Sheekh Shariif oo dowladda ugu baaqay siideynta Wariyeyaasha u xiran
Madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Saxaafadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey 3 Bisha May oo ku beegan Maalinta Xurriyadda Saxaafadda Adduunka,kuwaas oo uu sheegay inay u Shaqeeyaan duruufo adag.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in Maalintaan uu xasuusinayo suxufiyiintii noloshooda u huray gudashada shaqadooda, sidoo kale kuwii halis u galay ee loo xiray, loona jirdiley xirfaddooda, waxuuna ku boorriyey dowladda dhexe iyo maamullada kale ee dalka in la sii daayo dhammaan suxufiyiinta mihnaddooda u xiran.
Ugu dambeyn Sheekh Shariif waxaa uu sheegay in Xoriyadda saxaafadda iyo ilaalinta xuquuqda suxufiga ay kamid tahay tiirarka dawlad wanaagga, oo uu dhigayo dastuurka kumeelgaarka ah,waajib dastuuri ahna siinaya ilaalinta xuquuqda iyo xorriyadda guud ee muwaadinka si gaar ah suxufiyiinta iyo saxaafadda.
Dowladda Soomaaliya ayaa haatan waxaa u xiran Wariyeyaal uu kamid yahay Wariye Maxamed Cabduwahaab Abuuja,sidoo kale Hay'adda NISA ay farriin hanjabaad ah u dirtay Wariye Haaruun Macruuf oo ka tirsan Idaacadda VOA-DA laanteeda Afka Soomaaliga kuna sugan Mareykanka. .