay weeraro ugu qaa daan ciidanka qar anka.
Doomahan ayaa waxaa lagu soo qabtay howl-gal ay ciidanka halkaas ka fuliyeen Sha lay, waxaana tani ay wiiqi doontaa awo odda Al-Shabaab ay ku fulin karaan wee raro, sida ay sheegeen ciidanka.
Dhinaca kale, ciidamada ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab kusoo qaadeen fariisimo ay ciid anka ku leeyihiin Awdheegle, halkaasna ay khasaare ku gaarsiiyeen.
Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed S/guuto Cabdixamiid Maxam ed Dirir ayaa sheegaya inay halkaas ku dil een sagaal ka tirsan maleeshiyada Al-Shab aab.
Waxa uu intaas ku daray in sidoo kale ay maleeshiyadii weerarka soo qaaday ka furteen hubkii ay wateen, isaga oo sheegay inay rumeysan yihiin in khasaaraha gaaray Shabaabka uu intaas ka badan yahay.
Dad kale oo ku barakacay fatahaad wab iga shabeelle uu ka sameeyay Baladweyne.
Wararka ka imaanaya magaalada Bala dweyn ayaa sheegay in Shalay magaaladaa si ay ka barakaceen dad badan, ka dib mar kii wabiga shabeelle uu fatahaad ka same yay qeybo ka mid ah magaaladaasi oo xarun u ah gobolka Hiiraan.
Dad badan oo ku noolaa Baladweyne ayaa Shalayy ka barakacaya halkaasi,iyagoo u ambabaxaya dhinca deegaanka Ceeljaale ee Duleedka Magaalada,waxaana jirta cabdi xooggan oo laga qabo in guud ahaan Biyahu ay gaaraan Magaalada .
Maamulka Gobolka Hiiraan kan D/Balad weyene, Ganacsato iyo dadweyne kale oo iskaashanayaa ayaa maalmahaan waday howlo lagu carro tuurayo goobaha laga ca bsi qabo inuu fatahaad ka sameeyo Wabiga waxaana wali socdo dadaalo lagu xakamey naayo .
DFS ayaa dhinaceeda ku howlan dada lo iyo qorshayaal looga hortagaayo qatarta wabiga shabeelle ee M/baladweyne,ka dib markii halkaasi la geeyay qalab loogu tala galay in carro tuur loogu sameeyo wabiga.
Waxgaradka deegaanka Soomaalida oo taageeray hadalkii Abiy Axmed
Ugaasyada, Salaaddiinta, Aqoonyahanna da, Odayaasha, iyo waxgaradka deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa taageeray hadal ra’isal wasaaraha Dorraad ka soo baxay oo ahaa in uu tallaabo ka qaadayo cid kasta oo dastuurka dalkaas ka hor timaado.
Waxayna sheegeen iney tageerayaan doorshada guud ee dalka ka dhici lahayd ee dib loo dhigay Coronavirus awgii si shacab ka caafim aadkiisa wax weliba looga horma riyo. Odaya asha oo u warramay talefishiinka qaranka dalka Itoobiya waxay sheegeen doorashada dib uu dhigisteeda iney sax tahay isla mark aana caafimaadka wax weliba ka horreeyo.
Cid kasta oo dooneyso doorashada dib loo dhigay iney iskeed u qabsatana ay tahay cadow umadda reer itoobiya ku soo duushay oo u baahana in dhinac looga soo wada jees to.Arrintani ayaa ku soo aadeysaa xilli deeg aanka Tigreega ay maalma ka hor uu sheeg ay inuu doorasha iskii u qabsanayo, iyada Dr Abiyna uu sheegay cid kasta oo sharciga ku xadgudubto inuu tallaaba ka qaadayo.
Ciidamada Booliiska oo Howlgalo baarita ano ah ka wada Xaafado ka tirsan D/Afgooye.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Sooma aliya ayaa Habeen hore ilaa Shalay waxaa ay howlga llo kala duwan ka wadaan Xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee G/Shabeellaha Ho ose,kadib dil Habeen hore ka dhacay degmadaas.
Degmada Afgooye ayaa Kooxo ku hubey snaa bustoolado waxaa wa xaa ay Habeen hore ku dileen Ca bdiwali Colaad Qanyare Ga atamow oo ahaa Guddoom iyaha Ciyaaraha degmada Afgooye,iyaga oo goobta ka baxsaday.
Ciidamada ayaa sigaar ah waxaa ay ho wlgalka uga wadaan Xaafada Xaawa-Taako oo uu dilka ka dhacay,waxaana goobjooga yaal sheegeen in Ciidamadu ay qab qabteen dad u badan Dhalinyaro,kuwaas oo la gee yay Saldhiga Booliska Afgooye.
Dhanka kale Ciidamada weli wax faah faahin ah kama bixin howlgalkaas,wax aana dad ku sugan Afgooye ay sheegeen in uu weli socdo,isla markaana uu saameyn ku yeeshay Goobaha Ganacsiga.
Degmada Afgooye ee G/Sh/Hoose ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu am niga xun Gobolkaas,waxaana inta badan ka dhaca dilal ay mas’uuliyadooda sheegtaan Ururka Al-Shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha Malaysia oo loo qaadayo codka kalsoonida
Ra’iisul wasaaraha dalka Malaysia Mu hyiddin Yassin ayay baarlamaanka dalkaasi u qaadi doonaan codka kal soonida 18-ka bi shan May, xilli uu ku howlanaa la tacaalidda coron avirus tan iyo markii uu noqday mad axa isb ahaysiga cusub ee haatan talada ha ya laba bilood ka hor.Mooshinka soo jeedinaya in codka kals oonida loo qaado ra’iisulwasa ara ha ayaa wa xaa golaha u soo gudbiyey Mah athir Moha mad, oo ah 94 jir iska casilay xil ka Ra’iis ulwasaarenimo bishii February, ka dib markii isbahaysigii uu hogaaminayay uu burburay.Muhyiddin, oo ahaan jiray mid ka mid ah dad ka uu Mahathir aadka ugu kalsoonaa ayaa 1-dii March loo dhaariyey xilka ra’iisulwasa arenimo, ka dib markii uu noqday madaxa is bahaysi ay ku midoobeen axsaabta qowmi yadda Malay oo aqlabiyad yar ku hogaami naya baarlamaanka dalkaasi, taasi oo ah 116 xubnood oo ka mid ah 222-ka kursi ee baarlamaanka.
Muhyiddin ayaa bishii March waxa uu dib ugu dhigay bilaabashada howlaha baarlama anka ilaa muddo laba bilood ah, xilli ay xub naha mucaaradku ay riixayeen olole ka dhan ah xukuumaddiisa cusub.
Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka same yey Shabeellaha Dhexe
Wararka laga helayo deegaano ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe ayaa waxaa ay sheegay aan in Wabiga Shabeelle ee mara Gobolka as saacadihii la soo dhaafay uu fatahaad ka sameeyay degmada Mahadaay,isla markaa na dadka ay barakaceen.
Deegaannada ugu daran ee uu Wabiga ka fatahay ayaa waxaa kamid ah tuulooyin ka,Huriwaa,Diinlaawe, Duduble iyo Manso or,waxaana dadkii deganaa ay u barakace en tuulooyin ka fog Wabiga oo aysan ka dhicin fatahaad.
Guddoomiyaha degmada Mahadaay Ax med Xuseen Afrax ayaa sheegay in fataha ada Wabiga uu baabi’iyay dalagyo badan oo ku yaallay Beeraha,isla markaana weli ay jir aan deegaano kale ay fatahaada gaartay.
Waxaa uu sheegay in dadka badankood ay u barakaceen deegaannada,Fiidow, Buur ane iyo Caasimadda Sh/Dhexe ee Jowhar, kuwaas oo ay heystaan dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah.
G/Sh/Dhexe ayaa waxaa uu kamid yah ay Gobolada uu fatahaada ka sameeyo Wab iga gaar ahaan deegaannada hoostaga, Jow har,Balcad, Mahadaay iyo deegaano kale, waxaana dadka ay yihiin kuwo barakacay.
Puntland oo sheegtay inay diyaarisay Ci idamo ka hortaga faafitaanka COVID-19
Maamulka puntland ayaa shaaciyey inay diyaariyeyen Ciidamo Boolis ah oo loogu ta lo galay inay ka hortagaan faa fitaanka Cudurka Coro navir us oo kiisas kamid ah laga helay deeg aannada Maa mulkaas.
Taliyaha Cusub ee Ciidan ka Booliska Puntland Sar eeye Guuto Cabdi Xa san Xuseen ayaa sheegay in Ciidamadaas ay roondoo yin ku sameyn doonaan dha maan degmoo yinka Puntland si ay u hubiya an dhaqan gal aka Awaamiirta Maamulka ee ku aadan ka hortagga COVID-19.
Waxaa uu sheegay inay jiraan Goobo Ga nacsi oo qaarkood aan fulin Awaamiirta,isle markaana ay diyaar u yihiin inay ka qaadaan tallaabada ku haboon si dadka loo badbaa diyo. Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland waxaa uu sidoo kale sheegay inay jiraan ay na soo laab laabatay in dad laga helay Cud urka Coronavirus ee lagu amray inay Gury aho oda joogaan hadana Magaalada ay iska dhexsocdaan taasina ay qeyb ka tahay wax yaabaha ay ka hortagayaan.
Hadalka Taliyaha C/B/M/Puntland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Cudurka Coro navirus uu kusii faafayo deegaannada Punt land,isla marka ana saacadihii la soo dhaa fay laga helay 8 Ruux oo ay kamid yihiin 2 ka mid G/Wasiirada Puntland
Walaac laga qabo in TRUMP uu haleelay CORONAVIRUS
Warbaahinta Mareykanka ayaa durba ta bineysa inuu jiro walaac laga qabo xaaladda caafimaad ee madaxweyne Donald Trump, waxaana jira shaki laga qa bo inuu haleelay xanuunka safmarka ah ee Coronavi rus. Sida ay soo tabisay war baahinta, Askari ka tirsan ciidamadda Badda Mareykanka ayaa laga helay xanuunka ka dib markii dhawr jeer baaritaan lagu same yay.
Wararka la helay ayaa sheegaya in Trump uu ka carooday maadaama uu ku baraaru gay wakhti dhaw. Talafashinka CNN oo war bixintaan baahiyay, ayaa sidoo kale sheegay in ku-xigeenka xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Hogan Gidley uu kiiska Askariga la wadaagay saxaafadda.
Walaaca la qabo in maadaama Trump uu xiriir la sameeyey askariga laga yaabo inuu qaadsiiyey xanuunka. Tijaabo lagu sameey ey Trump iyo madaxweyne ku-xigeenka ay aa laga waayey cudurka, hase yeeshee cu durka ayaa qaadan kara illaa 14 maalmood ka hor inta aan la arag astaamahiisa.
Dhamaadkii sanadkii hore ayey aheyd markii uu xanuunkaan ka dilaacay Shiinaha, tan iyo markaas waxaa jiray su’aalo badan oo la iska weydiiyay xaaladda caafimaad ee Trump.
Mareykanka waa wadanka ugu horreeya dhan walba saameynta xanuunka Coronavi rus, in ka badan hal malyan oo ruux ayuu soo ritay xanuunka, waxaana u geeriyooday dad ku dhaw 80 kun.
DFS oo lagu eedeeyay inaysan kaalin ka geysan kahortagga fatahaada Beledweyne
Waxaa soconaya dadaallo ay wadaan Guddiga Gurmadka M/Beledweyne oo lagu doonayo in sanadkan fatahaad looga badb aadiyo magaalada oo muddooyinkii u damb eeyay ay sanad walbaa dadku daadad uga baro-kici jireen.
Guddiga ayaa beeniy ay in howsha socota ay kaalin ku leedahay DFS marka laga reebo 500 oo jawaannada ciidda lagu shubo ah oo Dorraad ay dowladdu diyaarad ku geysay Beledweyne.
DFS ayaa sanadkii hore sheegtay in lacag gaareysa 500 oo kun oo dollar ay ugu deeq day dadka ay fatahaaddu magaaladaasi ku saameysay, hase yeeshee Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Beledweyne Xaaji Cis maan Dhagaxow ayaa sheegay in lacagtaasi aanay soo gaarin dadkii loogu talo-galay.
Guddoomiyaha oo la hadlay Idaacadda Voa-da ayaa waxaa uu sheegay in DFS ay ka gaabisay doorkeeda,hayeeshee Ganac satada iyo qeybaha kale ee Bulshada ay wa daan dadaal ay uga hortagayaan fatahaada.
Waxaa jirassiyaasiyiin Dowladda ku eede eyey inay ka gaabiyeen waxka qabashada xaalada Beledweyne,waxaana kamid ah Si yaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur,waxaana is aga oo arrimahaasi ka hadlayay uu yiri.
DFS ah lacag $500k oo ay sanadkii hore u gu yaboohday fatahaada Beledweyne ilaa iyo hadda lama hayo. Waxay kaloo sheegtay in qalab, iyo ciidan ay geysay Beledweyne, taasina waxaa beeniyey Guddiga Gurmadka Beledweyne, Waxaan dhiira gelinayaa dada alka Guddiga Gurmadka. Waxaan ugu baaq ayaa madaxda Dawlada Federaalka ah, ha ddii aydan dadka wax taraynin hafrida ka da aya. Reer Hiiraanow aan isku tashano cir waan toli karnaahe.
M/Beledweyne ee Xarunta G/Hiiraan ayaa waxaa labadii Todobaad ee la soo dha afay ka socday dadaalo looga hortagayo fat ahaada Wabiga oo meelaha qaar ka fata ha y,waxaana jira dad Magalada ka bar akacay.
Mareykanka oo shaaciyey lacagta ay doorashooyinka Somalia ku bixinayaan iyo xilliga ay tahay inay dhacaan
Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday lacagta ay ku taageereyso doorasho oyinka Soomaaliya ee dhacaya dabayaaqa da sanadkan illaa horraan ta sanadka da mbe.
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Do nald Yamamoto, oo Dorraad jir jaraa’id oo dha nka muuqaalka intenetka ah u qabtay suxufi yiinta Muqdisho, ayaa sheegay in qambsoo midda doorashooyinka Soomaaliya ay u diya ariyeen lix milyan oo dollar.
"Waxaan heynaa lacag aan ku caawine yno doorashada taasi oo dhan qiyaastii lix milyan oo dollar, oo 4 milyan oo ka mid ah aan hadda gacanta ku hayno,” ayuu yiri Yamamoto.
Yamamoto ayaa sidoo kale sheegay inay doonayaan in doorashooyinka ay ku dhac aan waqtigooda, taasina ay kala hadleen ma daxweynaha iyo guddiga qaran ee doora shooyinka.
"Doorashada soo socota, muhiimada waa qabashada doorashada waqtigeeda, waa inaad aamintaan tani waa midda aan ka la hadlay madaxwayne Farmaajo, ra’iisul wa saraaha, gudoomiye Xaliimo Yareey iyo bee sha caalamkaba, muhiimada ugu weyn waa qabashada doorashada waqtigeeda,” ayuu yiri danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale ka hadlay muhiimadda ah in la qabto doorasho dadka ay codeynay aan iyo in laga gudbo nidaamka qabiilka ku dhisan.
"Waxaan dooneynaa in habkii qabiilka la ga gudbo, oo baarlamaanka ay dadka door taan, markaaas wax waliba oo aad rabtiin waan idinka taageyreynaa 100 %, sababta oo ah waa doorashadiina, sidaas darteed wa xaan bixineynaa taladda ugu fiican,” ayuu yiri Yamamoto.
Hadalka Yamamoto ayaa imanaya aya da oo ay jiraan warar sheegaya in madaxda DFS ay doonayaan in doorashada dib loo dhigo, ayaga oo ku cudurdaaranaya cudurka Coronavirus.
Riisad ka taagan go’aan u ogolaaday mas aadjidada Soomaalida Canada in cod sare lagu baahiyo aadaanka
Go’aan loogu ogolaaday masaajidada So omaalida iyo kuwa kale ee magaalo ku taalla dalka Canada, inay cod sare lagu bahaiyo aadanka, ayaa dhaliyey xiisad xooggan, iyo hanj abaad ka timid koox midi gta fog ah oo dalbaneysa in laga laabto.
Magaalada Mississauga ayaa Arbacadii me el marisay mooshin si ku-meel gaar ah u og olaanaya in Masaajidada laga reebo sharci ga ilaalinta buuqa, si loogu ogolaado inay cod sare ku baahiyaan aadaanka maalinkii hal mar inta ay socota bisha Ramadan, taasi oo ku eg 23-ka May.
Ayaga oo isku dayaya inay xiisad kiciya an, ayaa kooxda Faith Goldy ee aaminsan sarreynta dadka caddaanka waxay twitter-ka soo dhigeen in aadaanka uu astaan u yahay "halis jiritaan oo Islaamka iyo Muslimiinta ay kusoo rogayaan” Canada.
Go’aankan ayaa sidoo kale horseeday in nin uu ku xadgudbo Masjid ku yaalla Mag aalada Edmonton, kuna hanjabo olole bam.
Waxaa sidoo kale dhowr ka mid ah website-yada codsiyada dadweynaha lasoo dhigay 3 codsi oo lagu dalbanayo in go’aanka laga laabto, ayaga oo ku doodaya "inuu xa dgudub ku yahay xuquuqda aadanaha”.
Hani Tawfillis, oo horey ugu guul-darreys tay olole doorasho isaga oo ka socda xisb iga Conservative-ka ee Canada, ayaa qora al uu soo dhigay facebook ku sheegay in maqalka aadaanka uu dhaawacayo qalbiya da ciidamadii Canada ee Bariga Dhexe kula soo dagaalamay kooxda Dacaish.
Kulankii Arbacada ee golaha magaalada Mississauga ayaa waxaa lagu soo bandhi gay mooshin kale oo lagu dalbanayo in laga laabto go’aanka lagu ogolaaday in cod sare lagu baahiyo Aadaanka.
Kooxda Canadians United Against Hate, ee la dagaalanta naceybka, ayaa ku baaq day inaan go’aankan laga laaban, islamarka ana la isku dhiibin kuwa naceybka uu ka buuxo.
Laba ka mid ah Golaha Wasiirada Puntl and oo laga helay Coronavirus
Puntland ayaa waxay xaqiijisay in 2ka mida Golaheeda Wasiirada laga helay xan uunsidaha COVID-19, ee uu keeno Coronav irus, xilli xanuunka uu si muuqdo ugu fid aayo deegaanada Puntland.
Dr.Jaamac Faarax Xasan, Wasiirka Caa fimaadka Puntland oo la hadlay Warbaahin ta ayaa xaqiijiyay in Puntland ay diiwaangeli say 8xaaladood oo cusub, ka dib markii xa nuunka laga baaray 22 qof.
Bukaanada cusub ee laga diiwaangeliyay deegaanada Puntland oo dhammaantood rag ah ayaa laba ka mida waxay jooggaan Gobolka Mudug, iyadoo laba kale laga dii waangeliyay Gobolka Nugaal, halka afarta kalana ay ku sugan yihiin Gobolka Karkaar.
Sida uu Habeen hore sheegay Wasiirku waxaa deegaanada Puntland xanuunka ugu geeri yooday qofkii 2aad, kaasoo maalmihii ugu dambeysay xaaladiisa lagula tacaalayay xar unta karantiilka ee Garoowe.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in 2ka mida bukaanada cusub ay yihiin Wasiiro ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland, kuwaa oo aanu magac dhabin, balse waxaa uu xusay in ay xaaladoodu wanaagsan tahay.
Xaaladaha cusub ee laga diiwaangeliyay Puntland ayaa waxay tirada guud ee Puntla nd laga xaqiijiyay ka dhiseysaa 59 xaalado od, halka 2 bukaana ay ugu geeriyoodeen.
Wasiir Jaamac ayaa markale shacabka re er Puntland ugu baaqay inay si dhab ah u qaataan khatarta COVID-19, isla-markaana uu qofkasta ka taxadaro faafitaanka xanuun kaasi.
Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Foosiya Abiikar Nuur ayaa gelinkii dambe ee Khamii stii Magaalada Muqdisho ka sheegtay in kii saska dalka oo idil laga diiwaangeliyay ay gaarayan 928 xaaladood.
Dagaalkii Badar Qeybta | 1aad
Waxaan soo marnay inuu Rasuulku (scw) muddo hal sano ku dhow uu ciidamo dirayey isagoo rabay inuu qureysh dhaqaaleheeda curyaamiyo oo ka gooyo jidka ganacsigoodu ku xiran yahay maddaama ay xoolihii muslimiinta dheceen, kana soo saareen guryahoodii, maalkoodii iyo ehelkoodii, ayna tahay qureyshi codowga ugu daran islaamka iyo muslimiinta intaasna soo dhibayey.
Muslimiinta iyagoo kap jawaabaya falalkaas xun xun ee qureysh waxay ka joojiyeen safaradii u kala socday Shaam iyo Makka oo dhaqaalahoodu ku xirnaa. Qureyshi aad ayey arrintaa uga xumaatay, jidkiina ciriiri ayuu ku noqday ilaa ay ku kalliftay inay maraan badda xeebteeda oo halkaasna looga daba tegey. Waxaa kaloo qureysh ka sii xanaajiyey in Makka duleedkeeda safarradoodii laga ugaarsado.
Haddaba waxaan soo marnay in Rasuulka (scw) iyo ciidan u hoggaaminayo ay bishii Jamaadul Uulaa ku bexeen safar ay qureysh ledahay oo Makka ka tegey Shaamna u sii jeeda, hase yeeshee Rasuulka (scw) iyo asxaabtiisu waa soo wayeen safarkaas, dabadeedna waxay dhowrayeen soo noqodkiisa dambe.
Labo bilood ka dib markii la is yiri safarkaasi waa soo gaddoomay ayaa Rasuulku (scw) wuxuu diray laba nin oo kala ahaa: Dalxa ibnu Cubeydillaah iyo Saciid ibnu Seyd wuxuuna ku yiri "socda oo baadi gooba soona ogaada meesha ay soo maraayaan iyo waqtiga ay ku soo aaddan yihiin”.
Labadii nin way baxeen dabadeedna waxay gaareen meesha la yiraahdo Xuura, halkaas markay ayaamo joogeen ayaa waxaa soo maray safarkii qureysh oo tijaaro iyo alaab fara badan wada, kana koobnaa kun rati oo ay wadeen 40 nin, uuna madax u ahaa abuu Sufyaan ibnu Xarbi. Si degdeg ah ayay markaa labadii nin u soo noqdeen khabarkii oo dhanna Rasuuka (scw) ugu soo gudbiyeen.
Rasuulku (scw) wuxuu Madiina ka soo baxay bishii Ramadaan sannadkii 2aad ee hijriga, wuxuuna Madiina madax uga dhigay Cabdullaahi ibnu Ummi Maktuum hase yeeshee markuu marayo Rawxaa’ ayaa (rasuulku scw) direy abaa lubaaba oo ku yiri "Madiina madax ka noqo, Cabdullaahina salaadda ha tujiyo”. Calanka guud ee muslimiinta wuxuu Rasuulku (scw) u dhiibay Muscab ibnu Cumayr, wuxuuna Rasuulku (scw) ciidanka u qeybiyey labo qaybood: Muhaajiriin iyo Ansaar.
Qaybta Muhaajiriinta wuxuu calankooda u dhiibay Cali binu Abii-dhaalib, qaybta Ansaarna Sacad binu Mucaad. Habka duullaanka ciidanka wuxuu Rasuulku (scw) u qeybiyey shan qaybood oo waagaas ciidanka loo qaybin jirey: Midig, bidix, horey, gadaal iyo dhexda. Dhinaca midig wuxuu madax uga dhigay Subeyr binu Cawaam, dhinaca bidixna Miqdaad ibnu-Aswad waana labadii nin oo labada faras ka watay ciidanka. Dhinaca gadaale wuxuu madax uga dhigay Qeys ibnu abii Sacsac.
Rasuulka (scw) iyo ciidankiisii way dhaqaaqeen waxayna qaadeen waddadii Makka aadi jirtey hase yeeshee markay u dhow yihiiin ceelka Badar oo ay marayaan meesha la yiraahdo Rawxa’ ayey dhinaca midig u leexdeen ka dibna way sii socdeen markay u dhow yihiin meesha la yiraahdo Safraa’ ayaa Rasuulku (scw) wuxuu ceelkii Badar u diray laba nin oo sahan ah oo la kala oran jirey Basbas ibnu Cumar Aljuhani iyo Cadiyi ibnu Saqbaa Aljuhani, si ay u soo ogaadaan safarkii qureysh iyo meesha uu marayo.
Dhinacii kale ninkii la oran jiray Abuu Sufyaan ibnu Xarbi, oo ahaa ninkii madaxda u ahaa safarkii qureyshee, oo aad u digtoon, ogna waddada uu hayo oo Badar sii martaa ineysan aamin ahayn wuxuu galay wareysi uu wareysanayo cid aala cidduu arko oo uu ku leeyahay "Madiina maxaad wax war aha ka haysaa?”, markaasaa ugu dambeyntii waxaa loo sheegay in Nabi Maxammed (scw) iyo asxaabtiisii ka soo baxeen Madiina iyagoo raadinaya safarkiisa.
Abuu Sufyaan markuu arrintaas maqlay wuxuu ogaaday inuu halis ku jiro sidaa daraaddeed degdeg ayuu Makka ugu diray qaylo dhaamis, wuxuuna diray nin la oran Damdam ibnu Camar Alqafaari. Abuu Sufyaanna safarkii ayuu ka hormaray oo wuxu tegey ceelkii Badar wuxuuna ugu tegay ceelka nin la oran jirey Majdi ibnu Camar, wuxuuna weydiiyey inuu war ka hayo ciidankii Madiina. Majdi wuxuu yiri "cid aan garan waayo ma aanan arag aan ka ahayn laba nin oo neef geel ah watey oo neefkoodii halkaas arumiyey, ceelkana biyo ka dhaansaday dabadeedna iska tegey.
Abuu Sufyan wuxuu tegey meeshii neefka geela ah la arumiyey markaasuu saaladii neefka qaatey oo burburiyey, wuxuuna ka helay laf timireed markaasuu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye waa daaqii Madiina”, dabadeedna intuu si degdeg ah ugu laabtay safarkii ayuu ka leexiyey waddadii oo dhinaca badda mariyey.
Ninkii uu u direy Makka oo Damdam la oran jirey isagoo ordaya oo qeylo dhaamis ah ayuu Makka galay, wuxuuna sameeyey calaamooyin lagu yaqaanno qofka dareenka wada oo qamiiskiisii ayuu jeexay, ratiguu fuushanaana sanka ayuu gooyey, reeryadii ratiga saarnaydna dhinaca kale ayuu u wareejiyey, qeylana afkuu ku shubtay isagoo leh "qureysheey dharbaaxo dharbaaxo, xoolihiinnii Abuu Sufyaan waday Maxammed baa asxaabtiisii ku soo bixiyey una malayn maayo inaad gaaraysaan ee gargaar gargaar”.
Qureysh iyagoo awalba u ciil qabay Nabiga (scw) iyo asxaabtiisa ayaa markii ay maqleen qeyladaas si degdeg ah u soo baxeen iyagoo faanaya oo leh "Maxammed iyo asxaabtiisu ma waxay u maleeyeen in safarkani yahay safarkii ibnu Xadrami oo kale, ma jirto arrintaasi, Ilaah baan ku dhaarranaye way ogaan doonaan si aan sidaas ahayn”. Odeyaashii qureysh madaxda u ahaa Abuu Lahab oo keliya ayaa ka haray isaguna wuxuu u haray xanuun, beddelkiisiina wuxuu diray nin uu deyn ku lahaa oo uu u cafiyey, raggii reer makkana ninkaan bixin beddelkiisii ayuu dirayey.
Waxaa Makka ka soo baxay ciidan gaaraya 1300 oo nin oo wata 100 faras iyo 600 oo canbuur bireed iyo awr aad u tiro badan. Ammaanduulaha guud ee ciidanka qureysh wuxuu ahaa Abii Jahal, xagga maamulka iyo raashinka waxaa u qaabbilsanaa 9 nin, maalinkii waxay qalan jireen 9 ama 10 geeel ah. Ciidankaasi waxay soo baxeen iyagoo uu ka muuqdo kibir iyo is qaad qaad iyo is tus tus.
Allaah wuxuu ku caddeeyey aayadan:
” Ha noqonnina kuwii ugu soo baxay guryahooda kibir iyo dadka in la is tuso, jidka Allena la xiro, Allahna wixii ay camal sameynaayeen waa mid koobaya.” [Surat: Al-Anfaal, 47]
Qureysh waxaa intaa u sii dheerayd caro iyo xiqdi ay u qabeen Nabiga (scw) iyo asxaabtiisa iyaga oo rabay iney dabar gooyaan. Waxay Qureyshi u soo dhaqaaqeen dhinaca Badar, markii ay dhaafeen togga la yiraahdo Casafaan oo ay marayaan Juxfa ayaa waxaa u timid waraaq uu soo direy Abuu Sufyaan oo uu ku leeyahay "waxaad u soo baxdeen inaad badbaadisaan safarkiina, Allaahna waa idiin badbaadiyey raggiinnii iyo maalkiinnii ee soo laabta”. Hase yeeshee Abuu Jahal oo ahaa hoggaamiyihii ciidanka wuu diidey warkaas waraaqda ku qornaa wuxuuna yiri "Ilaah baan ku dhaartaye noqon mayn ilaa aan Badar tagno oo aan saddex beri joogno, geelana ku qalanno, cuntadanaku cunno, khamradana ku cabno, haweenkuna noogu heesaan, carabna ay maqasho socodkayaga iyo awooddayada si aan dib dambe naloogu haweysan”.
Abii Jahal markuu hadalladaas yiri ayaa waxaa hadlay Akhnas ibnu Sureyq oo madax u ahaa reer banuu Suhra, wuxuuna yiri "haddii uu safarkii nabad galay aan laabanno”, markii laga diideyna ciidankii qabiilkiisa oo 300 gaarayey ayuu la laabtay, markii qureysh jabtayna qabiilkiisu aad ayey uga dambayn jireen, wayna jeclaayeen go’aankiisa. Sidoo kale waxa damcay iney laabtaan laftii uu Rasuulku (scw) ka dhashay oo awalba aan dagaal dooneyn ee lagu soo khasbay hase yeeshee Abii Jahal ayaa u diidey oo yiri "kooxdani nama cidlaynayso”. Dhinaca ciidankii muslimiinta waxaa loo soo gudbiyey in safarkii fakaday, ciidan aad u xoog badan oo Makka ka yimidna uu yimid isla markaasna aan laga fursan doonin in foodda la is daro, sidaa darteed koox ciidankii muslimiinta ka mid ahayd way dhibsatay xaaladdaas adag maxaa yeelay ciidanka muslimiintu hub sidaa ah ma wadan, dagaalna kuma soo talo gelin, Madiinana rag badan bay uga soo tageen, ujeeddada ay u soo baxeenna waxay ahayd iney soo qabtaan safarkaas qureysh. Kooxdaas siday u kahanaysayna Allaah ayaa qur’aanka ku sheegay oo wuxuu yiri:
” Siduu Rabbigaa kaaga bixiyey gurigaaga xaqnimo, koox mu’miniinta ka mid ahi waa kahanayeen xaqa ayeyna kugula doodayaan markuu cadaadey ka dib, waaba iyagoo dhimasho loo wado oo fiirinaya.” [Surat: Al-Anfaal, 5-6]
Rasuulku (scw) markii uu arkay xaaladdu meesha ay marayso iyo wadciga taagan wuxuu arrintii u bandhigay oo la tashaday asxaabtiisii si ay afkaartooda uga dhiibtaan arrintaas cusub. Abuubakar ayaa markaas istaagay oo si fiican u hadlay, ka dib Cumar binu Khadhaab ayaa hadlay oo bartii loo baahnaa taabtay. Miqdaad ibnu Camar ayaa isaguna hadlay oo yiri "Rasuulkii Allow ku soco waxa Rabbi ku tusay, annaguna waan kula jirnaaye.
Ilaahay baan ku dhaartaye kugu dhihi mayno hadalkii ay reer banuu Israa’iil Muuse ku yiraahdeen oo kale, kaas oo ahaa "soco adiga iyo Rabbigaa oo dagaallama, annaguna halkan baan sii fadhiyeynaaye”, laakiin waxa aan ku leennahay "soco adiga iyo Rabbigaa oo dagaaallama, annaguna la jirkiinna ayaannu dagaallmaynaaye. Allihii xaq kugu soo saaray baan ku dhaartaye haddii aad nala socotid ilaa aad ku gaartid Barkul-Qamaad, waan kula soconayna oo kula jiraynaa waxa ka sokeeya ilaa aad ka gaartid”.
Rasuulku (scw) wuu ku farxay hadalkaas wanaagsan ee ay soo jeediyeen saddexdaas nin ee Muhaajiriin kamid ahaa hase yeeshee wuxuu jeclaystay in uu Ansaarna go’aan kooda wax ka maqlo maxaa yeelay ciidanku Ansaar ayuu u badnaa isla markaasna heshiiskii ay Rasuulka (scw) la soo galeen ee Baycatu-Caqabadii 2aad kuma jirin duullaan dibadeed ee wuxuu ahaa difaacid cid kasta oo soo weerarta Nabiga (scw) iyo muslimiinta.
Rasuulku (scw) wuxuu yiri "dadyahow ii ishaara” oo uu ula jeeday hadla oo talo keena. Waxaa markaa fahmay hoggaamiyihii Ansaar calan koodana waday, Sacad binu Mucaad, wuxuu yiri "Rasuulkii Allow waxaa la arkaa in aad annaga (Ansaar) noo jeedid?”, markaas ayuu Rasuulku (scw) yiri "haa”.
Sacad ayaa yiri "waan ku rumaysan nahay waxaa aannu ka markhaati kacnay in uu xaq yahay waxa aad la timid, waxa aan ku siinnay ballantayadii in aan ku maqalno oo ku adeecno. Ku soco Rasuulkii Allow wixii aad doontid, Allihii xaq kugu soo saaray baan ku dhaartaye haddii aad badda nala aaddo oo aad dabbaalatid waan kula dabaalanaynaa, nin annaga naga mid ahina ka dib dhici maayo, mana kahanayo in aad nala kulansiisid cadowgayaga berri, waan ku sabirnaa dagaalka, waannuna ka run sheegnaa la kulanka, waxaana la arkaa in Allaah uu naga kaa tusiyo wax ay ishaadu ku qabowsato ee ku soco barakada Allaah”.
Riwaayad kale waxa ay ahayd in uu Sacad yiri "waxaa la arkaa in aad ka baqdid in Ansaari u aragto in aadan xaq ugu lahayn gargaar guryahooda difaacidooda maahane, waxaanse leeyahay, aniga oo Ansaar u hadlaya "meeshii aad doontid noo hogaaami, ciddii aad doontid xariggeeda xiriiri oo heshiis la samayso, ciddii aad doontid xariggeeda gooy, wixii aad doontid maalkayaga ka qaado, wixii aad doontid nasii, waxa aad naga qaadato ayaan ka jecel nahay waxa aad nooga tagtid, amarkayaguna amarkaaga ayuu raacayaa. Ilaah baan ku dhaartaye haddii aad socotid ilaa aad ka gaartid Qamdaan waan kula soconayanaa, Ilaah baan ku dhaartaye haddii aad badda noo bandhigtid oo aad gashid waan kula gelaynaa”.
Rasuulku (scw) markii uu hadalladaas iimaanku ka buuxo Sacad ka maqlay wuu ku farxay, waxa ayna ku dhalisay firfircooni, wuxuuna yiri "socda oo bishaaraysta, Allaah (subxaanahu wa tacaalaa) wuxuu ii ballan qaaday labo arrin midkood in aan ku guuleysanno (Safarka ama dagaalka). Ilaah baan ku dhaartaye waaba aniga oo hadda eegaya meelihii ragga (gaalada) meydkooda la dhig lahaa”.
Allaah wuxuu qur’aankiisa ku yiri:
” Xusuuso markuu Alle idiin yaboohay in ay idiin sugnaatay (aad ku guulaysaaysaan) labadii kooxood (ciidankii ama safarkii) midood, waxaadse jecaydeen in ay idiin ahaato midda dhibta yar, Allah-se waxa uu ogayaa in uu xaqa ku sugo kalimadiisa, oo gooyo ciribta gaalada.” [Surat: Al-Anfaal, 7]
Rasuulku (scw) ciidankii wuu ka raray meeshii uu deggenaa oo ahayd Dafraan, wuxuuna u kexeeyey Badar. Markii la marayo meel la yiraahdo Diyah oo Badar qarkeeda ah ayaa ciidanki degey. Rasuulka (scw) iyo Abuubakar ayaa ka dib sahay u baxay, markii ay dhexda sii marayaan ayey la kulmeen odey dadkii baadiyahaas degganaa ka mid ah. Rasuulka (scw) ayaa su’aal weydiiyey oo ku yiri "maxaad war ka haysaa dhinaca qureysh iyo dhinaca Maxammed (scw) iyo asxaabtiisa?”
Hase yeeshee odeygii wuxuu yiri "idiin warami maayo ilaa aad isku kay sheegtaan”, Rasuulku (scw) wuxuu ku yiri "waan isku kaa sheegaynayaa haddii aad noo warrantid”.
Odeygii wuxuu markaas yiri "waxaa i soo gaartay in Maxammed iyo asxaabtiisii ay soo baxeen maalinkii noocaas ahaa, haddii uu qofka warkaas ii sheegay run sheegay, maanta halkaas ayey joogaan. Qureyshna waxaa iga soo gaartay in ay soo baxeen maalinkii noocaas ahaa, haddii uu run sheegay qofkii warkan ii soo sheegay, maanta iyaguna halkaas ayey deggan yihiin”.
Odeygu wuxuu labada ciidanba ku sheegay goobihii ay kala degeen, markii uu hadalkii dhammaystayna wuxuu weydiiyey arrinkii uu sugayey oo ahayd in ay isku sheegaan cidda ay yihiin. Rasuulku (scw) wuu u sarbeebay oo wuxuu yiri "biyo ayaan ka nimid” oo uu ula jeeday biyo ayaa nalaga abuuray, ka dibna way iska dhaqaaqeen isaga iyo Abuubakr, odeygiina wuxuu lahaa "biyehee? ma biyihii Ciraaq?” oo wuxuu u qaatay dhul webi leh sida Ciraaq.
Waxaa isku soo dubaridey: Osman Bilad
Email: osmanbilad@hotmail.com
HALKAN KA AKHRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY 9-MAY-2020
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in uu bilaawdey Barnaamij uu daahfuray Madaxweynaha Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee XFS Sadiiq Xirsi warfaa ayaa sheegay in barnaamijka Baxnaano uu bilaawday lixdii bi shaan islamarkaana uu gaaray 17,666 qoy