
HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 7-MAY-2020
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyr uska Karoona ku sheegtay in la diiwaan gel iyay 38 xaalado cusub oo COVID-19 ah.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in 12 qofood ayka bogsootay cudurka, hal ka qof kalena oo cusubna uu geeriyooday.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bu lshada Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeys ay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliy ay gobalka Banaadir
(35) iyo Somaliland, (3).
Kiisaska cusub ayaa 30 ka mid ah wa xaa la xaqiijiyay inay yihiin rag, halka sid eedna ay yihiin haween.
Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaalada ha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 873 waxaa bogsootay 87 Ru ux. 39 ruux oo kale ayaa u geeri yooday.
Dowladda oo dadaal xoogan ugu jirta xa kameynta faafitaanka Feyruska Karoona ay aa ku howlan sare u qaadidda awoodda dow lad gobaleedyada ee la tacaalidda cudurka.
ITOOBIYA oo ka hadashay diyaaraddii lagu eedeyay in ay kusoo rideen Bardaale
Millatariga dalka Itoobiya ayaa ka had lay eedeynta loogu jeediyay in ciidamada Itoobi ya ee qeybta ka ah howl-galada Midowga Afrika ee AMISOM ay soo rideen diyaarad galabnimadii Isniintii.
Ciidamada Itoobiya oo saldhig ciidan ku leh nawaaxiga madaar ka diyaaradaha M/ Bard aale ayaa lagu eedeyay inay soo rideen diyaarad siday gargaar caafima ad oo kasoo duushay Magaalada Muqdisho, xili ay muujinayaan muuqaalo uu duubay Sa tellite-ku inay diyaarada ku dhacday walax, iyada oo cago dhigan rabta madaar kaasi.
G/le sare Mohamed Tessema oo ah mada xa xiriirka warbaahinta ee ciidamada Itoobi ya ayaa si cad u sheegay inuusan war u hayn oo uusan maqlin xog ku saa bsan in di yaarada xamuula ay soo rideen ciidamadoo du.
Tessema oo si kooban uga hadlay arrin kaasi, ayaa u muuqda mid gebi ahaanba dii dan eedeynta loogu jeediyay inay ciida mad oodu soo rideen diyaarada, maadama ay de gan yihiin meel aan wax badan ka fogeyn madaarka ay soo cago dhiganeys ay diyaa radaasi.
Diyaaradaasi ayaa waxa ku geeriyood ay lix qof oo saarna, oo labo kamid ah ay yi hiin muwaadiniin Soomaaliyeed, halka inta kale lagu sheegay Ajaaniib.
Weli waxa socda baaris ku aaddan diy aa radaasi ku burburtaay Bardaale, inkasta oo xogaha hordhaca ah ay muujinayaan inay lug weyn ku leeyihiin ciidamada Itoob iya ee ag dagan madaarkaasi, walow aysan jirin warbixin si rasmiya u cadeynaysa eedeynta asi.
Guurti Axmed Cali Salaad oo geeriyoo day iyo Madaxweyne Deni oo ka tacsiye eyay
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid C/hi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Goleyaa sha Dowladda iyo kan shacabka Puntl and ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee guur ti Axmed Calisalaad Aaden Garaad Cawl oo ku geeriyoodey M/Ceelbuh ee G/Sanaag.
"Madaxweynaha D/Puntland Md.Siciid C/hi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Gol eyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa geer ida Alle ha u naxariistee gu urti Axmed Calisalaad Aad en Garaad Cawl oo ku ge eriyoodey M/Ceelbuh ee G/ Sanaag.”
Marxuum Axmed Calisa laad oo aad looga yaqaanay Gobolka San aag, waxa uu ka mid ahaa Guurtida Gobolka Sanaag, isagoo ku suntanaa ka shaqeynta Nabade ynta iyo Hor umarinta Bulshada Gobolkaas.
Md. Deni, ayaa geerida Marxuumka uga tacsiyeeyay shacabka Puntland, gaar ahaan bulshada Gobolka Sanaag, eheladii, qaraa badii,asxaabtii iyo qoysaskii uu ka geeriyood ey,wuxuuna Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannadi isa Fardowsa ka waraabiyo.
QM oo ka hadashay diyaaraddii ku dhacday Bardaale
Ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee xog yaha guud ee QM u qaabilsan Arrimaha isku xirka bani’aannimada ee Soomaaliya, Adam Cabdelmowla ayaa sheegay inuu aad uga naxay warka ah in diyaarad siddey gargaar bani’aadannimo ay ku dha cdey magaal ada Bardaale oo 55 km u jirta M/Baydha bo xarrun ta G/Baay.
Burburka diyaaradaas ayaa sababay geeri da lix qof oo saarnaa dayaaradda, kuwaasi oo isugu jira afar Soomaali ah iyo laba Ke nyan ah. Cabdulmowlaa waxa uu sheegey in uu ta csi u diraayo ehelka iyo qaraabadii ay ka ba xeen dadakaasi, oo uu tilmmamay in ay naf hurid sameeyeen, iyagoo ku guda jir ey howl muhim ah oo ah inay dadka kale caawiyaan.
Waxa uu intaas ku daray in QM ay sameyn doonto wax kaste oo ay ku caawineyso iyo maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya, si loo helo waxa sababay shilkaasi.
Wafdi ka socda DFS, maamul goboleedka K/Galbeed iyo safaaradaha Kenya iyo Itoob iya ayaa Dorraad booqday goobta ay ku dhac day diyaaradda oo ay lahayd shirkadda Afric an Express. Xigasho: VOA Somali
Taliye cusub oo loo magacaabay Saldhi ga Dharkiinley
Taliyihii Ciidamada Booliska Saldhiga Deg mada Dharkiinley ayaa xilkii laga qaaday, waxaana loo magacaabay Sarkaal cusub oo la geeyay Saldhigaasi. Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliya ayaa xilkaan ka qaaday Taliyihii Saldhigaasi, la ma oga sa babta xilka looga qaad ay. G/le Axmed Botan Diiriye ay aa loo magacaabay Taliyaha Sald higa D/Dharkiinley.
Sarkaalkaan cusub ayaa waxa uu ka mid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidamada Boolis ka Somaliya oo muddo la soo shaqeeyay Ciidamada Booliska Som aliya. Saldhiga Dharkiinley lixdii bilood ee la soo dhaafay waxaa soo maray Saddex Tali ye Saldhig, lamana oga sababaha xilalka loo ga qa aday Saraakiishaasi
Wasaaradaha Waxbarashada XFS, Dowla d Goboleedyada iyo G/Banaadir oo kulan ka yeeshay Imtixaanka Shahaadiga.
Kulan wadajir ah ay yeesheen Wasaara daha Waxbarashada Heer Federaal iyo He er Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir waxa ay kaga arrinsadeen qaadista Imtixaan sanadeedka Shahaadiga ee fasalada 8-aad iyo 12-aad.
Bishaan May sanad waliba ayaa la qaad aa Imtixaanka Ardayda ka gudbeyso fasalka 8-aad Dugsiga Dhe xe, iyo kuwa dham eenaya Dugsiga sa re ee fasalka 12-a ad si ay u guda gala an Waxbarashada Jaamacadda.
Kulankaan waxaa kasoo baxay afar qod ob oo ay isla garteen Wasaaradaha Waxba rashada XFS, Hir-Shabeelle, Galmudug, Pu ntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed Soo maaliya.
Halkaan Hoose ka aqriso qodobada:
Magaalada Nayrobi oo loo duulinaayo Maydadka Muwaadiniinta Kenya ee la socday Diyaaradda African Express.
M/Muqdisho waxaa Habeen hore fiidkii la kee nay Meydadka Muwaadiniin u dhalatay dal ka Kenya oo ay ku jireen Duulliye iyo caawi yihiisa oo la socday diyaaradda African Expr ess oo ku dhacday D/Bardaale ee G/Bay.
Maydadka oo baaris lagu sameeyay jir kooda ayaa lage liyay qaboojiya al, waxaana Shalay lagu wadaa in la ga qaado Garoon ka diyaaradaha Aadan Cadda ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ib bi oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in Maydadka la diyaariyay, isla markaana Habeen hore la keenay M/Muqdisho Caasimadda Soo maaliya. Dhanka kale waxaa socda baarista ay iska kaashanaan qubaro ka kala socda Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya oo ay wehliyaan kuwo caalami ah si loo og aado in diyaaradda ay dhacday in la rido.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/hi Maxamed Farmaajo oo xiriir la same eyay dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta waxay ka wada hadleen sidii loo sameyn lahaa Baaris lagu caddeynayo sida ay wax u dhaceen.
Waxaa jira tuhun la xiriira in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan D/Bardaale ee G/Bay, inkasta oo aan illaa haatan lasoo bandhigin Natiijada baarista oo caddey naya ama beeninaya jiritaanka warkaan.
Dokumenti: Ilhaan Cumar oo Africom kula xisaabtameysa dilalka shacabka Soomaaliya
Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Waki ilada Mareykanka ayaa hoggaamineysa hin dise Taliska AFRIC OM lagula xisaabtama yo dilalka ay duqeyma hooda u gaystaan sha cabka ku sugan guda ha Soomaaliya, sida ku cad warqad ay he shay Caasimada Online.
Waxaa jira farqi weyn oo dhaxeeya khas aaraha shacabka ee taliska AFRICOM uu weriyo iyo midda ay diiwaan geliyaan urura da u dooda xuquuqda aadanaha sida Amne sty International.
Ilhaan Cumar iyo toddoba wakiil oo kale tirsan Congress-ka Mareykanka, oo gebig ood dimoqraadi ah ayaa saxiixay warqad loo diray militariga Mareykanka, waxaana xubna ha saxixiay ka mid ah Adam Smith, oo laga soo doorto gobolka Washington, islamarkaa na madax ka ah guddiga Adeegga Ciidama da ee Aqalka Wakiilada.
Warqadda ayaa ka codsaneysa military iga inay caddeeyaan sida ay u baaraan eed eymaha la xiriira khasaaraha shacab ka.
Warqadda ayaa sidoo kale soo jeedin ey sa in sharaxaad ay bixiyaan ay gacan ka ga ysan karto in la ogaado sababta ay u kala du wan yihiin khasaraaha ay weriyaan iyo kuwa hay’adaha caalamiga ah.
Eedeymaha la xiriria khasaraha shacab ka ee duqeymaha Mareykanka ayaa sare u kacay tan iyo markii maamulka Trump uu 2017-kii siiyey AFRICOM dabac sanaan la xi riirta habka loo fuliyo weer arada ka dhanka ah mintidiinta Sooma aliya.
Kadib markii la qafiiyey xeerarka fulinta duqeymaha, waxaa sare u kacay warbixi na da la xiriira khasaraaha shacabka ee ay diiw aan gelinayaan hay’adaha xuquuqda aada naha, weriyayaasha gudaha iyo kuwa dibed da iyo siyaasiyiinta iyo saraakiisha Soomaal ida. "Waxaan kugu boorineynaa in sida ugu macquulsan ee waafaqsan ilaalinta akhba araadka sirta ah aad faah-faahin uga bixiso sida loo qiimeeyo loona qiro dilalka shacab ka, iyo sida ay u kala duwan yihiin qiimeynti ina iyo tan ururada kale,” ayaa lagu yiri war qadda oo loo diray taliyaha taliska AFRI COM, Jeneral Stephen Townsend.
"Marka warbixinada ay ka yimaadaan ur uro aan dowli ahayn, oo horumarsan la isku na haleyn karo islamarkaana leh dhaqan iyo awood luuqadeed, khasaaraha shacabka ma ahan kuwa si fudud la isaga indho-tiro,” ayaa lagu yiri qoraalka. AFRICOM ayaa dha mmaadkii bishii March soo saaray warbixinta rubaca 1aad ee sanadka ee khasaraaha sha cabka ee duqeymaha Soomaaliya iyo Libya, taasi oo lagu qirtay in weerar Soomaaliya ka dhacay 23-kii February 2019 lagu dilay laba qof oo rayid ah, islamarkaana lagu dhaaw acay saddex kale.
Warbixintan laguma xusin khasaaraha shacabka kasoo gaaray weerarada dhulka ee ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay la fuliyaan guutada Danab ee ciidanka So omaaliya, oo Mareykanka ay tababar een.
AFRICOM waxay sheegtay inaysan mas’ uul ka ahayn weerarada ay fuliyaan ciidama da saaxiibka la ah, mana qiran in ay weerar dhanka lugta ah ka fuliyaan Soomaaliya.
Trump oo kala diraya guddiga la tacaalidda coronavirus
Aqalka Cad ayaa qorsheynayaa inuu tod obaadyo gudahood uu ku soo afjaro shaq ada guddiga ka hortagga Corona, iyadoo dal kaasi uu weli faro ba’an ku haayo xanuunka covid-19.
Aqalka Cad ayaa wajahaya cadaadis ku aaddan doorashada sa nadkan dalkaasi ka dhi ci doonta iyo dhaqaala ha dhulka galay.
24kii saacadood ee la soo dhaafay, in ka badan laba-kun iyo 300oo qof ayaa dhin tey.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilli uu booqday warshad Arizo na ku taalla oo lagu sameeyo maskaraatiga afka iyo sanka lagu duubto yiri dalkeena dib ayaan u soo celinaynaa.
Saraakiisha Caafimaadka Mareykan ka ayaa ka digay in fayraska uu sii faafo iyadoo dalkaasi laga bilaabay in ganacsiyada qaar dib loo furo.
Mareykanka ayaa haatan waxaa laga xaqiijiyay 1.2 Milyan oo kiis iyo in ka bad an 70,000 oo dhimasha ah sida laga soo xigtay tirakoobka Jaamacadda Hopkins ee ku taal Baltimore
Wasiir ka tirsan Maamulka Jubbaland oo geeriyooday
Allaha u naxariistee Wasiirka W/W/barash ada iyo tacliinta sare ee Jubbal and Macalin Maxamed Ibraahim Maxamuud ayaa fiidni madii Xalay ku geeriyooday isbi taal ku yaa lla dalka Hindiya.
Marxuumka ayaa muddo 4 bilood kor u dhaafaysa xaalad caafimaad ugu sugnaa dal kaas isaga oo ay xaaladiisa caafimaad ka soo raynaysay maalmihii la soo dhaafay, ha yeeshee uu Xaly uu dhintay. Geerida Wasi ir Macalin Maxamed ayaa waxaa xaqiijiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maa mulka Jubbaland.
Madaxwaynaha Jubbaland Md.Axmed Ma doobe 2da madaxwayne ku-xig een,golaha wasiirrada iyo dhammaan xildhibaanada G/Sh. Jubbaland ayaa Tacsi Tiiraanyo leh u diray qoyskii iyo ehelladii uu ka baxay marxu umka, shacabka Jubbaland iyo guud ahaan ummada Somaliyed geeridan xanunka bad an ee wasiirka ku ti mid.
Mas’uuliyiin Booqday Goobaha uu ka Fat ahay Webiga jubba iyo deegaanada uu khasaarah uu ka gaystay.
Wabiga Jubba ee mara D/Luuq ee G/ Gedo ayaa saamayn u geystay beeralayda Degmada ka dib markii uu sameeyay fahata ad waxana soo kormeeray beerahaasi maa mulka Degmada Luuq.
Iyadoo Gabi ahaanba Gobolada Dalka ay is da’een roobabka guga isla markaana ay saamayn u gay steen dadka Da nyarta Ee beera falatada ayaaa waxaa Kormeer ku tagay maam ulka Degmada Luuq iyo wakiil ka socda hay ’adaha samafalka ee ka howlgala Degmada Luuq kormeeerkaas oo ahaa mid ay ugu ku urgalayeen saamaynta ka dhashay fatahaad iihii uu sameeyay wabiga Jubba.
Guddomiye ku-xigeenka Degmada Luuq Jeelle Xasan Cali iyo Madaxa Mashaariicda iyo xiriirka hay’adaha Degmada Luuq Nuur Xuseen Cali oo ka hadlay qasaaraha uu ge ystay fatahaaada uu sameeyay wabiga Jub ba ayaa sheegay in dalagyadii ay beerteen beeraleyda uu gabi ahaanba qaaday fataha adda.
Dhinaca kale qaar ka mid ah beeralayda Degmada Luuq ayaa sheegay in fatahaadda ay kuwaayeen matooradii iyo dalagyadii yar yaraa ee ka baxayay beeraha.
Xabad joojin la kala dhex-dhigay Male eshiyaad dagaalamay
X/Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobi ya ayaa waxaa ay Wafdi u direen degmada Salaxaad,halkaas oo dhawaan dagaal geyst ay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu ku dhexmaray laba maleeshiyo Beele ed.
Wafdiga waxaa hoggaaminayay Wasiir ku xigeenka Xafiiska Madaxweynaha, waxaa na ay kulama la qaateen Odayaasha dhaq anka degmada Salaxaad iyo saraakiisha Cii damada Fedaraalka Itoobiya qaybta Baali ka dib markii si rasmi ah u hirgashay xabad jooj in la dhex dhigay beelo wada dega Gobala da Erar iyo Afdheer ee Dowlad deegaanka Soomaalida.
Wasiir ku xigeenka Xafiiska Madaxweyna ha DDS Cabdi Risaaq Sayid oo ayaa shee gay in kulamada dhamaantood kaga hadle en sidii loo sii xoojin lahaa xabad joojinta la dhex dhigay labada beelood ee shaqaaqooy inka dhaxmaray ee wada dega Gobalada Af dheer iyo Erar.
Sidoo kale waxaa uu xusay in kulanka saraakiisha Ciidamada Fedaralka Qaybta ka howlgasha Gobalka Baali ka wada hadleen sidii qaybtooda uga qaadan lahaayeen xa bad joojinta 2da dhinac si aysan dhiig kale u daadan taasna ay ka ogolaadeen in la siiyo aag ay ka howlgalaan.
Dagaalkii deegaanka Salaxaad ee DDS ku dhexmaray 2da maleeshiyo beeleed ee Soo maalida ah ayaa waxaa uu sababay geerida dad badan iyo barakaca Boqolaal Ruux. Maleeshiyaad hubeysan oo toogasho ka geystay duleedka Dhuusamareeb
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil ay Shalay kooxo maleeshiyaad ah ka geyst een deegaanka Miiracad hoostaga M/Dhuus amareeb ee caasimada D/G/G/Mudug.
Maleeshiyada hubeysan oo goobta ka bax saday ayaa toogasho ku dilay nin shacab ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka.
Wararka ayaa sheegaya in dilkaasi uu sal ka ku hayo dilal la xariira aanooyin Qabiil oo ka taagan agagaarka magaalada Dhuusam areeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Sidoo kale dilkaan ayaa daba socda dag aal beeleed Dorraad ka dhacay deegaanka Qalaanqalle oo ka tirsan gobolkaasi, kaas oo lagu dilay illaa shan ruux, halka ay ku dhaawacmeen 15 kale oo isugu jira dad sha cab ah iyo dhinacyadii dagaalamay.
Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, iy adoona dhaq dhaqaaqyo iska horjeeda male eshiyaadka labada dhinac ay ka wadaan halkaasi.
Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo bax ay DG/G/mudug oo ku aadan dilka Shalay ka dhacay deegaanka Miiracad, balse waxaa socda dadaallo lagu qaboojinayo xiisada ka taagan deegaankaasi oo ay wadaan odayaal dhaqameedyo.
Inta badan gobollada Mudug iyo Galgadu ud waxaa ku soo laa laabta dagaal beeleed yo u dhexeeya maleeshiyaad hubeysan oo ku wada sugan gobollladaasi
Dadkii ugu badnaa oo ka Barakacay M/Beledweyne May 6, 2020
Wararka M/Beledweyne ka imaanaya ay aa sheegaya in qaar kamid ah Shacabka Ma gaaladaas ay markale bilaabeen inay barak acaan.
Xaafadaha laga barakacayo ayaa waxaa ka mid ah laanta dha gax jibis iyo Xaafado kale ee M/Beledwey ne ka dib markii uu ku fata hay Wabiga Shab eelle ee ma ra M/ Beledweyne.
Dad ku sugan M/Beled weyne ayaa Risaala wax aa ay u sheegeen in meelaha qaar Wabiga uu aad u Biyo keenay,isla markaana ay jirto cabsi weyn oo la xiriirto in uu fataho halka Xaafadaha qaar uu ka fatahay.
Dorraad DFS ayaa waxaa M/Beledweyne ay u dirtay Wafdi Wasiiro ah,kuwaas oo dur ba bilaabay qorsho looga hirtagayo in uu fat ahaad baahsan geysto Wabiga. Dadka bara kacay ayaa aaday dhinaca de egaanka Ce el-Jaalle ee duleedka M/Beled weyne,waxaa na laga soo sheegayaa in hal kaasi xaalad bani’aadanimo ku heysato.
Xaafadda Islii ee M/ Nayrobi oo xayiraad lagu soo rogay Wasiirka Caafimadka ee dalka Kenya ay aa xayiraad guud ku soo rogay xaafadda Islii ee magaalada Nayrobi iyo qayb ka mid ah magaalada Mombasa.
Tan ayaa imaanaysa ka dib markii Dorraad xaafadda Islii laga helay 29 kiis ee cudurka safmarka ee Coronavirus.
Xaafada Islii ee M/Nayrobi oo Soomaali farabadan ay ku nooshahay ayaa Dorraad wa xaa laga diiwaangeliyay kiisaskii ugu badnaa ee Coronavirus.
Cali Guudlaawe oo amray in biyaha la ga saaro Xaafado ka mid Jowhar oo biyo galeen
Madaxweyne ku Xigeenka Hirshabelle Md.Gudlaawe Xuseen ayaa Shalay korm ee ray qeybo ka mid ah xaafadaha M/Jowhar oo ay fariisteen biyo ka dib roobab magaalada ka da’ayay 24-kii saac ee ugu dam beeyay.
MadaxweyneKu Xig eenkaHirshabeelle Md. Cali Guudlaawe oo soo qiimeeyay sameyn ta ay biyaha u rooba bka u geysteen xaafa daha buulo-sheikh, Kul mis, Hanti-wadaag gaar ahaan Badda-cas iyo xaafada Horseed ayaa ammar ku bixiyay in si deg deg ah biy aha looga saaro xaafad aha ay saameeyeen roobabka isagoona go ob joog u ahaa inta ay howsha socotay.
Xaafado badan oo ka mid M/Jowhar ay aa waxaa fariistay biyo badan oo ka dhash ay roob xoog leh oo ka da’ay Magaaladaasi.
M/Jowhar ayaa sidoo kale waxaa ka ji r ta cabsi la xiriirta inuu fatahaad sameeyo Wabiga Shabelle ee dhexmara M.Jowhar.
Dab ka kacay goobo ganacsi oo Muqdi sho ku yaala oo la demiyay
Dab xoogan ayaa caweysnimadii xalay ka kacay goobo ganacsi oo ku yaala Isgoyska Banaadir ee Degmada Hodan ee G/Bana adir.
Ma cadda waxa dha liyay da bkaasi, balse waxaa saacado ka dib lagu guuleystay in la demiyo. Dabka ayaa burbur u gaystay dhis mooyinkaasi ganacsi.
Shaqaalaha Gaadiidka Dab Demiska oo kaashanaya Maamulka Degmada Hodan iyo dadka deegaanka ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan dabkaasi.
Gudoomiye Kuxigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka G/Banaadir, Cumar Cali Cabdi oo halkaasi kormeeray ayaa dhinacyadii dab ka demiyay kaga mahadceliyay juhdigii ay ku bixiyeen.
Gudoomiye Kuxigeenka ayaa yiri "Waxa an kormeer hawleed ku tagay dab ka kacay goobo ganacsi oo ku yaala Isgoyska Bana adir, qaybta Degmada Hodan, inkastoo nas iib wanaag Kooxda Gurmadka Deg-dega ah ee Dab Demiska Dowlada Hoose Xamar ay dabkaasi ku demiyeen waqti kooban.”
Waxa uu intaa ku daray "Waxaan u mah ad celinaya Maamulka Degmada Hodan iyo shacabkii ka qayb qaatay gurmadkii dabka ka kacay goobahaasi ganacsi.”
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo noqnoqday dabka ka kaca goobaha ganacsi ee ku yaala suuqyada magaalada, iyadoona burbur dhaqaale uu ka soo gaaro ganacs atada.
Wasiirkii ugu horreeyay oo ruushka laga helay Corona Virus
Wasiirka dhaqanka ee Ruushka, Olga Lyu bimova, ayaa noqday Wasiirkii ugu horeeyay ee Cudurka Corona Virus la ga helay dalka ruushka.Waka alada Wararka ee dalka Ruu shka ayaa sheegtay in Wasiir ka Shalay la ga xaqiijiyay Cu durka.
"Lyubimova waxay leedahay astaamo kha fiif ah waxayna sii wadaysaa inay si fog uga shaqeyso, iyadoo kulammo ku qabaneysa khadka internetka”, ayay tiri xoghayaha saxa afadda Anna Usacheva, sida laga soo xigtay TASS.
Tiradda ee dadka laga helay Corona Virus ee dalka Ruushka ayaa gaaray 165,929, hal ka dadka u dhintay ay gaarayaan 1,537, wa xaa ka bogsaday 21,327
In ka badan 3.6 milyan oo dad ah oo ku nool daafaha dunida ayaa lagu xaqiijiyey cu durka ‘coronavirus’ illaa iyo hadda, ku dha waad 257,000 ayaa ku dhintey, sida laga soo xigtay xogta ay soo aruurisay Jaamacad da Johns Hopkins. Ku dhawaad 1.2 Milyan oo qof ayaa soo kabsaday
Mareykanka oo iska fogeeyay eedeyn loo jeediyay
Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykan ka ayaa beenisay inay ku lug lahayd wax sar aakiisha dalka Venezuela ay ugu yeereen isku day af gambi oo fashilmay oo dal kaas ka dhacay.
"Dowladda Mareykanka wax shaqo ah ku ma lahan waxa ka dhacay Venezuela maal miii tegay,” waxaa sidaas yiri xoghayaha ga ashaandhigga Mareykanka Mark Esper.
Madaxweynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro ayaa Isniintii sheegay inay qabteen 2 muwaadin oo Mareykan ah, oo sida uu sheegay la shaqeynayey sarkaal horey uga tirsanaa militariga Mareykanka oo qirtay ho wl-galka. "Dowladda Mareykanka ayaa si bu uxda oo dhameystiran ugu lug leh howl-gal kan fashilmay,” ayuu yiri Maduro.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Tru mp ayaa sidoo kale beeniyey in Mareykanka ay ku lug lahaayeen howlgalka Venezuela.
2da muwaadin ee Mareykanka ayaa mag acyadooda lagu kala sheegay Luke Denman iyo Airan Berry, waxaana 2dooda oo horey u ga tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Marey kanka lala xiriiriyey shirkad amni oo gaar loo leeyahay oo fadhigeedu yahay gobolka Flor ida.2 Askari ee horey ayaa waxaa la qabtay markii ay soo cago dhigteen mid ka mid ah xeebaha dalkaas.
Khabiir ku dhowaa inuu helo dawada Cor onavirus oo lagu dilay Maraykanka
Sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska dalka Mareykanka, Kha biir ku dhawaa inuu helo daawada cudurka Coro navirus ayaa lagu toogtay oo lagu dilay dalkaas.
Professor-ka la dilay oo lagu magacaabo Bing Liu ayaa ahaa khabiir Jaamacadda Pit tsburgh u qaabilsanaa baaritaanka daawooy inka, waxaana la sheegay in meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalo Ross Township oo dhacda Waqooyiga M/ Pittsburgh.
Jaamacadda Pittsburgh ayaa Professor Li u, oo asal ahaan kasoo jeeday Shiinaha, ku sheegtay inuu ahaa Cilmi-baare heer sare ah oo wax badan ka fahamsanaa seyniska.
Bayaan ay soo saartay Jaamacadda lagu yiri "wuxuu ku dhawaa helidda daawada cud urka Coronavirus, waxaana ku dadaalaynaa inaan dhamaystirno dadaalkii uu bilaabay.”
Baarayaasha ayaa rumeysan in nin 2aad oo aan la garaneyn, oo meydkiisa laga helay gaarigiisa uu gurigiisa ku toogtay Liu ka hor inta uusan ku laaban gaarigiisa oo isna mar kii dambe is dilay.
2da nin ayaa la sheegay inay is-garana yeen hase yeeshee booliska ayaa sheegay inaysan jirin wax astaamo ah oo muujinaya in Liu loo beegsaday sababo la xiriira inuu Shiinees ah.
BOGGA CAYAARAHA
Fabregas oo ka jawaabay hadalo uu sheegay Thibaut Courtois ee ka dhan ah kooxda Barcelona
Xiddiga reer Spain ee Cesc Fabregas ayaa ka jawaabay hadalo uu sheegay Thibaut Courtois ee la xiriira hanashada horyaalka La Liga, haddii ay dhacdo in la dhameystiri waayo.
Xiddigii hore kooxda Barcelona ee Cesc Fabregas ayaa wuxuu sidoo kale ka hadlay arrimo kale, oo ugu horreeyo xiisaha Real Madrid ay ka muujineyso xiddigaha Kylian Mbappé iyo Eduardo Camavinga.
Cesc Fabregas ayaa wareysi uu ku bixiyay "TVE” wuxuu ku sheegay:
"Kylian Mbappé waa wiil aad u gaajoonaya, wuxuuna doonayaa inuu noqdo kan ugu fiica, qaab ciyaareedkiisa wuxuu ku fiicnaan doonaa koox sida Real Madrid ah”.
"Marka laga hadlayo Eduardo Camavinga wuxuu soo maray duruufo adag ee aad u xoogan, uma muuqdo inuu da’ayar yahay”.
Intaas kaddib Cesc Fabregas ayaa u jawaab celiyay Thibaut Courtois kaddib markii uu sheegay inay tahay cadaalad darro haddii Barcelona loo caleemo saaro hanashada horyaalka Spain iyadoo aan la dhameystirin/
Cesc Fabregas oo arrintan kahadlayay ayaa wuxuu yiri:
"Qof walba wuxuu difaacayaa danahiisa.”
"Magaalada Monaco, horyaalka Faransiiska wuxuu ku dhamaaday iyadoo aan la dhameystirin, waxaanan luminey booskii aan ugu soo bixi laheyn tartamada Yurub”.
"Haddii ay dhacdo in la joojiyo horyaalka Spain, Barcelona waa in loo caleemo saaraa hanashada horyaalnimada xitaa haddii uu farqiga u dhexeeya yahay labo dhibcood oo keliya” ayuu yiri Cesc Fabregas.
Lionel Messi iyo Ciyaartoyda Barcelona oo ku soo laabtay xerada tababarka iyo arrinta ay kaga duwanaayeen xiddigaha Real Madrid
Ciyaartoyda kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ku soo laabtay xerada tababarka maanta si ay halkaas ugu maraan tijaabada baaritaan ee la xiriirta xanuunka coronavirus si ay shaqada tababarka ugu soo laabtaan toddobaadkan ama midka xiga.
Xerada Ciutat Esportiva ayaa albaabada ay u xirnaayeen 53-kii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo ciyaartoyda ku xareysnaayeen guryahooda kaddib bandowgii dowladda Spain ay ku soo rogtay guud ahaan dalkeeda.
Si kastaba ha ahaatee, Bandow rogidda ayaa dib loo dhigay toddobaadkan, iyadoo tababarka loo ogolaaday kooxaha inay xiddigahooda gaar-gaar u sameeyaan halkii qaab wadareed loo sameyn lahaa.
Dhammaan ciyaartoyda La Liga ayaa qasab ay ku tahay inay maraan baaritaanka la xiriira COVID-19, waxaana ciyaartoyda Barca ay mareen maanta oo Arbaco ah si loo hubiyo in xiddigaha ay ka bad qabaan xanuunka.
Xiddigii ugu horreeyay ee soo gaaray goobta waxa uu ahaa Sergi Roberto, kaasoo 8.45am yimid, waxaana xigay Ivan Rakitic, Clément Lenglet iyo Marc-Andre ter Stegen, halka xiddigaha kale ay gaar gaar u imaanayeen saacadihii xigay.
Ciyaartoyda Barcelona ayaa badankood xirnaa maaskarada wajiga, iyadoo Rakitic ay u sii dheerreyd inuu xirnaa gacmo gashi, waana midda ay kaga duwanaayeen xiddigaha Real Madrid, kuwaas oo badankood maaskaro la’aan ahaa.
Ciyaaryahan walba ayaa qiyaastii 20 daqiiqo ku sugaa xerada tababarka ka hor inta aysan ka bixin isla albaabkii ay ka soo galeen.
Chelsea laacibkeeda Willian oo heshiiska shaqsiga la gaaray koox ka ciyaarta Premier League
Laacibka kooxda Chelsea ee Willian ayaa dhowaanahan lala xiriirinayay u dhaqaaqista kooxaha kala ah Tottenham Hotspur iyo Arsenal, waxaana hadda lagu soo warramayaa inuu heshiiska shaqsiga ah la gaaray kooxda Spurs, xagaaganna uu ku biiri doono kaddib marka uu dhaco qandaraaskiisa Blues dhammaan xilli ciyaareedkan.
Garabka reer Brazil ayaa toddobo sano ku qaatay kooxda Stamford Bridge ka dhisan, balse kooxda galbeedka London ayaa ku guuldarreysatay inay heshiis cusub ka saxiixato laacibkan.
Willian iyo qoyskiisa ayaa doonaya inay baaqi ku sii ahaadaan magaalada London, iyadoo 31-jirkan muddooyinkii ugu dambeeyay lala xiriirinayay Tottenham iyo Arsenal oo caasimadda England kala dhisan kooxda Chelsea.
Balse rabitaankiisa ah inuu dib ula midoobo Macallin Jose Mourinho ayaa saldhig u ah doorasha Spurs, iyadoo la xasuusto in Mourinho uu Willian usoo gacan galiyay Blues sanadkii 2013 oo ku beegneyd billawgii xukunkiisa labaad ee Stamfor Bridge.
Sida laga soo xiganayo barnaamij soo jeediyaha beIN Sports ee Richard Keys, heshiiska Willian uu ugu biirayo Tottenham ayaa horraan la isla meel dhigay, waxaana marka uu idlaado xilli ciyaareedkan uu si bilaash ah ugu dhaqaaqi doonaa kooxda uu hoggaamiyo macallinkiisii hore ee Mourinho.
Xikmadda Bisha Ramadaan Iyo Faa’idooyinkeeda
[
QEYBTA 1AAD,
Bisha barakeysan ee Ramadaan waa bisha Allah sw uu ku wajibiyay bulshooyinka muslimiinka in ey gutaan waajibaadka, afxirashada ama soomida loo yaqaano, waa hab-cibaadeed ka kooban qeybo badan oo kala duwan isla markaana leh xikmad u gaar ah.
Inta aanan u gudbin xikmada Ramadaanka inta Alle inaga fahamsiiyo bal eynu si guud u eegno sida uu Allah sw u qaabe-eyay Ramadaanka.
Ramadaanka afxirashadiisu waa tiirka 3aad ee tiirarka diinta islaamka waana mid ka mid ah astaamaha ama shacaa’irta ugu waaweyn ee islaamka, Allah sw waxa uu ku yiri suuratul baqara Aayada 183aad"kuwa iimaanka laga helayoow waxa la idinku waajibiyay afxirashada Ramadaanka sida loogu waajibiyay dadyowgii idinka horeeyay, waxaa xaqiiqo ah inaad dhowrsanaan doontaan”.
Aayadu waxa ey is dultaagtay dhowr qodob oo ahmiyad gaar ah inoo leh bilowga Aayada iyo dhamaadkeeda oo isku xiran marka aad u fiirsato waxaaa kuu soo ifbaxaya ahmiyada iyo iney lagama maarmaan tahay in la isku xiro bilowga iyo dhamaadka Aayada marka la dhaqan gelinayo, hadii aan jilciyo, Allah sw waxa uu bilowga Aayada inoo sheegay isaga oo u dhawaaqaya dadka iimaanka laga helay in uu nugu waajibiyay afxirashada(soomida) bisha barakeysan ee Ramadaan, kadib waxa uu raaciyay in afxirashadu eysan inaga nugu koobneyn oo dadyowgii horaba sidaan oo kale loogu waajibiyay, hase ahaatee ila eeg walalka muslimka ohow, waxa halkani ka soo baxaya su’aal uu qofku is weydiin karo oo ah .. ilaahoow maxaad afxirashada inoogu waajibisay? Ama muxuu yahay hadafka ka dambeeya ineynu afxirano, soonno?s u’aashani waxa uu Alle uga jawaabay Dhamaadka Aayada isaga oo leh "waxaad mudantihiin ama xaqiiqo ah inaad Alle ka cabsataan( dhowrsanaataan)” weedha Alle adeegsaday iyo ficilka carbeed ee uu adeegsaday labadaba waxa ey ina siinayaan aragti fog iyo faham qoto dheer oo ku saabsan xikmada Alle u jideeyay(u waajibiyay) afxirashada bisha rammadaaanka.
Erayga (Al-taqwa)oo ka mid ah astaamaha ugu waaweyn ee lugu gartodadka xiriirka dhow la leh Alloohooda, ayuu Alle u adeegsaday inuu yahay hadafka ka dambeeya afxirashada Ramadaanka, waa arin ugub ah aadna ahmiyad gaar ah inoogu leh, culimada muslimiintu siyaabo kala duwan ayey u fasiraan erayga (Al-taqwa) marka loo eego siyaabooyinka kala duwan ee uu Alle uga hadlay Quraanka, hasa ahaatee waxa su’aal taagan ah,waa maxay taqwo? waa maxaay astaamaha qofka ku sifooba taqwada? Taqwadu waa mowluuc guda balaaran oo aanan halkani lugu falanqeyn Karin hase ahaatee wexeynu eegi doonaa inta kala xiriirta afxirashada iyo soomidda bisha Ramadaanka. Marka aan si guud u eegno taqwada la xiriirta Ramadaanka waxaa kuu soo baxaya in taqwadu qeyb ka tahay isu dhawaashaha adoonka iyo rabigiisa, dib u habeynta iyo boor ka jafida xiriirka u dhexeeya Alle iyo adoomadiisa muslimiinta ah, taas oo la macno ah hadba qof kasta inta uu hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay Allihiisa isaga oo qaadanaya talooyinkiisa ku aadan gudashada waajiaadka iyo habdhaqanada wanaagsan, sidoo kale isaga oo qaadanaya waanada Allihiisa, waa marka uu ka fogaanayo waxyaabaha aan ku habooneyn ee ey ka soo gaari karto dhibaato aduun iyo mid aakhiro, waa marka uu u dhawyahay Alle sw.
Intaa marka aan isla fahano su’aal aad is weydiineyso ayaa ah, side bey isugu xiranyihiin bilowga Aayada iyo dhamaadkeeda? ama, waa maxay xiriirka ka dhexeeya afxirashada Ramadaanka iyo hagaajinta xiriirka Alle?.
Marka aan yara bidhaamiyo waxaa jira faham khaldan oo eynu in badan ka aaminsanahay waajibaadka Alle inagu waajibiyo inaga oo aanan helin sharaxaad nugu filan tusaale ahaan marka aad u fiirsato Ramadaanka iyo bulshooyinka muslimiinta ah inbadan oo kamid ah, Ramadaanku waxa uu u muuqdaa sida dhaqan ama caado oo kale, taas oo ey dadku joogteeyaan iyada oo aan la garaneynin xikmada ama sirta ka dambeysa, taasi waxa ey keentay in ey yaraato saameynta Ramadaanku inagu leeyahay marka loo eego dhaqan ahaan, hase ahaatee si kasta oo ey tahay waxa lagama maarmaan ah ineynu fahano xikmada ka dambeysa Ramadaanka iyo xiriirka ka dhexeeya hagaajinta xiriirka Alle iyo soomida bisha Ramadaan.
QEYBTA 2AAD
SOOMIDA RAMADAANKA IYO HAGAAJINTA XIRIIRKA ALLE
Waxaa lagama marmaan ah ineynu fahano xiriirka tooska ah ee ka dhaxeeya afxirashada bisha Ramadaan iyo hagaajinta iyo qurxinta xiriirka kaala dhexeeya Allahaga ku uumay, sababtoo ah Allah sw waxa uu sabab uga dhigay afxirashada Ramadaanka in ey inoo horseedi doonto hagaajinta xiriirka aad Alle la leedahay, sidaa darteed ka mira dhalinta ama xaqiijinta gudashada waajibka soonka waxa uu ku xiranyahay hadba inta uu hagaagsanaado xiriirka aad la leedahay Alle sw, tani waxa ey la macno tahay hadii uusan hagaagsaneyn xiriirka aad Alle la leedahay, tusale ahaan inuu yaryahay isku xirnaanta dhexdiina ah sida inta jeer ee aad aqrido Quraankiisa si aad ula sheekeysato Allah sw, iyo inta jeer ee aad Allah amaanto inta jeer ee aad booqato gurigiisa si aad Allah u xusto una amaanto waa marka ey yartahay inta jeer ee aad qaadato waanadiisa ku aadan fulinta iyo dhaqan-gelinta talooyinka ku anfacaya aduun iyo aakhiro iyo sidoo kale qaadashada waanada Alle ee kaa reebeysa xumaha, munkarka iyo wax walbo oo aan kugu habooneyn.isku soo wada duuboo wax walbo oo wax u dhimi-kara habsami u socodka xiriirka kaala dhexeeya Allahaaga sw waa inaad ka fogaataa.
Marka uusan hagaagsaneyn xiriirka kaala dhexeeya Allahaaga wexey la macno tahay ma aadan gudanin waajibkii Alle ku saaray ugama aadan soo bixin sidii lagaa doonayay, sababtoo ah waxaa liita xiriirka Alle kaala dhexeeya, Ramaadankana waxaa loogu talo galay sida ku xusan Aayada inuu noqdo mid hagaajiya oo boorka ka jafa xiriirka kaala dhexeeya Allah sw,La Soco Qeybaha Kale
W/Q: SAID AHMED WEHLIYE
HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 7-MAY-2020
Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyey dadaalka Xukuumadda iyo Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 Madaxweynaha JF/Soomaaliya Md. Max amed C/hi Farmaajo oo khadka internetka kaga qeyb galay shirka joogtada ah ee Gu ddiga Qaran ee Xakameynta Cu