HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 18-4-2020

0
Saturday April 18, 2020 - 10:07:11 in Wararka by
  • Visits: 404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 18-4-2020

    Soomaaliya oo codsatay in kaalmada la siiyo loo wareejiyo la tacaalidda xanuunka COVID-19 R/Wasaaraha XFS Md.Xasan Cali Khayre, oo Habeen hore ka hadlay wacyi-gelinta COVID-19 iyo sida looga ba dbaadi karo, ay aa dadka Soo maaliyeed ku la dardaarm

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya oo codsatay in kaalmada la siiyo loo wareejiyo la tacaalidda xanuunka COVID-19 R/Wasaaraha XFS Md.Xasan Cali Khayre, oo Habeen hore ka hadlay wacyi-gelinta COVID-19 iyo sida looga ba dbaadi karo, ay aa dadka Soo maaliyeed ku la dardaarmay inay qaataan ta looyin ka caafimaad ee dhaqaa tiirta iyo Bahda Caafima adka dalka. Sidoo kale, R/Wasaaaraha ayaa xaqiij iyay in Guddiga Qaran ee ka Hortagga Cov id-19 ee isugu jira xukuumadda, culimada, dhaqa atiirta, Ganacsatada iyo Bulshada Ray idka kawada shaqayaan sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed caafimaad aha an iyo dhaqaale ahaanba. Md.Khayre, ayaa caddeeyay in la kordhina yo xarumaha lagu daaweeyo dadka uu soo rito COVID-19, lana badin doono baaritaan ka si qof waliba uu u helo fursad uu isugu ba aro, dowladduna ku howlantahay soo iibinta qalab caafimaad oo qayb ka qaata xakamey nta COVID-19. Bangiga Adduunka ayaa dow ladda ka oggolaaday inuu u soo iibiyo qalab ka caafimaad ee aadka loogu baahannahy si loola dagaalo cudurkan. R/Wasaaruhu waxuu sheegay in dowlad du ka codsatay deeq bixiyayaasha in caa winaadaha ay bixin jireen loo wareejiyo dhi naca caafimaadka iyo taakulaynta danyarta uu cudurkani saameeyay nolol maalmeedk ooda, sidoo kale dowladaha Yurub iyo Ma raykankaba ay ka codsatay sidii Bangiyada iyo Xawilaadaha Soomaaliyeed shaqadooda loogu fududayn lahaa. Waxaa kale oo R/ Wasaaruhu sheegay in Xukuumadda, Ganacsatada, dhaqaatiirta, bulshada rayidka iyo culimaduba ay wadaan dadaal xoggan oo loogu gurmanaayo dadka Soomaaliyeed ee caawinta u baahan, Gana csatada Soomaaliyeed iyo wasaaradda maal iyaddu ay isla garteen in la yareeyo saama ynta dhaqaalaha ee ka dhasha COVID-19, lana dhimay canshuurta raashinka daruuriga ah. Ganacsatada ayuu mar kale R/ Wasaaru hu faray inay shacabka u turaan xaaladdan adag ee lagu jiro, Culimaduna ay shacabka kula taliyaan in qof waliba uu gurigiisa ku ci baadaysto maadaama waajibaadka diiniga ah ay ugu horeeyso badbaadinta nafta. Dha qaatiirta ayuu xasuusiyay in la joogo xilligii loogu baahida badnaa aqoontooda. Maamulka Puntland oo mar kale Boosaa so Qaad ku gubay. Ciidamada Booliiska D/G/Puntland ayaa M/Boosaaso ee Xarunta G/Bari ku gubay Qa ad la geliyay Magaala daas oo mamnuuc ka ah. Saraakiisha Booliiska G/Bari iyo M/Boosaaso waxa ay digniin culus u direen shaqsiyaadka Qaadka suda qarsoodiga ah u geeya dee gaanada Puntland. Dhowr jeer waxaa sidaan oo kale M/Boos aaso Ciidamada Booliisku ku gubeen Qaad si qarsoodi ah lagu kala iibsanayay, waxaa na Jaadka uu kamid yahay waxyaabaha loo xannibay sabab la xiriirta kahor tagga Coron virus.
DF oo shaacisay inay wax ka beddel eyso bandowga saaran Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay is-beddel ku sameyneyso bandow-ga xilliyada habeenii ah saran M/Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Bandowga, oo hadda socday 2dii habeen ee la soo dhaafay ayaa waxa uu ka billow daa 8:00 fiidnimo, wuxuuna ku eg yahay 5:00 Subaxnimo. Hase dowladda ayaa she egtay inay dib u eegis ku sameyn doonto bandowga.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in maadaama la guda geli doono bisha Bara keysan ee Ramadan ay waxka bedeli doona an Bandowga inkasta oo uusan shaacin nooca is-beddel.

Si kastaba warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in wax laga beddeli doono saacadaha bandowga, islamarkaana laga yaabo in la qafiifiyo xeerarka la socda bandowga.Taliye Xijaar ayaa dhanka kale sheegay in Bandowga dowladda soo rogtay la gaarsiin doono guud ahaan gobolada dal ka, waxaana wararku ay sheegayaan in go obaha la gaarsiin doono ay ku jiraan magaa looyinka maamul goboleedyada raacsan dowladda, sida Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

Bandowga Muqdisho ayaa loo soo rogay iyada oo uu qeyb ka yahay qorshaha ay dow ladda ku dooneyso in lagu xakameeyo faafi taanka cudurka Coronavirus.

Faah-faahin ku saabsan askari ka tirsan ciidamada DF oo Habeen hore lagu dilay Guriceel

Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxey sa askari ka tirsanaa ciidamada DS oo Habeen hore lagu dilay M/Guriceel ee G/Galgaduud.

Dilkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay kala shaki dhex-maray 2ciidan. Askariga ay aa lagu dilay afaafka hore Hotel Badar ee M/Guriceel, ka dib markii askar ku sugneyd ilinka hotelkaasi, ay rasaas oodda kaga qa adeen gaari uu la socday askarigaasi. War arka ayaa sheegaya in askarta rasaasta fu rtay ay ka shakisay gaariga uu saarnaa aska ri geeriyooday, oo aynaan horey macluuma adkiisa u haynin. Hotelkan ayaa waxaa gelinkii dambe ee Khamiistii la dejiyay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, waxaana ku wehlinaya Xildhiba ano iyo Saraakiil ciidan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in as karigaasi uu xilligaa ka yimid hoy ku yaala M/Guriceel, oo la qorsheeyay in la dejiyo waf diga Madaxweyne Kuxigeenka, qaybtood. Wararka sheegaya in xabsiga loo taxaabay askartii falkaasi ka dambeysay, inkastoo ay naan dhacdadan ka hadlin Saraakiisha Ciid amada iyo Maamulka Degmada Guriceel.

Muuse Biixi oo loogu baaqay in uu shur uud la’aan ku siidaayo Wariye Coldoon

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty Internatio nal ayaa ugu baaqa day mas’uuliyiinta Som aliland inay si dhakh so ah oo shuruud la’aan ah ku sii daayaan War iye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo la xiray sa nad ka hor Shalay oo kale, isagoo adeegsa naya xuquuqdiisa xorriyadda hadal ka.

Amnesty International ayaa ka walaacsan in saxafiga loo xiray adeegsiga Xuquuqdiisa Aadanaha uu hadda halis sare ugu jiro cu durka faafa ee COVID-19, siday ku sheegtay qoraal ka soo baxay Shalay oo Jamce ah.

Madaxweynaha Somalilanld ayaa dhagaha ka furaystay baaqyo dhinacyo badan kaga yi mid, oo la xiriira in xorriyadiisa la siiyo War iye Cabdimaalik Coldoon.

1dii Abril 2020, Madaxweynaha Somali land Muuse Biixi Cabdi, ayaa cafiyay 574 maxbuus oo laga soo qabtay daafaha Somal iland oo uusan ku jirin Wariye Coldoon,

Coldoon oo ah Wariye madax bannaan, oo sidoo kale Safamale ah ayaa 17 April 20 19 lagu xiray magaalada Burco. Coldoon oo kaliya maahan wariyeyaasha hadda gudaha Soomaaliya ugu xiran xuquuqda hadal, iya doo hadda uu adduunka fara kulul ku hayo masiibada Coronavirus, waxaa isna maala mada Muqdisho maalmahan ku xiran Wariye Cabdicasiis Gurbiye.

Amnesty International ayaa warbixin ay soo saartay bishii Feebaraayo ee sanadkan ku sheegtay in weerarada, hanjabaadaha, dab agalada iyo cabsi gelinta shaqaalaha warbaahinta ay ku sii badanayaan Soomaal iya, oo ah meesha ugu halista badan addu unka ee suxufi ka shaqeeyo.

Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda waxay sheegtay in tan iyo (2017) ay diiwang elisay dhibaatooyin isugu jira hanjabaado, kadeed, cabsi gelin, jirdilo, dilal, isku day dil, xarig aan sabab lahayn, dhaleeceyn kale iyo xayiraado helitaanka macluumaadka oo sux ufiyiinta ay u getstaan dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo Al-shabaab.

Soomaaliya ayaa kow ka ah dalalka aan la maxkamadayn kuwa dhibaateynta u gey sta saxaafadda.


Asalka warka wargeysyada Kenya ay Shalay ka qoreen NISA iyo halka laga keenay been abuurkooda

Laba ka mid ah wargeysyada dalka Ke nya ayaa Shalay qoray inay heleen wax loo gu yeeray warbixin sir ah, oo muujineysa "xi riir” ka dhaxeeya madaxda sare ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA iyo hog gaanka kooxda Al-Shabaab.

Waregysyadan – The Standard iyo The Star – ayaa caddeyntood ugu weyn ah "Jeeg” lacageed oo gaaraya 1.5 milyan oo dollar, oo ay sheegeen in taliye ku-xigeenka NISA Cabdullaahi Kulane uu u diray Al-Shabaab. Waxa soo bandhigeen warqad ay ku sheege en inay tahay Jeegga.

Hase yeeshee, ma qaadan waqti fog ina an muddo kooban ku ogaanno xaqiiqda war bixinada labada wargeys iyo inay yihiin been cad oo la dhoodhoobay, oo lagu sumcad dilayo NISA, islamarkaana sare loogu qaada yo xiisadda ka dhex oogan Soomaaliya iyo Kenya.

The Standard iyo The Star waxay sheege en inay xogtan ka heleen saraakiisha dowl adda Kenya, balse warbixintooda oo dhan waxaa saldhig u ahayd bogga facebook ee lagu magacaabo Mudaaharaadka 7 of Feb ruary, oo ah bog lagu mucaarado dowladda Soomaaliya, laguna aflagaadeeyo madaxda sare eedalka.

Warqadda la leeyahay waa Jeeg lacage ed, oo kasoo baxay xawaaladda TAAJ, laga na helay saraakiisha dowladda Kenya, ayaa xaqiiqdii ah warqad boggan facebook lasoo dhigay 11-kii April, taasi oo qeyb ka ahayd fariin qoraal WhatsApp oo la sheegay inuu dhex-maray Cabdullaahi Kulane iyo sarkaal Shabaab ah oo magaciisa lagu sheegay Sheekh Cabdiraxmaan Filo.

Waxaa yaab leh in warqad laga soo qaa day bog facebook oo ujeedkiisa cad yah ay, ay wargeysyo waa weyn ku sheegaan in la ga helay dowladda Kenya.

Boggan facebook ayaa sidoo kale 8-dii April daabacay nuqullada fariin qoraal What sApp, oo la leeyahay waxa uu dhex maray Cabdullaahi Kulane iyo Sheekh Cabdiraxm aan Filo.

Jay Bahadur, oo ah madaxii hore ee ko oxda kormeerka QM ee Soomaaliya iyo Eritre ee UN Monitoring Group, ayaa sheeg ay in waxyaabaha is-diidaya ee ka muuqda "Jeegga” ay ka mid tahay inuu ku taariikhe ysan yahay 25-ka March, balse WhatsApp-ka Sheekh Cabdiraxmaan Filo ee copy-ga Jeegga sawirkiisa lagu diray, ku qoran tahay in markii ugu dmabeysay ee la isticmaalay ay ahayd 19-ka March. Jay Bahadur waxa uu sidoo kale sheegay in number-ka WhatsApp ee la sheegay inuu leeyahay Ca bdiraxmaan Filo uu weli yahay mid shaq eynaya oo markii la waco ay qabaneyso ga bar Soomaaliyeed. Halka Bogga Mudaaha raadka 7 of February uu sheegay in taleefon ka lagu soo qabtay howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab.

Caasimada Online ayaa sidoo kale arag tay in warqadda lahgu sheegay Jeegga ay ku qoran tahay la daabacay 10:13 PM oo ha beenimo, taasi oo dhalineysa su’aasha ah in xafiisyada TAAJ ay shaqeeyaan xiligaas?

Sidoo kale, waxaa Caasimada Online warq adda uga muuqda, inkasta oo wargeysyada Kenya ku sheegeen in Jeegga uu yahay 1.5 milyan oo dollar, haddana markaad u fiirsato tirada numberada xisaabeed, xaqiiqdii waa 15 milyan oo dollar, sababtoo wuxuu u qo ran yahay sidan, 1,5000,000, taasi oo muu jineysa in wax qof abuuray ay tahay. Xitaa miisaaniyadda NISA ee sanadkii oo dhan ayaanba dhameyn 15 milyan iyo wax u dhow.

Bahaduur ayaa sidoo kale sheegay in ca qliga uu diidayo in lacag intaas le’eg oo ah hal milyan iyo bar dollar la mariyo xawaalad, iyo kaaga sii daran’e in sarkaal sare sirdoon, oo weliba xlkiisa sidaas u sarreeyo uu mag aciisa rasmiga ah ku qoro Jeeg uu u dir arayo Al-Shabaab.

Waxa kaliya ee halkan ka muuqda ayaa ah isku day lagu sumcad dilayo NISA, qor shihii la doonaba ha laga lahaadee iyo dad aal lagu sii hurinayo xiisadda ka dhex –oog an Soomaaliya iyo Kenya.

Xigasho caasimadda.net

Tirada uu ku dhacay Corona Virus ee Soomaaliya oo korortay

36 ka mid ah 47 qof oo Shalay la baaray 24 saac u dambeysay ayaa laga helay Cor ona Virus 27 waa lab, halka 9 ay dhiddig yihiin.

Tirada guud ee dadka qaba Coronavirus ee Soomaaliya waa 116 ruux, tirada bogsa tay waa 2 ruux kaliya dhimashadda waa 5 ruux.

Wasaaradda Caafimadka ayaa shaca bka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay qaat an talooyinka Caafimaadka ee kasoo baxa ya Wasaarada.

Soomaaliya ayaa hoggaaminaysa Kisas ka ugu yar dadka uu sameeyay Cudurka Corona Virus ee dalalka geeska Afrika.

Sida ragga iyo dumarka ay ugu kala bad an yihiin kiisaska Coronavirus ee Soom aaliya oo shaaca laga qaaday

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bul shada ee xukuumadda Soomaaliya, Fows iya Abiikar Nuur, ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixisay xogta cudurka COVID-19 ee Soo maaliya.

Wasiirka ayaa xog ay soo bandhigtay ku muujisay in ragga Soomaaliyeed ee cudurka uu ku dhacay ay aad uga badan yihiin dumarka, ayada oo 70% kiisaska dalka laga helay ay yihiin rag, halka dumarka ay ka yihiin 30%.

80-ka kiis ee Coronavirus ee dalka laga xaqiijiyey ayaa 70 ka mid ah ay yihiin rag, halka 10-ka kale ay yihiin dumar. Guud aha an 222 qof ayaa cudurkan laga baaray dal ka, sida lagu sheegay warbixinta wasaarad da caafimaadka, waxaana la sugayaa nati ijada 61 qof oo Shalay la dhaacin doono.

64% dadka cudurka laga helay ee Soo maaliya, oo ah 51 qof, ayaa da’doodu waxa ay ka hooseysaa 40 jirka, ayada oo 60% ama 48 qof ay yihiin dad da’doodu u dhax eyso 20-40, halka 4% ama 3 qof ay yihiin dad ka yar 20 jirka.

36% kiisaska ama 29 qof ayaa ah dad da’doodu ka koreyso 40 jirka, ayada oo 20% ama 16 qof ay yihiin dad u dhaxeeya 40-60 jir, halka 16% ama 13 qof ay yihiin dad ka weyn 60 jirka.

Inta badan kiisaska dalka ama 91%, oo u dhiganta 73 qof, ayaa laga diiwaan geliyey magaalada Muqdisho.

Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in ay soc daan dadaallo lagu xakameynayo cudurk aas, waxayna rajo wanaagsan ka muujisay in ay mira dhali doonaan dadaallada iyo qorshaha lagu doonayo in lagu joojiyo faafintaanka cudurka


Ammar ka soo baxay Puntland si looga hortago COVID-19 oo dhaqan-geli waayay

Culimaa’udiinka maamula masaajidda ku yaalla degaannada Puntland, ayaan Shalay oo jimce ah u hoggaansamin, dhaqan-gelin ta ammar ka soo ba xay dow ladda Puntl and, oo lagu jooji yay salaadaha Jameeca da iyo jimceyaasha, si looga hortago faafidda xanuunka COV ID-19.

Go’aanka xukuum adda Puntland oo soo baxay 15-kii bishaan April 2020, ayaa lagu jo ojiyay dhammaan salaadaha jameecada iyo jimceyaasha mas aajidda degaannada Puntl and, si looga gaa shaanto faafidda cudurka Coronavirus.

Shalay oo ku beegan Jimcihii u horreeya y, ee la doonayay in la dhaqan-geliyo am markaasi dowladda, waxa ka biya-diiday culi maa’udiinka masaajidda, kuwaasi oo si isku mid ah salaadda jimce uga oogay masaajid da kala duwan ee ku yaalla Puntland.

Qaar kamid ah culimada masaajidda, oo ji mcihii Shalay ka hadlay sida ay u arkaan go’aanka dowladda, ayaa sheegay in aysan u hoggaansami doonin ammarkaas, ilaa kiis aska u horreeya COVID-19 laga helo guda ha Puntland.

Sarkaal ku dhintay is-rasaasayn dhexmar tay Daraawiishta Puntland iyo askar loo qabtay

Wararka ka imaanaya degmada Dangor oyo ee gobolka Nugaal, ayaa sheegaya in Shalay oo Jimce ah nawaaxiga degmadaasi is-rasaasayn kooban ku dhexmartay ciidamo ka wada tirsan Daraawi ishta Puntland.

Saraakiil diiday in magacy adoo da la xigto, ayaa Pun tland Post u xaqiijiyay in is-rasaasayntu dhexmartay askar ka tirsan Cii danka Dara awiishta Puntland oo gaari daga al kala soo baxsaday buuraleyda Galgala iyo ciidan kale oo kamid ah Daraawiishta, kuw aasi oo is-hor taag ku sameeyay, xilli ay mar ayeen na waaxiga degmada Dangoroyo.

Is-rasaasaynta labada dhinac dhex mart ay, ayaa sida la xaqiijiyay waxa ku geeriyoo day sarkaal magaciisa lagu sheegay Axm ed Careef oo ka tirsanaa Istaafka Taliyaha Ciid anka Daraawiishta Puntland Gen Yaa siin Cumar Dheere.

Balse, lama soo werin khasaare kale oo ka dhashay isku-dhacaas, waxaana dhamm aan gacanta lagu dhigay askartii gaariga la soo baxsaday oo xabsiga loo dhaadhiciyay.

Muftiga Sacuudiga oo go’aan kasoo saa ray salaadda Taraawiixda ee bisha Ramadan

Muftiga ugu weyn Saudi Arabia Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh, ayaa sheegay Sal aadda Taraawiixda ee bi shan Ramadan iyo midda Ciid ul Firtiga la gu oogi doo no guryaha, haddii faafit aanka cudur ka Corona virus uu sii socdo, waxaa sid aas werisay wa kaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa wargeyska Okaz ee Sac uudiga.

"Salaadda Taraawiixda Ramadaanka wa xaa lagu tukan karaa guriga, haddii aan lagu gudan karin Masaajidada, sababo la xiriira ta llaabooyinka la qaaday ee lagula dagaalam ayo faafitaanka Coronavirus,” ayuu yiri She ikh Abdulaziz Al al-Sheikh oo ka jawaabaya su’aal arrintan laga weydiiyey.Waxa uu si doo kale sheegay in Salaadda Ciidul Fitriga-na ay la mid tahay, sida uu qoray warge yska.

Bisha barakeysan ee Ramadan ayaa bill aabaneysa toddobaadka soo socda.

Saudi Arabia ayaa bartimihii March jooj isay in shanta salaadood ee maalinlaha ah iyo salaada Jimcaha lagu tukado masaajida da, taasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu xadi dayo faafitaanka Coronavirus.

Waxay sidoo kale joojisay Cumaradii iyo booqashadii Masjidka Nebiga NNKH, ayada oo la hakiyey dal-ku-galka la siin jiray dadka dibedda ka imanaya, si ay usoo booqdaan labada Xaram.

Dalka Sacuudiga ayaa waxaa laga diiw aan-geliyey 6,380 kiis oo ah cudurka CO VID-19, iyo dhimashada 83 qof oo la xiriira cudurkaas. REUTERS + VOA

Dekedda Muqdisho oo lagu buufiyay Jeermis-dile ka hortaga xanuunka COVID-19

Shirkadda Albeyrak, ee laga leeyahay waddanka Turkiga oo gacanta ku haysa Ma amulka dekedda weyn ee Muqdisho, ayaa dekedda ku buufisay Jeermis dile loogu talo galay ka hor-tagga Cudurka faafa ee Covid-19. Olgun Usta Wakiilka Maamulaha guud ee Shirkada Albeyrak, oo Saxaafadda la ha dlay ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo dheerado ah oo looga hor-tagayo faafida cudurka Covid-19. "Shirkadda waxey ku da daaleysaa inay dekadda shaqeyso, shaqaalaha joogana ay badqabaan” ayuu yiri Olgun

Sidoo kale, Wakiilka Maamulaha shirkada Albeyrak Olgun Usta, ayaa sheegay in qa labka lagu oggaan karo qofkii xanuunsan ee ay dhigeen iridka hore ee dekedda Muqd isho si ay u ilaaliyaan badqabka shaqaalaha.

"Irida waan dhignay qalab lagu oggaado oo hubin karo dadka xaruunsan ee dekedda soo galayo” ayuu yiri Wakiilka

Kiisaska coronavirus ee Jabuuti oo gaaray 732

Dalka Jabuuti ayaa Shalay xaqiijiyay 141 qof oo kale uu ku dhacay cudurka Corona, si da uu xaqiijiyay xoghayaha wasaaradda ca afimaadka Jabuuti, Saalax Banoyta Turaab.

Waxa jira walaac Ku adaan cudurkan tiir ada guud ee dadka u haayo cudurkan cor ona ayaa hada ah 732 qof dalka djibouti iy ada oo ay kisas cusub oo gobolada ah ay jir aan halka tiirada dhimashada ay wali tahay 2 qof dhanka kale waxa ka bogsaday cud urkan 3 qof tirada dadka caafimaday waa 76 qof guud ahan sida ay Wasaarada sheegtay.

Iyada oo ay magaalada bando saaran tahay 24 saac ayaa hadana su’asha dadka aay is weydiinayan ay tahay cudurkan oo aad u sii fafaaya maalinta kasta.

Iyado oo ay dowladu kordhisay waqtigan Bandowga wadanka iyada oo la gaarsiyay ilaa 28 bishan.

Waxa dalka soo gala wali qaadka oo ka yimaada dalka Ethiopia waxa jira in meelaha qaar dadka ay isku soo uruuran waana sab abta keeni karta in cudurkan uu faafo.

WHO oo soo saartey digniin la xiriirta Coronavirus

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digeysa in Afrika ay noqon ka rto halka xigta ee xudunta u noqon doonto xanuunka saf-marka ah Covid-19.

Qaaradda ayaa waxaa sare u sii kacaysay tirada dadka uu soo ridnayay fayraskan to ddobaadkii la soo dhaafay, iyadoo laga xaqi ijiyay 17,500 oo kiis iyo 900 oo dhimasha ah.

Xanuunkan ayaa waxaa horay xuddun u noqday waddamo dhawr ah oo uu kow ka ya hay Shiinaha oo ahayd halkii uu ka soo bil owday coronavirus waxaana naftooda ku waayay in ka badan 4,600 oo qof.

Talyaaniga ayaa xigay oo uu fayraskan ku dul habsaday kaasi oo noqday dalka labaad ee ugu dhimashada badan dunida isagoo ay ku dhinteen dad ka badan labaan kun oo qof.

Ka dibna Spain ayuu fariisimo ka sameys tay waxaana ku dhintay dad kor u dhaafaya 10-kun oo qof.

Mareykanka oo ka mid ah dalalka quwad aha sheegta ayuu aad u halakeeyay, halk aas oo ay ku dhniteen tirada ugu badan ad duunka ee fayraska. 33,500 ayna kor u dha

aftay dhimashada dalkaasi.


Dowlada Federalka oo qorsheyneysa inay dhisto Xarun lagu ururiyo Zakada

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qorsheyneyso inay dhisto xar umo lagu ururiyo zakada si dhaqaale lo ogu helo arrimaha degdegga ah ee soo wa jaha shacabka Soomaaliyeed. Wasiir ku xigenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Md.Cismaan Aadan Dhuubow ayaa ku tilm amay furista xarumaha zakawaadka inay ta hay mid wax loogaga qaban karo dhibaato oyinka dalka ka jira iyo weliba dadka sabool ka ah inay helaan dhaqaale ay ku noola adaan.

Md.Cismaan Aadan Dhuubow Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrim aha Diinta Xukuumadda Soomaaliya waxa uu tilmaamay in dhismaha Xaruntaas ay ku howlan yihiin si waxqabad wanaagsan Bu lshada ugu noqoto.

"Abaarta, Fatahaadaha, Musiibooyinka iyo Cudurada faafa ayaa wax looga qaban karaa dhaqaalaha ku dhaca Xarunta Saka waadka marka la soo idleeyo howlaha lagu dhidbayo.”ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Owq aafta iyo arrimaha diinta.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Dii nta Xukuumadda Soomaaliya waxa ay she egtay in waxyaabo badan ay isbadal ku sa meyn doonto, iyada oo sanadkii hore tartan ay gelisay Shirkadaha Xujeyda qaada, sidoo kale isla sanadkaan ayay soo bandhigtay.

Hase yeeshee ururka Alshabaab ayaa ka qaada lacago zakawaad ah ganacsato badan oo ku kala nool deegaano kala duwan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Shiina ha oo u jawaabey Madaxweyne Trump

China ayaa Shalay beenisay eedeymaha dalalka Reer Galbeedka ee ah inay qarisay xaddiga faafitaanka cudurka Coronavirus, waxayna sidoo kale ku gacan seertay tuh unada Mareykanka ee ah inay xiriir hoose la leedahay ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibe dda Shiinaha Zhao Lijian ayaa qiray in sida dhaqsaha leh ee uu ku faafayey fayruska ay keentay in la shaaciyo tiro ka yar tan saxda ah, taasi oo dhalisay in Shalay ay China sa re u qaaday tirada dadka ku dhintauy cudurka. Hase yeeshee Zhao ayaa yiri "ma rnaba ma jirin wax qarin, mana ogolaan do ono in wax la qariyo.”

Tuhunada ku saabsan in China ay xiriir dhow la leedahay Ururka Caafimaadka Add uunka ee WHO ayaa ah "kuwa loogu gefayo” Beijing, ayuu yiri Zhao.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Tru mp ayaa su’aal ka keenay sida China ay ula tacaashay faafitaanka cudurka, iyo inay da ah-furneyd tan iyo markii cudurka uu kasoo shaac-baxay magaalada Wuhan, sanadii tegtay.

Xoghayaha arrimaha dibedda Britain Do minic Raab iyo madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron, ayaa sidoo kale Khamiistii shaki geliyey jawaabta China ee fayruska.

Tuhunadan ayaa mar kale soo shaac baxay Shalay kadib markii mas’uuliyiinta magaa lada Wuhan, oo aheyd xudunta cudurka ee dalka China, ay tirada dhimashada sare u qaadeen 50% ama 1,290, oo ay gaarsiiyeen 3,869 qof, taasi oo tirade guud ee dalka ka dhigtay 4,63

Gabadhii uu Mohamed Bin Salman afduu btay oo codsi ka soo dirtay halka lagu hayo

Amiirad u dhalatay dalka Sacuudiga, oo u afduuban dhaxal-suge Mohamed bin Salm an ayaa ka codsatay isaga iyo boqor Sal man in laga sii daayo xabsiga, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka Anadolu Agency.

Koox ka kooban sideed rag ah, ayaa 28-kii Febraayo 2019 yimid guriga Amiirad Bas mah Bint Saud Bin Abdulaziz ee magaalada Jeddah, xilli ay ayada iyo qoyskeeda isku diyaarinayeen inay arrimo caafimaad ugu safraan dalka Switzerland, halkaasi oo ay ka afduubteen.

"Waxaan ka codsanayaa adeerkey Boqor Salmaan iyo ina-adeerkey Mohamed Bin Sal man inay isii daayaan, maadaama aan sam eyn wax qalad ah,” ayey Basmah ku tiri qo raal ay soo dhigtay twitter.

Basmah ayaa sheegtay in si cadaalad darro ah loogu hayo xabsiga Al-Hair, ayada oo aan lagu soo oogin "wax dacwo damb iyeed ama eedeymo kale ah.”

"Waxaa nala afduubtay aniga iyo gabadh eyda sabab la’aan, waxaana nalagu tuuray xabsi,” ayey tiri Amiirad Basmah Bint Saud Bin Abdulaziz.

Amiiradda oo 55 jir ah ayaa sheegtay in xaaladdeeda caafimaad ay sii xumaaneyso, taasi oo u horseedi karta dhimasho. "Xaaladdeyda caafimaad iminka aad ayey u liidataa,” ayey tiri Basmah.

Basmah ayaa sheegtay in qoraal ay u dir tay Maxkamadda Boqortooyada aan laga soo jawaabin.

Qoraalka ay soo dhigtay twitter ayey ku tag gareysay siyaasiyiin uu ku jiro madaxwe ynaha Mareykanka Donald Trump, iyo ur urada xuquuqda aadanaha ee Amnesty Int ernational iyo Human Rights Watch. Sanadii 2016, Amiirad Basmah ayaa kusoo laabatay Sacuudiga kadib markii Amiir Muhammad Bin Nayef, oo xilligaas ahaa dhaxal-sugaha uu damaanad qaaday, si ay dalka ugu soo laabato.

Amiiradda ayaa dalbaneysay in boqor Salman uu soo celiyo dhul uu lahaa aabah eed Saud Bin Abdulaziz oo ku yaalla magaa lada Taif, iyo 2 bilyan oo dollar oo taalla ako ono ku yaalla bankiyada Switzerland.

Ilo-wareedyo ku dhow Bin Nayef ayaa sheegay in Amiirad Basmah lagu hayn do ono xabsiga illaa ay ka tanaasusho sheega shada hantida aabaheed.

Waa haweeneyda kaliya ee ku jirta xab siga Al-Hair, ee sida weyn loo ilaaliyo amni giisa. Xigasho:-caasimadda.net

Shiinaha oo dhaqaatiir u soo direy Itoobiya

Kooxda dhakhaatiirta caafimaadka dalka Shiinaha ka socota waxay soo gaareen mag aalada Addis Ababa.

Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay dal ka Shiinaha ayaa sheegtay dhakhaatiirta in ey ka yimaaddeen Sichuan si ay taageera caafimaad ay u siiyaan dalka Itoobiya ee la daalaa dhacaya Coronavirus.

Kooxda dhakhaatiirta uu Shiinaha u soo diray dalka Itoobiya ayaa noqonaya qaybihi ugu horreeyey ee Afrika soo gaara, wuxuu Shiinaha dhakhaatiir la mid ah uu u diray dalka Brurkinafaso tani iyo marka uu cud urka ka dillaacay qaaradda Afrika.

"Taageerada waa mid muujineyso midnima da iyo aragtida guud ee ah in la dhiso bulsho bani-aadaminimada ku mideysan sida uu horay u sheegay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping in Itoobiya iyo Shiinaha iskaashi is tiraatiijiyad ku dhisan uu ka dhaxeeyo” ayaa lagu sheegay warmurtiyeed ka soo baxday dalka Shiinaha.

Koxda dhakhaatiirta oo ka kooban 12 oo lagu sheegay kooxdi ugu horreysay waxay tababarro iyo talooyin siin doonaan xirfad layaasha caafimaadka ee dalka Itoobiya ee ku howlan xakameynta iyo la dagaallanka Covid-19.



MAXKAMADDA G/BANAADIR OO AMARTAY IN XABSIGA LAGU SII HAAYO WARIYE C/CASIIS GURBIYE

Wariye C/casiis Axmed Gurbiye oo muddo saddex cisho ah u xi ran dowladda Soomaaliya ayaa Maxkamadda Gobol ka Banaadir ay amartay in si KMG ah xabsiga loogu sii haayo

Warqad ka soo baxday Garsooraha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ahaa amar xabsi ku sii heyn ah ayaa waxaa Taliyaha Xabsiga Dhexe lagu wargeliyay inuu xabsiga ku sii haayo Wariyaha.

Dad kala duwan ayaa si weyn u cambaareeyay xariga Wariye C/casiis Gurbiye, waxaana ay ka dalbadeen dowladda Federaalka in wariyaha ay xoriyaddiisa dib ugu soo celiyaan.

XIGASHO:JOWHAR.COM

Galmudug oo rugsadii Waxbarasho kala laabatey Iskuul

Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta sare ee dowlad Gobo leedka Galmudug waxa ay ruqsadii dugsinimo waxaa ay kala noq otay dugsiga Ablaal xarumihiisa Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Qoraal kasoo baxey Wasaaradda ayaa waxaa sababta lagu sheeg ay inay la xiriirto in uu jebiyey Iskuulka awaamiirta madaxda dowlad goboleedka iyo wasaaradda waxbarashada ee ka hortaga faafitaan ka cudurka COVID-19.

Ugu dambeyn wasaaradda waxa ay digniin u dirtay dugsiyada ka le in aysan jabin awaamiirta wasaaradda ee ka hortagga cudurka COVID-19

HIR-SHABEELLE OO HAL SABAB GAROOMADE EDA UGU MAMNUUCDAY DUULLIMAADYADA QAAR

Warqad kasoo baxday xaafiiska madaxweynaha maamulkaHir-Shabeelle Maaxmed Cabdi Waare ayaa lagu dalbaday in la joojiyo duullimaadyada tayidka ah ee ka dega magaalooyinka uu ka arimiyo maamulka Hir-Shabeelle.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in aan in duullimaad gaar ah oo aan fasax heysan uusan kasoo degi karin garoomada deegaannada Hir-Shabeelle, waxaana sababta lagu tilmaamay in amarkani la xariiro xaaladda deg dega ah ee dalku galay.

"Anaga oo tix gelinayna xaaladda caafimaad ee deg dega ah ee wadanku ku jiro, gaar ahaan dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, wax aan ha kinay dhamaan duullimaadyada rayidka ah ee soo aada Hir-Shabeelle, sidaas darteed waxaan idinka codsaneynaa in aad naga tala gelisaan duullimaadyada oo soo dalbada codsi gaar ah”ayaa la gu yiri qoraalka kasoo baxay xaafiiska Madaxweynaha Hir-Shabe elle Waare.

Sidoo kale warqadan ayaa lagu cadeeyay in Hir-Shabeelle aysan ogolaan doonin duullimaad rayid ah oo aan fasax ka heysan in uu mar dambe kasoo dego garoomada maamulkan, waxaana la fasax ay oo sidoodii duullimaadyada u sii wadan kara, diyaaradaha sida gurmadka iyo samafalka ee UN-ka iyo AMISOM.

"Ma ogolaan doono duullimaad aan heysan fasax gaar ah, ee ay wada gaareen wasaaradda iyo dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, duullimaadyada gurmadka iyo samafalka ee UN-ka iyo AMISOM, waxay ku soconayaan sidii hore ay u qorsheysteen”ayaa sidoo kale lagu yiri go’aankan kasoo baxay Hir-Shabeelle.

 

 

Xildhibaan ka mid ahaa Golaha Shacabka oo Muqdisho ku geeriyooday

Xildhibaan Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya) oo ka mid ah Xildhiba anada Golaha Shacabka ayaa goor dhow ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla M/Muqdisho sida ay xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan G/Shac abka.

Xildhibaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku jiray Isbitaallo kala duwan oo ku yaala M/Muqdisho. Waxaa ku kacday Sokorta waxaa na la dhigay Isbitaalka Digfeer oo ugu dambeyntii markii la xiray loo badalay Isbitaalka Yardiimi.

Aadan ayaa ahaa Xoghayaha Guddiga Maaliyadda ee G/Shacab ka. Waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaanada laga soo doorto degaana da maamulka Hirshabeelle




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip