HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 22-4-2020

0
Wednesday April 22, 2020 - 09:48:51 in Wararka by
  • Visits: 469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 22-4-2020

    Kaalmadii Beesha Caalamka ee Soomaali ya oo loo weecinayo wax ka qabashada COVID-19 Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, safiirrada dalalka saaxiibka la ah So omaaliya iyo wakiillada hey'adaha caalamiga ah ee dalka ku sug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaalmadii Beesha Caalamka ee Soomaali ya oo loo weecinayo wax ka qabashada COVID-19 Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, safiirrada dalalka saaxiibka la ah So omaaliya iyo wakiillada hey'adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan oo yeeshay kulan dhan ka mareegta Interneetka ayaa ka wada hadlay xaaladda dalku marayo, gaar ahaan Cudurka Safmarka ah ee COVID-19. R/Wasaaraha ayaa mas'uuliyiinta kulanka qaybta ka ahaa ku war geliyay in DFS ay doon eyso in dhammaan barnaamijyadii qorshe ys naa ee dowladda lagu caawinayay loo leexiyo wax ka qabashada cudurka halista ah ee COV ID-19 iyo caawinta dadka nugul ee sameynta ay ku yeelanayaan tillaabooyinka lagu xakam eynayo cudurka. R//Wasaare Kheyre ayaa safiirrada u shee gay in la joogo xilligii caawinta baahida ugu badan loo qabay, ayna muhiim tahay in sida ugu dhaqsaha badan dowlad gobaleedyada dalka looga dhiso min hal Isbitaal oo awood u leh la tacaaliida bukaannada uu haleelo COV ID-19. Sidoo kale R/Wasaaraha oo beesha caala mka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee shacabka iyo D/Soomaaliyeed la garab taaganyhiin ayaa ayaa caddeeyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dowladaha sax iibka ah iyo hey'adaha caalamiga ah ay ku xas uusan doonaan hadba sida ay ga canta uga geystaan ka gudbidda xilligaan adag. Safiirrada iyo wakiillada hey'adaha caalami ga oo bogaadiyay dadaallada dowladda iyo ho wsha iskudubbaridka ayaa ballan qaaday in dhammaan qorshayaashii howl-gallooda dalka ay u weecinayaan xakameynta COVID-19 iyo caawinta qoysaska danta yar ee Somaliyeed. D/Soomaaliya oo muhiimadda 1aad ay u ta hay badbaadagda iyo bed-qabka bulshada ayaa dadaalkeeda oo dhan isugu geysay sidii ummadda Soomaaliyeed looga samata bixin lahaa cusurkaan laayaanka ah ee dunida oo dhan dhibaatada ku haya.
Taliska Ciidanka Xoogga iyo AMISOM oo ka shiray Howlgalada Dalka

     Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaali yeed Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa khad ka Internet-ka kaga qe ybgalay Shir looga hadl ayay xoojinta ho wlgal adda iyo wada shaqeyn ta Ciidanka Xoogga Da lka iyo ku wa Midowga Afrika ee AMISOM.

    Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ur urka Midowga Afrika, taliyayaasha Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMI SOM, Qaramada Midoobe ee Soomaaliya iyo      Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaa liya.

    Taliyaha Ciidanka XDS ayaa waxaa shirka ku wehlinayay, masuuliyiin iyo saraakiil katirs an ciidanka xoogga dalka  Ujeedka shirka ay aa waxaa kaloo loogu hadlay ka hortaga Cud urka halista ah ee COVID 19 iyo saameeynta uu ku yeeshay Caalamka.

Dowladda iyo Culimadda Muqdisho oo markale kulan yeeshay

     W/Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa Shalay kulan isugu yeertay Imaamyada Masaajidda, Khadiibyada iyo Culimo waaweyn ee Gobolka Banaadir. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Awqaafta Iyo Arri maha Diinta Sheekh Nuur Maxamed Xasan, W/ku-xigeenka, Agaasimaha Guud ee wasaar adda Dhakhaatiir, waxaana inta uu socday loo ga hadlay warbixinno ku saabsan khatarta Cu durka Coronavirus iyo halka uu marayo iyo si da looga hortegi karo.

    Sidoo kale imaamyada iyo Culimada waxa ay warbixin ka bixiyeen sida ay u fuliyeen qod obadii bayaanka sharciga aha ee kasoo baxay Shirkii culumada ee 13-15 April 2020 , ugu na muhiimsaneyd ku dadaalidda nadaafadda Mas aajida,kala fogeynta dadka tukanayo, xirasha da Mask ka.

     Ugu danbeyntii waxa la faray Imaamyada iyo Culimada in ay sii badiyaan wacyigalinta bu lshada, una istaagaan taakuleynta Qoysaska tabarta yar gaar ahaan xilliga Ramadaanka.

Puntland: Bukaan ku jiray isbitaalka karan tiilka oo geeriyooday

     Guddiga xakamaynta faafitaanka cudurka Coronavirus ee maamulka Puntland, ayaa she egay in mid kamid ah dadkii ku jiray xarunta karantiilka uu geeriyooday, xilli aysan weli soo bixin natiijada baaritaankii laga qaaday maa lmo kahor.

    Waa qofkii 2aad oo hab nuucaas ah u geeri yooday, bishii lasoo dhaafay qof laga helay ca lamaadihii cudurka ayaa geeriyooday, inkastoo marxuumkaas aan laga qaadanin wax baari taan ah. Guddigu faahfaahin buuxa kama bixin qofka geeriyooday, balse dhinaca kale waxay sheegeen in 9 qof oo cusub la galiyay xarunta karantiika Garowe.

    Puntland waxay baaritaanada u dirtaa dalka Kenya, halkaas oo loogu soo xaqiijiyo dadka qaba cudurka iyo kuwa aanan qabin.

    Dhinaca kale, Haykal Daahir Cumar oo ah bukaanka kaliya ee laga helay cudurka Cov id19 gudaha Puntland , ayaa sheegay inuu xa nuunka kasoo bogsanayo islamarkaana uu fila yo inuu maalmaha soo socda ka caafimaado.

Dadkii ugu badnaa oo Shalay Muq disho ugu geeriyooday Coronavirus

     Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Dad hor leh oo ku sugan M/Muq disho laga helay Cudurka Coron avirus oo u mu uqda mid kusii faafaya gudaha Caasimadda da lka. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaad ka iyo daryeelka Bulsha da Xukuumadda ayaa wa xaa lagu sheegay in Shalay dalka laga helay 49 Ruux oo qaba Cudurka Coronavirus.

       Sidoo kale Qoraalka W/Caafimaadka ayaa waxaa xusay in Shalay kaliya Muqdisho ay Cudurka COVID-19 ugu geeriyoodeen 6 Ruux,   waana tiradii ugu badneyd ee la diiwaan-gel iyay dalka.

     Tirada guud ee dadka laga helay Cudurka Coronavirus ee dalka Soomaaliya ayaa gaartay 286 Qof, waxaana dalka ugu dhintay Cudurka 14 Ruux. DFS  oo daryeelka bulsha da uu u yahay muhiimadda 1aad ayaa dadaal xooggan ugu jirta xakameynta cudurkaan COV ID-19 ee dhibaatada badan ku haya caalamka.

Madaxweynaha Jabuuti "Haddii la joojin wa ayo isu imaatinka waxaan soo rogi doonaa Bandow Habeen iyo Maalin ah..”

     Madaxweynaha J/Jabuuti Md.Ismaaciil Cu mar Geelle ayaa farriin uu u diray shacabka da lkiisa kula wadaagay xaaladda isa soo tareysa ee Cudurka Coronavirus iyo dhaqangelin la’aanta tallaabo oyinka caafimaad ee loo jee dinayo. Md.Geelle ayaa shee gay in muddo bil ah kiisaska fayruska Corona uu ku gaaray 846 iyo Dhimas hada 2ruux, iyada oo si maalinle ah natiijada baarista caafimaad ay u soo saarto W/Caafi madda Jabuuti.

    "Dadku waa inay ku ekeedaan Guryahooda, waa halis aan indhaha laga qabsan Karin kiis aska sii kordhaya, walaalayaal waa in aad ka mid noqotaan xalka soo afjaridda cudurka ee ma ahan in aad sii kordhisaan oo xaaladda mu rjisaan, haddii la joojin waayo isu imaatinka wa xaan soo rogi doonaa Bandow habeen iyo ma alin ah” ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti.

    Dadka intooda badan waxa uu sheegay in aysan ku baraarugsaneen haliska oo khatar si daas uweyn uma arkaan, Dowladdu waxa ay la tacaaleysaa ka hor tagga kiisaska sii kor dhaya ee Coronavirus.

    "Waxa cudurka faafinaya ee sii gudbinaya waa dadka, haddii la yareysto oo uu cudurka sii socda waa in aynu qaadnaa tallaabooyinka ku habboon, waana joojinta dhaq-dhaqaaqya da iyo isu socodka dadka si halista fayruska lo oga baajiyo dadka caafimaadkoodu wanaags an yahay” waxaa sidaasi yiri Madaxweyne Ism aaciil Cumar Geelle.

    Dhanka kale D/Jabuuti waxay ku jirtaa kaal inta 9aad dalalka Afrika ee kiisaska cudurka Coronavirus laga helay, waxaana ka horeeya Masar, Koofur Afrika, Morooko, Aljeeriya, Kaa miruun, Gaana, Tuniisiya iyo Ivery Coast.

Qofkii ugu horeeyey ee Soomaali ah oo Cor onavirus ugu geeriyoodey K/Afrika

    Alle ha Naxariistee waxaa dalka Koonfur Afrika Cudurka Coronavirus  ugu geeriyoodey muwaadin Sooma aliyeed oo lagu Magacaabi jiray Nabadoon Cali Khayre (Ca li Xaashi) oo si weyn looga yaqa an Gudaha dalkaas. 

    Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa maalmihii la soo dhaafay la xanuunsan, isaga oo la dhigay  Isbitaal ku yaalla Maga alada Cape Town ee K/ Afrika,halkaas oo uu ku geeriyooday sida ay sheegeen eheladiisa.

     Guddoomiyaha Jaaliyadda  Soomaaliyeed ee K/ Afrika Khaliif Xuseen oo ka mid ah Dad ka Shalayy tagay Isbitaalka ayaa sheegay in muwaadinka Soomaaliyeed ay ka warhayeen intii uu xanuunsanaa.Dalka K/Afrika ayaa wax aa ku sugan Soomaali fara badan oo Ganacsi ahaan u tegay dalkaas,waxaana Ganacsigoo da saameeysy Cudurka,kadib markii Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka dalkaas.


Qalab lagu wareejiyey masuuliyiinta caafimaadka gobolka Sool

    Hay'ada ARC International xafiiskeeda gob olka Sool ayaa Shalay ku wareejiyey maamu lka Wasaarada Caafimaadka qalab isla mark aana loogu tala galay  in lagu baxnaaniyo xar unta dadka lagu karintiimaynyo ee magaalada Laascaanood .

    Gudoomiyaha Hay'ada ARC International ee gob olka Sool Mohamed Abdi llahi oo qalabkan ku ware ejiyey isuduwaha Wasaarada Caafimaadka ee gobolka ayaa sheegay in qalabkani uu ka ko ban yahay Mashiinada  Oxygen ta Sariiraha waaweyn ee nooca dhamayska tiran Taangiya da Faraxalka dharka difaaca Xanuunka COVID 19 , iyo sidoo kale  agabka Gafuur xidh ka , gacmo gashiga Shaambooyinka faraxalka  iwm  Maamulka Wasaarada Caafimaadka ee gobolka Sool oo kala wareegay ayaa uga ma had naqey Hay'ada ARC  deeqdan ku soo aad ey xilligeeda , Waxaana uu sheegay in ay ka jaawaabeen codsiyadii ay u direen Hay'adaha ka howl gala gobolka , Waxaana uu ku tilma amay deeqdani i ay tahay baahi weyn oo ku soo aadey in xilligeedii la soo gaadhsiiyey .

Qalabkan ayaa ah kii ugu badnaa ee soo gaa dha magaalada Laascaanood khaasatan xarun ta loo diyaariyey bukaanka COVID-19 oo aan weli lagu sheegin magaaladan laakiin cabsidi isu taagan tahay.

Dowladda oo ku ammartay Isbitaallada Muq disho in ay qaabilaan Bukaannada kala Duwan

      Dowladda Soomaaliya waxay maamulayaa sha Isbitaallada Gaarka loo leeyahay ku amar tay inay bukaannada daryeelka caafimaad usoo doonanaya ay u qaabilaan sida ugu habboon, ugu fudud, uguna taxadarka badan.

Sababta ayay ku sheegtay dowla dda si looga baaqsado in dadka Soomaaliyeed ay waayaan daryeelka caafima ad ee ay u baahanyihiin.

     Wasiirka Caafimaadka dowladda Soomaal iya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in ma amulada laga doonaayo in ay bixiyaan adeegy adii Caafimaadka ee horay ay u bixin jireen.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in dowladda ays an aqbali doonin daryeel xumo ay u dhintaan muwaadiniinta xilli Isbitaallada ay ka cabsi qabaan Cudurka Corona Virus.

Maalmihii lasoo dhaafay qaar ka mid ah isbita allada Muqdisho ayaa diiday in ay qaabilaan Bukaano sababo la xariira Cudurka Corona Virus.

Digniino laga bixinayo roobab xoog leh oo la filayo iney ka da’aan dalal ku yaalla bariga Afrika

     Waaxda saadasha hawada ee Kenya ayaa waxey ka digayaan daadad xooggan oo ka dhalan doona roobab lixaad leh  oo la filayo in ay  dhowaan waddankaasi  ka da’aan kuwaas oo ay sheegeen iney ka cabsi qabaan iney gey staan saameyn xooggan oo dhinaca nolosha ah oo soo food saarta dad badan.

     Roobabkaan xooggan ayaa la filayaa iney    Kenya iyo qaar kamid ah Waddamada bariga Afrika ay ka bilowdaan maalinta salaasada ah    Dhinaca Kenya waxaa aad loogu badinayaa in ey ka da’i doonaan Magaalada Caasimadda ah ee Nairobi iyo qeybo kamid gobollada dhina ca bariga iyo galbeedka ku yaalla.

     Tobannaan ruux ayaa lagusoo warramayaa in horay galbeedka Kenyaugu dhinteen , kadib markii ay qarqiyeen daadad watay dhoobo xo oggan, sida ay baahiyeen Warbaahinta wadd ankaasi Sidoo kale dalka Uganda waxaa looga digay dadka iney ka fogaadaan dhulka ku dhow harada Victoria sababo la xiriira roobab xoogga oo la filayo, kuwaas oo sare u qaadi kara joogga biyaha haradaasi.

     Halka J/dimuquraaddiga ah ee Congo lasoo sheegayo in kumanaan ay ka barakaceen gur yahooda , tobaneeyo kalena ay ku dhinteen daadad ku dhuftay bariga dalkaasi.

     Khuburada saadaashada hawada ayaa dig niin siinaya waddamada ku yaalla bariga Afrika oo isbuucyada soo socda la filayo ine ka da’a an roobab xooggan.

Isbitaal Martini oo loo dhameystiray qalab Caafimaad

     Dowladda Soomaaliya oo ku dadaaleysa in sida ugu haboon, uguna dhaqsaha badan loo xakameeyo cudurka CODIV-19 ayaa qalabkii caafimaad ee loo baahnaa u dha meystirtay isbitaalka Martini, oo loo asteeyay in lagu daweeyo buk aanada uu soo rito cudurka dhee reeya, ee dunida oo dhan dhibaatada badan ku haya.

    Dowladda ayaa Shalay qolalka xaaladda deg-degga ah (ACU) ee isbitaalka ku xirtay 20 sariirood oo loo dhameestiray dhammaan qala bkii loo baahnaa, si loogu xanaaneeyo dadka xaaladoodu aadka u adag tahay.

Isbitaalka waxaa sidoo kale laga hawlgeliyay dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal leh dhammaan ta khasusyada loo baahan yahay, oo ay ka mid yihiin 10 dhakhtar iyo 10 kalkaaliye oo Isbitaal ka Digfeer horey uga shaqayn jiray, hadana qayb ka qaadanaya xakameynta COVID-19, waxaa sidoo kale dhawaan ka hawl billaabaya la taliyaal sare oo caafimaad, oo ku takhasu say maareynta cudurada faafa iyo cudurada neef mareenka.

    Isbitaalka oo laga hawl billaabay March 16, 2020 ayaa lagu qaabilay 218 bukaan oo 21 ka mid ah la jiifiyay. Afar ka mida bukaannadii la jiifiyay ayaa cudurka ka bogsooday, dibna loo ga saaray, waxaana xilligaan jiifa 17 bukaan oo xaaladooda lagula tacaalayo, kuwaas oo uu ka mid yahay Bashiir Qaasim Maxamed oo ca deeyay inuu ka helay adeegya caafimaad oo tayo leh.

Dowladda oo sheegtay in horumarinta la sii wadayo ayaa bulshada ugu baaqday inay qaa taan talooyinka caafimaad, maadaama marka uu xanuunka soo rito dadka qaba xauunada ra aga ay wax ka qabashadoodu adag tahay

.Safiirka Midowga yurub ee Soomaaliya oo Dowladda ugu baaqay iney u turto Saxaafadda

    Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka saf iirka midowga yurub ee Soomaal iya danjire Nicolas Berlanga ayaa waxa uu dowladda ugu baaqay in ay joojiso caburinta ka dhanka ah saxafiyiinta,si loo helo xog dhameystiran oo ku saabsan xaaladda Wadd

 Anka. Hadalka kasoo baxay danjiraha Midow ga yurub ee Soomaaliya,  ayaa waxa uu yimid kadib markii uu soo dhammaaday kulan safi irrada beesha caalamka u fadhiya dalka iyo R/wasaaraha Soomaaliya Kheyre ku dhex mar ay Muqdisho.  Qoraalka ayaa waxa uu safiirka ku yiri "Naq dinta waa qeyb kamid ah dimuqu raadiyada,  jaan-gooynta xoriyatul-qowlkuna maaha wax wanaagsan,  sidaas darteed, had ii saxafiyiin ta la xaddido,  laga hor istaago xog ta,  taasi maaha daw".

    Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Md. Farmaajo ayaa waxaa dhowr je er lagu eedee yay tacadiyo ka dhan ah Warbaahinta sida xar igga saxafiyiin dhowr ah , oo qaarkood weli ay xabsiga ku jiraan  iyo xaddid itaanka xogta si da ay horay ugu doodeen Uru rada saxaafad da iyo hay'adaha xuquuqda aadanaha.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirsha belle oo sharci darro ku tilmaamay war eegto ka soo baxday Madaxtooyada Hirshabelle

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cism aan Barre Maxamed ayaa qor aal uu soo saaray waxa uu ugaga soo horjeestey go’aan ka soo baxay Madaxweynaha Waare oo uu shaqadii u ga joojiyay  gudd oomiyaha Maxk amada racfaanka Gobolka Sh/dhexe.

     Qoraalka uu soo saaray G/B/Hirshabelle Sh/ Cismaan Barre ayaa waxaa ka muuqday khil aaf maalmihii la soo dhaafay la sheegayay inuu ka dhex jiro G/Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Hirshabelle.

   "Ma jiro xilka qaadis madaxda Maamul ka Hirsh abelle sameyn karto laga bilaabo Shalay oo ah 21ka bisha April 2020.maadaama la gu gudo jiro xilli kala guur ah.”ayaa lagu yiri qoraal ka ka soo baxay G/B/Hirshabelle oo ka koobnaa 5qodob.

    Wareegto ka soo baxday Xafiiska M/Weyne Wa are oo lagu ogeysiinayay M/ne kuxigeenka, W/ Arri maha Gudaha iyo Cadaaladda ayaa lagu sheegay sheegay in shaqada laga joojiyay W/ru dowlihii W/ Dastuurka Hirshabeelle Saadaq Mukht aar C/lle iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Rafca anka G/ Sh/ Dhexe Cali C/lle Nuur,kuwaas oo la gu eedeeyey inay jebiyeen amarkii lagu joojiyey isku imaatinka dadka, isla markaana si Sharci da rro ah ay ku fure en Goob ay dad badan isugu yi maadeen.

HOOS KA AKHRISO


DF oo markaan farriin muhiim ah u dir tay ganacsatada Soomaaliyeed

     Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xuku umadda federaalka Soomaaliya, Eng. Cabdu llaahi Cali Xasan, ayaa ganacs atada Soomaa liyeed u gu baaqay in hantidoo da ay uga qayb qaata an qorshaha xakame ynta    COVID-19,

     sidoo kale ay ku dadaalaan inaan sare loo qaadin qiimaha la kala siisto badeecada gaar ahaan cunnada aasaas ka u ah nolosha bulshda iyo inay ku tarsamaan wax soo saarka gudaha si looga maarmo ku tii rsanaanta cunnada dib adda laga soo dhoofiyo.Eng. Cabdullaahi Cali Xasan waxuu sheegay in xukuumaddu ay xo oggeeda isugu geysay in ganacsatada loo fududeeyo wax kasta oo qayb ka qaadan kara horumarinta ganacsiga, cunnada qaarna cas huur dhaaf iyo canshuur dhimis loogu same yay, sabab la xariirta in dadka nugul aysan dar eemin saameynta ka dhalaneysa tillaabooyin ka lagu xakameynayo COVID-19.

        Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada, Fowsiya Abiikar Nuur, oo sheegtay in dib-u-dhis ballaaran lagu wado Isbitaal Banaadir, qaybta loogu tala galay la tacaallida COVID-19, ayaa u mahad celisay shirkadda Isgaarsiinta Horumuud oo bixineysa

qarashaadka ku baxay dib-u-dhiska.

     Maamullada Isbitaallada gaarka loo leeya haya ayey wasiirku ugu baaqday inay bukaann ada si wanaagsan u qaabilaan, baaritaan mar siiyaan iyaga oo taxadaraya, bukaankii ay ka shakiyaanna ay ku wareejiyaan qaybka ku shaqada leh la tacaallidda cudurka COVID-19, si looga baaqs ado in qof Soomaaliyeed uu dhibaato usoo gaarto daryeel xumo.

      Tala-bixiyaha caafimaad ee COVID 19, Dr Maxmed Cali Fuje, ayaa bulshada kula darma armay inay qaataan tillaabooyinka caafimaad, si ay qayb uga noqdaan qorshaha xakameynta cudurka dilaaga ah "Walaalayaal COVID19 Ha rgab daran ma aha. Waa xanuun halis ah, Waa xanuun wata qandho daran, cune xanuun iyo in uu marka dambe qofku neefsan waayo oo sambabadu istaagaan, taas oo keeneysa geeri”, ayuu yiri Dr. Fuje

     Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federal ka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo Shalay kulan la qaatay safiirrada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey ’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan ayaa ku war geliyay in dhammaan barnaamijyadii qo rsheysnaa ee dowladda lagu caawinayay loo leexiyo wax ka qabashada cudurka halista ah ee COVID-19 iyo caawinta dadka nugul ee saa meynta ay ku yeelanayaan tillaabooyinka lagu xakameynayo cudurka.

Koonfur Galbeed oo ammar la yaab leh ku soo rogtay Radio Baraawe

    Maamulka iyo Shaqaalaha Radio Baraawe ee fadhigiisu yahay Degmada Baraawe ee G/ Sh/Hoose ayaa lagu amray inay joojiyan barna amijyada ku baxa afka Barawaaniga.

   Waxaa Habeen hore Xarunta Radio Baraawe tagay ciidan uu watay Gudoomiyaha Degmada, Cum ar Sh.Cabdi (Shafaana), waxa ayna Maa mulka iyo Shaqaalahaba ku amrayn in hadda ka dib aanay baahin karin barnaamijyada ku baxa afka Barawaaniga.

     Gudoomiyaha ayaa Maamulka Idaacadda u sheegay in barnaamijyadaasi laga soo dacwo oday, sidaasi daraadeedna aynaan hadda ka dib sii baahin karin, inkastoo aanu si dhab ah u sheegin cidda ka soo ashtakootay. Waxayna tani layaab-gelisay Maamulka iyo Shaqaa laha ba.

     Radio Baraawe ayaa baahin jiray barnaam ijyo dhawr ah oo ku baxa afka Barawaaniga, kuwaa oo laga xusi karo sida Barnaamijyada Malafaayow iyo Barbaarta, waana kuwa aadka loogu dhageysiga badan yahay.

     Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Dhacdo.com u sheegay in amarkan uu ka soo ba xay Gudoomiyaha Baarlamaanka KG/albe ed, Cali Saciid Fiqi.

   Ma cadda waxa ku khasbay in Gudoomiyaha K/Galbeed oo ka soo jeeda degmadaasi, uu amro joojinta barnaamijyadii ku bixi jiray afka asi, oo inta badan dadka deegaanka ay ku had laan.

     Gudoomiye Fiqi ayaa beel ahaan ka soo je eda Beesha Tuni, taasoo ay arrimaha siyaas adda deegaanka isu hayaan beesha kale ee Reer Baraawe.

     Maamulka iyo Shaqaalaha Radio Baraawe ayaa Shalay u fadhiya kulan ay awaamiirtaasi ka leeyihiin, go’aankooduna ay dib ka soo saa ri doonaan.Xigasho:dhacdo.com

Trump oo hakiyay soo galootigii tegi jiray Mareykanka

    Madaxweyne Donald Trump ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa twitterka waxa uu ku shee gay inuu saxiixi doono amar madaxweyne oo si kumeelgaar ah loogu hakinayo in soogal ootigu ay yimaa daan waddanka Mareykanka coronavirus aw adii.

     Farriintan oo uu soo dhigay xi lli dambe oo Ha been hore ah, ayaa waxa uu ku she egay in go’aan kaas uu gaaray ka dib "weerrar ka uu ugu yeer ay inuu soo qaa day cadawga aan la arkayn” – taas oo ah mag ac uu ugu yeero xanuunka co ronav irus – iyo "baahida loo qabo in in lagu dhowro shaqooyin ka” ay hayaan muwaadiniin ta Mareykanka.

     Wax faafaahin ah oo intaasi dheer kuma uu san darin farriintaas uu Trump soo dhigay bart iisa Twitterka. Hasayeeshee ma ay cadda wa xa uu madaxweynuhu dhab ahaantii ula jeeday iyo in ay u suurageli doonto inuu qaado tallaa bo aanan hore loo arag.

      Mareykanka ayaa waxa uu diiwaangeliyay 782,159 oo xaaladood oo cudurka Covid-19 ah, halka dhimashaduna ay marayso 41,816.

Dadka dhaleeceeya maamulka Trump ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweynuhuu uu cudurkan safmarka ah u adeegsanayo inuu howlgal ku fuliyo muhaajiriinta.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo xaaladiisa caafimaad laga deyrinayo

    Waxaa soo baxaya warar kala duwan oo la xiriira xaalada caafimaad ee hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un.

     Taleefishinka dalka Maraykanka ee CNN ay aa baahiyay in ay heshay xogo sirdoon ah oo sheegaya in xaalada caafimaad ee Kim ay aad u liidato.

     Warbaahinta Bloomberg ayaa iyana kasoo xigatay sarkaal aan la magacaabin in xaaladda Kim ay ka dartay markii qalliinka lagu same eyey.

      Kim yaa la sheegay inuusan ka qeybgelin dabaal-degga sanad-guurada dhalashada aw oowgiisa oo ku beegneyd 15-kii April, taasi oo dhalisay xan ku saabsan xaaladdiisa caafima ad.

     Waxaa kulan dowladeed lagu arkay afar maalin ka hor xilligaas. Sarkaal kale oo la ha dlay CNN ayaa sheegay in ay jiraan walaacyo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Kim balse ay adag tahay in la qiimeeyo heerka ay le’eg tahay.

     Kim ayaa qalliinka wadnaha loogu same yey sababo la xiriira "sigaar cabis xad dhaaf ah, cayil iyo shaqada oo ka tan badatay” sida uu weriyey wargeyska Daily NK, kaasi oo int aas ku daray in lagu daweynayo Villa ku taalla magaalada Hyangsan.

     Kadib markii la sheegay in xaaladdiisa ay horumar sameysay, ayaa inta badan shaqaala ha caafimaadka ee daweeyey ay kusoo laabt een Pyongyang 19-kii April.

     Si kastaba, saraakiisha China iyo Korea-da Koonfureed ayaa shaki geliyey warbixinada sheegaya in Kim uu xanuunsan yahay.

     Laba sarkaal oo ka tirsan dowladda Korea-da koonfureed ayaa ku gacan seeray warbix inta CNN, ayaga oo aan sharxin in Kim uu qal liin maray iyo in kale.

      Madaxtooyada Korea-da Koonfureed ayaa sheegtay inaysan jirin wax astaamo qayrul caadi ah oo ka imanaya dalka Korea-da Waq ooyi.

     Sidoo kale sarkaal ka tirsan xisbiga shuuc iga ah ee maamula Shiinaha, gaar ahaan qey bta qaabilsan arrimaha Korea-da Waqooyi ay aa Reuters u sheegay inay rumeysan yihiin in  Kim uusan xanuunsaneyn. China ayaa ah xulu fada ugu weyn ee Korea-da Waqooyi.

Xigasho;VOA



SHANTA DAL EE UGU CAAFIMAADKA WANAAGSAN ADDUUNKA.


     Dalalka ugu Caafimaadka wanaagsan Adduunka ayaa lagu kala ogaanayaa sida ay ula dagaallamayaan cudurka safmarka ah ee Covid-19 iyo guulaha ay ka gaarayaan.

            Waxaan la hadalnay dhakhaatiir iyo dad rayid ah oo daggan dal alka ugu sarreeya heerka adeegga caafimaadka, si aan u fahanno qa abka ay u maareynayaan fayraska ku faafaya dunida iyo caqabadaha wali horyaalla shacabka.

     Dagaalka ka dhanka ah Covid-19 wuxuu ka socdaa xarumaha caa fimaadka iyo isbitaallada guud ahaan caalamka. Laakiin guusha laga soo hoyinayo dagaalkaas waxaa door weyn ka ciyaaraya dal walba heerka uu ka gaarsiisan yahay awoodda hannaanka caafimaadka.

            Ilaa hadda waxaa jira farqi la dareemi karo oo u dhaxeeya dala lka iyo sida ay ugu kala awood badan yihiin la tacaalista fayraskan iyo booskii ay horay uga jireen liiska waddamada ugu caafimaadka wanaa gsan.

    Warbixintan waxaan diiradda ku saareynaa liiskii ugu dambeeyay ee lasoo saaray sanadkii 2019-kii, kaasoo lagu qeexayay heerka adeegya da caafimaad ee 167 waddan.

JAPAN

            Dalka Japan waxay dadka intooda badan xiran yihiin gafuur-xirka loogu talagalay in la isaga ilaaliyo hawada uu xanuunka ku jiro

            Japan wuxuu kaalinta labaad uga jiraa liiska dalalka ugu caafi maadka wanaagsan ee lagu dhawaaqay sanadkii lasoo dhaafay. Laa kiin waddankan ayaa caalamka oo dhan looga ammaanay sida uu guul weyn uga gaaray maareynta cudurka Covid-19, inkastoo sare u kac cu sub oo kiisaska xanuunkan ah ay dalka dib ugu celiyeen heerkii qeyl adhaaminta.

     Mowjadda coronavirus ee kusoo labakacleysay Japan ayaa horse edday in Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe uu 7-dii bishan April waddanka galiyo xaalad deg deg ah.

      Balse iyadoo ay taasi jirto, dalkan wali ma uusan ku dhawaaqin xayi raadda dhaqdhaqaaqyada, tanina waxay caddeyneysaa in awoodda adeegyada caafimaad ee Japan ay tahay mid aad u weyn. Fayraska ayaa lagu xakameeyaa marxaladaha ugu horreeya.

        ‘Qalabka neefta siinaya ayaan ka damiyaa si aan ula qaato waq tiga ugu dambeeya noloshooda’

      Dadka ka caafimaaday Coronavirus oo dhiiggooda la isticmaali do ono  Xitaa haddii dadka shacabka ah aysan heli karin adeegyada baa ritaanka cudurka(oo ah kuwo loo sameeyo dadka ay calaamadaha ka muuqdaan oo kaliya) waxay tagi karaan xarumaha caafimaad ee deeg aannadooda ku yaalla, halkaasoo baaritaanno casri ah loogu sameeyo.

     "Qof bukaan ah oo aysan wax calaanado ah ka muuqanin ayaa baa ritaan buuxa oo raajo ka mid tahay la marsiiyaa, waxaana laga dawee yaa xanuunnada ka dhasha cimilada qabow”, ayuu yiri Dr Mika Washio, oo ah dhakhtar uu fadhigiisu yahay magaalada Tokyo.

KUURIYADA KOONFUREED

   Magaalada Daegu ee dalka Kuuriyada Koonfureed waxay saldhig u ahayd cudurka Covid-19 ee dalkaas gaaray

       Dalka Kuuriyada Koonfureed oo kaalinta afaraad uga jira liiska waddamada ugu caafimaadka fiican caalamka wuxuu si gaar ah ugu di yaarsanaa inuu wajaho la dagaallanka Covid-19. Waddankan ayaa khi brad hore heystay maadaama uu la tacaalay cudurkii 2015-kii ka dilla acay Bariga Dhexe ee neef-qabatoonka lahaa, kaasoo lagu magaca abay (Mers).

      Xarumaha adeegga caafimaad bixiya iyo isbitaallada waaweyn ayaa goor horeba usii qalabeysnaa, tababarna u heystay inay mare eyaan xaalad kasta oo noocaas ah.

       Waddankan ayaa awood u yeeshay inuu maalin kasta baaritaan ku sameeyo dad gaaraya 450,000 oo qof, tiradaasna waxay xoogaa ka yartahay 1% ka mid ah tirada shacabkiisa guud oo ah 51 milyan.

      Tirada dadka cusub ee uu maalmihii ugu dambeeyay cudurka kula dhacayay dalkaas waxay u dhaxeeyeen 47 ilaa 53 ruux.

ISRAA’IIL

     Bulshada mad-habta orthodox-ka ee Israa’iil ayaa ahaa kuwa uu saa meynta ugu badan ku yeeshay coronavirus, marka loo eego bul shooyinka kale reer Israa’iil

     Marka la eegayo habkii loola socday ama looga falcelinayay cudurka Covid-19 ee markii ugu horreysay ka dilaaccay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, dalal aad u kooban ayaa ka horreeyay ama ka dadaal badnaa Israa’iil, taasoo micnaheedu yahay in Israa’iil ay si weyn ugu toog heysay saameynta uga imaan karta fayraskaas faafayay.

       Israa’iil waxay kaalinta 11-aad uga jirtaa dalalka ugu sarreeya dhinaca adeegyada caafimaadka ee adduunka.

        Markii lasoo gaaray dabayaaqadii bishii January ee sanadkan 2020-ka, wasiirka caafimaadka ee Israa’iil wuxuu horayba usii saxiixay isbaddal lagu ballaarinayay awoodda adeegyada caafimaad ee loogu talagalay dadweynaha, kaasoo looga dan lahaa in tabar dheeraad ah loo helo la dagaallanka fayraskaas dillaacay.

       Waxaa durbadiiba la qaaday tallaabooyin kale oo ay ku jiraan in la joojiyay duullimaadyada aan muhiimka ahayn ee dibadda iyo in 14 maa lmood la karantiilo muwaadiniinta kasoo laabadatay meelaha uu cudur ka saameynta weyn ku yeeshay.

JARMALKA

      Jarmalka wuxuu hadda billaabayaa inuu khafiifiyo xayiraadaha, Isk uulladuna waxay si tartiib tartiib ah u furmayaan laga billaabo 4-ta bisha May

      Jarmalka oo tirada dhimashada coronavirus aad uga yaraa inta badan dalalka reer Yurub ee dariska la ah, wuxuu kaalinta 12-aad uga jiraa waddamada ugu caafimaadka fiican caalamka.

Waxaa dalkan lagu tilmaamay mid guul weyn ka gaaray cudurka, wu xuuna tusaale u noqday guud ahaan caalamka.

      Laakiin khubaradu waxay ka digayaan in waddankan uusan wali si buuxda uga nabad qabin dhibaatada cudurka.

Hase ahaatee baaritaanka baaxadda leh ee ay waaxda caafimaadka ee Jarmalka awoodda u yeelatay ayaa horseeday guusha lagu naalloon ayo.

            Tallaabooyinka uu Jarmalka ku hor istaagay faafitaanka cudurkan waxaa ka mid ah in dadka xanuunsan iyo kuwa ay calaamadaha ka muuqdaan aad looga fogeeyay bulshada caafimaadka qabta.

AUSTRALIA

            Xeebta Bondi waxay xirneyd tan iyo 21-kii March, kaddib markii dadka ay sameyn waayeen kala fogaansho

            Australia, oo kaalinta 18-aad uga jirta dalalka ugu caafimaadka fiican ee lagu noolaado, waxay hadda si wacan u maareysay la dagaallanka coronavirus, waxaana u suurtagashay in kiisaska cusub lagu koobo wax ka yar 5%.

            "Taasina waxay ahayd mid aad uga fiican sida la filayay”, sida uu qabo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Scott Morrison oo khudbad jeediyay 7-dii bishan April.

            Australia waxaa sidoo kale ku yaraa isu gudbinta cudurka ee dadka dhexdiisa ah, dowladduna waxay qaadday tallaabooyin si weyn loogula soconayay fiditaanka cusurka.

            Waxaa si dhow loola socday dadka dibadda kasoo laabtay, oo la hubinayay inay karantiil galeen. Sidoo kale waxaa dadka cudurka qaba aad looga ilaalinayay inay xiriir la sameeyaan dad fiyow.

Xigasho:BBCSomali



Coronavirus: Muxuu guddoomiye Mur sal ka yiri muddo xileedka dowladda oo la kordhiyo?

    Guddoomiyaha B/F/S.Maxamed Mursal Sh.ayaa BBC-da kala hadlay walaac laga qabo in dib u dhi gista furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka ay hors eedo dib u dhac ku yimaada doorashada Sooma aliya.Saameynta ka dhala tay cudurka Covid-19 oo Soomaaliya gaaray ayaa sababtay in la hakiyo how shii Baarlamaanka, taasoo udub dhexaad u ahayd han naanka doorashada xigta ee dalka.

      Hase yeeshee, guddoomiye Mursal ayaa ku ad keystay in xal loo heli doono sidii doorashada xil ligeeda loo qaban lahaa. "Waxaan rabaa in hal qod ob si fiican loo fahmo. Sharcigan doorashada wax aa loogu talagalay baarlamaanka, oo kala ah Gol aha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare. Muddooyin kii ugu dambeeyay ee aan kasoo gudubnay oo ay u gu dambeysay 2016-kii, doorashada la aadi jiray wa xay ahayd doorasho dadban, marka waxa la dooran ayo waa 275 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 54 oo Aqalka Sare ah, sidaas awgeed waxay ila tah ay intaas xal loo waayi maayo".

        "Waxaan magacownay guddi kasoo shaqeeya  qodobbada ka dhiman sharciga doorashooyinka, iya goo kaashanaya guddiga madaxa bannaan ee doo rashooyinka, howshiina way wadaan inkastoo arrant aan coronavirus ay u saamixi waysay shaqooyinka qaar, laakiin shaqo fiican ayey qabteen ilaa hadda, waxaana aaminsan nahay inay soo dhammeystiri doonaan, waqtigii loogu talagalayna ay doorashada dhici doonto", ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamaan ka.

    Wuxuu Mursal meesha ka saaray suurtagalnima da in la kordhin doono muddo xileedka Baarlamaan ka iyo madaxweynaha. "Waddankan dastuur ayuu leeyahay, dastuurkaasna xilli ayuu ugu talagalay muddada xil-heynta Baarlamaanka iyo midda ma daxweynaha. Waxaan rabnaa intaan xilligaas la gaa rin ka hor inay doorasho dhacdo", ayuu yiri Gudd oomiye Mursal.

    'Baarlamaanku uma diyaar garoobayo inuu mudd ada kordhisto'



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip