
HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 6-MAY-2020
Xildhibaan Baxaar oo ku geeriyooday Magaalada Baydhabo
Allaha u naxariistee Xildhibaan Yuusuf Ca bdi Suuri (Baxaar) oo ka mid ahaa Xildhibaa nada Baarlamaanka K/Galbeed ayaa fiid nimadii xalay ku geeriyooday M/Baydhabo.
Xildhibaanka oo muddooyinkii ugu dambey say la tacaalayay xanuunka sokorta ayaa la sheegay in shalay uu aad ugu kacay, ugu da mbeena uu xalay ugu geeriyooday hotelkii uu ka deganaa M/Baydhabo.
Ex Xildhibaan Mudiyow Maxamed Iftiin oo ka mid ahaa Baarlamaankii hore ee K/Galbe ed oo isku hotel wada deganaayeen marxu umka ayaa xaqiijiyay geerida naxdinta leh ee ku timid.
Xildhibaan Baxaar ayaa ka mid ahaa 2dii Baarlamaan ee Maamulka K/Galbeed uu ye eshay, tan iyo markii maamulkaasi la aas a asay lix sano horteed.
Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaan ka K/Galbeed, Cali Saciid Fiqi ayaa ka tacsi yadeeyay geerida ku timid Xildhibaanka Ba arlamaanka K/Galbeed ka tirsanaa.
"Aniga oo ku hadlaya magaceyga, kan Xil dhibaanada Baarlamanka K/Galbeed iyo Ma daxweynaha DGKGS waxaan halkan tacsi u ga dirayaa qoyskii, eheladii iyo reer K/G oo uu ka baxay Yuusuf Cabdi Suuri (Baxaar).”
Xiisadda Kenya iyo Itoobiya ee gudaha Soomaaliya oo kasii dartay
Agaasimihii hore ee Geeska Afrika ee Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ee ICG, ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradii Dorra ad ku soo dhacdeen M/Bardaale ee Gobolka ay sare usii qaadayso xiisadda ka dhex oog an dalalka Kenya iyo Itoobiya.
Diyaaraddaas ayaa waxaa lahaa shirkad da African Express, waxayna ka diiwaan ga shaneyd dalka Kenya. Dadka ku dhintay ay aa waxaa sidoo kale ku jiray 2 duuliye oo Ke nyan ah, oo lagu kala magacaabo Mabruk Islam Sherman iyo Omar Chiragh din, kuwaas oo kasoo jeeday Mombasa.
"Kenya iyo Itoobiya wa xay u ciil-qabeen dagaal. In diyaarad ganacsi oo K enyan ah la gu soo rido aag ay maamulaan ciidamada It oobiya, waxay tusmeyneysa ho os u dhac cu sub oo halis ah. Waa nacas nimo iyo fulayn imo in cayaar lasoo guuriyey lagu dul cayaa ro Soomaaliyada aan tabarta lahayn,” ayuu yiri Rashiid Cabdi, oo qoraal soo dhigay twit ter-ka.
2-da dal ayaa waxaa horey uga dhaxee yey xiisad salka ku haysa khilaafka DF iyo maamulka Jubaland, oo ay kala taageeraan.
Ciidamada Itoobiya ayaa marar badan isku dayey in ayaga oo taageeraya madaxweyne Farmaajo ay meesha ka saaraan Axmed Ma doobe, hase yeeshee waxaa hortaagan ciid amada Kenya oo garabsiinaya madaxweyn aha Jubaland.
Si kastaba, Rashiid Cabdi ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in ciidamada Itoobiya aysan marnaba qiran doonin inay diyaarad da soo rideen.
"Haddii malahaygu saxan yahay. Ciidan ka Itoobiya marnaba si shaacsan uma qiran do onaan. DF waxay eedeyn doonta Al-Sha baab, si ay u raacdo sheekada Itoobiya. Ken ya waa ay carroon doontaa, miiska ayey u garaaci doontaa saraakiisha Itoobiya, balse si qa rsoon. Kuligood waa ay iska aamusi do ona an, wax walbana waxaa lagu illaawi doo naa maalmo gudahood,” ayuu yiri.
Dowladda Kenya ayaa Shalay ka dalba tay DFS inay soo caddeyso sababta ay diy aaradda u soo dhacday, halka DFS ay shee gtay inay baaritaan ku sameyn doonto.
DFS oo sheegtay in la ballaarinayo xar umaha lagu baaro dadka looga shakiyo Covid-19.
R/Wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre oo shir guddoominayay kulanka joogtada ah ee dhexmara Guddiga Qaran ee xakameynta Fayruska dilaaga ah ee Covid-19, waxa uu xubnaha guddigaas kala ha dlay sida loo kordhin karo goobaha lagu baaro dadka looga shakiyay Coronavirus.
Xubnaha guddiga ayaa laga dhageystay Warbixin la xiri irta kiisaska cudurka ee dalka laga helay, wa xaana ay soo jeediyeen in la kordhiyo gooba ha baarista oo hadda kaliya ku eg isbitaalka Martiini.
R/Wasaare Khayre ayaa sheegay in la kordhinayo go obaha baarista cudurka Coro na si loo kordhiyo adeegya da caafimaad ee looga hort agayo khatarta fayruskaan.
Shaybaarka lagu baaro shaqsiyaadka qa arkood lagu arkay calaamadaha cudurka iyo kuwa aan ka muuqan jir ahaanta waxaa la soo gudbiyaa jawaab natiijada kasoo baxda baaritaanada 24-kii saacba mar.
Guddiga qaran ee ka hor tagga faafidda Covid-19 ayaa xiliyada habeenkii ku kulma qaabka Muuqaalka tooska ah (Vedio Confer ence), waxa ay wadaagaan talooyinka wax looga qaban karo, iyada oo laga duulayo kii saska saacado ka hor xiligaas ay ku dhaw aaqdo W/Caafimaadka XFS.
Kiisaska cudurkaan ee Soomaaliya laga helay guud ahaan waa 756 xaaladood, dhim ashadu waa 35-ruux halka dadka ka caafim aaday ay gaarayaan 61-ruux guud ahaan dalka.
DF Somaliya oo war rasmi ah kasoo saartay diyaaradii ku dhacday garoonka Bardaale
DFS,oo war rasmi ah ka soo saartay diya araddii Dorraad ku dhacday M/Bardaale, ay aa sheegtay inay si rasmi ah u bilowday baa rita an ku aaddan shilkaas, oo ay ku dhinte en illaa lix qof oo saarnaa diyaaraddaasi.
Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawa da Soomaaliya ayaa gud di khuburo ah Shalay u dir tay goobta ay ku burbur tay diya ada oo ay laheyd shirkada African Express
Guddigan ayaa soo baari doono, sababta rasmiga ah ee ka dambeysay burburka diy aaddaasi oo la sheegay inay si ula kac ah u soo rideen ciidamada Itoobiya.
W/Gaadiidka ayaa sidoo kale shaacisay In ay si deg-deg ah u shaacin doonto natiijada baaritaankaasi, isla markaana ay la wadaagi doonto Umm adda Sooma aliyeed.
Diyaaradda oo uu noocee du ahaa E120 ayaa siday shixnad gar gaar daawo ah, wax aa na ku nafwaayay dham maan dadkii sara naa oo lix qof ahaa.
Warar lagu kalsoon yah ay oo Caasimada Online ay heshay ay aa sidoo kale sheegaya in duulimaadka diya araddaasi ay haysatay oggolaansho W/duu lista DFS, iyadoo horay loo wargeliyay ma amulka garoonka Bardaa le, lagana war qa bay xilliga duulimaadkaasi uu ku soo waja hnaa garoonka.
Dadka ku dhintay shilkan ayaa kala ahaa, Captan Xasan Musse Bulxan, Captan Mubru uk, Captan Cumar, Eng.Kenyaan ah, mas’u ulkii xamuulka saarnaa diyaaradda Cali Mad ax-Gaduud iyo wakiilkii Shirkadda Saciid C/ hi Maxamed, sida uu sheegay Xildhibaan
Ibbi. Xigasho:Caasimadda.net
Guddoomaha Gobolka oo Habeen hore korm eer ku tagay qaar ka mid ah degmo oyinka G/Banaadir
Duqa Muqdisho ahna Gudoomiyaha G/Ba naadir Md.Cumar Maxamuud Maxamed (Cu mar-finish) ayaa Habeen hore kormeeray qa ar ka mid ah Degmooyinka G/Banaadir korm eerk aan oo ahaa mid uu ugu kuur galayay sida uu u hir galay Bandowgo lagu soo rogay M/Muqdisho G/ ye Fin ish ayaa dhowr Degmo ee uu kormew eray ayuu ku qiimeey ay Xa alada ha Amniga ,Nadaafada iyo Ban dowga kaasi oo looga hortagayo Cudurka Karoona Feyrus iyo sidoo kale in la qiimeeyo hahaan ka ay u shaqeeyaan Maamulada Degmooyin ka.
"Waxaan soo marnay dhowr degmo iyo dhowr waddo ee degmooyinka G/Banaadir si aan ugu kuur galno dhaqan galka bando wga looga hortagayo cudurka dalka kusii fa afaya ee Covid-19 iyo sidoo kale amniga guud ahaan Magaalada”sidaas ayuu yiri G/ ye Cumar (Filnsh)
Sidoo kale ayaa shacabka ayaa ugu ba aqay in la qaato awaamiirta dowladda ee uu ugu horeeyo bandowga si loo xakameeyo Cudurk qatarta ah ee Karoona Feyruska.
"Hadii aan qafiifinay Bandowga kama dhig na in la joojiyay bulshada waxaan u sheege yna in wali xaaladu ay taagan tahay loona baahanyahay in laga fijignaado goobaha lay sku yimaado iyo is dhaxgalka badan sidaa daraadeed marka kale waxaan ka codsaney naa inay nala qaataan dadaalada iyo wacyi galinta saameynta Cudurkaan Covid-19.
Xildhibaan Ibbi "Waa Dhab diyaaradda as waa la soo riday, markii ay ku degi rabtay Bardaale”
Xildhibaan Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo ka mid ah saamileyda Shirkadda Diy aaradaha African Express ayaa sheegay in diyaaraddii Dorraad ku burburtay agagaarka garoonka diyaaradaha Bardaale la soo riday.
Prof. Ibbi oo wareysi siiyay Ida acada Risaale ayaa sheegay in aanay garaneyn sida wax u dhaceen, balse ay dhab tahay in diyaaradooda la soo riday, ayna ka war sugayaan baaritaanka ay dowl adda wado.
"Waa dhab diyaaraddaas waa la soo ri day, markii ay ku soo fooraarsatay garoonka diyaaradaha Bardaale,ma naqaano sida wax u dhaceen, baaritaanka dowladda ku jirta wa xaa ku geeriyootay labo Captain, Engineer, labo shaqaale iyo nin xamuulka diyaaradda saarnaa wakiil ka ahaa”ayuu yiri Prof. Ibbi.
Waxaa uu sheegay in dadka deegaanka Bardaale ay u sheegeen in xilliga diyaarad da soo degi rabtay uu socday dab rid iyo ta babar, isla markaana diyaaradda ay aragtay garoonka oo gawaari yaallay, kor ayay u kac day, wey kala wareegtay, markaas kadib ay saalbo ku dhacday, kuna burburtay meel ga roonka u dhow sida uu yiri Xildhibaan Ibbi.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciid amada Itoobiya ee saldhigga ku leh garoon ka diyaaradaha Bardaale ayaa la sheegay inay gantaal ku dhifteen, inkastoo aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay.
Xigasho:jowhar.com
Kiisaskii ugu badnaa ee Coronavirus oo laga helay xaafadda Islii
Sida ay Shalay sheegtay W/caafimaadka kenya, 45 kiis oo cusub ayaa Shalay la hel ay, 29 ka mid ahna waa Magaalada Islii.
"Qofna ma garanayo cudurka corona, waa na in dadka aan loo cunsuriyeyn”, ayey tiri wasaaradda Caafimaadka ee Kenya.
Tirada Guud ee kiisaska kenya laga hel ay waxay gaarayaan 535 qof.
Xaafada Islii ee M/Nayrobi dalka Kenya ayaa waxaa degan Soomaali farabadan, wa xaana taasi walaac xoogan ka muujiyey Wasaaraadda Caafimaadka Kenya.
Taliyihii ciidanka madaxtooyada Puntland oo is-casilay, xilli khilaaf uu hareeyey madaxtooyada
Col. Barkhad C/hi Yuysuf ayaa Shalay ku dhawaaqey inuu iska casiley xilkii uu ka ha yey Puntland ee ahaa Taliyaha ciidanka ilaa lada madaxtooyada Puntland.
"Anigoo ah G/sare Barkhad Abdillahi yus uf taliyaha ciidanka Madaxtooyada D/Punt land waxaan ku dhawaaqayaa Shalay oo tarikhdu tahay 5/5/2020 inaan iska casilay xilkii ahaa taliyaha cidanka madaxtoyada Puntla nd,” ayuu taliyaha ku yiri qoraal uu la wadaagay madaxtooyaa.
Col. Barkhad wax faahfaahin ah kama bixin sababta uu isu casiley, hase yeeshee xog aan helnay ayaa sheegeysa in sababta ugu weyni ay tahay wada shaqeyn xumo mu ddo soo jiitameysey oo ka taagan madaxto oyada, taas oo u dhexeysey ilaa madaxwey naha ilaa qaar ka mid ah shaqaalaha hoose ee madaxtooyada.
Col. Barkhad oo ah nin dhaliyaro ah ay aa leh tababar iyo aqoon dhanka Milteriga ah, waxanaa Madaxweynaha Puntland bilowgii 2019 u magacaabey taliyaha ciidanka Mad axtooyada.
Bil ka hor uun ayey ahayd markii sidoo ka le uu is-casilay agaasimihii Madaxtooy ada Puntland Maxamed C/diif Yuusuf, oo sidoo kale la rumeysan yahay inuu isku casilay khilaaf ka taagan madaxtooyada.
Kenya oo xayiraad ku soo rogtay xeroo yin ay ku sugan yihiin Qaxooti Sooma ali ah
Dowladda Kenya ayaa bilaawday qorsho lagu yareeynayo dhaq dhaqaaqa ee ka bixi taanka iyo gelida 2Xero Qaxooti oo ku taalla Gud aha dalkaas sababo la xiri ira ka horta gga faafitaan ka Cudurka COVID-19.
2da Xero oo kala ah Xeryaha Dhadhaab oo ay ku nool yihiin 217,000 oo qof, iyo xerada Kakuma ee waqooyi-galbeed Kenya, oo ay ku nool yihiin 190, 000 oo qof,waxaana dad kaasi ay u badan yihiin Soomaali,iyada oo la geeyay Ciidamo fara badan oo dhaq dhaqa aqa yareeya.
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiangi ayaa sheegay in ujeedada ugu we yn ay tahay sidii loo yareyn lahaa faafitaan ka Cudurka Coronavirus oo ilaa iyo hadda Kenya laga diiwaangeliyey 490 kiis.
Kenya ayaa horay u qaaday tallaabooyin dhowr ah oo looga hortagayo faafitaanka Cudurka COVID-19,waxaana Magaalooyin ka qaar la saaray Bandow bilaabanaya 7:00 Habeenimo iyo Go’aano kale.
Wasiir Goodax Barre oo QM kala hadlay saameynta Waxbarashada ee COVID-19
Wasiirka W/Waxbarashada XFS Xildhi baan C/hi Goodax Barre ayaa kulan dhinaca Internet-ka ah waxaa uu la qaatay Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan. Kulanka ayaa 2da dhinac waxaa ay u ga wada hadleen qorshaha wasaaradda ugu tala-gashay inay kaga jawaabto saameynta cudurka Covid_19 ee xagga waxbarashada.
"Waxaan kulan la yee shay Wakiilka Q/M u Qaabilsan Soomaaliya, Amb.James Swan. Waxaan kala hadlay qor shaha wasaaradda ugu tala-gashay inay ka ga jawaabto saameynta cudurka Covid_19 ee xagga waxbarashada, waxaan sidoo kale ka wada hadalnay shaqooyinka naga dhex eeya Hay’adda QM u Qaabilsan Arrimaha Waxbarashada ayuu yiri” W/Goodax .
Cudurka safmareenka ah ee Coronavirus ayaa waxaa saameyn ballaaran uu ku yee shay Waxbarashada dalka,waxaana la fasa xay Goobaha Waxbarashada ee dalka,sida Iskuulada iyo Jaamacadaha
Wafdigii gaaray Beledweyne oo korme eray Goobaha uu Wabiga ka fataho
Wafdigii ka socday DFS ee Wasiirada ah aa ee Shalay gaaray Beledweyne ayaa wax aa ay kormeereen Goo baha uu Wabiga ka fa taho iyo Kiliga Hilikiliyo iyo Goobo kale.
Wafdiga oo uu Hogga aminayo W/Boostada iyo Isgaarsiinta DFS Ing, Cabdi Canshuur Xasan ayaa waxaa ay qiimeyn ku sameeyeen halka laga dhisi karo Biyo xireen si loogu guuleysto joojinta fatah aada uu sameeyo Wabiga Shabeelle.
Guddoomiyaha G/Hiiraan Cali Jeyte Cis maan oo Xubnaha horkacayay ayaa geeyey Goobaha uu inta badan ka fataho Wabiga, isaga oo sheegay inay muhiim tahay in laga hortago fatahaada Wabiga.
Arrintaan ayaa waxaa ay ku soo aadeys aa xilli Dorraad Xaafado ka tirsan B/weyne uu Wabiga ka fatahay,isla markaana dadka qa arkood ay bilaabeen inay barakacaan.
Deni oo shaaciyey inay burburiyeen shabakado ay leeyhiin Al-Shabaab iyo Daacish
Madaxweynaha maamulka Puntland, Md.Siciid C/hi (Deni) oo weli ku sugan M/Qa rdho ayaa ka hadlay xaalada ammaan ee maamulkaasi, gaar ahaan da gaalka ka dhan ka ah koox aha Al-Shabaab iyo Daacish.
Md.Deni ayaa sheegay in howlgaladii ugu dambeeyey ee ay fuliyeen ciidamada amma anka Puntland la gaaray guullo, isla markaa na lagu burburiyo shabakado ay la haayeen Al-Shabaab iyo Daacish oo weli ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari.
Sidoo kale wuxuu timaamay inay nolo sha ku qabteen xubno ka tirsan kooxahaasi, oo haatan gacanta ugu jira ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee maamulkaasi.
Madaxweynaha DGP oo hadalkiisa sii wa ta ayaa sidoo kale carrabka ku dhuftay inay xoojiyeen amniga magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo, si looga hortago fa lalka liddiga ku ah nabad-gelyada ee ka dha ca halkaasi.
Md.Deni ayaa xusay in maamulkiisu uu ka go’an yahay horumarinta amniga wuxuuna sheegay in isbedal ballaaran lagu sameeyey qorsha amniga ee deegaanada Puntland.
Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday shaqaaqadii dhowaan ka dhacday deegaan ka Taaruge ee G/Mudug, ka dib markii male eshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Puntland ay ku leeyihiin gudaha deegaankaasi, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay meel uga soo wada jeesta an dadka dhibaada ku ah nabad-gelyada.
DF oo shaacisay kiisas aad u badan oo COVID-19 ah, dad u dhintay iyo kuwo ka bogsaday
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay aa goor dhaweyd shaacisay tirada kiisas cu sub oo Coronavirus ah, kuwaas oo aad u ba dan.
Warbixinta maalin laha ah ee wasaaradda ayaa Shalay lagu shaaciyey in cudurkaas laga helay 79-qof oo ku kala nool Banaadir, Jubbal and, K/Galbeed iyo Puntland.
G/Banaadir ayaa ugu kiisas ba dan, waxaana laga diiwaan geliyey sida ku xusan warbixinta 38-kiis, Jubbaland ayaa la ga diiwaan geliyey 22-kiis, Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale laga diiwaan geliyey 11-kii, halka Puntland laga diiwaan geliyey 8-kiis oo xanuunka COVID-19 ah.
Sidoo kale wasaaradda caafimaadka ay aa shaacisay in cudurkan ay 24-kii saac ee la soo dhaafay u geeriyoodeen 3-qof, inta la ogyahay, halka ay kasoo bogsade en 14 qof ood. 62 ka mid ah 79-ka qof ee Shalay cudu rkaas laga helay waa rag, halka 17-ka kale ay dumar yihiin. Tirada guud ee kiisaska cudurka Corona virus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 835-kiis, dadka kasoo bogsad ay ayey tiradoodu gaartay 75 qofood, halka 38-qof ay ugu dhint een xanuunkan guda ha Soomaaliya.
Ciidanka Dowladda oo fuliyey howlgal miino baaris ah
Hawlgalkan ayaa Shalayy Ciidamada dow ladda Soomaaliya waxaa ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha ho ose gaar ahaan inta u dhaxaysa Degmada Awdheegle iyo deegaanka KM 50.
Ciidamada ayaa waxaa la sheegay inay howlgalka ku soo saareen kuna qarxiyeen Miinooyin ayAl-Shabaab kuAaseen wadadaasi, waxaana howlgalkaas sigaar ah u fuliyey Ciidamo ka tir san ururka 66-aad ee Guutada 14 octobar ee Ciidanka XDS Taliyaha Ururka 66-aad ee Guutada 14-octobarGashaanle Axmed mas lax Xuseen oo la hadlay idaacada Codka C/ Q/Sida ayaa sheegay inay ku guuleysteen soo saarista iyo but burinta miinooyinkii ay Aaseen Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Taliyaha inay CXD sii wadi doonaanhowl-gallada la dhanka ahAl-Shabaab,kaas oo ay ka wad aan guud ahaan dalka waxaana uu sheegay in G/sh/hoose howl-gallo ay ka sameeyeen ay kula wareegeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolkaasi.
Cali Rooba "Al-Shabaab waxay caqab ad ku tahay baaritaanka Corona virus”
Guddoomiyaha ismaamulka Mandheera Cali Ibraahim Rooba ayaa ka hadlay walwal ka kiisaska Shaqsiyaadka looga shakiyay Cudurka Coronavirus iyo saameynta Al-Sha baabay ku yeelatay baarista dadka lagu sameynayo.
Mandheera waxaa ku kar aantiilan 19-ru ux, waxaana ji ra shaqsiyaad kale oo looga shaki qabo inay qaadeen fayruska Corona ka dib markii qa arkood lagu arkay Calaama do, halka qaar ka kale uu ka tagay urta iyo dhadhanka.
Sida uu daabacay Wargeyska Daily Nati on ee ka soo baxa Kenya, M/Mandheera wa li lama geyn qalabka lagu baaro dadka u ba ahan in ay maraan hubinta caafimaadka si loo xaqiijiyo in uu haleelay fayruska iyo in kale.
Cali Rooba ayaa sababta qalabka baaris ta aan loo geyn Mandheera ku sheegay in Cabsi laga muujiyay Al-Shabaab oo weeraro jidgal ah ku qaadaya Gawaarida isaga kala gudubta Dhulka Soomaalida Kenya iyo M/Nayrobi. Waxa uu si gaar ah u tilmaamay inaysan awoodin in baaritaanada ay u diraan M/Wajeer cabsi ay ka qabaan Al-Shabaab awgeed, sidaas darteed D/Kenya ayuu ka dalbaday inay keento xalka qalabka baarista lagu gaarsiinayo M/Mandheera.
"Waan jeclaan lahayn in aan isticmaalno qalabka yaalla M/Wajeer haddii Mandheera aan la keenin agabkaas, balse hadda ah, saraakiisha amniga iyo anagaba ma ogolaan doonno iwaxaa deegaanka ka jira dhaqdhaq aaq dhanka Al-Shabaab n aan sidaas sama yno” Ayuu yiri Cali Roba, Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera.
Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerar jid gal ah ka geystay waddooyinka isku xira ism aamulada Soomaalida Kenya, waxaana hor ay ugu tagay Macalimiinta ajaanibta, kadib markii dhowr weeraro lagu qa aday, taasina ay ku dhalisay cabsi sababtay in ugu dambe yn ay joojiyaan shaqada.
Dr. Fuje”’ha noqon dilaaga dahsoon”
Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) oo ah Lataliye Sare ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshada u diray fariin wacyigelineed, si gaar ah dhalinyarada Soomaaliyeed maa dama ay yihiin da’da uu aad u saameeyay caabuqa COVID-19 asagoo ugu baaqay in ay ku dadaalaan dhamaan siyaabaha looga hortago caabuqa, ayna ku nagaadaan gury ahooda.
Dr. Fuje ayaa halku dhig uga dhigay farii ntiisa ‘’ha noqon dilaaga dahsoon/qarsoon’’, wuxuuna baaq dheer u diray bahda caa fimaadka guud ahaan, gaar ahaan dhaqa atiirta Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan wacyigelinta caabuqa maadaama uu ku faafay dhamaan gobollada dalka si loo xak ameeyo baahiddiisa.
Waxaa uu sheegay in Cudurka Corona Virus uu Soomaaliya si weyn ugu baahaayo , islamarkaana maalinba maalinta ka dambeysa uu soo ridaayo dad cusub.
Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo joojiyo in dadka ay isugu yimaadaan goobo ay ka mid yihiin Masaaji dda si loo badbaadiyo Shacabka Soomaa liyeed.
Waxaa uu xusay in baahi weyn loo qabo sidii wax looga bedeli lahaa dhaqanka dadka oo ku saabsan cudurka Covid-19 si looga hortago cudurka oo kusii faafaya dadka. Wa xaa uu sheegay in dadka ugu badan ee Cud urka Covid 19 hadda ugu dhintay Soom aaliya ay yihiin kuwa da’dooda ay ka weyn tahay 50-ka sano.
Afhayeen loo Magacaabey Booliska Soomaaliya
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliye ed, ayaa Afhayeenka Ciidanka Booliska u magacaabay Dhamme Sadiiq Adan Cali (Du udishe) oo ah Sarkaal Dhalinyaro ah.
War-Saxaafadees kasoo baxay Taliyaha Booliska ayaa lagu sheegay in Sarkaalka ku soo biiray Ciidanka sanadkii 2007-dii. Isla markaana soo dhameystay leyli Sarkaal mu ddò dhan Saddex Sano dalka dibadiisa.
Afhayeenka Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ku hadla luuqadaha Engl ish, Taliyaani iyo Carabi Marka laga reebo af ka Hooyo ee Soomaaliga.
Sarkaalka ayaa sidoo kale ka soo Shaqe eyay guud ahaan fadhiyada Ciidanka, Soo na qabtay xiriiro dowlado Ciidanka taageera, isaga oo soo qabtay shaqooyin kala duwan, hadana xubin firfircoon u’ah Ciidanka Bol
iiska Soomaaliyeed.
Coronavirus: 'Ha isticmaalin dawo aan la soo tijaabin'
Ha'yadda Caafimaadka Adduunka ayaa digniin ka soo saartay isticmaalka dawo aan la tijaabin oo looga hortaggayo cudurka corona.
'Shacabka Afrikaanka waxay mudan yihiin inay helaan dawooyin lasoo ma rsiiyay tijaabooyin haboon xitaa haddii ay ahaato dawo dhireed" ayay tiri WHO.
Hadalka Ha'yadda Caafi maadka ayaa imaanaya ka dib markii uu madaxweynaha Madagascar soo ban dhigay dawo dhireed uu sheegay inay ku fiyoo bayaan dadka qaba faysarka Corona.
Ururka Midowga Afrika wuxuu sheegay inay do onayaan inay hubiyaan caafimaad ahaan waxtarka iyo badqabka dawada.
Agaasimaha madaxtooyada Madagascar, Lova Hasinirina Ranoromaro, ayaa BBC u sheegtay in ku dhawaad 20 qof muddo saddex todobaad ah lagu tij aabinayay dawadan, tallaabadaas oo kasoo horje edda talooyinka tijaabada dawooyinka ay soo jeed isay Ha'yadda Caafimaadka Adduunka.
Tijaabada dawooyinka waxaa la marsiiyaa han aan dheer oo lagu xaqiijinayo wax tarkeeda ilaa afar heer ayaa la marsiiyaa, marka hore waxaa lagu tijaa biyaa tiro kamid ah bukaanada, waxaana marka xi ga la gaarsiinaya dad badan oo ku nool dal.
Dhowr dal oo Afrikaan ah oo ay kamid yihiin Gu inea-Bissau, Equatorial Guinea iyo Liberia ayaa dal baday dawo dhireedka.
Toddobaadkii lasoo dhaafay madaxweynaha Ma dagascar Andry Rajoelina wuxuu hogaamiyeyaasha Afrikaanka uga warbixiyay dawada uu soo saaray xilli ay ka qeybgalayeen shir muuqaal ah.
Kulankaas kaddib waxay soo jeediyeen in xarunta Afrika ee xakameynta cudurrada ay qaab cilmiyey san u hubin doonto waxtarkeeda.
Ha'yadda Caafimaadka Adduunka waxay soo dhaweysay waxyaabaha Ikhtiraacyada cusub ay qaaradda ku dhaqaaqday ee ku saabsan dawo dhaqameedka balse waxay ku xirtay in la tijaabiyo.
"Afrikaanku waxay mudan yihiin inay adeegsadaan dawo lasoo tijaabiyay oo lamid ah heerarka ay soo mareen dawooyinka laga isticmaalo dunida inteeda kale"
Isniintii, waxay dalalka yabooheen in ka badan 8 balyan oo doolar oo loogu talagalay in lagu soo saaro tallaal looga hortaggo cudurka Covid-19 isla markaana lagu maalgelinayo cilmi baarista ku saabsan baaritaanada iyo daweynta cudurka.
Dunida waxay baadi-goob ugu jirtaa sidii loo heli lahaa talaalka cudurka Corona.
Kuburrada intooda badan waxay sheegayaan in helidda tallaalka uu qaadan karo ilaa bartamaha sannadka 2021-ka.
Dhowr dal oo Afrikaan waxay bilaabeen tallaabooy in ay uga hortaggayaan fiditaanka cudurka corona, waxay dalalkooda kusoo rogeen xayiraado iyo ba ndow, waxaa la qaadaya bandowga si dowladuhu ay isugu dheelitiraan xoojinta arrimaha caafimaadka iyo danaha dhaqaale.
Dabcinta xayiraadaha waxaa kusoo kordhay dad aallada deg deg ah ee lagu raadinayo dawo.
Madagascar waxay xaqiijisay 151 qof oo uu ku dhacay cudurka Covid-19 balse ma aysan tebin cid u dhimatay cudurka sida laga soo xigtay xarunta la dagaalanka cudurrada ee Afrika.
Madaxweynaha Madagascar wuxuu xayiraad ku soo rogay ilaa saddex magaalo oo waaweyn balse waxaa la dabciyay xayiraaddaas, sida ay ku waran tay wakaaladda wararka ee AFP.
Ka hortagga cudurka corona: Waar diye loo dilay 'maxaad gafuurka dab oola ii tiri'
Haweeney, seygeeda iyo wiil ay dhashay ayaa dacwad lagu soo ogay ka dib markii ay dileen waar diye gabadhooda u diiday inay gasho dukaan ku yaalla dalka Mareykanka maadama aysan afka iyo sanka xiran.
Waardiyaha oo la oran jiran jiray Calvin Muner lyn waxaa Jimcihii laga toogtay dhabarka xilli uu ku sugnaa dukaan ku yaalla gobolka Michigan, waana goobta uu sida ba'an u saameeyay safmarka Covid-19. Waxaana la weeraray ka dib markii gabar ay dhashay haweeney la yiraahdo Sharmel Teague oo 45 jir ah ay tegtay dukaanka iyadoo aysan xiran af ka iyo sanka sida dowladda ay amartay shacabka si looga hortago cudurka Covid-19.
Haweeneyda seygeeda Larry Teague, oo 44 jir ah iyo wiilkeeda Ramonyea Bishop oo 23 jir ah ay aa lagu eedeeyay inay weerar ku qaadeen waa rdiyaha.
Sharmel Teague ayaa xab siga loo taxaabay halka labo qof oo laga shakisan weli aanan la xirin, waxaana saddexda qof la gu eedeeyay inay ku kaceen fal al dil ah iyo inay adeegsadeen hub.
Larry Teague waxaa loo heystaa inay jebisay a marka kasoo baxay xafiiska barasaabka gobolka ee ah in dadka marka ay dukaameysanayaan ay afka iyo sanka dabooshaan si looga hortaggo fiditaanka cudurka, halka gabadheeda aanan lagu soo ogin wax dacwad ah.
Dacwad oogaha degmada Genesee ee gobolka Michigan David Leyton ayaa shir ja'raaid ka shee gay in Sharmel Teague ay ku qeylisay waardiyaha ka hor inta aysan baabuur raacin.
Balse ay dib ugu soo laabtay goobta iyado uu la socdo wiilkeeda iyo seygeeda xilli uu isku dhac dhexmaray iyaga iyo waardiyaha, sida ay sheegeen saraakiisha.
Dacwad oogaha wuxuu weriyeyaasha u shee gay "Geerida Calvin Munerlyn waa mid masiibo ah oo gurucan kuwo ka dambeeyana waxay wajahi doonaan sharciga"
Hooyada dhashay waardiyaha Bernadett waxay wakaaladda wararka ee AP u sheegtay in wiilkeeda uu hayay shaqadii loo igmaday markii la dilayay.
Barasaabka gobolka Michigan Gretchen Whit mer wuxuu ku amray shacabka ku nool gobolkaas inay afka iyo sanka xirtaan marka ay ku sugan yihiin xarumaha ganacsiga si looga hortaggo cudurka Covid-19, waxaana bakhaarada lagu amray in ays an u adeegin qof kasta oo aan u hogaansamin shar cigaas.
Isniniitii tirada kiisaska la xaqiijiyay ee cudurka Korona gudaha gobolka Michigan waxay gaareen 43,950 halka dhimashadu ay gaartay 4,135, sida ay sheegeen saraakiisha.
Toddobaadkii lasoo dhaafay, dibadbax ayaal hub aysan oo ka soo horjeeday xayiraadaha coronavirus ee maamulka gobolka Michigan ayaa waxa ay isugu soo baxeen madaxtooyada gobolka.
Gobollo badan oo Mareykan ah - oo ay ku jiraan Georgia, Oklahoma iyo South Carolina - ayaa waxa ay qaadeen tallaab ooyin lagu khafiifinaayo xadd idaaha fayraska ku yimid.
Soomaalida baadiyaha ma uga badb aadi karaan coronavirus?
Qoysas Soomaali ah ayaa lasoo tabiyay inay ma gaalooyinka ka tageen, iyagoo isku dayaya inay miyiga uga badbaadaan saameynta cudurka Covid-19. Haddaba maxay fik raddaas ka dhigan tah ay, mase laga yaabaa in cudurka safmarka ah looga nabad galo dhu lka baadiyaha ah?
Magaalooyinka waa we eyn ee Puntland dad ay aa ka safray iyagoo ka caararaya xanuunka Covid-19 kaddib markii tirada dadka uu ku dhacay cudurka ee Puntland kaliya ku sugan ay gaareen 38 ruux.Abshir Cabdullaahi Maxamed, wuxuu ka mid ya hay dadka ka guuray magaalada Garoowe ee baadiyaha u cararay.
Wuxuu BBC-da u sheegay inuu reerkiisa kala ba xsaday xanuunka fidaya, maadaama "ay dadka ba dankood u hogg aansami waayeen talooyinka la xiriira ka hortagga cudurka".
"Runtii waxaan magaalada uga tagnay arrimo ba dan oo ay ka mid yihiin dadka oo aan u nugleyn wacyigalinta iyo talooyinka ay farayaan dhakhaatii rta iyo wasaarad aha caafimaadka, magaaladii oo ciriir ah, dadkii oo is dhex socda - arrimahaas oo dhan markaan qiimeynay - waxaan garow saday ma adaama aan anigu shakhsi ahay waxa aan u tali yana uu yahay qoyskeyga inaan carruurta geeyo meel firaaqo fiican ama dadku aysan ku badneyn", ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in goobta uu hadda joogo ay san dad isku arkin, hawo nadiif ahna ay helaan.
Abshir oo kaliya ma aha dadka ka cararay cor onavirus ee u firxaday dhinaca baadiyaha. Waxaa jira dad kale oo muddo oyinkanka ka baxayay meelo ay ka mid tahay magaalada Garoowe.
Axmed Maxamed Ciid oo ka mid ah dadka kasoo jeeda Puntland ayaa shee gay in xilli uu safar ku ta gay dhowr tuulo uu arkay dad badan oo reer mag aal ahaa balse hadda miyiga ugu hawo gaddistay cudurka yimid awgiis.
"Waxaan kasoo baxay Garoowe, markaan mar ayay meel la yiraahdo Fadhiweyne waxaan la kulmay baabuur badan oo taagan, dad waayeel ahna saaran yahay. Markii aan soo gaaray meesha la yiraahdo Abaareey iyana waxaan ku arkay tee ndhooyin badan, waxaan wareystay dadkii tuuloo yinka oo aan qaarkood garanayay, qof walbana wu xuu ii sheegay in markii lasoo sheegay xanuunkan corona inuu u daran yahay dadka waaweyn ay lafahooda lasoo carareen", ayuu yiri.
Dadka reer miyiga ah ayaa lagu soo warrama yaa inaysan badankood ka warqabin xaaladda cu durka, iyagoo sidii sidii caadiga ahayd ula dhaqma dadka ka yimid magaalooyinka.
Dr.Gabboose oo ku taliyay in magaalooyinka la ga baxo si looga badbaado Covid-19
Dr' Maxamed Cabdi Gabboose, waxa uu ka mid yahay dhakhatiirta ku takhasu say cudurrada faafa, haddana wuxuu safka hore uga jiraa dagaalka ka dhanka ah coronavirus ee Soomaaliya.
Wuxuu shacabka Soomaalida ku boorriyay in ay miyiga u baxaan.
"Wax kastoo dhib ah oo na soo maray waxaan uga badbaadi jirnay, oo ku ceyman jirnay miyigeen na, waxaan ku talinayaa in magaalooyinka waa weyn ee uu dadku ku badan yahay laga baxo, in loo baxo miyiga, in carruurta iyo waayeelka jilicsan la kaxeeyo - xanuunkaan wuxuu u daran yahay qofba qofka uu ka jilicsan yahay, laakiin ma deynayo dhalinyaro iyo dad waaweyn toona - dadka halagu wacyi galiyo inay ka baxaan magaalooyinka," ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in dhammaan tallaab ooyinka looga hortagayo cudurka ay ugu weyntahay in miyiga la aado.
"In laga baxo magaalooyinka ayaa ka xoog ba dan in sanka la xirto, waayo waxaa yaraanaya cule yskii, dadkii waayeelka ahaana way fogaanayaan", ayuu yiri Dr Gabboose.
Talo fiican ma tahay in la safro?
Kumannaan Hindi ah oo magaalooyinka joogay ayaa dib ugu laabtay tuulooyinkooda
Soomaaliya oo kaliya ma aha meelaha ay dadka miyiga u yaacayaan. Kumannaan ka mid ah dadka saboolka ah ee Hindiya ayaa dhawaan dib ugu laabtay tuulooyinka miyiga kaddib markii ay xamili waayeen xayiraadaha iyo amarrada kale ee magaalooyinka lagu soo rogay.
Sidoo kale dalka Kenya, dad badan ayaa ka bax ay magaalooyinka, iyagoo u safray tuulooyin fog fog.Hase ahaatee inta badan dalalka caalamka, wa xaa dadka lagu boorriyay inay guryahooda ku sug naadaan si loo yareeyo faafitaanka cudurka.
Dowladda Kenya ayaa shacabkeeda ugu baaqday inay ku sugnaadaan meelaha ay joogaan. Madax weyne Uhuru Kenyatta ayaa xayiraad saaray xud uudaha magaalooyinka uu saameynta ugu weyn ku yeeshay cudurka, kuwaasoo dadka aan loo oggo leyn inay ka baxaan ama soo galaan.
Marka laga hadlayo sida uu ku faafo xanuunka, waxyaabaha aad looga deyriyay waxaa ka mid ah in la safro, maadaama ay suurtgal tahay in cudurka uu la safro dadka, sidaasna ay ku gaarsiiyaan meelo hor leh.
Markii ugu horreysay coronavirus wuxuu dabaya aqadii sanadkii lasoo dhaafay kasoo billowday magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, laakiin dad kasoo safray halkaas ayaa muddo gaaban guda heed ku gaarsiiyay dalalkooda, wuxuuna sidaas
kusii gaaray inta badan caalamka.XIGASHO:-BB
Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo ka qeyb qaadanaya sidii loo ogaan lahaa waxa sababay shilkii diyaaradeed ee Bardaale
Q/ Midoobay ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay diyaaradii samafalka siday ee ku burburtay Soomaaliya, halkaas oo ay ku dhinteen lix qof oo saarnaa diyaarada oo ku sii jeedday Bardaale, oo qiyaastii 55 Km waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo ee Xarunta Koonfur Galbeed, Soomaaliya.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay wax kasta ku bixindoonto sidii loo ogaan lahaa waxa sababay musiibadaas.
"Annaga oo ah qoyska Qaramada Mido-obay, waxaan sameyn doonaa wax kasta oo aan kari karno si aan uga caawino mas'uuliyiinta dowl-adda dhexe iyo kuwa Koonfur Galbeed in ay fahmaan waxa sababay musiibadaas. Waxaan sii wadi doonnaa dabagalka horumarkaas muhiimka ah,” Kuxigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xogha-yaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Dhinaca kale, howlgalka midowga Afrika ee Ami-som ayaa soo dhoweeyay go'aanka ay gaareen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Kenya, iyo Ito-obiya ee ku saabsan baaritaanka shilka.
Madaxa howlgalka AMISOM, Danjire Francisco Madeira, ayaa yiri "Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno wada shaqeynta aan la leenahay dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxaanan taageeri doonnaa oo aan fududeyn doonnaa baaritaannada looga golleeyahay cadd-eynta duruufaha ku xeeran dhacdadan.
Madasha Xisbiyada Qaran oo cambaarey say diyaaraddii lagu soo riday Bardaale
Madasha Xisbiyada Qaran ayaa cambaareysay tallaabadii lagu soo riday diyaaraddii African Airways, ee gelinkii dambe ee Isniintii lagu soo riday Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.
Burburka diyaaradda ayaa ka dambeysay, ka dib markii ay hubka lidka diyaaradaha ku soo rideen Ciidanka Militariga Itoobiya, ee qaybta ka ah Amisom.
Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Shariif Sheekh Axmed ayaa dalbaday in baaritaan madaxbannaan lagu sameeyo shilkaasi diyaa-radeed, wixii ka soo baxana lala wadaago sha-cabka.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku yiri "Waxaa nasoo gaaray war naxdin leh oo sheegaya in gantaal lala beegsaday diyaarad rayid ah oo gargaar Covid-19 loogu talagalay u siday Magaalada Bardaale ee Koonfur Galbeed Somaliya.”
"Waxaan cambaareynayaa falkaas foosha xun, waxaana tacsi u dirayaa ehelada dadkii shilkaas lagu dilay, aniga oo soo jeedinaya in baaris madaxbannaan lagu sameeyo, xaqiiqada soo baxdana shacabka lala wadaago.” "Waxaa gabi ahaanba ku dhintay shilkaas dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda oo 6 qof ka koobna.”
"Waa dhacda halis iyo khatar ku ah hawada dalkeena, taasoo aan u aragno mid xadgudub ku ah xeerka diyaaradaha rayidka iyo gurmadka deg-dega ah.”
Taliska Amisom oo war ka soo saaray burburka diyaaradda African Airways
Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Somaliya ayaa war ka soo saaray diya-araddii maalin ka hor, ay Ciidanka Militariga Itoobiya ku soo rideen Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Amisom, uuna ku saxiixnaa Madaxa Ciidanka Amisom ahna Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, Amb. Francisco Caetano Madeira ayaa marka loogu tacsiyadeeyay qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay shilkaasi diyaaradeed.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in diyaaradda oo ka tagtay Magaalada Baydhabo ay la socdeen lix qof, kuwaa oo dhammaantood la xaqiijiyay inay dhinteen.
"Diyaaradda ka tagtay Baydhabo, waxaa saarnaa lix qof, waxayna ku sii jeedeen Bardaale, oo 300km waqooyi galbeed kaga toosan Caasi-madda Muqdisho.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxa kaloo qoraalka lagu yiri "Hawlgalka Midowga Afrika ayaa soo dhaweynaya go’aanka ay gaareen Hoggaamiye-yaasha Somaliya, Kenya iyo Itoobiya ee ku saabsan baaritaanka shilka.”
Taliska Amisom ayaa sidoo kale qoraalka ku cadeeyay in ay saddexda dowladoodba kala shaqayn doonaan, isla-markaana ay fududayn doonaan baaritaanada la xiriira baahida keentay in dhulka la soo dhigo diyaaradaasi.
"Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno wada shaqeynta aan la leenahay Dowladaha Som-aliya, Kenya iyo Itoobiya, waxaana taageeri doo-nnaa oo aan fududeyn doonnaa baaritaanada looga goleeyahay in lagu cadeeyo duruufaha ku xeeran dhacdadaasi.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.
Ciidanka Militariga Itoobiya ee saldhigga ku leh Garoonka Degmada Bardaale ayaa hubka lidka diyaaradaha dhulka ku soo dhigay diyaaradda African Airways, xilli ay isu diyaarineysay inay cago-dhigato garoonkaasi.
Shariifka oo qodobo dhawr ah kala hadlay Safiirka Ingiriiska ee Somaliya
Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa wadahadal khadka teleefanka kula yeeshay Safiirka Ingiriiska ee Somaliya, Amb Ben Fender.
Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa sheegay inay Safiirka ka wada hadleen diyaargarowga loogu jiro Doorash-ooyinka Qaranka, la dagaalanka Coronavirus, xir-iirka Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada iyo weliba wadahadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u qornaa "Waxaan khadka teleefanka ku wada hadalnay Safiirka Ingiriiska ee Somaliya, Amb Ben Fender.”
"Waxaan ka hadalnay diyaargarowga door-ashada qaranka, la tacaalidda COVID-19, xiriirka Dowladda Dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah iyo dib u heshiisiinta ay hirgaliyeen Maamulada Gal-mudug iyo Jubbaland.”
"Sidoo kale wadahadalada Somaliya iyo Somaliland oo soo bilowday xilligii aan xafiiska joogay, maantana hakad ku jira ayaan isla soo qaadnay.”
"Ugu dambeentii waxaan isla garanay abuurista jewi degan iyo siyaasad loo dhan yahay inay tahay xalka keliya, ee lagu gaari karo hannaan doorasho oo xor ah.”
RAMADAANKU WAA FURSADA CUMRIGA
(Dersigii Tobnaad)
Ramadaan-640x480Waxaan maantana wax ka tilaameynaa Axkaamta zakada Fidriga Maadaama la gaaray xeli gabo gabo ku dhawdahay Bishii Ramadaan anagoo illaah ka rajeynaayo inuu nagu anfaco kalimaadkan, wax badana aan ka faaiideysano.
Zakada Fidriga waxaa la yiraahdaa Cun ooyinka la bixiyo marka uu Ramadaanku Dhamaanayo amaba Dhamaado Soomalida ay qaarkood u yaqaanaan Zakaatul-Badan
Zakada Fidriga: waa waajib in la bixiyo sida uu cadeeyay Nabiga suuban (nabad galyo iyo naxariis korkiisa allaha yeelee),waxeyna ku waajibtaa qofkii heli kara xeliga ay waajibto wax ka badan quudkiisa iyo quudka dadka uu masruufkooda saaran yahay, qofkii Deyn qaata si uu Fidrada isaga dhiibana waa u banaan tahay.
Cidda ay ku waajibto: waxey ku waajibtaa qof kasta oo Muslin ah Xor, Adoon,Lab, Dhadig, Qof Weyn iyo Qof yarba, dadka dhintay ka hor xeliga ay waajibtay lagama rabo wax Fidro ah, ama dhasha xeliga ay waajibtay ka dib.
Waqtiga Fidrada waajibto: waa laga bilaabo Qorax dhaca maalinta ugu danbeysa bisha Ramad aan,waxaana Fidrada bixinteeda ku egtahay marka la tukado salaada Ciidda, waxaana la bixin karaa maalin ama laba maalin ka hor dhamaadka Ramadaanka.
Qadarka la bixinayo: waa Suus (4 Koombo) Qofkiiba Cuntooyinka la beego ama 2500kg Cunooyinka la Miizaamo sida Bariiska oo kale, waxaana la bixin karaa dhamaan noocyada kala duwan ee Cuntada.
Ulajeeda Fidrada: waa in ay Kab ugu noqoto wixii gabood fal ahaa ee ka dhacay ruuxii soonaa,iyo in ay Quud u noqoto Masaakiinta iyo Fuqarada Muslimiinta si ay uga kaaftoomaan gacan hoorsiga (Tuu gsiga ama Dawarsiga) Maalita Ciidda ah.
Habka loo bixinayo Fidrada: waxa uu Qofka siin karaa Fidrada hal ruux ama waxa uu u kala qerybin karaa dad fara badan, mana jirto xeliga la bixinaayo hab gaar ah oo loo bixiyo sida dadka qaar aaminsan yihiin oo ah in ay Gacanta in yar ku qaadaan ayaga oo magacaaba marba ruuxa ay doonayaan in ay ka Zakeeyaan, mana laha Ducooyin gaar ah oo la aqriyo xiliga Fidrada.
Baraarujin: Zakada Fidriga lama siin karo ruux masruufkiisa waajib kugu yahay, sida labada waalid ama Caruurta iyo Xaaska, waxaase la siin karaa Qaraabada iyo Masaakiinta Muslimiinta oo dhan, in Qaraabada la siiyo ayaana Ajar weyn waayo waxa ay noqoneysaa Sadoqo iyo Xeriirin.
Zakada Fidriga wax lagama siin karo Ruux aan Muslim aheyn, Laakiin waxaa banaan in Masaakiinta aan Muslimiinta aheyn lasiiyo Sadaqooyinka kale.
Ruuxii ilooba wax dambiya malaha laakiin waa in uu gudaa goortuu soo xasuusto, ruuxii ula kac uga tagana waa uu gafay laakiin Diinta ugama baxayo sida Zakada maalka laga bixiyo oo kale,waxaana laga rabaa in uu illaah(cw) usoo laabto xaqa saarana iska gudo. Waxaa banaan in laga bixiyo Fidrada Caruurta Uurka ku jirta, Sidaasna waxaa Sameeyay Cuthmaan Ibnu Cafaan (Allaha ka Raali Noqdee).
Waxaa diyaariyay Calinuur Xoogsade
HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 6-MAY-2020
Farmaajo oo la xiriiray Uhuru iyo qodob la xiriira diyaaradii dhacday oo la isku raacay Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/hi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula hadl ay Madaxweynaha Ken ya Uhuru Kenyatta, isa ga oo kala hadlay diya araddii Dorraad