
HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 23-4-2020
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray Suuqa cusub ee Hayat Super Mar ket (Sawirro)
Waxaa Shalay D/Wadajir ee M/Muqdisho la ga furay Super Market ka mid ah kuwa ugu wa aweyn dalka, iyadoo xarigana uu ka jaray G/G/Banaadir Cumar Maxamed M/mud Finish.
Munaasabad lagu furayey suuqan cusub oo si weyn loo soo qaban-qaabiyey ayaa lagu qab tay xarunta Hayat Market taasoo ay ka soo qe yb galeen qeybaha bulshada sida ganacsato, Culimaa’diin,Aqoonyano, siyaasiyiin, mas’uuliy inta shirkadaha dalka iyo madax ka socotay dowlada Somalia.
Madaxa Suuqa cusub ee Hayat Market C/n uur Guutaale oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in Super Market-kan uu yahay kan u gu weyn M/Muqdisho, ayna dhismihiisa iska ka ashadeen ganacsato Soomaaliyeed.
"Suuqan dhismihiisa iyo diyaarintiisa waxaa la qorsheynayey muddo dheer, waxaana maalk ooda, fekerkooda iyo mu ruqooda geliyey ganacsato Soomaaliyeed oo iskaashaday, ujeedada laga leeyahayna ma ah an in faa’iido laga sameeyo kaliya balse waxaa kaloo ka mid ah in magaalada ay hesho suuq yo la heer ah kuwa casriga ah ee caalamka, wuxuuna shaqo u abuuray dhalinyaro Sooma aliyeed, qeybo badan ayuuna ka kooban yah ay,waxaana laga heli karaa wax kasta oo Qoy sasku u baahan yihiin” ayuu yiri C/nuur Guutaa le oo intaas ku daray iney ganacsatada ka go’ an tahay maalgeshiga dalkooda, ayna dhowan suuqan faraciisa2aad ka furi donan D/Hodan.
G/G/Banaadir ahna duqa Muqdisho oo isna ka hadlay munaasabadaas ayaa ka waramay muhimada ay maalgeshiga suuqyada noocan ah u leeyihiin horumarinta magaalada, wuxuu na bogaadiyey ganacsatada ku dhiiratay iney ganacsi heerkiisu sareeyo ka abuuraan caasim ada, isagoo ganacsatada kale ugu baaqay in ey ku daydaan.
"Waan ku faraxsanahay inaan ka soo qeyb galo goob joogna ka noqdo Shalay furitaanka suuqan cusub ee Hayat oo ah mid aad u weyn oo si tayo leh loo qurxiyey, qalabkiisana loogu dhameystiray, ganacsatadii maalgashadayna ammaan bay mudan yihiin, wuxuuna sawir ka bixinayaa horumarka ay caasimadu ku talaabs aneyso maalinba maalinta ka dambeysa” ayuu yiri Cumar Filish oo intaas ku daray in maamu lkiisu uu diyaar u yahay inuu gacan ka geysto caqabad kasta oo soo wajahda ganacsatada Soomaaliyeed si ay ugu dhiiradaan iney dalko oda Maalgashaan.
Waxaa sidoo kale Munaasabadan ka hadlay G/Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud C/kariin Gabeyre, agaasimaha guud ee Wasaa rada ganacsiga DF, Gudoomiyaha heyadda Cu limada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad, guddoomiyaha degmada Wadajir iyo masuuliyiin kale, iyadoo gudoomiye Cumar Fin ish uu ku soo wareegay qeybaha uu ka koo ban yahay suuqan.
Hayat Super Market ayaa ah suuq weyn oo si weyn loo qalabeeyey, wuxuuna ka kooban yahay qeybo kala duwan oo lagu iibiyo noocyada kala duwan cuntada, qalabka Elect roniga, dharka, waxyaabaha la isku qurxiyo, qalabka guryaha iyo Nadaafada iyo inta badan waxyaabaha ay u baahan yihiin qoysaska So maliyeed.
XOG: Beesha caalamka oo canaanatay madaxda DF
Xubnaha Beesha caalamka ee fadhigooda uu yahay M/Muqdisho ayaa madaxda D/FS ku canaantay iney la yimaadaan mowq if cad oo ku aadan qabsoomida doora shada soo socota ee 2020/21.
Safiirka M/Yurub ee Soomaaliya ayaa R/w asaare Kheyre ku canaantay iney keenaan ca deymo rasmi ah iyo suurtgalnimada doorasho ugu qabsoomi karto guud ahaan dalka, islama rkaana meesha ka saaraan walaaca laga qabo dib u dhac ku yimaada doorashada.
Madaxda Dowladda ayaa laga diiday iney hal maalin ku darsadaan marka uu dhammaa do mudo xileedkooda,loona qumo jiho loo dhan yahay oo doorasho nooc kasta oo ay noqoto la qabto. R/wasaare Kheyre ayaa ku qa nciyay xubnaha Beesha caalamka ineysan jirin wax mudo kororsi ah,islamarkaana diyaarinaya an hanaankii ay doorasho ku qaban lahaaye en,iyagoo waliba ka talagelinaya xubnaha sa amileyda dalka.
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa ma daxda Dowladda Federaalka ku eedeeyay iney doonayaan mudo kororsi iyo in doorashada waqtigeeda lagu qaban.
Md.Goodax oo walaac ka muujiyay xiisadda ganacsi ee Puntland iyo Gobolka Hiiraan
Wasiirka Waxbarashada XFS Md.C/hi Goo dax Barre ayaa walaac ka muujiyay xiisadda dhaqaale dirirka ee Puntland iyo G/Hiiraan, ka dib hadal dhowaan ka soo yeeray Madaxweynaha Pu ntland oo ahaa in ganacsa tada Puntland aysan deega ano ka baxsan Puntland u qaadin raashinka qutul dar uuriga. Wasiir Goodax ayaa qoraal uu bartiisa Fac ebook ku daabacay ku sheegay inay nasiib dar ro tahay in mas’uuliyiinta Puntland ay cunaq abateeyaan raashinka daruuriga ee deegaana da isticmaala Dekeda Boosaaso.
"Tallaabadan Puntland qaaday waxaa ka dhalan kara cunaqabateen dhaqaale ee gobol adu isku soo rogaan, taas oo ugu danbeyntii curyaamin doonta nolosha muwaadiniinta, ha ba ugu darnaato deegaanada Puntland iyo DG/Puntland”ayuu yiri Wasiir Goodax.
Wasiir Goodax ayaa ugu baaqay Puntland inay dib uga fiirsato inta Ganacsatada reer Hiiraan aysan sahansan ila kale iyo inta maam ulka G/Hiiraan duldhigin cunaqabateyn dhaq aale.
G/Hiiraan ayaa ka mid ah gobolada ku yaa lla Bartamaha Soomaaliya oo raashinka qutul daruuriga uga yimaada dhanka Dekeda Boosa aso, waxaana hadalka Madaxweyne Deni si weyn uga soo horjeestay Guddoomiyaha G/Hii raan Cali Jeyte Cusmaan.
Wasiir Beyle oo tilmaamay in COVID-19 Soo maaliya uu ku yeeshay saameyn adag oo dhaqaale
Wasiirka W/Maaliyadda Soomaaliya Dr Cab diraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxa uu sheeg ay in COVID-19 uu Soomaaliya ku yeeshay sa ameyn adag oo dhinaca dhaqaalaha ah .
Wasiir Beyle ayaa waxa uu tilmaamay in dhaqaale badan oo ka imaan jiray dhinaca qur ba-joogta la waayay, taas oo soo mari jirtay dhi naca Xawaaladaha , sa babt una waxa uu ku qeexay in dad fara bad an oo wadda mada qu rbaha kunool ay lu miy een shaqooyinkii, gurya hana ay ku jiraan saba bo la xiriira xanuunka COVID-19.
Waxa uu intaa ku daray in canshuurtii dowl adda ay qaadi jirtay ay hoos u dhacday afartan boqolkiiba. Dr Beyle ayaa aaminsan in laga ya abo in dad badan ay saameyn dhaqaale oo ad ag ay soo wajahdo, kuwaas oo horay ugu tiirs anaa dhaqaalaha dibadda loogasoo diro.
Qiyaastii 1.5 bilyan oo dollar ayaa sanadkii lasoo marsiiyaa xawaaladaha Soomaaliyeed, taas oo ay ku noolyihiin qoysas badan , kana ti maada qurba-joogta , aadna uga muhiimsan deeqaha Soomaaliya lagu gargaaro.
Lacagtaasi ayaa waxaa loo adeegsadaa in dadku ay ku bixiyaan lacaga waxbarashada, cafimadka amma raashiinka qutul-daruriga ah.
Shirkadaha xawaaladaha dalka ayaa waxa ay tilmaameen in lacagahii ay kasoo xawili jir een Ingiriiska ay hoos u dhaceen boqolkiiba ko nton , taas oo laga ogaan karo xaddiga hoos u dhaca lacagihii ka imaan jiray qurba-joogta Soomaaliyeed.
Dalka Soomaaliya waxaa horay u saameey ay colaadaha u dhexeeya dowladda iyo Alshab aab, dirirta qabaa’ilka, abaaraha soo noq-noqd ay daadadka iyo saameynta Ayaxa uu ku hayo deegaanka. Sidaas darteed dhaqaala yahanna du waxey aaminsanyihiin in dakhliga dalka uu u dhutin doono saameynta uu Coronavuris uu ku yeeshay. Laakiin sidaasi oo ay tahay waxaa haddana jira rajooyin badan, oo ay dadki leey ihiin
Booliska Soomaaliya oo war ka soo saa ray dil loo geystay Abwaan ka tirsanaa Kooxda Heegan ee Hobolada Qaranka
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay aa war qoraal ah ka soo saaray dil Dorraad M/ Muqdisho loogu geystay Abwaan ka tirsanaa Kooxda Hobolada Heegan ee Cii damada Booliska.
Abwaankan ayaa lagu magaca abayay Baashi Macalin Maxamu ud, sidoo kalena ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya, Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa Dorraad gelinkii dambe ku dilay Xaafada Arjantiin ee degmada Kaaraan.
Kooxdii dilka geystay ayaa goobta ka baxs aday, waxaana halka dilka uu ka dhacay gaa ray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska. "Dha mmaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Dabl eyda Alifleeyda iyo dhamaan Saraakiisha Ciid anka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Tali yaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (xijaar) waxaa uu ka tacsiyadeynayaa geerida Allaha u naxariisto Abwaan Baashi oo ahaa nin ee ku weyn tahay Dowladnimo iyo u adeegida Shacabka waxuu na aha Sargaal ka tirsan Ciidan Booliiska Soo maaliyed waxaana uu ka baxay Dhammaan ummadda Soomaliyeed ayaa lagu yiri”Qoraal ka Taliska Booliska.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka Sarkaalkaas booliska, ayna ka qaateen hub iyo dukumiintiyo uu watay, sida lagu qoray baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab
Wasaaradda Haweenka oo Bilowday mashruuc dhaqaale lagu siinayo Qoy saska uu saameeyay Covid-19.
Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf Wasiirka Haw eenka iyo Xuquuqul insaanka XFS ayaa Shal ay oo Arbaco ahed M/Muqdisho ka daah-furtay Barnaamij lagu taageerayo Haweenka qoysas ka danta yar ee uu saameynta daban ku yee shay Cudurka Coronavirus.
Haweenkaan ayaa badi ka shaqeysan jiray Ganacsiga yar yar sida Caanaha, Maqaayada ha, Shaaha iyo Qaadka, waxaana saameyn ku yeeshay xannibaadda ka dhalatay Cudurka Coronavirus. Wasiir Deeqo ayaa sheegtay in haweenkaan ay sidoo kale saameyn taban ku yeesheen dhaq-dhaqaaqyada dibadda ee jog saday oo ay lacago ku taageeri jireen ehelkoo da balse ay waayeen waayahaan.
"Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa iyan nu soo wajahan, Wasaaraddu waxa ay u adke ysan weysay xaaladda ay ku sugan yihiin qoy saskaan, waxaana ballanqaadeynaa 100-qoys in aynu siino raashin ay ku daboolaan baahid ooda” ayay tiri Wasiirka Haweenka XFS.
Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaan ka XFS Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf waxa ay intaa ku dartay in aragti gaar ah u leeyihiin Ha weenka iyo Carruurta kasoo jeeda qoysaska Dantayar ee Gudaha dalka ku sugan.
"Dowladda waxaa ka go’an gacansiinta dad ka jilicsan ee baahiyada gaarka ah qaba, dada alka W/Haweenku waxa ay sameys ay madal ay kula hadlaan dadkaas si aysan meesha uga bixin la socodkooda” ayay kusii dartay Deeqa Yaasiin Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insa anka XFS.
Dhanka kale waxa ay soo hadal qaaday Haw eenka iyo qoysaska Barakacayaasha ah ee ku sugan Xeryaha ay ka dhisteen Caasimadda iyo duleedkeeda, iyada oo ku baaqday guud ahaan in cid waliba oo awoodda ay gacan ka geysato u gurmashada dadkaan.
Muqdisho waxaa xiliyadii habeenkii la geliy ay Bandow ka bilaabanaya 8-da fiidnimo kuna eg 5-ta aroornimo, waxaana ku shaqo waayay qoysas badan oo waqtigaas ganacsanayay.
Ciidanka Danab oo la wareegay degaa nno Cusub
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 16-aad ee Danab ayaa la wareegay deegaano ku yaalla dhanka xeebta ee G/Shabeelaha Hoose, kadib markii ay Shal ay ku qaadeen howlgal qorsheysnaa.
Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, G/le Ismaciil Cabdi Maalik oo u warra mayaY Idaacada Codka Ciidamada ayaa shee gay inay gaareen deegaanada Dhanaane, Ga ndarshe iyo Jilib Marko oo ay horay ugu suna ayeen kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay inay si nabadoon ku qabsadeen deegaanadaasi, ka dib markii ay isaga baxeen dagaalyahanada Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in xaal ad kacsanaan ah laga dareemayo iyo sidoo ka le dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya 2 dhinac.
Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aad dan howlgalladaasi.
Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoo gga iyo kuwa M/Afrika AMISOM ayaa sare u qaaday howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada mil atari ee ka socda K/Soomaaliya.
DF oo wax ka beddeshay saacadaha band owga Muqdisho, soona rogtay amarro cusub
D/Soomaaliya ayaa Xalay ku dhowaaqday in waxa laga beddelay saacadaha bandowga saaran M/Muqdisho, laga billaabo maalinta 1aad ee bisha Ramadaan, oo loo badinayo in ay noqoto Jimcaha. Taliyaha ciidamada boolis ka Jen.Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, oo Xal ay shir jaraa’id ku qabtay Muq disho ayaa shee gay in laga bil laabo maalinka 1aad ee Ram adan uu bandowga billaaban doono 7-da hab een nimo halka markii hore uu ka ahaa 8-da habeennimo.
Bandowga ayaa weli ku ekaan doono 5-ta subaxnimo oo taasi waxba iskama beddelin, sida uu sheegay taliyaha. Dowladda ayaa ho rey u sheegtay in bandowga wax laga beddeli doono bisha Ramadan, hase yeeshee lama fil eyn in saacadaha lasii adkeyn doono, oo wax ay dadku ku rajo weynaayeen in laga qafiifin doono.
Taliyaha ayaa dhanka kale sheegay in maq aayadaha aan la ogoleyn inay furnaadaan maa linta bisha Ramadan, balse waxa uu sheegay in la furi karo laga billaabo 5-ta Shalaynimo, ay na qasab tahay in la xiro 7-da habeennimo.
Taliye Xijaar ayaa sidoo kale soo rogay ammar ah in gudaha maqaayadaha aan wax la gu cunin karin, balse la ogol yahay oo kaliya dalabka safaariga ee ah in cunada laga qaato maqaayadda oo guryaha lagu cuno.
Wuxuu sidoo kale soo rogay amar ah in ba abuurta rakaabka laga doonayo inay qaadaan bar ka mid ah intii ay qaadi jireen markii hore, taasi oo macnaheedu yahay in gaarigii qaadi jir ay 20 qof, uusan hadda qaadin karin wax ka badan 10, halkii marba.
Taliyaha ayaa sheegay in cid kasta oo u hoggaansami weyda amarradan laga qaadi do ono tallaabo sharci ah.
Dad ku dhintay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Jabuuti
Inta la xaqiijiyay Shan Qof ayaa ku Geeriyo oday Roobab waaweyn oo ka da’ay M/ Jabuu ti ee Caasimadda Dalka Jamhuuriyadda Jab uuti. Shanta qof ee geeriyood ay ayaa saddex ka mid ah Meydkooda la helay oo la aasay, hal ka laba Dumar ahna uu daad ku qa aday oo meydadkooda la waayay.
Dhibaatadan ayaa ka dhacday Xaafadda Belbela ee duleedka Magaalada Jabuuti.
Wasiirka Arrimaha gudaha ee Jabuuti, Muu min Axmed Sheekh oo booqday Xaafadda Ma siibadani ka dhacday ayaa Shacabka u sheeg ay inay garab taagan yihiin, isagoo sidoo kala na uga tacsiyadeeyay ehellada Shanta qof ee ku dhintay.
Daadadka ka dhashay Roobka ayaa sidoo kale burburiyey dhismayaal badan oo Xaafad da Belbela ka mid ah, halka Xaafado kale oo Jabuuti ahna ay khatar geliyeen.
Sido kale waxa aay joojiyen baaritanaadi cudurkan Covid-19 ee ay waday dowlada Jabuuti iyo dadaaladii ka hortaga cudurkan.
Puntland oo ka jawaabtey Eedeyn loo jeediyay
Maamulka Puntland ayaa shaaciyey in marna ba aysan xayiran in Badeecadsha kasoo dega Dekadda Magaalada Boosaaso ee G/Bari loo qaado deegaannada kale ee ka baxsan Puntland, hayee shee hadallo kasoo baxay si kale loo fasiray.
Qoraal kasoo baxay Puntl and ayaa lagu sheegay in Puntland,iyada oo ilaalineysa badqabka dadkooda ay ku dhaw aaqday in cuno ay u baahan yihiin Reer Puntl and aan loo qaadin meelo kale,balse dad bad an ay sikale hadalka u dhigeen.
"Puntland, yada oo illaalinaysa xuquuqda macaamiisha ayay qaadatay tallaabooyin ay ka mid yihiin in aan la kaydin karin cunnooyin ka asaasiga ah, la kordhin karin sicirkooda , is la markaana cunnadii lagu quudan jiray guda ha Puntland aan loo rari karin degaanno kale si looga sameeyo macaash dheeri ah, iyada oo si xun loo isticmaalayo duruufaha caafima ad ee taagan iyo baahida bulshada Soomaali yeed meel walba oo ay joogto ayaa lagu yiri ”Qoraalka Puntland.
Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay inaysan xayirin, xayiri doonina badeecada dadka Soo maaliyeed kala soo degaan dekadda Boosaa so,isla markaana Puntland aysan wax canshu ur dheeri ah soo rogin badeecada u socota gobolka kale.
Taa baddalkeeda xaaladda Caafimaad ee jirta awgeed Puntland waxay cashuurta ka dhaaftay badeecaddaha quutul-daruuriga ah ee kasoo dega Boosaaso, iyadoon loo eegayn meesha ay u socoto ama Boosaaso ha u socoto ama Beledweyne ayaa lagu sheegay qoraalka Puntland.
24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa aad loo hadal haayay Wararka ku saabsan in puntland ay xayirtay Badeecadaha loo soo qaado deegaannada Galmudug iyo Hir-Shabeelle.
Dowladda oo Magacaawdey Taliyaha Ciidanka Asluubta qeybta Jubbaland
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guuto Mahad Cabdirahmaan Aadan ayaa waxaa uu Shalay Magacaabey Taliyaha Cii danka Asluubta Soomaaliyeed qeybta Jubbaland.
Wareegto kasoo baxdey Xaf iista Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa xilka Taliyaha Ciidanka Asluubta qeybta Jubbaland waxaa loogu Mag acaabey Gaashaanle sare Cabdiqani Max amed khalaf.
Magacabistaan ayaa waxaa ay kusoo aade ysaa xilli weli uu jiro khilaafka u dhaxeeya D/F iyo Maamulka Jubbaland,waxaana la ogeyn ha lka uu ka Shaqeyn doono Maadaama Xarunta sida KMG ah ugu Shaqeeyo Maamulka Jubba land ee Kismaayo uu Gacanta ku haayo Axm ed Madoobe iyo Xubno taageersan.
Shirkadda Diyaaradaha Fly Dubai oo Wada-hadal la galeysa Somaliland
Shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai ee la ga leeyahay wadanka isutaga Imaaraadka Car abta ayaa shaacisey inay wada hadal la galey so Mas’uuliyiinta Soomaaliland si dib ay Shirk adda ugu bilaawdo duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Magaalada Hargeysa.
X/Soomaaliland ayaa kal hore Shirkadda Diyaarada ha Fly Dubai waxaa ay ka joojisay duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Garoonka Di yaaradaha Cigaal ee M/Hargeysa.
Afhayeen u hadlay shirkada Fly Dubai ayaa u sheegay CH-Aviation, inay Somaliland ka jo ojisay duulimadyadii taas oo keentay inay wa da hadal la galaan si ay dib ugu bilaabaan duu limaadyadoodii caadiga ahaa oo ay ku tegi jir een M/Hargeysa iyo Magaalooyinka kale.
Shirkadda Fly Dubai ayaa Bishii Maarso ee sanadkan waxaa ay ka noqotay hawada So maliland ,iyadoo qaadatay amar ay D/Soom aaliya ku joojisay dulimaadyada, waxaana Mad axda Somaliland ay Shirkadda ku wargeliyeen in laga joojiyay duulimaadyadii ay Diyaaradah ooda ku imaan jireen Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa.
Dad Coronavirus uga soo cararay Jabu uti oo soo gaaray Somaliland
Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in dad farabadan oo Cudurka Corona virus dartiis uga soo cararay dalka Jabuuti inay si dhuumasho ah kusoo galeen Magaalooyin kamid ah deegaannada Soomaaliland.
Wariyeyaal ku sugan deegaano kamid ah G/Awdal ee Soomaaliland ayaa waxaa ay she egeen in dadkaasi oo isugu jira Rag iyo Dumar da’ah ay soo gaareen Magaalooyinka Boora ma iyo Gibiley,iyaga oo aan soo marin M/Xadu udka Jabuuti iyo Soomaaliland ku taalla ee Lo way-Cadde.
Sidoo kale Wararka ayaa waxaa ay sheegay aan in dadkaasi badankood ay deegaannada Soomaaliland kasoo galeen deegaano ku ya alla Hareeraha,isla markaana si caadi si haa tan ugu sugan yihiin deegaano kamid ah Soom aaliland oo dadka ku nool ay ka cabsi qabaan Cudurka Coronavirus. Xukuumadda Soomaalil and Guddiyada u qaabilsan ka hortaga Cudurka COVID19 ayaanan ilaa iyo hadda wax dabagal ah ku sameyn dadkaasi oo ka yi mid dalka Jabuuti oo laga helay kiisas badan oo Cudurka Coronavirus ah.
Kenya oo gubtay Shixnad Kalluun Qalal an oo laga qaaday Somaliya
Ciidamada Booliska Dowladda Kenya ee ka howlgalla M/lamu ayaa waxaa ay fagaaro ku gubeen Shixnad Kalluun qalalan ahaa oo laga qaadey meelo kamid ah dalka Soomaaliya.
Kalluunka ayaa Ciidamada Booliska Kenya waxaa la sheegay inay ka qabteen De egaan ka Mokowe ee Galbeedka Laa mu,kaas oo ku jiray ilaa 761 Boorsoo yin,isla markaana uu dhamaa 12 Tan.
Saraakiisha Booliska Kenya ee qabtay Kall uunka ayaa waxaa ay sheegeen in laga kala keenay Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaa yo,isla markaana dooni lagu keenay Magaala da Mombasa ee dalkaasi Kenya,kadibna Boo rsooyin lagu soo shubay si lo ogu gudbiyo M/lamu.
Goob fagaaro ah oo ku taalla deegaanka Hindi ee duleedka lamu ayaa Kalluunka lagu gubey,waxaana goo bjoog ka ahaa Taliyaha Boliska Gobalka Laa mu iyo Saraakiil ka kala socotay Hay’adda De kedaha, Kalluumeysiga Kenya.
Booliska ayaa sidoo kale waxaa ay sheeg een inay qabteen 7 Ruux oo ahaa dadkii lah aa,isla markaana dhawaan ay Maxkamad ho rgeyn doonaan.
Tallaabadaan Booliska Kenya ay ku gubeen Kalluunka qalalan ee laga qaaday Soomaaliya ayaa dad badan waxaa ay ku micneeyeen inay Kenya uga jawaabey Go’aankii Dowladda Som alia ku joojisey qaadka,iyada jaad laga keenay Kenya lagu gubay meelo kamid ah dalka Soomaaliya.
Al-Shabaab oo in ka badan 50 Ruux ku dishay dalka Mozambique
Booliska wadanka Mozambique ayaa wax aa ay sheegeenin Xubno ka tirsan Koox la Ma gac baxdey Al-Shabaab ay Tuulada Xitaxi ee Waqooyiga dalkaasi ku dileen 52 Ruux oo Shacab ahaa.
Afhayeenka Booliska dalka Mozambique oo lagu Magacaabo Orlan do Muduma ne ayaa Warbaah in ta Dowladda u sheegay in dadka asi la dilay badi ay ahaayeen Dhalinyaro diiday inay ku biiraan Ur urka Al-Shabaab ee ka Aas’aasan dalka Mozambique.
"Si naxariis darro ah ayaa 7 Bishaan loo dil ay dadkaas, qaar waa la gowracay qaarna waa la toogtay waana wax lala yaabo Dowlad da tallaabo ay kaga jawaabeyso ayay qaadi doontaa ayuu yiri”Afhayeenka.
Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay dadka Shacabka ah gaar ahaan Dhalinyarada ku nool wadanka Mozambique inay ka fogaadaan me elaha ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Urur ka Al-Shabaab ee ka Aas’aan dalkaas.
Majiraan wax sheegasho ah oo dhankooda kasoo baxay Al-Shabaab marka laga soo tago hadalka Afhayeenka Booliska dowladda Mozambique ee ku Aadan dadka badan ee lagu dilay Waqooyiga dalkaas.
Koox la Magac baxday Al-Shabaab ayaa ka dagaalanta Waqooyiga dalka Mozambique, waxaana la ogeyn inay xiriir la leedahay Urur ka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya, iyada oo kooxdaas ay dilal dhowr ah ka geysteen dalka Mozambique.
Xildhibaan ka tirsanaa BF Soomaaliya oo geeriyooday
Allaha u naxariistee waxaa xalay dalka Jabu uti ku geeriyooday Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye oo ka tirsan xildhibaana da golaha shacabka ee baarlamaanka Sooma aliya.
Marxuumka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayey dalkaas Jabuuti, sida ay Caasimada Online u sheegeen xildhibaano ka tirsan golaha shacabka.
Madaxda DFS ayaa ka tacsiyadeeyey geer ida marxuumka, sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, guddoomiyeyaasha 2 Gole ee baarlamaanka FS, Xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale.
R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kha yre oo ka mid ah mas’uuliyiinta ka tacsiyadee yay geerida Ex Xildhibaan Cabdiraxmaan Caa teeye ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu tacsi ugu diray ehellada iyo guud ahaan Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamm aan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay xildhibaan Cabdirahman Maxamuud Ca ateeye. Marxuumka waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, eheladi isana uu samir iyo iimaan ka siiyo” ayuu qor aalkiisa ku yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.
Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka oo marxuumku uu ka tirsanaa ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geeridiisa.
Xildhibaan Cabdirahmaan ayaa noqday xil dhibaankii labaad oo toddobaadkan gudihi isa ka geeriyooday golaha shacabka, waxaana ka horeeyey Xildhibaan Aadan Jamhuuriya oo mu do uu xanuunsanaa kadib Sabtidii toddobaad kan ku geeriyooday Muqdisho.
Dowladda Somalia oo Shacabka u dirtey farriin ku saabsan COVID19
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bul shada XFS, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa mar kale ugu baaqday dadka Soomaaliyeed inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka sida dhaqsaha u faafa ee COVID-19.
Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo sheegtay in dowlladu ay wado dadaallo aan hakad la heyn oo lagu doonayo in lagu yareeyo faafit aanka iyo saameynta uu bulshada ku yeelan ayo cudurka, ayaa caddeysay in wadajirka shacabka iyo dowladdu uu muhiim u yahay howsha socota.
Dowladda Soomaaliya oo daryeelka bul shada u yahay muhiimadda Koowaad ayaa da daal xooggan ugu jirta xakameynta cudurkaan COVID-19 ee dhibaatada badan ku haya caal amka.
'WAXAAN DHADHAMIYAY SAKARAADKA': SHEEKADA HAWEENEY KA KACDAY CORONAVIRUS
Elizabeth, oo ah haweeney 49 jir ah, waxay ogtahay inay nasiib le edahay haddii ay nooshahay.
Ka dib markii ay aad ula xanuunsatay cudurka Covid-19, horaantii bishan waxaa la dhigay isbitaal.
Tani waa sheekadeeda, waxana mahad ballaaran u jeedisay howl-wadeennada isbitaalkii ay taallay.
Markii ugu horreysay ee aan dareemay inay wax iga khaldan yihiin waxay ahayd maalintii Jimcada. Waxaan dareemay daal ka badan sidii caadiga ahayd, markii aan habeenkii sariirta tagayna daalka aan dar eemayay wuxuu ahaa xad-dhaaf ah.
Labadii maalmood ee xigay waxaa isoo wajahday xaalad adag.
Markii la gaaray Isniinta, waxaa igu billowday lugo xanuun, oo sii sii xoogeystay. Waxaan u maleynayay inay xididdada lugaha i kabaa byoodeen, waxaana liqay kaniini xanuun baabi'iye ah.
Laakiin dhakhaatiirtu waxay markii dambe ii sheegeen inuu fayraska toos iiga abbaaray murqaha.
Waan qufacayay balse joogto ma ahayn, inkastoo dadka ay mid ka mid ah calaamadaha u maleeyaan qufaca joogtada ah.
Muddo hal isbuuc ka badan ayaan guriga iska joogay laakiin hal mar oo aan dibadda u soo baxay - oo aan aaday kaalin shidaal oo deeg aanka ku dhex taalla - ayaan cudurka soo qaaday.
Guriga waxaan ku soo laabtay anigoo qabow daran dareemaya, oo jareynaya. Xitaa markii aan cabitaan kulul cabay, labo bustena isa saa ray, wali dhaxanta igama yaraanin.
Ka dibna qandhadii ayaa timid.
Waxaan dareemayay sidii in dab la dhex galiyay jirkeyga, madaxana aad ayuu uu kala dillaacayay.
Waxba ma cuni karin, waan matagayay, dhidid ayaana ku qoynayay gogosha.
Xoogaa ka dina waxaa billaabatay inay neefsashada i dhibto.
Waxaan qabaa cudurka neefta, taasina waxay igu sii badisay walwalka. Maalmo yar gudahood miyir dabool ayaa igu billowday.
Wiilkeyga 15 jirka ah ayaa anigoo ka warqabin wacay lambarka 111 ee lagala xiriiro waaxda qaran ee caafimaadka UK ee NHS.
Dhakhaatiirtii ayaa guriga timid, waxaan maqlayay shanqarta gaariga gurmadka degdegga ah ee ambalaasta. Waxaa dhagaheyga soo gaa rayay codka dhakhaatiirta oo dhahaya: "xaaladdeeda way liidataa, aan gudaha galinno".
Isla markiiba waxay igu xireen qalabka neefsashada caawiya. Mid ka mid ah carruurteyda ayaa u yeeray hooyadeey. Waxaa iigu darneyd markii aan wajigeeda arkay iyadoo dareemeysa inaysan waxba ii qaban karin.
Iima soo dhawaan karto, sababtoo ah waxay qabtaa wadne xanuun, haddii ay fayraska qaaddana xaaladdeeda waxay galeysaa halista ugu weyn.
Isbitaalka ayaa la i geeyay, halkaas ayaana la iigu billaabay baarit aanno iyo caawinaad daweyn ah.
Afar sariir oo kaliya ayaa taallay qolkii la iga geeyay isbitaalka, qof walba oo halkaas ku jirayna wuxuu qabay Covid-19, cudurro kalena way usii wehliyeen.
Labo dumar ah oo halkaas ku jiray waxay qabeen sokorow, dhowr maalmood kaddibna waxaa la keenay haweeney kale oo saddexaad.
Ma xasuusto inta badan maalmihii ugu horreeyay ee aan isbitaalka jo ogay. Waxaan mararka qaar arkayay kalkaalisooyin soo galaya iyo kuwo sii baxaya.
Habeen ka mid ah habeennada, waxaan nin ku arkay qeybtii aan isb itaalka ka jiifay, oo loogu talagalay dumarka kaliya. Gambaleelka ayaan garaacay, waxaa ii timid kalkaaliso waxayna ii sheegtay in uu yahay wiil ay dhashay haweeney meesha nagula jirta oo xilligeedii nolosha uu soo dhammaaday.
Dawooyinka ayaa waxba u tari waayay, sidaas darteed waxaa la damacsanaa in laga qamiyo qalabka neefsashada ku caawinaya, wiilke edana sagootintii ugu dambeysay ayuu meesha u joogay.
Waxaan indhaheyga ku arkay qof sariirta igu xigta jiifa oo sugaya dhimashada, daqiiqado ka dibna qalabkii ayaa laga damiyay wayna dhimatay.
Xilligaas wixii ka dambeeyay waxaan billaabay inaan ku qarwo dhac dooyinkii hore ee nolosheyda iyo dadkii aan lasoo sheekeysan jiray. Mararka qaar wuxuu shaki iga galayay inaan noolahay.
Waxaan isdhahayay qarowgan ma wuxuu ka dhigan yahay nafta oo iga sii baxeysa?.
Haddana waxaa geeriyootay haweeney kale oo taallay sariirta dhin aceyga kale ah. Waxay in muddo ah ku jirtay koomo, dibna ugama ay san soo laabanin.
Haweeney jiiftay sariirta iigu sokeysay ayaan eegay, waxaan arkay inay soo fiicnaaneyso oo ay hadli karto.
Waxay ii sheegtay in qolkii aan ku jirtay bukaannadiisii ay 50% dhint een 50% kalena noolaadeen, labadeennuna aan ku jirno kuwo nasiibka leh.
Waxa nolosheyda badbaadiyay waxay ila tahay inay ahayd hal kalka aliso oo igu tiri: "Haddii ay dhakhaatiirtu ku dhahaan waad roontahay ee isbitaalka ka axa – isla markiiba bax! Ha sameynin khalad ah inaad ku sii madax adeygtid joogitaanka isbitaalka adigoo doonaya inay xaaladd aada sii fiicnaato. I aamin, waxaan arkay bukaanno badan oo sidaas ku dooday, siina joogay meeshanuu cudurka xaadirka ku yahay - mid walba oo dadkaas ka mid ah dib ayuu ugu dhacay Covid-19, wayna u wada geeriyoodeen."
Isla maalintii gudaheedaba, waxay tijaabo ku sameeyeen dhiigeyga. Dhakhtarkii ayaa igu yiri: "Waad roonaatay.
Waan ku faraxsanahay inaad isbitaalka ka bixi karto".
Aad baan u farxay, guriga ayaana aaday.
Waxaan u mahad celinayaa dhakhaatiirta, kalkaalisayaasha iyo qof walba oo gacan ka geystay inaan dib u caafimaado.
Waxaan fursad labaad u helay nolosha adduunka.
Dowladda oo ku Eedeysay Weriye Abuuja inuu ka tirsan yahay Al-shabaab
DF/Soomaaliya Shalay War cad ka soo saartay kiiska loo heysto We riye Maxamed Cabduwahaab Nuur Abuuja oo dhawaan ay xireen Cii damo ka tirsaan ku wa Booliska dowladda Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay W/Warfaafinta XS ayaa waxaa lagu sheegay in Wriye Abuuja uu ku eedeeysan yah ay inuu ka tirsan yah ay dagaalamayaasha Al-shab aab.
Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in loo heysto Weriye Abuuja inuu ka qeyb qaatay Dil loo geys tay Marxuumad lagu magacaabi jiray Baxsan Booleey oo ka dhacay D/Boondhe ere ee G/Banaadir.
"Hay’addaha amniga ayaa eedeeysana ha gal dacwadeed-kiisa u gu dbinaya Hay ’addaha Garsoonka ee ku shaqada leh” ayaa lagu yiri Qort aalka kasoo baxay W/Warfaafinta Soomaaliya.
HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 23-4-2020
Farmaajo iyo Erdogan oo ka wada hadlay Xakameynta Covid 19 Madaxweynaha JFS Md.Maxamed C/hi Far maajo oo khadka telefoonka ay ku wada xir iireen dhiggiisa Dalka Turkiga Md.Rajab Day ib Erdogaan ayaa ka wada hadlay hannaan ka iskaashiga 2da dal