Dowladda Denmark oo soo saari doonta Sharci lagu tarxiilayo Muhaajiriinta aan haysanin Deganaanshaha dalkaasi

0
Sunday April 19, 2020 - 20:26:55 in Wararka by
  • Visits: 306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Denmark oo soo saari doonta Sharci lagu tarxiilayo Muhaajiriinta aan haysanin Deganaanshaha dalkaasi

    Dowladda Denmark waxay sheegtay inay dhisi doonto Xafiis Cusub oo Dib-u-celinta Muhaajiriinta, si loo kordhiyo Masaafurinta Muhaajiriinta sifaha sharci la'aanta ku jooga dalkaasi. Wasaaradda Socdaalka iyo Isdhexgalka ee dalkaasi ayaa sheegtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Denmark waxay sheegtay inay dhisi doonto Xafiis Cusub oo Dib-u-celinta Muhaajiriinta, si loo kordhiyo Masaafurinta Muhaajiriinta sifaha sharci la'aanta ku jooga dalkaasi. Wasaaradda Socdaalka iyo Isdhexgalka ee dalkaasi ayaa sheegtay inay Xafiiskaasi oo loogu magac daray Hay'adda Socdaalka Gudaha "The Home Travel Agency" uu jadwalku yahay inuu shaqo bilaabo bisha August 1-da ee sanadkan 2020-ka. Asaaska Xafiiskaasi ayaa waxay ahayd Natiijadda Go'aan la gaaray bishii September ee sanadkii hore ee 2019-kii, wuxuuna Mas'uuliyadda Xafiiskaasi hoos tegi doonaa Dhowr Hay'addo kale. Dhinaca kale, Hay'adda Socdaalka Gudaha waxay tarxiili doontaa 1,100 Magangelyo-doon codsigooda lagu gacan sayray, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay haatan degaan ahaan ugu nool yihiin gudaha dalkasi, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Denmark. Xafiiska Cusub waxay Xarumahiisa Dhexe laga furi doonaa Degmadda Birkerød, iyadoo Golaha Xafiiskaasi ka hawl-geli doonaan 250 shaqaale. War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu xusay in Hadafka Dowladda Denmark yahay sidii Shisheeye badan oo aan sharciga Deganaanshaha haysanin ay dib ugu laaban lahaayeen dalalkooda, waana taasi sababta ay Wasaaradda Socdaalka iyo Is-dhexgalka ee dalkaasi udhisayaan Xafiiska cusub ee Dib-u-celinta Muhaajiriintaasi. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Is-dhexgalka ee dalkaasi, Mattias Tesfaye waxay sheegtay inay Dowladda muhiim u tahay Ajaaniibta aan haysanin Sharciga Deganaanshaha inay u safraan gurigooda oo ay ugula jeeday inay dib ugu laabtaan dalalkooda hooyo. Waxay intaasi ku dartay inay haatan dhiseen Hay'adda Socdaalka Gudaha, taasi oo xaqiijin doonta inay dadkaasi xitaa ku laaban doonaan dalkooda hooyo, haddii aysan helin Xuquuqda ay ku joogi karaan Denmark. Dowladda haatan ee dalka Denmark ka Talisa ee uu madaxda u ahaa Ra'isul-wasaarihii hore, Lars Løkke Rasmussen waxa uu sheegay inuu doonayo inuu arko Muhaajiriinta oo dib ugu laabanayo Dalkooda Hooyo, gaar ahaan dadka Soomaalida. Sidoo kale, Wasiirka Socdaalka ee haatan ee dalkaasi, Inger Støjberg waxay ku boorisay Muhaajiriinta Soomaalida inay waajib tahay inay dib u laabtaan iyo inay ka qeyb galaan Dib-u-dhiska dalkooda Hooyo Bilowgii sanadkan, waxaa la shaaciyey in ragga Muhaajiriinta da'da yar ee badankooda ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Lubnaan iyo Morooko u nugul yihiin inay noqdaan Dembiilayaal. Si kastaba ha ahaatee, Tiro-koobkii u dambeeyey ee ay Dowladda Denmark soo saartay ayaa lagu muujiyey inay 21,204 qof oo asalkooda Soomaali yahay ku nool gudaha dalkaasi, kuwaasi oo 11,832 ka mid ah ay yihiin Soomaali ku dhex dhalatay dalkaasi, halka 9.372 kalena asal ahaan yihiin dad ku dhashay Somalia oo Qaxooti ahaan ku soo galay Dalkaasi. W/T: Ustaad Nuradin


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip