HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 5-MAY-2020

0
Tuesday May 05, 2020 - 11:09:38 in Wararka by
  • Visits: 1031
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 5-MAY-2020

    Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo ka tacsiyadeeyey geerida Qoraa sare Aways Shiino Alle ha u naxariistee, waxaa Shalay oo Isni in ah ku geeriyooday M/Caasimada ah ee Mu qdisho, qoraaga Aways Xuseen Xasan (Shii no) oo ka tirsanaa mas'u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo ka tacsiyadeeyey geerida Qoraa sare Aways Shiino Alle ha u naxariistee, waxaa Shalay oo Isni in ah ku geeriyooday M/Caasimada ah ee Mu qdisho, qoraaga Aways Xuseen Xasan (Shii no) oo ka tirsanaa mas'uuliyiinta Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Soo maaliya. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiirka Boost ada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dawladda Federal-ka Soomaaliya, ayaa bartiisa Facebo ok qoraal uu dhigay, ku sheegay inuu aad uga na xaygeerida Marxuum Aw ays Shiino. "Allaha u nax ariisteeMarxuum Aweys waxa uu muddo dheer ka soo shaqeeyey qeybaha kala duwan ee Wasa aradda. Waxa uu ka mid ahaa khuburada aqoo ntooda iyo waayo-aragnimadooda ugu shaqee yey dalka marxaladihii kala duwanaa ee uu dal ku soo maray, waxa aan ku xasuusan doon naa marxuumka howl-karnimo, daacadnimo iyo dulqaad badan", ayuu yiri Wasiirka. Wasiirka ayaa xusay in Marxuumka uu ahaa Qoraa aqris badan oo hibo u lahaa curinta iyo turjumaadda qoraallo iyo sheekooyin saameyn badan ku yeeshay nolosha aqristayaasha xilli gii uu ka tirsanaa Wasaaradda Warfaafinta. "Waxa aan Ilaahay ugu baryeynaa inuu u na xariisto, samir iyo Iiimaanna ka siiyo qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay iyo guud ahaan ummad da Soomaaliyeed", Mr. Canshuur ayaa Sidaa Alle uga beryey. Marxuum Aways Xuseen Xasan (Aways Shi ino) waxa uu ku dhashay M/Muqdisho sanadkii 1955-tii, waxa uu waxbarashadiisa dugsiga ho ose, iyo sare ku qaatay Xamar, waxa uuna jam acadiisa ku soo qaatay Syria halka dalalka ka le sida Lubnaan uu aqoon korosi u tagay, sida Wakaaladda SONNA ogaatay. SONNA ayaa sheegtay in Marxuumka uu ahaa saxafi, qoraa iyo mutarjam luuqada Cara biga wax ku turjamayey, wuxuuna wax ku qori jiray Wargayskii Xidig October ee dalkeena be ri-samaadkii ka soo bixi jiray.dhanka kale

TAARIIKH NOLOLEEDKII QORAA SARE AWEYS XUSEEN XSAN SHIINO OO  KOOBAN

     Maamulka Wargeyska Mogadishu Times  ayaa warbixin gaaban kooban ka qoray taar iikh nololeedkiis howled ee xilliyada kala duw an ee  wax qabadka Marxuum Aweys Xuseen Xasan.{A.shino} oo ku geerida M/Muqdisho Ugu Horeyn Maamulka ayaa ka tacsideynaya Geerida naxdinta leh ee ku timid  Aweys Shi no waxay Tacsi u dirayaan ehelada iyo Qaraab adii uu ka geeriyooday Qoraa Aweys Shiino, Alle haka waraabiyo Janadii Fardowl  Waxana uu ka mid ahaa qorayaasha waaweyn ee ka soo howlgalay wargeysyo badan, waxaana uu hore u ahaa qoraa sare ee dhinyacada sheek ooyinka jaceylka Taxanaha ahaa, iyo Aqbaa radka caalmka  isagoo dhinaca carbaiga kaga turjumi jiray  ku soo sari jiray wargeysyada ka soo baxa dalka soomaaliya xigii hore iyo xilaga burbudkaba. Maamulka ayaa sheegay in aw eys uu ahaa shaqaale ka soo howlgalay Wasaaradda Boosatada iyo isgaariista dalka wuxuuka ahaa u qyebsanaha qeyabah carata wixiina safaro badan uu ku kala bixiyey kuwa howled iyo kuwa aqoonkaorosi ah dalka cu mmaan, suuriya iyo kuwa kale waxaanalagu xusuusadoonaa Qoraallo dhinaca caalmka car abta ,sheekoooyinka Wargeyskan uu ku oqray waa Xiddigta Oktoobar iyo Wargeyska Dalka iyo kuwi kale waxaa ka mid ahaa qoraaladiisa dhinaca Maqaalaadka Dhaadheer iyo sheeko oyinka taxana ahaa iyo waliba Aqbaar aadka caalamka sida SHEEKADII BAYER N.8 oo Ja ceyl aheyd kuna qori jiray Wargeyska Xiddigta Oktoobar1980-yadii,sheekadii MAXAA LOO DILAY oo iyadana si weyn loo jeclaa oo ku qo ri jiray Wargeyska DALKA  sidoo kale  Sheek adii JAMAAKA ee uu Wargeyska M.Times  ku qoray cadadkii 1aad ee wargeyskan  taaso taxane aheyd sidoo kale wargeys Wargesyo badan ayuu Aweys Shiino ku  Qori jiray,wax aan ka mid ahaa sheekadii BASAASKA ee ISHA GUUGUULA HA kuna soo bixi jirtay War geyka xiddigta Banaadir ee M/Muqdisho kaa soo 3 Jeer Usbuucii ka soo bixi jiray M/Muqdi sho

    Inta badan wargeyskada ka soo bixijiray M/ Muqdisho ayuu ka soo qeyb qaatay howlaha soo saarista iyo wax u qabashada dhanka war arka iyo sheekooyInaba, alle ha u naxariistee waxaa ahaa ruug Caddaa saxaafadeed oo wa xweyn u soo taray bahda saxaafadda gaar ah aan qeyabah wargeyskada dadaal badan oo aanay iloobi doonin bahda saxaafadda mada xabannaan iyo midda Qaran kaba   ayuu qeyb ka ahaa Marxuum Aweys xuseen Xasan A.Shi ino} alle ha u naxariistee wuxuuna qeyb aka ahaa Aas-aasayaashii wargeyskan Mogadishu Times talo iyo tusaalena siiyey waxaana alle ha u naxariistee kaga tacsiadeynaynaa anag oo ah maamulka sare iyo howadeennada ee wargeyskan ah Geerida naxdin Laheyd ee ku timd Walaalkeen Saaxiibkeenna shaqo Aweys Shiino kaasoo Beryahaan  uu la soo dersay Xa nuunka  Cudurka Sonkorta sida aan maqlay  ma dhinte waa ilaahey waxaana dhammaan Asxsaabta iyo Qoyska uu ka Geeryoday iyo guud ahaanba Bahda Saxaafadaa ugu  Bary eynaa inuu samir iyo iimn saadaq ah ka siiyo

AAIIM AAMIIN AAMIIN.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAAHI RAAJICUUN

Diyaarad ku dhacday Bardaale & Maamulka K/Galbeed oo ka hadlay

    Diyaaradaan oo sida la sheegay ka amba baxday M/Muqdisho ayaa sii maray M/Baydh abo  ee Xarunta G/Baay,waxaana at ku Bu rbe rry meel u dhow garoonka diyaar ada ha Ba rdaale.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxa ya saba baha keen ay inay diyaaradaasi soo dhac day,waxaana ku geeriyooday dad ku dhow 10 Ruux.

      Wasiirka W/Gaadiidka Maamulka K/Galb eed ayaa xaqiijiyey inay diyaaradaasi soo dhac day,taas oo uu sheegay inay waday shiaxnad gargaar ah.  Diyaarada ku dhacday  Bardaale waxaa la sheegay inay laheyd Shirkadda Diya aradaha African Airweys,waxaana socda baar itaano ku aadan waxa keenay inay diyaarada dhacdo.

     W/Gaadiidka K/Galbeed waxaa uu sheegay inay wadaan xaqiijinta sababta keentay inay diyaarada buburto,isla markaana ay dib kasoo sheegi doonaan.

DF oo war ka soo saartay Weriyaal Shalay lagu jir-dilay Muqdisho

    War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta XFS ayaa lagu sheegay in baarita an rasmi ah lagu sameynayo tacadi Shalay D/Waaberi loogu geystay Weryaal ka tirsan Idaacadda iyo TV-ga Shabeelle.

"W/W/XFS  waxaa ay cada ynaysaa in ay ka xuntahay nuuc kasta oo tacadi ah ee loo gaysto Sa xaafadda Soomaaliye ed. Wasaaraddu waxeey ka war haysaa cabshada hawl-wadeeno ka tirsan Idaacadda Shabelle oo she egay in Shalay ay tacaddi kala kulmeen maa mulka degmada Waabari” ayaa lagu yiri qor aalka.

     Warkan waxaa lagu sheegay in wasaarad da warfaafintu ay arintaas xiriir kala sameysay maamulka gobolka Banaadir, isla markaana baaritaan rasmi ah lagu sameyn doono.

     "Wasaaraddu waxeey xiriir lasamaysay maamulka Gobalka Banaadir, baaris rasmi ah ayaana lagu samaynayaa dhacdadaas si shar ciga loo mariyo ciddii gaysatay. Markale Wasa araddu waxeey cadaynaysaa in ay ka xunta hay nuuc kasta oo tacadi ah ee loo gaysto Sax aafadda mana loo dulqaadandoono” ayaa lagu yiri qoraalka.

     Weriye Safiyo Aadan Cusmaan oo ka tirsan Telefishinka Shabelle iyo Camera Man Gacal ayaa lagu jir dilay xarunta degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, Isniintii Shalay, waxaa na soo gaaray dhaawacyo.

Dorraad oo ay aheyd 3-da May waxay ku bee gneyd maalinta caalamiga ah ee xoriyadda Sa xaafadda, waxaa jirtay cabasho badan oo ay soo bandhigeen weriyaasha iyo ururrada sa xaafadda Soomaaliya, taas oo ay ka dowaldda Soomaaliya. Hase yeeshee waxaa weli socda tacadiya da lagu haayo weriyeyaasha, iyadoo Shalay oo u dambeysay Gabar iyo Wiil Wer iyeyaal ah, kana tirsan howlwadeenada Radio Shabelle lagu lagu jir dilay Muqdisho, gaar ahaan Deg mada Waaberi.

Norway oo sharci siineysa 1600 oo qof oo Soomaali ah

     Ku dhawaad 1600, oo qof oo Somali ah oo horey sharciga degenaanshaha dalka Norway looga xayiray, ay aa dhawaan loo ogolaaday in la siinayo sharciga ay dalkaasi ku joogi karaan.

    War ka soo baxay wasaarad da Caddaladda ee dalka No rway, ayaa lagu sheegay in dadl kaasi oo bad ankoodu mudo dheer sharciga sugayey, loogu ogolaaday siyaabo kala duwan oo la xidhiidha xaaladaha bani’aadannimo. Dadkan ayaa la sheegay inay badankood dalka Norway soo galeen intii u dhaxeysay sanadihii 2012 illaa 2016.


Madaafiic kusoo dhacday gudaha garoonka Injineer Yariisow ee degmada Cabdicasiis

     Wararka aan ka heleyno D/Cabdi casiis ee G/Banaadir ayaa waxa ay shee gayaan in qe ybo ka tirsan degmada ay kusoo dhaceen hoo biyeyaal, la aaminsanyahay inay ahaayeen kuwo habow ah.

    Ugu yaraan laba madfac, oo la sheegay in ay ahaayeen kuwo laga soo riday qoriga loo ya qaano hoobiyaha, ayaa kusoo dhacay qeybo ka mid ah Degmada Cabdicasiis, waxuuna mid kamid ah ku dha cay gudaha Garoonka kubadda Cagta ee Eng. Yariisow.

     Weli lama oga in khasaare ka dhashay iyo in kale labadaas madfac ee ku soo dhacay qe ybo ka tirsan degmada Cabdicasiis ee G/Ban aadir. Sidoo kale lama oga halka uu ahaa bar tilmaameedka loo waday madaafiicdan, mana jirto cid weli ka hadashay.

      Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore dusha u ritay mas’uuliyadda weerarro ay u ade egsadeen qoriga hoobiyaha oo ka dhacay mee lo muhiim ah oo ka tirsan magaalada Muqdi sho. Inta badan goobaha ay ku qaadaan weer arrada nuucaas ah waxaa ka mid ah xarunta Xalane oo ay maalmihii lasoo dhaafay dhowr gantaal ku tureen, kuwaas oo qaarkood ay wa xyeello ka soo gaartay dad rayid ah iyo xoolo u badnaa Geel ku xareysan xaafad ka tirsan degmada Wadajir.

Kiisaska dhimashada iyo kuwa cusub ee COVID-19 ee Soomaaliya oo kordhay

     Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay aa soo saartay warbixintii maalin laha aheyd ee kiisaska la xariira cudurka Coronavirus, wax ayna shaacisay kiisas cusub, dad u dhinta xan uunka iyo kuwo ka soo bogsaday.

      Warbixinta wasaaradda waxaa lagu sheeg ay in Shalay la diiwaan geliyey 34-kiis oo cus ub oo cudurka Coronavirus ah.

      3qof ayaa u dhimatay xanuunka, halka 17 qofoodna ay kasoo bogsadeen, sida lagu shee gay warbixinta Shalay.

      Dadka laga helay cudurkaas 27 kamid ah waxa ay ku noolyihiin gobolka Banaadir, halka todobada kale ay ku noolyihiin deegaanada Puntland.

      26 ka mid ah 34-qof ee laga helay cudurka waa rag, halka sideeda kale ay yihiin dumar, si da lagu caddeeyey qoraalka.

Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 756-kiis, bo gsashada ayaa gaartay 61, halka 35-qof ay xa nuunkaas ugu geeriyoodeen gudaha Soo maaliya.

Madaxweynaha Galmudug oo Magacaabis sameeyey

      Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxw eynaha Galmudug, ayaa lagu magacaabay Gu ddiga Gurmadka iyo ka horta gga Daadadka, wareegtada ay aa u qorneyd sidaan:-

Madaxweynaha DG/Galmudug ayaa Markuu arkay, Daadadka iyo xaaladda bi ni aadannimo ee ka soo korodhay Deegaanka Bacadweyne; Markuu arkay: Baahida loo qabo in si deg deg ah gurmad dhinac walba ah loo fidiyo dadka ay waxyeeladu ka gaartay daa dadka Gu’ga;

    Markuu tixgaliyey: In wali lagu jiro xilli roob aadkii Gu’ga, iyo in ay soo laaban karaan daa dad nuucaas oo kale ah;

Wuxuu Xeeriye Qodobka 1aad

     Magacaabidda Guddiga Gurmadka iyo Ka hortagga Waxyeelada Daadadka oo kala ah:

1. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Mus iibooyinka.

2. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bu lshada.

3. Wasaaradda Maaliyadda

4. Wasaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta

5. Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib-u dhiska.

Qodobka 2aad

1. Waa in Guddigu si deg deg ah uga hawl gal aan sidii gurmad iyo gargaar lagu gaarsiin lah aa dadka ku dhibaateysan deegaanka Baca dweyne oo hoy iyo hantiba ku belay roobabkii xooganaa ee halkaa ku fatahay, sidoo kale ay u diyaar garoobaan sidii ka hortag loogu sa meyn lahaa in ay soo laabato xaaladdaas oo kale.

2. Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqayaa Dowl adda Soomaaliya, hay’adaha gargaarka iyo ci dkasta oo ka qeyb qaadan karaysa sidii loogu gurman lahaa dadka reer Bacadweyne in ay lasoo gaaraan gurmad iyo gargaar deg deg ah.

Qodobka 3aad

    Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug. Waana saxiisay.

Madaxweynaha Ereteriya & Abiy Axmed oo kulan xasaasi ah yeeshay

     Madaxweynaha Eritrea ayaa ka dagay dal ka dariska leh ee Ito ob iya, iyada oo la shee gay inuu bilaabay ol’ole ka dhan ah Covid-19 iyo arri mo ku saabsan sida uu ayaxa u baab i’iyay dal agyada deega anka.

    Isaias Afwerki ayaa ka dagay Addis Ababa iyada oo muddo dheer uusan ka soo muuqanin meel fagaaro ah, taas ayaa abuurtay hadal ha yn ah in xaaladdiisa caafimaad aysan wanaa gsan ayn.

    Ma caddo sababta uu madaxweynaha u saf ray xilli shirarka gobolka dhawaanahaan lagu qabanayay hab muuqaal ah.

Mr Isaias ayaa xilka dalka Eritrea hayay tan iyo horaantii 1990-kii.

Baraawe oo ay ku dhinteen dad badan oo lagu arkay calaamada COVID-19

      Saraakiisha caafimaadka ee M/Baraawe ee G/Sh/Hoose ayaa sheegay in calaamadaha cudurka Coronavirus ay ku jiraan magaalada.

Waxay kaloo sheegeen inay magaalada ku dhinteen dad ba dan,kuwaasi oo lagu arkay calaamadaha Cov id-19 inkastoo shaybaar ahaan aan loo xaqiijin inay cudurkaasui u dhinteen.

    Dr C/hi Cabdiraxmaan Nuuraani oo ah agaa misamaha isbitaalka Baraawe ayaa sheegay in labadii todobaad ee la soo dhaafay M/Baraawe ay kusòo bateen dad u dhimanaya Calaamada ha Cudurka COVID-19.Agaasimaha oo la ha dlay Idaacadda Voa-da waxaa uu sheegay in labadii todobaad ee la soo dhaafay ay geeri yoodeen ilaa 34 Ruux oo lagu arkay calaama do ay kamid yihiin Ne efqabasho iyo xanuun daran oo kamid ah calaamadaha Coronavirus.

     Wasaaradda Caafimaadka XS ayuu sheeg ay inay u qeylo dhaamiyeen markii ay badatay dhimashada M/Baraawe,isla markaana la soo gaarsiiyey qalab looga hortago COVID19.

Diyaarad Turkiga laga leeyahay oo markale Muqdisho soo gaarsiisay Qalab Caafimaad.

    Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee M/Muqdisho waxaa Shalay soo caga dhigtay labo Diyaaradood oo waday Agab Caafimaad oo qayb ka ah kaalmadaha Xu kuumadda Ankara ay ku gac ansiineyso Soomaaliya.

Amarka gargaarkaan waxaa bixiyay Madaxweynaha Dowladda Turkiga Raj ab Dayib Erdogan oo xiriir telefoon labada jeer dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Md. Farmaajo, kadib markii ay wadaageen xaalad da laga dhaxlay Cudurka Coronavirus.

     Diyaarado Militari oo Turkiga kasoo qaaday agabkaan ayaa looga dajiyay Garoonka diyaa radaha ee Aadan Cadde Magaalada Muqdi sho, iyaga oo goobjoog ka yihiin xubno katir san XFS iyo Safaaradda Turkiga ee Soomaa liya.

    Diyaaradahaan ayaa noqonaya gargaarkii 4aad oo ka yimid Turkiga lana keeno M/Muqdi sho, tan iyo markii Soomaaliya laga helay Cud urka Coronavirus, Xukuumaddana ay ku dhaw aaqday in xayiraad ay saartay duullimaadyada caalamiga ah.

    Garoonka waxaa ku sugnaa Xubno katirsan DFS Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Garg aarka iyo Caafimaadka, halka Turkiga uu mat alayay Danjiraha Dalkaas ee Soomaaliya.

Mehmet Yilmez Danjiraha Turkiga ee Soomaa liya ayaa maalin kahor sheegay in Dowladdiisa ay go’aansatay gurmad dheeraad ah oo ay u soo diraan Soomaaliya, dhawaan qayb kamid ah gargaarka u badan agab Caafimaad ay kee nayaan Muqdisho.

Al-Shabaab oo weeraray Saldhigyo Ciidan & Taliska Ciidanka xooga oo ka hadlay

    Xubno ka tirsan Ururka  Al-Shabaab waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhigyada  Ciidam ada Millateriga Soomaaliya ku leeyihiin deegaa nada Ceel-Saliini iyo Bariire ee G/Sh/Hoose.

   Dadka deegaanadaasa qaarkood ayaa wax aa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa ras aas ay isku ridayeen Ciidamada Dowladda & Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee Saldhigyada weeraray,waxaana dagaal halkaasi ka dhacay Guulo ka sheegtay taliska Ciidanka xooga dal ka Soomaaliyeed.

     Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Jan. Cabdi Xamiid Maxamed Dirir ayaa Idaac adda Ciidamadda Qalabka sida u sheegay in 10neeyo ka mid ah Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday la dilay, islamarkaana ay jiraan dhaawacyo soo gaaray Xubno kale.

     Al-Shabaab dhankooda weli kama hadlin dagaalka ay ciidamada dowladda kula galeen deegaannada Ceel-Saliini iyo Bariire iyo guusha ay dagaaladaaska sheegtay Taliska Ciidanka xoogga dalka.

Kenya oo raadineysa muslimiin habeenkii usoo dhuunta Soomaaliya

      Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya, Musliiminta dalkaas kasoo jeedo ayaa bilaabay inay si dhuumaaleysi ah kusoo galaan gudaha Soomaaliya, si ay kaliya u du kadaan Salaada Taraawiixda.

     Wargeyska ayaa qoray in Booliska ay ku ra ad joogaan shaqsiyaadka Muslimiinta ah ee ku nool Magaalada Mandheere ee habeenkii Tara awiixda u aado gudaha Soo maaliya.

    Taliyaha Booliska Mandh eera Onesmus Kyatha ayaa sheegay in la karantiili doon aan cid kasta oo ka gudubto xuduuda Sooma aliya iyo Kenya

      "Waxaan haynaa macluumaad ah in dhowr qof oo reer Mandheera ah ay u gudbeen Soom aaliya si ay salaad ugu dukadaan masaajid yada halkaas ku yaal. Waxaan hawl galinay ci idamadeena Amniga, qof kasta oo lagu helo waa la qabanayaa, maxkamad ayaa la saari doonaa markii ay soo dhameystaan karantiilka 14 maalmood ah,” ayuu yiri Mr Kyatha.

Taliyaha ayaa dadkaas ugu baaqay inay qa ataan talooyinka hey’adaha Caafimaadka Ken ya, si looga hortagi faafitaanka cudurka COV ID-19 isla markaasna ay iska dhaafaan dhuum aaleysiga ay ku galayaan gudaha Soomaaliya oo kamid ah dalalka uu ku faafay cudurkaan.

Tallaabada muslimiinta Kenya ay qaadeen oo ah inay si dhuulaameysi ah Taraawiixda ugu soo dukadaan gudaha Soomaaliya ayaa timid   ka dib markii la xiray dhammaan Masaajida dal ka Kenya, taasoo qeyb ka ah ololaha looga hor tagayo cudurkaan.

     Dalka Kenya ayaa laga helay  illaa 400 kiis oo cudurkaan ah halka Wasaaradda Caafimaa dka Soomaaliya ay sheegtay in gudaha Soo maaliya laga diiwaan geliyey illaa 700 qof oo uu ku dhacay cudurkaan.

      Dhammaan Masaajida ku yaalo gudaha So omaaliya ayaa waxaa laga oogaa Salaadaha Waajibka iyo kuwa taraawiixda, waxaana fashi lmay isku day ay Dowladda ku dooneysay inay masaajida ku xirto kadib markii ay arrintaas ka hor imaadeen culumada iyo Shacabka Soo maaliya.

Taliska Booliska Baydhabo oo Amaro soo saaray

      Taliska Booliiska M/Baydhabo ee Xarunta G/Baay ee Maamulka K/Galbeed ayaa waxaa ay soo saareen Amaro culus oo ku socda Gan acsatada kala duwan ee M/Baydhabo.

Taliyaha Ciidanka Booliska D/Baydhabo G/le Dhexe Mu qtaar Ibraahim oo la hadlay Ganacstada iyo waalidiinta M/Baydhabo ayaa ku amray inay ka fogaad aan waxyaabaha Carruurta ay ku ciyaaraan maalmaha Ciida amnigana qalqal galinkaro.

Waxaa uu sheegay Taliyaha in xaalado dha nka Amniga ah darted loo joojiyey inay Ganac satada keenaan qalabka ay Carruurta ku Ciya araan,sida Bustooladaha Baaruuda loo istic maalo iyo qoriga xilli ay oo dhawdahay maal maha Ciidul Fidriga.

     Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in tallaabo laga qaadi doono Ganacsatadii iyo Waalidiintii ka dhega adeega Amarka Taliska Ciidamada Booliska M/ Baydh abo. Sanad kasta markii ay soo dhawaadaan Maalmaha Ciida ayaa Maamulka iyo Booliska M/Baydhabo waxaa ay soo saaraan Amaro ay ku mamnuucayaan keeni taanka iyo ka Gana csiga waxyaabaha Carruurta ay ku ciyaaraan.

Dowladda oo Gurmad Caafimaad geyneysa degmada Baardheere

      Wasiir ku xigeenka Wasaarada  Batroolka iyo macdanta Xukumadda Somalia Mudane C/dir Maxamuud Hilaal iyo masuuliyin uu hoga aminayay qaybna ay ka ahaayeen kuwa  ka tir san Maamulka G/Degmada Baardhe ere iyo masuuliyin kale ayaa Shalay kormeer ku tag ay Ispitaalka Guud ee Degmada Baardheere ee G/Gedo. Masuliyiinta ayaa mid mid usoo ma ray dhamaan qaybaha uu ka gooban ya hay Cisbitaalka Baardheere ee Gobalka Gedo iyagoona Howl wadeenada i ka xogwaraystay   baahida ka jira  iyo bukaanada jiifa.

     Agaasimaha Cispitaalka Guud ee D/Baar dheere Maxamed C/hi Haashi ayaa masuliyin ta uga warbixiyay baahida ka  jirta iyo sido kale caqabadaha so wajaha madaama ay haatan ka jir to marxalad adag.

      Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siy aasada G/Gedo Md.Cusman Nuur xaaji ayaa dhankisa wasiirka iyo  masuliyinta kale warbixin ka siiyay xaaladaha Caafimaad daro ee guud ahan  Gobalka Gedo.

C/dir Maxamud Hilaal wasiir ku xigeenka Was aarada batroolka iyo Macdanta XFS  ayaa ball an qaaday in ka dowlad ahaan ay diyaar u yih iin wax ka qabashada xaaladaha Caafimaad ee D/Baardheere ee G/Gedo. "Ka dowlad aha an waxaan diyaar u nahay inaan wax ka qaba no xaaladaha soo wajahay guud ahaan G/Ged o gaar ahaan M/Baardheere ee uu saameeyay fatahaada wabiga Jubba kaasi oo ay ka dhash een Xaalado isugu jiro Caafimaad daro iyo ku wa kale ee bini aadanimo”sidaas ayuu yiri was iir ku xigeenka W/Batroolka iyo Macdanta ee DFS Cabduqaadir Maxamuud Hilaal.

Kulamo lagu xalinaayo Soomaali ku dagaa lan tay DDS oo bilaawday

    M/Salaxaad oo ka tirsan dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa kulan ku yeeshay Odayaasha Dhaqanka iyo Wafdi socda X/Dowlad deegaanka,kaas oo looga ha dlayay xalka gaarista dagaal beeleed ka socda deegaankaas.

    Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa laba maleeshiyo beeleed oo Soomaali ah,kuwaas oo la sheegay ina dad ka badan 70 Ruux ay dagaalka isaga dileen Boqolaal qofna ay dag aalada ku barakaceen.

     Hoggaan kuxigeenka Nabadgalyada DDS C/dir Cabdi Jaamac oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka isla garteen sidii loo qaboojin lahaa colaada labada dhinac u dhaxeeya kana balan qaadeen in dhankooda diyaar u yahiin in Nabada laga wada shaqeeyo.

     Hoggaan ku xigeenka Nabadgalyada DDS C/dir Cabdi Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in Hay’addaha Nabadgalyada shaqadooda qa bsan doonaan si looga hortago in dhibaatooyin kale deegaankaasi ay ka dhacaan.

      Wafdiga X/Dowlad deegaanka oo uu horka cayo Wasiir ku xigeenka Xafiiska Madaxweyna ha DDS ayaa ka kooban guddi isku dhaf ah oo iskugu jira Dowlada Culumada Hay’addaha am niga iyo kuwa xalinta khilaafaadka si dagaala da xal looga gaaro.

     Dhinaca kale Ciidama ka tirsan Ciidanka Gaarka ah ee deegaanka ayaa Xukuumadda u dirtay goobaha shaqaaqooyinka ka jiraan si 2da dhinac u kala dhaxgalaan maadaama dad badan ay ku barakaceen dagaalkii deegaan kaasi ka dhacay.

Amiirka Qatar oo amray in Deeq Qalab Caafimaad loo soo diro Soomaaliya

      Amiirka Qadar, Tamim bin Xamad Al Tha ni, ayaa maalinimadii Dorraad ku dhawaaqay in dalka Soomaaliya loo soo diro gargaar caa fimaad oo wax ka tara dadaallada looga hort agaaayo cudurka Covid 19.

     Amiirka oo soo saaray  hadal kooban ayaa amar ku bixiyay in si degdeg ah loo abaabulo gurmad caafimaad oo loo soo diro Somaliya, isagoo intaa raaciyay in dalka Qadar uu ka qeybqaadanaayo dadaallada Soomaaliya ee lagula dagaallamayo viruska Corona.

Tan iyo markii uu bilowday caabuqa Coro na,ayaa Soomaaliya waxaa gurmad kala du wan soo gaarsiiyey dalal dhowr ah iyo Hay’ado Caalami ah,hayeesheee Dowladda Qatar oo saaxiib dhow la ah dowladan Susan weli Soom aaliya Soomaaliya soo gurman.

In kabadan 40 ruux oo ku dhimatay rabshado ka dhacay dalka Venezuela.

     Wararka ka imaanaya dalkaasi Venezuela ayaa sheegaya in inkabadan 40 ruux ay dhi nteen kadib markii rabshado ay ka dhaceen xa bsi ay uga jireen wadankaasi.

Xabsigan oo ku yaalo galbeedka magaalada Gaa neer, ayaa lasoo warinayaa in ra bashaduhu ay ka bilawdeen kadib markii ay maxaabiistu ka carawdeen cuno iyo biyo yari.

       Koox qaabilsan lasocodka xabsiyada ayaa ku baaqday in arintani lagu sameeyo baari taano.

      Dhacdada ayaa lasheegay in sidoo kale ay ku dhaawacmeen shaqaalaha xabsiga iyo gu doomiyaha.

      Wasiirka xabsiyada u qaabilsan dowladda Venezuela’na dhacdada waxa uu ku qeexay mid ay maxaabiistu doonayeen in ay ku bax sadaan

 


TACSI TIIRAANYO LEH

BAHDA SAXAAFADDA SOOMAALIYEED OO QOYSKIISA KAGA TACSIYADEYNAYAAN GEERIDII KU TIMID QORAA SARE WARIIYE AWEYS XUSEEN XASAN  {A.SHIINO} OO MUQDISHO KU GEERIYODAY

   Maamulka iyo howladeenada Wargeyska Mogadishu Times Daily News Paper iyo guud ahaan Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed iyo Ax saab kaleba oo ka la ah Xabiibo Axmed Jimcaale {Biibto},Yuusuf Cismaanciil Axmed {Carr abeey}, Dr.Cismaan Axmed Jimcaale {Dr.Jimmy}, Wariiye Cali Muuse Cabdi, Muuse Maxa med Cismaan {M/Kiimiko}, Maxamuud Axmed Xasan {Xuurshe}, C/laahi Maxam ed Cumar {Mcjis}, Sh. Cali Cumar Maxamuud {Caliyoo w},Jabriil Maxamu ud Nuur {Jabra}, Naasir Cali Cumar, Cismaan Xuseen Axmed {Wa ryeel},Madiino Axmed Jimcale, Maxamuud Maxamed Nuureey {Jimcaale}, Nuurto Cali Cumar, C/laahi Maxamed Salaad {Dalle} Najib Cali Cumar,Aweys Foodeey Nuur,C/fitaax Maxamed Salaad {Diyeeshe},Daa'uud Maxamed Sal aad, Yaaquub Calaahi Guure, Muxuddiin Cabdi Calsoow,Xasan Maxamuud Axmed  {Fanax}, Cabdi Jamaal Xaaji Maki,C/qaadir Cabdi Caddaan, Nuur Max amed Cali {N.Qamad i},Macaallin Xasan,Cabdi Aadan Guuleed, C/dir C/lle Nuur {Qalbi Dahab},Xuseen Cabdi Calasoow,Qaasin C//lle {Q.Neero},Cali Muxuddiin Cali, C/qaadir Maxamed Calasoow {Calas}, Maxamed Cali Maxamud {Mad ka},Xasan Maxamed Geeseey, C/Raxaam Cumar Madoobe {Caaqil Dal mar}, Cismaanciil Cumar Madoobe, Falastiin Axmed Xaaji,Malyuun Sh. Xeydar, Aami no Ladan Axmed, Khadro C/hi Cali,Leyla Cadceed Cismaan, Khadiijo Cabdi Maxmed, Yuusuf Cali Cabdi,Maxamuud Xasan Cumar {Adduunyo} Maxamed Cali Nuur Socd aal,Cali Muxumud Aadan {C.Madoobe}, Amiin Yuusuf Qasaaro , Axmed Maxamuud Dhicisoow, Cismaan Niino, Maxamuud Maxamed Aadan {Kuurdo},Safiyo Ibaarihin Cali {S.Loren,} Ing.Cadi Siyaad Maxamed, Ing. Caba diiraxmaan Maxamuud Cilmi, c/QAADIR Maxamuud Juun, C/raxmaan Yuusuf Sh. Alcaddlla, Maxamed Yuusuf {Afrika}  Maxamuud Yuusuf,C/hi Maxamed Xa san  {Black} ,Maxamuud Yuusuf Cali {Sagaar} Aadan C/laahi {Aadaamo}, Barre Sh.C/laahi {Bangaala deesh,}Aadan Salaami niin,Farxaan Maxamed Jimcaale{ FMJ} ,Faarax Cumar Nuur,Maxamed Ibaraah in Isaaq {Baksitaan}, Maxamed Ibraahin Nuur {Macallimuu} Ciise Faarax Max amud,C/laahi Xasan Axmed {Shee khaa/lle Abiikar {Dayl}loow,} Farxiyo Cali Qa jo, Yuusuf Xasan,  Safiyo Cali Sheekh {Saf oon}, C/laahi Xasan Xuseen {Kalg acal}, Caasho Ibara ahin Cali {Caasho Cuud}, Xasan Cali Geeseey, Abuukar Muxuddiin {Xasharo}, C/laahi Calas Jimcaale, {Mukhtaar Nuur Maxamed {Lo vey} Maxamed Shiil Xasan {Shiil}, C/Raxmaan Koronto,Shariif Macallin Maxm uud {Shikhshigoow}, C/raxmaan Xudeyfi, Mahad Caraboow Cali,Seynab Aa buukar Maxa med, C/qaadir Maxamed Cabduule {OKey} Sahro Yuusuf Max amed, Caasho Cabdi Maxamed, Qamar Salaad Cumar,Shamso Cabdi Qayax, C/hi Axmed Cali {Faat}, Maxamuud Cabdi Maxamed {Fat},Cali Maxamed Cisma an Ameeriko, Sacdiyo Xuseen Macoow {Sacduui}, Sacido Sh.Axmed {VIP}, Burhaan Diini Fa arax, C/hi Maxamed Suldaan, Max amed Cabdiwahaab, Xaashi C/lle Abiikar, C/rashiid C/qaadir C/lle {Baa ng},Dhammaan Bahada Saxaafadda iyo iyo madaxda Ururweynaha Saxaafadda Soomaaliyeed ee FESOJ Waxay Tacsi u Tiiraanyo leh u dira yaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay wAR IIYE QORAA SARE WARIIYE RUUG CADDAA AWEYS XUSEEN XASAN {A.SHIINO }, oo Dorraad ku Geeriyooday M/Muqdisho  waxaayan Tacsi u dirayan Qoskii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Walaalkeen Saaxiibkeen Marxuum AWEYS XUSEEN XASAN {A.SHIINO} waxaana Tacsi Qaas ah loo di rayaa Walaalihiis oo kala ah :- Col. Axmed Xuseen Xasan {,Axmadeey-Shiino} C/hi Xuseen Xasan, {Guudlaawe} Xaawa Xuseen Xasan iyo Xa askiisa iyo Carruurtii Marxuumka iyo guud ahaanba inta uu ka tegay wa xayna alle ugu  Baryayaan Marxuumka inuu jannada Alle ugu Bishaar eeyo ehelkana Samir iyo iimaan Saadaq ah ka siiyo           AAMIIN            AAMIIN             AAMIIN.

 

INNAA LILLAAHI WA’INNAA ILEYHI RAAJICUUN,

Seynisyahanno u dhashay UK oo soo saaray dawo loogu talagalay Covid-19.

   Dawo cusub oo ay seynisyahanno u dhashay dalka Ingiriiska usoo saareen cudurka Covid-19 ayaa lagu tijaabiyay Isbitaalka Jaamacadda Southampton ee waddankaas.

     Dawadan oo ay iska kaashadeen khubaro caafimaad ayaa ka kooban bur utiin ama nafaqo lagu magacaabo ” interferon beta”, taasoo ah dhacaan uu jirk eenna soo saaro marka uu la kulmo fayras ku dhex faa faya.

    Natiijooyinka hordhaca ah ee tijaabada lagu sameey ay dawadan ayaa la filayaa inay soo baxaan dhammaad ka bisha June.  Waxaa hadda jira dawooyin shaqeynaya oo ay dhakhaatiirtu u adeegsadaan inay ku xoojiyaan difaaca jirka dadka bukaannada ah.

Maxay tahay dawada cusub?

     Maaddada laga sameeyay dawadan waa dhacaannada ay soo saaraan unugyada  difaaca jirka, marka ay la dagaallamayaan fayras soo food saaray, iyagoo jirka intiisa kaena ku wargalinaya inay dhibaato timid, sida uu sharrax ayo Richard Marsden, oo ah madaxa shirkadda dawadan soo saartay ee lagu magacaabo Synairgen, oo fadhigoodu yahay magaalada Southampton.

     Waxa uu sheegay in coronavirus uu u muuqdo in saameynta ugu weyn ee uu geysto ay tahay inuu daciifiyo unugyada difaaca jirkeenna.

     Dawadan oo khaas ah waxaa loogu talagalay in ay awood siiso difaaca jirka ee la dagaallamaya fayraska, rajada ugu weyn ee laga qabana waa inay joojiso fiditaanka uu fayraska ugu dhex faafo jirka iyo sidoo kae inay caawiso dadka uu markii horeba difaaca jirkoodu daciifka ahaa.

       Maadada ay ka sameysan tahay dawadan ee la yiraahdo "Interferon beta” waxaa badanaa loo adeegsadaa cudurrada hakiya shaqada unugyada jirka, ee u diida inay isbaddal caafimaad sameeyaan.

       Dalladda ay ku mideysan yihiin khubarada seyniska caafimaadka iyo tik noolojiyadda ee Synairgen waxay horay u muujisay sida ay diyaar ugu tahay xoojinta difaaca jirka iyo sambabbada dadka bukaannada ah ee qaba xanuun nada neefta iyo cudurrada kale ee sambabbada.     Hase yeeshee howsha ay hadda qabteen, oo ah dawada ay u soo saareen cudurka Covid-19 waxaa laga mahad naqi doonaa marka ay soo baxdo natiijo fiican, maadaama dad buka anno ah tijaabo ahaan loo siiyay.

      Kaye Flitney, waxay ka mid tahay 75 ruux oo loo diiwaan galiyay in lagu sa meeyo tijaabada caafimaad, waxaana muuqaal khaas ah ka sameeyay bar naamijka BBC-da ee Panorama. Bukaannada iyadoo kale ah waxaa looga ba ahan yahay inay neef ahaan u qaataan dawadan, si ay dhakhso ugu gaarto gudaha hoose ee sambabbada.

      Kaye, oo 67 jir ah waxaa dhib ku ah inay fariisato sariirta ay isbitaalka ka jiifto, wayna qufaceysaa iyadoo qaabka dawada afka usii wadda.

     Waxay sheegtay in markii ugu horreysay ee ay ogaatay inuu ku dhacay coro navirus aysan ka fikirin xaaladdeeda caafimaad.

     "Waxaan u cabsaday seygeyga, sababtoo ah wuxuu qabaa wadne xanuun. Cudurka wuu dili karaa isaga.”Haweeneydan oo isbitaalka la geeyay kadib markii ay ku adkaatay neefsashada, waxay sheegtay in qaadashada daawada aysan dhib weyn kala kulmin.

    "Maba dareemeysid inaad qaadaneysid ilaa aad ka dhammeysid. Aad uma xuma. Xitaa guriga waan ku isticmaali karaa,” ayey tiri.

Sideyu shaqeyneysaa tijaabada?

    75 qof oo isxilqaamay ayaa ka qeyb qaadanaya tijaabada dawada, waxaana la kala geeyay 10 isbitaal oo ku ku yaalla Britain. Kalabar ka mid ah dadkaas waxaa toos loo siiyay dawada, kala barka kalena waxaa la siiyay dawo aan shaqeyneynin.

     Dhammaantood qof ka mid ah ma oga dawada la siiyay inay tahay tii saxda ahayd iyo inay tahay middii aan shaqeyneynin, ilaa laga ogaado natiijadana looma sheegi doono.

      "Haddii aad ogaatid in dawada lagu siiyay maskaxdaada ayaa laga yaabaa inay wax fiican kuu sheegto,” ayey tiri Sandy Aitken, oo ka mid ah kalkaaliso oyinka dawada tijaabinaya.

     Rajada la qabo waa in bukaannada dawada la siiyay ay ka hor reystaan kuwa aan dawada qaadanin, sida uu sheegay Barfasoor Tom Wilkinson, oo ka tirsan jaamacadda Southampton.   Justin Rowlatt and Sandy Aitken Tijaabadan waxay qeyb ka tahay ol’oe dawo deg deg ah loogu raadinayo cudurka oo ay billowday dowladda UK.

     Ujeeddada laga leeyahay waa inay si dhakhso ah gurmad u helaan bukaa nnada la il daran Covid-19.

     Wajiga koowaad ee ol’olahan waxaa qeyb ka ah ilaa lix dawo oo kale.

Ilaa 100 dawo oo lagu damacsan yahay in wax looga qabto coronavirus ayaa laga soo saaray guud ahaan dunida.     Dawo lagu magacaabo remdesivir, oo horay loogu isticmaalay cudurka Ebola, ayaa hadda rajo aad u fiican laga leeyahay.   Xigasho:BBCSomali.


RAMADAANKU WAA FURSADA CUMRIGA




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip