
HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 30-4-2020
Xidig oo ku baaqay dhameynta khilaafka DFS & Jubbaland
Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Xubn ihii Isbedel-doonka Jubbaland ayaa ka hadlay khil aafka siyaasadeed ee u dhax eeya Madaxda DFS iyo Maa mulka Jubbaland.
Xildhibaan Xiddig waxaa uu sheegay in DFS iyo Maamu lka Jubbaland ay yihiin 2 aan kala maarmin,isla mar kaana DFS looga baahan yahay inay la timaado tanaasul.
Waxaa uu ku baaqay in la dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda D/F/S. iyo Maamulka Jubbaland,isla markaana la fiiriyo danta Shacabka ku nool deegaannada Jubbaland.
Hadalka Xildhibaan CabdiRashiid XidDig ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli isla Shalay Mad axweynaha Jubbaland uu sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin inay wada-hadal la galaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madasha Xisbiyada Qaran oo walaac ka muujiyey Shaqada Hay’adaha NISA
Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee So omaaliya ee Sh.Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ay warqad u direen Madaxda Sare ee DFS taas oo ay walaac uga muujinayeen Shaqada Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya.
Qoraalka ayaa waxaa ay ku sheegeen inay aad u ga walaacsan yihiin xoga ha maalmahaan soo baxay ay oo sheegayay xiriir iyo wadashaqeyn ka dhaxeey sa Hay’adda NISA iyo Urur ka Al-Shabaab taas oo sha ki weyn ku abuurtay.
Madasha Xisbiyada waxaa ay sheegeen in markii ay arkeen wararkaan soo baxay,dhacdooyinkii waaweynaa ee dalka ka dhacay oo uu ka mid yahay dilkii Guddoomiyihii Hore G/Banaadir Eng, C/raxm aan Yariisow iyo dhacdooyin kale ay ku qanceen xogaha laga baahiyey Hay’adda Nabadsugida Soo maaliya.
Madasha Qoraalka ay u direen Madaxda dalka ayaa waxaa ay ku dalbadeen in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dilkii Guddoomiyihii G/Banaadir iyo xogaha soo baxayay ee sheegayay wadashaqeynta Taliyeyaasha Hay’adda NISA iyo Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa ay dalbadeen in Warbaahinta iyo Baraha Bulshada ee Hay’adda NISA aan loo ad eegsan dano gaar ah laguna marin habaabin Ra’y iga dadweynaha. Ugu dambeyn Madasha xisbiyada Qaran waxaa ay sheegeen inaysan ku qancin jawaabtii ay dowla dda Soomaaliya ay siisay Warbaahinta Kenya qora alkii ay baahiyeyen 17/4/2020,kaas oo ku saabsa naa wadashaqeyn ka dhaxeysa Hay’adda NISA iyo Ururka Al-Shabaab.
Somaliya oo ka qeyb gashay Shir uu soo qaban-qaabiyay Midowga Afrika
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xu kuumadda Federaalka Soomaaliya, Md. Sadik Wa rfa ayaa Shalay hab-ka tooska ah uga qeybgalay Madasha Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulsha da ee Afrika oo uu soo qabanqaabiyay ururka Mid owga Afrika.
Ku dhawaad 32 wasiirro iyo wasiir ku-xigeenno, 70 xubnood oo ururrada shaqaalaha iyo loo shaqee yaasha ka socday ayaa ka qeybgalay.
Kullanka ayaa diiradda lagu saaray istiraatiijiyad wax ku ool ah oo looga jawaabi karo saameynta fayruska safmarka COVID-19 ee ilaalinta shaqaal aha iyo dakhligooda.
AUN: Agaasimihii Madbacadda Qaran ka Axmed Faarax Gaatamoow oo lagu aasay Muqdisho
Waxaa goor dhaw M/Muqdisho lagu aasay Alla ha u naxariiste Agaasimihii Madbacadda Qaranka Axmed Faarax Gaatamow oo Habeen hore ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Aaska waxaa ka qeygalay ma suuliyiin ka socday wasaarad da Warfaafinta dhaqanka iyo dalxii ska XFS, qaar ka mid ah ba hda warbaahinta iyo ehelka marxuunka geeriyoo day.
Madaxda iyo shaqaalaha wasaarada warfaafinta oo uu la soo shaqeeyay mudo dheer Axmed Faarx Gaatamoow Agaasimihi madbacada qaranka ayaa ku sifeeyay inuu ahaa shaqsi afgaaban oo laga na bad galo.
Allaha u naxariistee Axmed Faarax Gaataoow ayaa ka soo shaqeeyay warbaahinta gaarka loo le eyahay sida idaacada shaballe, Idaacada Codka na bada oo uu Agaasime ka soo noqday, iyo warbaah inta qaranka uu xilal kala duwan ka soo qabtay, sida Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Sooma aliyeed (SONNA) Agaasimaha Radio Muqdisho, iyo Agaasimaha Madbacada qaranka,
Dowladda Soomaaliya oo Hal Milyan ugu deeqday Gurmadka Qardho
Dowlada FS ayaa $1 milyan oo dollar ugu dee qdey shacabkii dhibaatadu ka soo gaartay Fatahaa dihii Magaalada Qardho
dhinaca kalena Puntland ay aa iyaduna sheegtay in deeqdaa si ay soo gaadhay islamarkaan ay u mahad celinayaan madax da Dowlada soomaliya
"Waxaa nasoo gaartay lacag 1Milyan oo DFS ku soo dirtay taas oo loogu tallo galay gurmadka Qa rdho waan uga mahad celineynaa deeqdaas” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Puntland. Inta la xaqiijiyey daadadkii habeen hore ku rog maday Xaafadaha M/Khardho ayaa waxaa ku geer iyooday 6 Ruux halka ay ku hanti beeleen Boqolaal qoys sida ay sheegeen mas’uuliyiinta D/Qardho.
Madaxweynaha D/G/Puntland Saciid C/hi Deni oo Dorraad tegay M/Khardho ayaa Habeen hore Magacaab ay Guddi ka qeyb qaata gurmadka loo sameynayo dadka ka cararay daadadka M/Khardho
Amb Gelle oo walaac ka muujiyey xaaladda dal ka sida Covidd19, Daadadka iyo fatahaadaha
Dalkeennu waxa uu wajahayaa mid ka mid ah marxalidii ugu adkaa ee soo mara in muddo ah.
Xanuunka dunida oo dhan ku baahay ee COVID-19 waxa uu saameyn taban oo xoog leh ku yeeshay dhaqaalihii dalka iyo nolosha dadka Soomaaliyeed dal iyo dibadba.
Waxaa aad hoos ugu dhacay dhaq aalihii ay dadka Soomaaliyeed ee qurbaha jira u soo diri jireen ehelkooda dalka jooga, markii ay qur bejoogteennii guryaha ku xaroodeen shaqooyinkiina ka hakadeen xanuunkan dartii.
Dowladihii dalkeenna caawimaadda siin jiray, iya guna tooda ayay la tacalayaan oo waxaa saameey ay COVID-19, umana badna inay xilliga dhow caawi maad weyn noo geysan karaan.
Daadadka ku dhuftay Qardho, fatahaadda webi ga Jubba ee ka bilaabatay D/Baardheere iyo cab sida laga qabo inay fatahaado sameeyaan webiya da Jubba iyo Shabeelle waxay horseedayaan xaala do bani’aadminimo oo hor leh.
Culeysyadaas oo lagu daray, kala irdhowga siy aasadeed ee dalka ka jira iyo u heellanaan la’aanta in wax la isu doono, waxaa ay dhalineysaa walaac xoog leh iyo maalmo adag oo nagu soo fool leh.
Tani waxay qof walba iyo qoys walba oo Soomaali yeed saareysaa mas’uuliyad dheeri ah iyo inaan bul sho ahaan is taakuleyno, si gaar ahna loo ogaado dadka nugul ee ay ku adagtahay inay quutulyowm ka helaan.
Allaha weyn ayaan ka baryayaa inuu dadkeenna u sakhiro marxadda adag ee uu ku jiro.
App-ka dabagalka coronavirus ee UK oo diyaar noqonaya
App dabagal ku samaynaysa coronavirus, kana mid ah dadaalada laga wado dalka UK si xayiraa daha looga qafiiyo ayaa diyaar noqonaya isbuucy ada soo socda.
Madaxa qaybta digitaalka ee Hay’adda daryeelka caafimaadka bulshada UK, Matthew Gould, ayaa ba arlamaanka u sheegay in App-ka ay diyaar noqona ya isbuucyada so o socda.
Balse wuxuu cadeeyey inay tani qayb ka tahay dadaalada lagu qafiifin karo xayiraadaha saaran dal ka. "Haddii la doonayo in la ilaaliyo Hay’adda daryeelka caafimaadka bulshada UK ama uu dhaq aalaha dalka dib u soo noqdo app-ka waxay qayb ka noqonaysaa dadaaladaas.”
Madaxweyne Deni oo dalacsiiyey Ciida mo u gurmaday Shacabka Khardho
Madaxweyne Deni oo safar shaqo ku jooga M/ Qardho ayaa Shalay kormeeray Xarunta Tababara da Ciidamada ee Xorgoble.
Madaxweyne Deni ayaa sal aan sharaf ka qaatay cutub yo ka tirsan Ciidamada Dar aawiishta oo tababar uga soc do xerada xorgoble, wuxuuna ka dib warbixin ka dhegaystay Saraakiisha Ciidamada iyo Masuuliyiin ta Xarunta. Md.Dani ayaa bogaadiyey doorkii Cii damadu ka qaateen badbaadinta Shacabka markii xili habeen ah biyo ku soo rogmadeen Qardho, wux uuna Madaxweynuhu hal darajo dalacsiiyey dhamm aan ciidamadii ka qeyb qaatay howlgalkaasi lagu badbaadinayey Shacabka ay daadadku ku soo
fatahmeen.
Hormuud Foundation iyo Salaam Bank oo deeq gaarsiiyay isbitaalka Dhimirka Dr Xabeeb ee Kaxda
Madaxda hay’ada Hormuud Foundation iyo Sal aam Bank ayaa ugu horeyn kormeer ku sameeyay qeybaha uu ka koobanyahay xarunta dhexe ee Dr Xabeeb halkaasi oo ay kula kulmeen dad aad ufara badan oo isugu jira rag iyo dumar la xanuunsanaya xan uunada dhimirka.
Intaa ka dib madaxa hay’ ada hormuud foundation C/hi Nuur Cismaan ayaa ku ware ejiyay maamulka isbitaalka dhimirka Dr Xabeeb deeq ka kooban raashiin oo ka koobneed Bur, Bariis, Sokor, Saliidiyo Timir.
Madaxa hay’ada Hormuud Foundation C/hi Nu ur Cismaan oo deeqda kuwareejiyay maamulka is bitaalka dhimirka ee dr xabeeb ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb katahay deeqaha ay ugu tala gal een dadka dhibanayaasha ah inta lagu guda jiro bi sha barakeysan ee Ramadaan islamarkaana ay sii wadi doonaan tagayarada ay siinayaan dadka tab aaleysan
Madaxa isbitaalka dhimirka ee Dr Xabeeb Cali Maxamed Xasan oo deeqda guddoomay ayaa kaga mahad celiyay salaam Somali bank iyo hay’ada hor muud foundation kaalinta ay ka qaadanayaan ugar gaarida dadka dhimirka looga jiro isla markaana wa xa uu tilmaamay in deeqda ay ku soo aaday xili ay aad ugu baahnaayeen
Sidoo kale Madaxa arimaha bulshada xafiiska R/Wasaaraga Maryan Aadan Amiin oo hadal koob an ka jeedisay goobta ayaa uga mahad celisay Ho rmuud Foundation iyo bankiga Salaam Bank sida ay ula socdaan baahiyaha dadka xanuunsan oo dhimir ka looga jiro.
Hay’ada Hormuud Foundation iyo Salaam Bank ayaa dardar galinaya barnaamijka taakuleynta dad ka tabaaleysan ee bisha barakeysan ee Ramadaan, iyagoo iska kaashanaya caawinaada dadka u baah an in lacaawiyo waxaana ugu dambeen madaxa ha y’ada hormuud foundation uu baaq dheer ugu diray dadka soomaaliyeen inay gacan kageystaan wax u qabashada walaalohooda tabaaleysan.
Axmed Madoobe oo wada-hadal ugu ba aqay dowladda Federaalka
Madaxweynaha D/G/Jubbaland Axmed Maxam ed Islaam oo ay wehelinayaan Xildhibaan C/Rshiid Xiddig iyo Sh. Daahir oo ka mid ah xubnaha isbadal doonka Jubbaland ee dhawaan heshiiska la gaaray D/G/Jubaland ayaa dib ugu soo laabtay M/kismayo.
Iyadoo la ilaalinayo badqabka Bulshada waxaa Madaxweyna ha iyo xubnaha kale ee safarka ku wehelinayay ay mareen baari taan Caafimaad iyadoo Madaxweynahu uu xariga ka jaray qaybo Cusub oo lagu kordhiyay garoonka Diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan. Madaxweynaha oo Sa xaafada kula hadlay qay bta nasashada garoonka diyaaradaha ayaa sheeg ay in uu si wanaagsan ku soo dhamaaday heshiiskii ay dhawaan gaareen xubnaha golaha isbadal doon ka iyo Xukuumada Jubbaland waxaa Madaxweyna hu uu hoosta ka xariiqay in danta shacabka ay ku ji rto heshiiskaas oo aan shaqsi loo danaynin balse shacabka loo turay.
Waxaa Md.Axmed Madoobe uu intaas ku daray in sha cabka Jubbaland ay wadajir iyo Midnimo ku gaari karaan Hormar guud taas oo ay qayb ka tahay in wixii lagu kala aragti duwanaado wada hadal lagu xaliyo. Wuxuu intaas ku daray in heshiiskaas uu u dhexeeyay Jubbaland iyo xubnahii saluugay Doora shadii Sanadkii hore isla markana diyaar ay u yihiin in wixii dhiman la dhamaystiro isla markana laga shaqeeyo sidii shacabka Jubbaland ay dantoodu u noqon lahayd mid laga wada shaqeeyo.
Dhamaan dhinacyadii ka qayb qaatay sidii xal lo oga gaari lahaa khilaafkii jiray ayuu Madaxweynahu uga mahad celiyay sidii ay u garab istaageen shaca bka ree Jubbaland sidii midnimadooda iyo wadajirk ooda loo adkayn lahaa.
Md.Ax.Madoobe waxaa kale oo uu ka hadlay Khil aafka Jubbaland iyo DFS isagoo sheegay in Jubba land ay diyaar u tahay wakhti walba in wada hadal lagu xaliyo waxyaabaha lagu kala aragti duwan yah ay isla markana DF ay qaadato doorkeeda la xiriira isku haynta dadka iyo sidii wadajir loogu wajahi la haa qorshayaasha hortabinta leh.
Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhibaatada adduunka saamaysay ee Xanuunka Covid19 ay tahay mushkilad u baahan in dadku ay raacan fariimaha iyo talooyinka Hay’adaha Caafim aadka dalka maadama aan wali daawo loo haynina ay dadku kala fogaadan si looga hortago in xanu unkan uu ku faafo Bulshada isagoo xusay in kala fogaanshaha Bulshada ay ka bilaabato Xarumaha Dowlada dadkuna ay raacaan tilmaamaha iyo talo oyinka howlwadeenada Caafimaadka .
Goobaha Ganacsiga Masaajidada ah iyo meela ha kale ee dadku ay ku badan yihiin ayuu Md.Ax med Madoobe sheegay in laga fogaado taas oo xal ka kaliyah ee lagu yarayn karo faafida Xanuunkan.
Waxaa uu intaas ku daray in dhibaatooyinka dabiici ga ah ay yihiin kuwo u baahan in gurmad deg deg ah laga sameeyo isagoo xusay in xilli roobaadkan ay jiraan fatahaado iyo daadad dhibaato ku ah Bul shada tabarta yar si gaar ahna deegaanada Jubbal and ee ilaa hadda dhibaatooyinka laga soo sheegay ayuu xusay Madaxweynahu inay kamid yihiin D/Ba ardheere iyo qaar kamid ah Jaziiradaha G/ Jubbada Hoose dhamaan dhinacyada ay qusayso ayuu ugu baaqay inay ka qaybqaatan gurmadka loo samayna yo dadka ay saamaynta ku reebeen xaaladaha dab iiciga ah.
Dowladda Somaliya oo Agab Caafimaad gaarsiis ay mid kamid ah Maamul Goboleedyada
Wafdi ka socda Xafiiska R/Wasaaraha , Gudigga Qaranka ee ka hortagga Covid19 iyo dhaqaatiir ay aa gaaray M/jowhar ee G/Sh/ Dhexe.
Wafdigaasi waxa ay magaalada Jowhar gaarsiyeen shixnad dawooyin ah iyo qalab kale oo ay sidday Diyaarad,isla markaana loogu talagalay in lag ula tacaalo cudurka Cronavirus.
Deeqdaas oo ka timid Xafiiska R/W ayaa waxaa loogu talagalay in lagu taageero dadaalada lagu yareynaayo caabuqa halista ah ee Covid 19.
Wafdigaasi oo ay M/Jowhar ku soo dhoweeyeen maamulka Hirshabeele,waxa ay mudada ay jog aan halkaasi ay u kuurgalayaan xarumaha loo qorsheey ay Karantiilka sida ay u socdaan dadaalada lagula diriraayo faafitaanka cudurka.
Dorraad ayay aheyd markii sidaan oo kale Xubno ka socday Xafiiska R/Wasaaraha iyo Wasaaradda Caafimaadka ay Dawooyin iyo Agab kale ay geliye en M/Baydhabo ee G/Baay,iyada oo la filayo inay geeyaan Xarumaha kale ee Maamul Goboleedyada.
Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Fatahaada Degmada Khardho
Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid C/hi Deni, ayaa shir-gudoomiyey shir looga hadlayey saamayn ta baaa ran ee ay ku ye esheen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay D/Qa rdho, kaas oo sa babay dhimasho, burbur hantay eed iyo barakac balaaran. Md.Dani ayaa kala hadlay Guddiga sare ee Gu rmadka Fata haada D/Qardho ee G/Karkaar sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa khaasaraha ka dha shay si deg deg wax looga qabto. Kulanka Md. Deni iyo Gudd iga Gurmadka M/Khardho ayaa waxaa uu daba socdaa xilli Magaalooyinka Puntland iyo deeg aannada kale ee dalka ay ka socdaan howlo loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha Magaalada Khardho.
Sharci-dejiye ka baxay xisbiga Jamhuuriga oo madaxweyne isku sharxaya
Justin Amash, oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mar eykanka, ayaa Talaadadii ku dhowaaqay inuu isku diyaarinayo inuu ordo xilka madaxweynaha Marey kanka, isaga oo ka socda xisbi saddexaad.
Amash ayaa horey uga bax ay xi sbiga Jamhuur iga sababo la xiriira khilaaf kala dhaxeeya madaxw eyne Trump, wuxuuna kadib u codeeyey sharcigii la rab ay in xilka looga xayuubiyo.
"Aynu sameyno arrintan,” ayuu yiri sha rci-yaqa ankan aan xisbina ka tirsane yn ee laga soo doorto gobolka Michigan, isaga oo ku dhowaaqaya guddi darsa musharaxnimadiisa. Amash, oo tan iyo markii uu ka baxay xisbiga Jamhuuriga xagaagii 2019, aan xisbi na ka tirsaneyn ayaa doonaya inuu noqdo mu shar axa xisbiga Libertarian Party, oo ah xisbi u ol oleeya xuquuqda madaniga iyo in awoodda dowl adda oo la xaddido.
"Waxaan diyaar u nahay madaxweynenimo soo celin doonta Dastuurkeena, iskuna keeni doonta dadka,” ayuu Amash kusoo qoray bartiisa twitter-ka.
Amash, oo 40 jir ah, ayaa noqonaya musharaxa 3aad ee doorashada 3-da November, oo ay ku lool amayaan madaxweyne Trump oo Jamhuuri ah, iyo Joe Biden oo Dimoqraadi ah.
Waa wax ay adag tahay inay dhacdo in mushar ax ka socda xisbi 3aad uu ku guuleysto doorashada madaxweynaha Mareykanka, hase yeeshee Amash wuxuu suurta-gelin karaa inuu wax ka beddelo doorashada. Ma cadda cidda uu saameynta ku yee lan doono Trump ama Biden, oo dadka u codeyna ya ay kasoo leexin dooonaan codadka.
Waxa uu taageero ka heli karaa xubnaha Jamhu uriga iyo kuwa madax banaan ee aan jecleyn Tru mp. Wuxuu sidoo kale codad ka heli karaa Dimoqr aadiga aan ku faraxsaneyn musharaxnimada Biden. XIGASHO:-AFP.
Amnesty International oo AFRICOM ka dalbatay inay magdhow siiyaan ehelada dadkii ay dileen.
Hay’adda Amnesty International ayaa soo dhow eysay warbixinta taliska Mara ykanka AFRICOM ee qirasha da in 2qof oo rayid ah oo Soo maali ah lagu dilay 3 kalena la gu dhaawacay duqeyn xagga cirka ah oo sanadkii hore dhacday Soomaaliya.
Hay’adda ayaa sheegtay in warbixintaan rasmiga ah ee qiraysa doorka AFRICOM ee ku aaddan dhi baatooyinka rayidka inay tahay iftiinka daah furnaan ta in ka badan 10 sano oo hawlgallada millatari ka socdeen Soomaaliya.
Amnest waxay sheegtay in loo baahan yahay in ay jirto isla xisaabtan iyo magdhawga dhibbanayaa sha iyo qoysaskooda Soomaaliyeed ee waxyeelada ay gaarsiiyiin ciidanka Maraykanka ee ka howlgala qaarada Afrika. Millatariga Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in aysan weli la xiriirin oo aysan siin wax magdhaw ah qoys kasta oo rayid ah oo ay qirteen inay dileen sida ku cad warbixinta Amnest.
"Waa tallaabo wanaagsan in AFRICOM ay siiso qoysaska murugaysan fursad ay ku soo sheegaan dhibatooyinka rayidka iyaga oo adeegsanaya webs aydkooda”ayaa lagu yiri warbixinta.
"waa in la helaa habab kale, oo ay ka mid tahay in laga sameeyo M/Muqdisho qaab loogu oggo laado odayaasha qabaa’ilka ama wakiillo la soo do ortay inay ku hadlaan magaca dadka rayidka ah ee ay dileen kuwa duqeynta u geystey, si looga wada hadlo magdhowga qoysaska dhibbanayaasha.” Ayaa lagu yiri warbixinta Amnest.
Dhanka kale Taliska Maraykanka ee Q/Afrika ayaa dhawaan shaaciyay inay gudaha Soomaaliya ay ku dileen dad rayid ah inay socotay weeraro dha nka cirka ah oo la beegsadeen saldhigyo ay leeyih
iin Xarakada Al Shabaab ee Soomaaliya.
RAMADAANKU WAA FURSADA CUMRIGA
(Dersiga Shanaad)
Ramadaanku waxa uu fursad u yahay Muslim kasta, waxaa uu fursad u siiyaa inuu ka mid noqdo Mutaqiintii illaah jeclaa, oo waxaa u siman Caalimka Iyo Caabidka in ay ka faaiidaan, waxaana uu illaah u yaboohay qofkii Ramdaanka fursadahiisa ka faaiideysta inuu gaaro darajada ah { لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ}.
Ramadaanku waa fursad lagu toosiyo nafta oo aan lacag kuugu fadhin, waa siminaar tarbiyo ah oo aan kaaga baahneyn inaad u safarto, waxa uu fursad u yahay kan naftiisa Balwada daalisay ee hanan waayay, oo waxaa uu uga faaiideysan karaa inuu kawada haro noocyada balwadaha oo dhan maadaama uu fursad u helay inuu Soomo maalintii, waxaa uu isku dayi karaa sidaasoo kalana inuu Habeenkii ku mashquuliyo naftiisa Salaad iyo cibaado kale, waqtiga usoo harana jiif uga faaiideysto, waxaana dad badan oo Balwado lahaa la hubsaday in ay kaga daawoobeen Bisha Ramadaan markii ay si wanaagsan waqtigooda uaga faaiideesteen.
Waxaa uu Ramdaanka sidoo kale Fursad u yahay ruuxa ka gaabin jiray Sunnooyinka Rawaatibta ah iyo kuwa kale, maxaa yeelay waxaa uu Ramadaanka inta lagu jiro helaayaa Muslimka sooman jawi ku Saacida inuu Naftiisa ku Xakameeyo Kheyrka noocyadiisa kala duwan, waxaana xasuusin mudan Qiyaamaha marka la tago oo la xisaabinaayo Muslimka waxa ugu horeeya ee laga Xisaabiyaa waa Salaada Faradka ah, hadii Salaadiisa wax ka dhinaadaana waxaa la fiiriyaa Sunnooyinka Raacsanaa salaada taasoo kab u noqota haduu la imaan jiray sida uu noo sheegay Nabigeenii Suubanaa (naxariis iyo nabag aalaha yeelee).
Ramadaanka waxaa u fursad u yahay kuwa ka hijrooday Kitaabka Qur’aanka aqrintiisa, in ay dib isu saxaan kana faaiideystaan jawajiga wanaagsan ee Ramadaanku Xambaarsan yahay, Maxaa yeelay Maalmaha Soonka waxaa uu Muslimka Sooman helaa Fursad iyo Awood Cajiib leh taasoo u suuro galiso Maalin kasta Kitaabka inuu waqti badan ku bixiyo, maadaama lagu jiro Bishii Qur’aanka, waxaana xasuusin mudan Xaraf walba oo qur’aan ah oo uu Ruuxa aqriyo inuu ku helaayo 10 Ajar, taasoo kobcineysa Iimaanka Muslimka siineysana Karti uu Sanadka intiisa kale ku dhaqdhaqaaqi karo kheyrkana uga faaiideysan karo.
Ramadaanku waxa uu Fursad u yahay Gabadha Muslimka ah ee xoogaa hilmaanka iyo dabaca lasoo gudboonaaday ee Xijaabka dabcisay ama Xijaabka ka tagtay inay dib isu Xisaabiso, soona Ceshata wanaageedii, kana faaiideysato Nicmooyinka Ramadaanka ka Buuxa inta ayan dhamaan fursadaan aan damaanada loo heysan in dib ugusoo laaban doonto.
Ramadaanku waxaa uu Fursad u yahay kuwa taleefoonada iyo Inter netyada xumaanta u adeegsan jiray in ay Naftooda ku xakameeyaan Bishaan Barakeysan kana dhowrsadaan waxyaabaha aan Aduun iyo aaqiraba wax u tareyn, amaba Dembiyada qatarta ah dadka u jiida, waayo waxaa badan dambiyo la yareesto laakiin albaab u noqda dembiyada kuwa ugu waa weyn, oo waxaa la yiraahdaa buurahaba waxey ka sameysmaan dhagxaanta qururuxa oo isu tagtay.
Ramadaanka waxaa uu fursad u yahay kuwa u bartay nolosha barwaaqada ah in ay ogaadaan Baahida xanuunkeeda, taasoo dhaxashiisa in ay u dhimriyaan kuwa bahaan ee gaajada ku noolaa Sanadka oo dhan, taasoo ku dhal;isa in ay Quudiyaan masaakiinta xoolahoodana wax ka bixiyaan, islamarkaana illaah (cw) ugu mahad celiyaan Nicmooyinka uu ku galadeestay..
Ramadaanku waxa uu fursad u yahay kuwa Naftooda ku mashquulisay Fidnada iyo Daadinta Dhiiga ee ku howlan Barakicinta Masaakiinta Muslimiinta ah ee 20ka sano Dhibaatada ku jiray inay xisaabtamaan oo ay ka Soomaan Xumaanta sida ay uga Soomeen Cunadii iyo Cabitaanadii xalaasha ahaa, waxaa la yaab leh ruux Xalaashii uga tagay Soonka Dartiis Xaaraantiina raba inuu ku Cibaadeysto Soonka dartiis, waa layaab in laga Soomo Cuntadii ee aan laga Soomin Dhiiga Muslimiinta ee weliba Cibaado la Moodo.
Hadaba Si aan uga Faaideysano Fursadaha Bisha Ramadaan waa inaan la ku Dadaalnaa arimaha Soo Socda:
1-waa in aan u dagdagnaa Towbad keenida illaahna Dembi dhaaf ka dalbanaa maxaa yeelay waa bil dambiyada la dhaafo.
2-Tan labaad waa inaan baranaa Cilmi ahaan wixii ku saabsan soonka iyo Cibaadka Bishaan ku jira oo dhan sida Ictikaafka,Cumrada, Zakada Fidriga iwm.
3-Waa inaan go’aansanaa inaan ka faaiideysano Bishaan camalada suuban oo dhan ku dadaalnaa. 4-Waa inaan sameysanaa jadwal maalmeed aan ku xisaabino Nafteena oo aan ku xakameynaa.
5-Waa inaan oganaa in Ramadaanku yahay Maalmo kooban oo aysan sahal nagu dhaafin habeen iyo maalinba.
6-Waa inaan u guntanaa inaan ka dhigno halkaan Ramadaan mid u dhigma xaga Ajarka Ramadaano badan, taas oo ku imaan karta inaan uga faaiide ysano si walba kaalmo la siiyo masaakiinta , in la afuriyo kuwa aan heysan , in la xiriiriyo eheladii iyo in waqtiga aad loo ilaashado iwm.
7- Waa inaan Bishan ku weyneynaa aqrinta Quraanka watiga badankiis maadaama Bishaan ay la leedahay Qur’aanka xiriir gaar ah.
Qore Cali Nuur Xoogsade calixoogsade@Hotmail.Com
Sheekh Shariif oo baaq u direy DFS & Beesha Caalamka
Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay daadad ku dhuftay deegaano ka tirsan Maamulka Jubbaland,isaga oo ku baaqay in loo gurmado.
Sheekh Shariif waxaa uu sheegay in uu murugada la qeybsanayo dadka ka barakacay daadadka Roobka iyo fatahaada Wabiga uu ka geystay deegaano ka tirsan Jubbaland.
"Waxaan murugada la qaybsanayaa shacabka ku barakacay daadadka ku dhuftay deegaanno ka tirsan Jubaland sida Baardheere, Madhawa iyo Jaziiradda Kudhaa ayuu yiri”Sheekh Shariif.
Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya, Ganacsatada, saaxiibada caalamka ee Soomaaliya iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in gurmad degdeg ah loo fidiyo dadka a saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka Roobka.
Wabiga Jubba ayaa waxaa uu fatahaad ka sameeyey degmada Baardheere ee Gobolka Gedo iyo deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose,waxaana ka barakacay dad farabadan.
Dad isku qoys ah oo ku dhintey Biriq ku dhacdey Gurigooda
Wararka Idaacadda Risaala ay ka heleyso deegaano duleedka Bari ka xiga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in dad hal qoys ka wada tirsanaa ay dhinteen kadib markii ay biriq ku dhacday Hoygii ay deganaayeen.
Saacadihii la soo dhaafay ayaa roob xoogan waxaa uu ka da’ayay Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaannada hoostaga,waxaana Shan Qof oo isku qoys ahaa ay ku geeriyoodeen Biriq ku dhacday Gurigooda oo ku yaalla deegaanka Innamid oo 35-km jahada Barri kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.
Qoyska Biriqda ku dhacdey Gurigooda ayaa waxaa ay ka koobnaayeen 7 Ruux,waxaana Shanta qof ee Biriqda ku dhintay ay kala ahaayeen Afar Carruur ah iyo Hooyadood halka uu dhaawacmey qof kale oo Carruurta kamid ahaa mid kalena la la’yahay.
Qaar kamid ah dadka deriska la ah qoyskaas biriqda ku dhacday Gurigooda ayaa waxaa ay sheegeen inay aad uga naxeen musiibada ku dhacday dadkaas,iyaga oo gurmad u sameeyey qoyska si loo helo halka qof ee maqan.
Maanta ayaa lagu wadaa in deegaanka ay Biriqda ku dhacday ay booqdaan mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug si ay u kuurgalaan xaalada dadka ku nool deegaankaas ulana kulmaan Ehalada qoyska dhibaatada gaartay.
OGEYSIISKA DIGNIINTA EECALAAMADA GANACSIGA
ALSTOM
OGEYSIIS HALKAN AYAA LAGU SIIYAY in calaamada kor ku xusan (ALSTOM) is the property of ALSTOM, a French Limited Company of 48 rue Albert Dhalenne, 93400 Saint-Ouen, FRANCE
iyo in isla sumadda ganacsi loo isticmaalo badeecada soo socota:
FASALKA 6:
Birta la wadaago iyo alwaaxdooda; la rujiyey, qaabeeyey, aasaasay, la farsameeyay, la shaqeeyey, dhammaystiray alaabada ku saleysan dunta, macdanta, aluminiumka iyo naxaasta iyo aluminiinadooda; dhammaan ashyaa'da-dhammaadka ah ee daasadda, macdanta "aluminium", aluminium iyo naxaas iyo alwaaxdooda; spun iyo agabyada bir-gii la duubay; dhismaha bir qalabka; dhismayaasha biraha la qaadi karo; biraha iyo alaabada kale ee macdanta ee tareenka; bir silsilado; fiilooyin aan koronto lahayn iyo fiilooyin; qufullo aan koronto lahayn; qalabka birta; tuubooyinka birta; kaydinta birta taangiyada, weelasha birta; alwaaxa birta ah; Saxiix laambad ama nal-aan-dhalaal ahayn, farsamo-yaqaan, aan ahayn farsamo-yaqaan (macdan); marinnada prefabricated; xirmooyinka biraha; alwaax bir ah; ulo bir ah; alaabada aluminiumka ah iyo alloys loogu talagalay dhismayaasha; albaabka dabka, xiritaanka albaab aan koronto lahayn; seexashada wadooyinka tareenka; Albaabada dhulka lagu aaso.
FASALKA 7:
Wareega iyo mashiinnada korantada ee taagan; mashiinka neefta, mashiinka tamarta, kuleylka iyo mashiinka nukliyeerka; mashiinnada tiro ahaan la koontaroolo; mashiinno lagu farsameeyo balaastigga; Mashiinnada iyo qalabka loogu talagalay shacabka injineerinka, dhismaha, qoditaanka, dhulka hoostiisa, gaar ahaan kuwa isku dhafan ee la taaban karo, lakabyada bitumen, cabbirayaasha, xarumaha-korantada, kombuyuutarrada, miisaska, liin-gooyada; Mashiinnada qashin-qubka, burburintooda, soo saarista mashiinnada, makiinadaha shaandheynta, qodista, jaridda, jilista; qalabka mashiinka; qaadista iyo gacan ku haynta qalabka; dynamos, beddelayaal, matoorro, dusha sare ee dusha sare; biraha; qaybo ka mid ah mashiinnada loogu talagalay duubista; dufan; tuubooyinka fidinta hawada; bastooladaha; matoorro, bambooyin (mashiinno); bambooyin (qaybo ka mid ah mashiinnada ama matoorrada); mashiinnada iyo qalabka qalalan; matoorrada iyo aagagdooda, alaabada firaaqada ah (marka laga reebo baabuurta dhulka); dharka maydhista iyo mashiinnada nadiifinta; jaraa'idka (mashiinnada loo isticmaalo warshadaha); uumiga aaladda (qaybo ka mid ah mashiinnada); bilowga gawaarida; xarunta kantaroolka matoorrada, maamulayaasha (qaybo ka mid ah mashiinnada); maamulayaasha xawaaraha, mashiinnada iyo matoorrada; xakamaynta cadaadiska; awooda korantada iyo korantada biyo siin; matoorrada; dhaliyayaasha korantada; Farsamooyinka shilalka gawaarida aan dhulka aheyn (oo ay ku jiraan codsiyada badda); wiishyada kor u qaada; wiishashka; xawaaraha elektiroonigga ah ee matoorrada korantada; korontomatoorrada, isku-darkooda xawaaraha xawaaraha kaladuwan; maamulayaasha barnaamijyada qabanqaabin kara; qaybo matoorada loogu talagalaygawaarida dhulka; Mashiinnada gelinta taargooyinka taakuleynta iyo / ama kuxirayaasha wax la taaban karo ama waxyaabo kale gobolka balaastikada ah, gaar ahaan dhismaha jidadka tareenka iyo / ama kaabayaasha wadada ee hagista gawaarida dhulka.
Qalabka korantada aaladaha
taraafikada, calaamadaynta, ilaalinta, maaraynta taraafikada iyo / ama
xakameyn, kormeer, xakameyn, macluumaadka rakaabka, gurmadka (badbaadinta),
barida, wadista iyo xakameyn; xakameynta iyo la socodka aaladaha matoorrada iyo
qalabka korantada, qalabka elektiroonigga ah iyo qalabka kombiyuutarka; qalab
saynis iyo qalab loogu talagalay qaybinta, beddelashada, aruurinta,
sharciyeynta ama xakameynta korantada, dhammaantoodna waxay ku cayiman yihiin
go'an ama socod ama / ama saaran dusha sare Nidaamyada, loogu talagalay
saamaynta isgoysyada tareenka, ee gawaarida tareenka ee xawaaraha aad u
sarreeya, ee tareenka qaybinta ama kaxaynta wadista baabuurta, ee gawaarida
tareenka leh ee leh ama aan lahayn baabuur-wadis, si rasmi ah oo qeexan
tareennada tareenka ama ma leh, taraamyada, basaska, gawaarida korantada iyo
gawaarida iskiis u taagan; qalabka ogaanshaha cudurka loogu talagalay jidadka
go'an iyo mobilada iyo baabuurta tareenka, oo ay ku jiraan indhaha, aragtida
macluumaadka, cabbir, la socodka iyo xakameynta qalabka, gaar ahaan kuwa dharka
qaada iyo kamaradaha ilaalinta; elektiroonig iyo Qalabka korantada ee lagu
farsameeyo goobta xogta dayax-gacmeedka iyo qalabka elektiroonigga ah iyo
qalabka korantada ee loogu talagalay kormeerida wadooyinka tareenka iyo wadada;
Nidaam lagu falanqeeyo laguna ogaanayo xaalada tareenka iyo wadada qalabka iyo
kaabayaasha dhaqaalaha; xakameynta qalabka loogu talagalay maareynta tareenka
iyo gaadiidka Khadadka; Qalabka elektaroonigga ah ee kantaroolka fog ee
isgoysyada tareenka; Qalabka digniinta iyo aaladaha;qaylo-dhaanta acoustic;
qalabka gudbinta, nidaamyada digniinta; qalabka dab-damiska; xakameyn iyo
ogaanshaha aaladda oo ay ka mid yihiin indhaha, aragtida xogta, cabbiraadda, la
socodka iyo qalabka xakamaynta, gudaha laseer qaas ah iyo kamaradaha ilaalinta;
qalabka gudbinta xogta iyo qalabka; koronto kiciyaasha kaydka tareenka ee loogu
talagay, gawaarida tareenka ee xawaaraha aad u sarreeya, ee la qaybiyo ama
tareenada iskuxiran ee tareenka, ee tareennada tareenka ee ka kooban ama aan
iskood isu fidin, waayo Tareennada tareenka, iyo basaska, gawaarida korantada
iyo kuwa iskood isu taaga gawaarida, ee loogu talagalay saldhigyada iyo
hoobiyeyaasha; fiilooyinka korantada; aruuriyaha korontada; koronto iyo
elektiroonig nidaamyada kantaroolka meelaha fog laga isticmaalo ee tareenka iyo
hawlgallada waddooyinka kontaroolada korantada (korantada); kontaroolada
gacanta(computeriut) ee wadooyinka tareenka iyo wadooyinka; qalabka korantada;
baytariyada korantada; Koronto-wadeyaasha korantada; aruurinta iyo baytariyada;
qalabka korantada ee nooc kasta; marinnada korantada; xawaareyaasha xawaaraha
gawaarida tareenka, taraamyada, basaska, gawaarida korantada iyo gawaarida
iskiis u taagan; sideyaasha xogta indhaha iyo magnetic; Relays koronto iyo
elektiroonig; tusayaasha xawaaraha; Calaamado nal aan nal ahayn, mid indhaha
ah, makaanik ah, aan farsamo ahayn oo loogu talagalay baabuurta tareenka, ee
taraamyada iyo basaska; calaamadaha iftiinka ama farsamada; guluusyada
iftiinka; Qalabka elektaroonigga ah ee kontoroolka fog ee calaamadaha;
gudbiyaha qalabka elektiroonigga ah; Qalabka nabadgelyada ee tareenka iyo
taraafikada; looxyada ogeysiiska elektiroonigga ah; qalab loogu talagalay
duubista waqtiga; Digniinta maqalka korantada; transformers; Qalabka wareejinta
ee tareenka iyo gawaarida wadooyinka (kombuyuutarrada dusha saaran); qalab
raadiye raadiyaha ee tareenka iyo gawaarida wadooyinka (kombiyuutarada dul
saaran); qalabaynta xogta; cabirka masaafada iyo qalabka duubista ee tareenka
iyo gawaarida wadooyinka; aaladda isteerinka tooska ah ee gawaar
HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 30-4-2020
Cali Geedi oo ka digay in la siyaasadeeyo Khatarta COVID19 R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in Cudurka Coronavirus uu ku sii baahayo Soomaaliya loona baahan yahay in laga dig toonaado. Waxaa uu shee gay Cali Max