HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 14-4-2020

0
Tuesday April 14, 2020 - 10:38:20 in Wararka by
  • Visits: 332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 14-4-2020

    Kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya oo gaaray 60 D/F/Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 35 xaaladood oo COVID-19 ah 24kii sa ac ee ugu dambeysay. Xaaladaha cusub 32 ka mid ah waxay ku suganyihiin M/Muqdisho, 2 waxaa laga diiwaan geliy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya oo gaaray 60 D/F/Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 35 xaaladood oo COVID-19 ah 24kii sa ac ee ugu dambeysay. Xaaladaha cusub 32 ka mid ah waxay ku suganyihiin M/Muqdisho, 2 waxaa laga diiwaan geliyay Hageysa, Booram ana waxaa laga helay qofkii ugu horreeyay. Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bul shada XFS,Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxi nta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in Xaala daha Shalay soo kordhay ay tir ada guud ee dadka laga diiwa an geliyay ka dhigayaan 60 xaa ladood. 52 kamid ah bukaannada xaaladdooda caafi maad aad ayey u wanaagsan tahay waxa ayna ku karantiilan guryahooda, 3 kamid ah waxaa lagu baxnaaninayaa Isbitaal De-Martini, iyada oo qofka kale uu ku jiro xarun caafimaad oo ku taalla Xalane. Marwo Fowsiya waxay ugu baaqday dadka inay guryahooda joogaan hadii aysan jirin arrI mo muhiim u ah nolosha, dadkuna kala fogaa daan ugu yaraan 2mitir, taxadar gaar ahna la siiyo dadka da'da ah iyo dadka qabad cudu rada daba dheeraada.
Somaliland oo ku dhawaaqday joojinta in salaadaha lagu tukado masaajidda
Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqday in muddo 4 toddobaad ah la joojin doono in salaadaha la gu tukado masaajidda, iyadoo dadweynaha la faray in ay gu ryahooda ku tukadaan. Sidoo kale, goobaha waxbar ashada ayaa xidhnaan do na 4 toddobaad oo kale, xanuunka Coronavirus awgii.

Dadka ajaanibta ah ee bilaa sharci ku jooga dalka ayaa loo qabtay in ay dalka kaga baxaan 5 maalmood. Somaliland ayaa xaqiijisay Kiis as cusub oo ku saabsan Corona Virus.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa she egay in ka dib markii baaritaano lagu sameey ay dad horay looga shakiyay 3 ruux oo ka mid ah laga helay Corona Virus.

Kiisaska guud ee laga helay Somaliland ay aa noqonaya 5 ruux, waxaana horay Somalil and ay u sheegtay in 2 kiis oo cusub laga hel ay Corona Virus ah.

Deni oo maamul cusub u magacaabay gobolka Nugaal

Madaxweynaha Puntland Saciid C/Deni ay aa Shalay maamul cusub u magacaabay G/Nugaal, kadib geeridii guddoomiyihii hore ee gobolka oo uu isku qarxiyey ruux naftiisa hal ige ahaa.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxwey ne Deni ayaa guddoomiyaha G/Nugaal lagu magacaabay Cawil Axmed Jabuuti, halka ku xi geenkiisa 1aad loo magacaabay Qaasim Maxa med Cabdi.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka 2aad ee G/Nugaal ayaa loo magacaabay Xuseen Xaaji Cabdulle, sida ku xusan warqadda ka soo ba xday xafiiska madaxtooyada.

Allaha u naxariistee guddoomiyihii G/ Nug aal Cabdisalaan Xasan Xirsi ‘Gu’jir’ ayaa 29-kii bishii hore ee Maarso lagu dilay qarax is-miidaamin ahaa oo uu fuliyey ruux naftiisa hal ige ahaa, waxaana weli la heyn wax natiijo ah oo kasoo baxay baaritan uu maamulku sheeg ay in lagu sameynayo ciddii fududeysay dilka gudoomiye Gu’jir.

Hoos ka akhriso dikreetan oo goor dhaw kasoo baxday madaxtooyada Puntland.

Garoowe : 13 April 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mdane Siciid C/hi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr.30 April 13,2020 ku magacaabay G/G/Nugaal iyo Ku-xigeenadiisa.

Madaxweynaha D/Puntlan dMarkuu arkay: Dastuurka D/Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelin ta Maamul ee Gobolka Nugaal.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.Wuxuu xeeri yey:

1.Waxaa Cawil Axmed Maxamed loo magacaa bay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

2.Waxaa Qaasim Maxamed Cabdi loo magaca abay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobo lka Nugaal

3. Waxaa Xuseen Xaaji Cabdulle Maxamed loo magacaabay Gud/ku-xigeenka 2aad ee G/ Nugaal.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa mar kuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

M/Qardho oo Shalay lagu gubay Qaakii ugu badnaa.

Qaadka aad u badan ayaa Shalay lagu gu bay fagaare ku yaalla duleedka M/ Qardho ee G/Bari, kaas oo si dhuumaaleysi ah lagu soo geliyey magaalada, sida ay sheegeen saraakii sha ciidamada Puntland ee D/Qardho.

Halka lagu gubay qaadkan waxaa goobjoog ahaa G/degmada Qardho iyo saraakiil ka tirs an laamaha ammaanka Puntland ee ka howlg ala halkaas.

Mas’uuliyinta ku sugneyd goobtaas oo warb aahinta la hadlay ayaa si weyn ugu digay gana csatada qaadka soo geliya M/Qardho, waxay na kula dardaarmeen inaan qaad dambe khar ash la iska gelin, maadaama aan laga ogoleyn deegaanada maamulka Puntland.

Puntland ayaa horay amarro uga soo saartay maandooriyaha uu qaadku ku jiro in aan lasoo gelin karin deegaanadeeda, waxaana la amray in ciidamada ammaanku ay xiraan xuduudaha ay Puntland la wadaagto dowlad deeganka So omaali Galbeed iyo Somaliland, in kastoo go’a ankaasi uusan weli dhaqan gelin, sida ay shee geen mas’uuliyiin ka tirsan Punland.

Dhanka kale maalmihii la soo dhaafay inta badan magaalooyinka Puntland waxaa lagu gubay qaad la sheegay in si dhuumaaleysi ah lagu soo geliyey magaalooyinkaas oo ay ka mid yihiin Boosaaso, Garowe, Qardho iyo ku wo kale.

Wararkii ugu dambeeyay DAGAALKII xoog ganaa ee Shalay ka dhacay Boorama

Faah-faahino kooban ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo Shalay bariga M/Boorama ee G/Awdal ku dhexmaray 2reerood oo ku mura nsanaa dhul. Dagaalkan oo ka dhashay muran dhul-beereed ah ayaa waxa uu Shalay waabari gii ka bilowday deegaanka Buuraleyda ee Sha ylaha iyo Gumarta Boorama, oo Magaalada ka ga beegan dhinac bariga.

Dagaalkan oo ka dhex qarxay Reer Nuur iyo Jibriil Yoonis, ayaa socday muddo saacado ah, kaasi oo 2da dhinac ay is-weydaarasanayeen hub culus oo kala duwan, sida ay ilo deegaan ka ah u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Sidoo kale waxa lagu waramayaa inuu dha awac soo kala gaadhay 2da dhinac, inkasta oo ilaa hadda si rasmiya loo xaqiijin karin inay jirto dhimasho ka dhalatay rasaastaasi iyo hubkii kale ee la isku ridayay saacadaha badan.

Ciidamada Militeriga Somaliland ee ku sug an Boorama, ayaa iyaguna qeyb ka noqday da gaalkaasi, iyada oo saacado badan ay ku qa adatay soo afjarida xiisadaasi dagaal ee Shalay ka qaraxday bariga magaalada Boor ama.

Xukuumada Somaliland iyo maamulka gobol ka Awdal ayaa wax war ah kasoo saarin daga alkaasi Shalay aragagaxa badan ku abuurey bulshada ku dhaqan Boorama ee ka qarxay bariga magaalada.xigasho:caasimadda.net

Deni oo ka digay in ciidanka Xoogga dalka loo adeegsado dano siyaasadeed

Madaxweynaha DGP/L, Siciid C/hi (Deni) oo Habeen hore warbaahinta ugu warramay M/Garoowe ee xarunta maamulkaasi ayaa ka hadlay arr imo ku aaddan dhismaha cii damada Xoogga dalka.

Deni ayaa marka hore ka digay in la siy

aasadeeyo dib u dhiska ciidama

da qalabka sida Soomaaliya, iya

doo loo adeegsanayo da no gaar ah ama kuwa kooxeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in looga baah an yahay CQS ee Soomaaliyeed inay la yimaa daan hanaan shacabka Soomaaliyeed u qal ma, sida uu hadalka u dhigay.

"Waan ka digeynaa in ciidamadda qaranka la siyaasadeeyo, la qabiileeyo, la kooxeeyo, da no gaar ah lagu fushado, waan u rajeyneynaa saraakiisha hogaamisa ciidamadu inay sifada as ku sifoobaan, oo a ku yimaadaan hanaan shacabka Soomaaliyeed u qalma” ayuu yiri Md. Siciid Deni.

Ugu dambeyn wuxuu qiray in ciidamadu ay ku soo shaqeeyeen daruufu adag, islamarkaa na ay soo muujiyeen dhabar adeeg mudan in lagu xormeeyo, laguna taageero.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Dorraad ay ku beegneyd 60-sanad guuradii ka soo war eegtay aas-aaska ciidamada Xoogga dalka oo ka kooban ciidanka Dhulka, ciidanka Cirka iyo ciidanka Badda, walow aan la xusin maalinta an, sababo la xariira Coronavirus.

Dowladda oo shaacisey Goobo uusan saameyn doonin Bandowga

DFS ayaa Habeen hore ku dhawaaqdey in laga bil aabo 15 Bishan April M/Muqdisho xilliyada hab eenkii la gelinayo Bandow ka bilaabanaya 8:00 Fiidnimo, kuna eg 05:00 Subaxnimo, hayee shee aan saameyn doonin Goobaha qaar.

Taliyaha CBS,Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) ayaa sheegay in si loo yareeyo faafida Cudurka Coronavirus ay talaabadaasi u qaade en balse uusan saameyn doonin dukaamada cunnada qalalan laga iibsado iyo xarumaha caafimaadka sida farmashiyayaasha iyo isbi taallada.

Dadka Muqdisho ku nool ayuu ugu baaqey Taliye Xijaar inay uhoggaansamaan Amarka ka soo baxey waxaa uu sidoo kale Ciidamada ugu baaqey inay si wanaagsan ula dhaqmaan Shacabka, kuwooda ugu liitana ay u fududeey aan sidii ay u gaari lahaayeen halka ay doo nayaan. Dadka kunool M/Muqdisho weli kama hadlin sida ay u arkaan Bandowga xilliyada Ha beenkii ah ay DFS ku soo rogtey Muqdisho

Erdogan oo diiday is-casilaadda wasiir kiisa arrimaha gudaha

Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erd ogan ayaa diiday inuu aqbalo is-casilaadda wa siirkiisa arrimaha gudaha oo ka dhalatay xani baad deg deg ah oo dalka lagu soo rogay taasi oo hogaamisay in dadku ku cararaan dukaamada ayagoo argagaxsan. Wasiir Suleym an Soylu ayaa la kulmay cam baareyn xooggan ka dib ma rkii bandow 48 saac ah oo looga hortagayo faa fitaanka cudurka Coronavirus lagu dhoawaaq ay Jimcihii, ayada oo shacabka la siiyey kaliya ogeysiis laba saac ah.

Go’aankaas ayaa kumanaan qof ku qasbay inay ku cararaan suuqyada, taasi oo jebisay xeerkii kala fogaanshaha bulshada. Waddooy inka magaalooyinka Istanbul iyo Ankara ayaa sidoo kale buuxsamay ayadoo la arkayey safaf dhaadheer oo loo galay dukaamada cuntada, bankiyada iyo goobo kale.

Isaga oo ka jawaabaya jahwareerka arrant an ka dhashay, ayaa Soylu waxa uu sheegay in go’aanka lagu joojiyey dhaq-dhaqaaqa dad ka uu "amray” madaxweynaha. Hase yeeshee, wasiirkan arrimaha gudaha ee awoodda badan islamarkaana 50 jirka ah ayaa Axaddii aqbalay "mas’uuliyadda buuxda ee fulinta amarkan” ta asi oo uu sheegay in si daacad ah loo fuliyey.

Si kastaba, Erodgan ayaa diiday inuu aqbalo is-casilaadda Soylu. "Wuxuu sii wadi doonaa howlihiisa,” ayuu yiri.

Dalka Turkiga ayaa waxaa laga xaiqijiyey 57, 000 kiis oo COVID-19 ah, ayada oo ay u dhint een 1,200 oo qof, sida ay sheegtay wasaarad da caafimaadka.

Saddex ka mida Madaxda Maamul Gobolee dyada oo is karantiilay

2ka mida Madaxweyne-yaasha Maamul Go boleedyada iyo Gudoomiye Baarlamaan ayaa go’aansaday inay is karantiilaan, ka dib markii ayisaga shakiyeen xanuun ka Coronavirus. Madaxwey naha Maamulka Hirshab elle,Maxamed Cabdi Waa re ayaa xaqiijiyay inuu is ta rantiilay 7badkii ugu damb eeyay, si uu u taxadaro, tusaalana ugu noqdo dadkiisa.

Madaxweyne waare ayaa qoraal uu dadka kula wadaagay bartiisa Twitter-ka waxaa uu ku sheegay in is karantiilkan uu sii wadi doono, sida ay inta badan dadku sameeyan.

"Waxaan doortay inaan is-karantiilo 7aadkii ugu dambeeyay, taxadar iyo inaan tusaale u noqdo dadkeyga. Waana sii wadi doonnaa si da dadka badankiiba ay sameeyan.” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Tallaabada uu isu karantiilay Madaxweyna ha ayaa waxay ka dambeysay, ka dib markii barta mihii bishii hore ee March ay safar wada gale en Wasiiru Dowlihii Cadaaladda Hirshabelle, Khaliif Muumin Tooxow oo Axadii Magaalada Muqdisho ugu geeriyooday Coronavirus. Mada xweynaha ayaana dareemay calaamado muu jinaya fayriska Corona.

Sidoo kale Cabdicasiis Xasan Maxamed (La fta-gareen), oo ah madaxweynaha Maamulka KG, ayaa isu karantiilay hoyga uu ka degan ya hay Madaxtooyada M/Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada K/Galbeed, Ibraahim Cabdul qaadir Maxamed (Ibraahim Baafo) ku wargeliy ay illaa iyo inta uu xaaladda karantiilka ka soo baxayo, aanu cidina qaabili doonin.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa inoo sheegay in Madaxweynaha uu si gaar ahi isugu karanti ilay qolkiisa hurdada, isla-markaana aysan jirin cid ku booqata.

Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka K/ Galbeed, Cali Saciid Fiqi ayaa isna isu karanti ilay Xarunta Wasaaradda Amniga K/Galbeed, oo dacalka ku haysa Madaxtooyada, ka dib markii uu isu arkay xumad/qandho iyo qufac badan.

Cali Saciid Fiqi oo 1dii bishan loo doortay in uu noqdo G/Baarlamaanka K/Galbeed ayaa 29-kii bishii March uun soo gaaray M/Baydha bo, iyadoo uu ka hor soo maray Magaalooyin ka Addis Ababa, Asmara iyo Muqdisho. 10-kii maalmood ee ugu horeysay uu Baydhabo joo gay, maanu dareemin calaamado uu isaga sha kin karo xanuunkaasi.

Illaa iyo hadda ma cadda in si rasmi ah uu xanuunka Coronavirus ugu dhacay Madaxda K/ Galbeed iyo in kale, waxaase jira warar she egaya in ay tallaabooyinkaasi qaadeen, iyagoo u hoggaansamaya talooyinka waaxda caafima adka.

Dhanka kale Magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho ayaa waxaa ka hawlgala gaadiidka yar yar, oo d2aasi magaalo ka karaabsada. Dadka jidka ku safraya ayaa 2dii 7aad soo bad anayay, ka dib markii si kmg ahi loo joojiyay duulimaadyadii dalka gudahiisa.

Waxaa kaloo jira gaadiid rakaab iyo ganacsi ba ka qaada Doolow Itoobiya iyo Mandhera oo tagga M/Baydhabo. Mararka qaarkoodna wax aa si dhuumaaleysi ah ku taga gaadiidka qaad wada.

Tani waxay suurtagal ka dhigeysaa in xan uunka dunida faraha kulul ku haya uu ku fiday M/Baydhabo G/ Baay.

25 kiis oo Coronavirus ah ayaa dalka laga diiwaangeliyay iyo 2kiis oo dhimasho ah, sida ay xaqiijisay W/Caafimaadka Somaliya.

Qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo Coronavirus ugu dhintay Kenya

M/Nayrobi ee dalka Kenya ayaa waxaa Cud urka halista ah ee Coronavirus ugu geeriyood ay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah kana mid ahaa Ganacsatada Soomaalida ah ee dal kaas. Marxuumka oo ahaa Nin Odey ah ayaa waxaa geeridiisa xaqiijiyay Guddiga Ganacsa tada Soomaalida ee M/Nayrobi, wuxuuna uu maalmihii dambe la xunuusanayay Cudurka uu soo ritay.

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa wax aa uu ka mid ahaa Ganacsatada Soomaalida ah ee ku sugan Kenya, waxaana uu goob Ga nacsi ku lahaa Xaafadda Eastleigh, wuxuuna ka mid noqday dad Cuduka Coronavirus ugu geeriyooday Kenya.

Si kastaba Dalka Kenya ayaa waxaa Cudur ka Coronavirus oo kusii faafaya dalal badan oo ku yaalla Caalamka uu ku dhacay 198 qof, isla markaana waxaa u dhintay 8 qof oo uu ku jiro Wiil 6-sanno jir.

Xildhibaan hore Xuseen Gaagaale "Wasiiru-dowlihii cadaalada Hirshabelle wuxuu u geeriyooday daryeel la’aan caafimaad”

Xildhibaan hore oo kamid ahaa dowladihii dalka soomaray Xuseen Maxamed Gaagaale oo cisbitaalka lajoogay xildhibaan/wasiir Khaliif Muumin Tooxoow oo Dorraad u geeriyooday xa nuunka COVID19, wuxuu xildhibaanku shee gay in cisbitaal Martiini aaysan oolin wax ade eg caafimaad ah.

Xildhibaan Gaagaale ayaa sheegay in wax la yaab leh uu kala kulmay cisbitaalka Martiini iyo shaqaalaha caafimaad ee joogay, wuxuu sheegay in xildhibaan Tooxoow uu lakulmay daryeel la’aan, waxaa uu xaqiijiyay in cisbit aalka uusan haaysan Oxygen iyo daryeel caafi maad.

"Xildhibaan Khaliif Tooxoow waxaa laga kee nay Jowhar ka dibna waxaan geeyay cisbitaal ka Martiini, runtii waxaan aad ula yaabay in shaqaalaha caafimaadku aay ka kala cararaya an bukaanka, waxaa kale oo jiray in cisbitaalka uusan haaysan oxygen, walaalkeeyna wuxuu u geeriyooday hawo-siin la’aan, shaqaalaha ca afimaadku xitaa waay noo diideen inaan cisbit aalo kale geeysano. Waxaa kale meesha kaji ra daawo la’aan iyo dad aan qirbad u lahaayn caafimaadka”. Ayuu yiri xildhibaan Gaagaale.

Xildhibaan hore Xuseen Gaagaale ayaa she egay inaay dibada kasoo iibsadeen daawooyin ka islamarkaana cisbitaalku uusan haaysan wax daawo ah, wuxuu kale oo uu sheegay in habiinkii ugu dambeeyay lawaayay qof yaqaa no hal oxygen oo cisbitaalka yiilay, taasina aay keentay in xildhibaan Khaliif Tooxoow uu u geeriyooday.

Dhanka kale EX. Xildhibaan Ibraahin Xabe eb ayaa ugu baaqay DFS inaay cisbitaalka ma rtiini geeyaan dhaqaatiir qibrad leh iyo agarka hawo-siinta oo muhiim u ah dadka qaba xanu unka COVID19, dhanka kale Xabeeb ayaa she egay in halis weeyn aay kajirto cisbitaalka Mart iini taasi oo ah in bukaanka qaba Caronavirus aay lajoogi karaan dadka islamarkaana lasoo booqan karo, wuxuu sheegay in taasi aay sii faafin karto inuu fido xanuunka.

Xildhibaan Khaliif Muumin Tooxoow oo ahaa wasiiru-dowlihii cadaalada Hirshabelle ayaa maalin ka hor ku geeriyooday cisbitaalka Marti ini ee M/Muqdisho isagoo laxanuunsanaa cud urka Covid19, waxaana geeridiisa kasoo baxa ya warar ku aadan in daryeel la’aan aay sabab u ahaayd.

D/F/S. ayaa dhawaan sheegtay in cisbitaal ka Martiini lagu daweeyn doono dadka qaba Covid19, hasa-ahaatee waxaa dhagaha dadka kucusub in daawo la’aan iyo dhaqaatiir la’aan aay kajirto cisbitaalka. W/Caafimaad ka ilaa ha dda kama hadlin cabashooyinka kasoo yeera ya cisbitaalka. Xigasho:hiiraan.com

Mahad Salaad: Qoorqoor waa Nabadoonkii u horeeyay ee ka soo baxay Akadeemiyada Nabad iyo Nolol

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaannada mucaaradka ayaa soo dhoweeyay dadaalada nabadoonimo ee uu sa meeyay Madaxweynaha Galm udug Axmed Cabdi Kaariye oo ku soo baxay doorashadii muranka badan hareeyay ee DFS garwadeen ka ka aheyd.

Mahad Salaad oo khudbad kaftan aheyd ka jeediyay xafladii xil wareejinta ee ka dhacday Dhuusamareeb ayaa sheegay inuu u qirayo Madaxweyne Axmed Qoorqoor inuu ka dhabe eyay halheyskii ololaha doorashada ee ahaa Waayo Arag wax isku wadi kara.

Waxaa uu sheegay inuu u qirayo in Mr Qoo rqoor uu yahay Nabadoonkii u horreeyay ee ka soo baxa Akadeemiyada Nabad iyo Nolol.

"Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye markii la dhisayay dadka wax ka dhisayay kama aan an mid aheyn, qoladi mucaaradsaneyd baa ka mid aheyn hal heys waxaa u ah kalmad la yira ahdo waayo arag wax isku wadi kara, waxaa is weydiinay waayo arag wax isku wadi kara ma draso Nabad iyo Nolol kama soo bixi karin see wax u jiraan, madarsadaan lagu barto Car iyo wir lagu barto, facaa iska celi lagu barto, an igaa keligii wadani ah lagu barto, ninka ka soo baxa sidee dad isku wadi karaa ayaa dhahnay,Madaxweyne waxaa Xalay ku qireynaa inaa tahay qofkii 1aad ee Nabadoon ah oo ka soo baxa Akadeemiyada Nabad iyo Nolol”ayuu yiri Mahad Salaad.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa ku tilmaa ma falsafada laga bartay dowladda uu hoggaa miyo Madaxweyne Farmaajo 3dii sano ee ay xukunka hayeen mid aan tanaasul laheyn oo kaliya ahaa wax iska celin iyo dagaal siyaasad eed marba aag cusub laga furo.

Xaaf "DFS iyo Beesha Caalamka nama soo dhex-gelin Aniga iyo Qoorqoor”

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Habeen hore xilka Galmudug ku wareejiyay Madaxweyne Qo orqoor ayaa ka hadlay heshiis ka uu la galay Madaxda Cusub ee Maamulkaas.

Xaaf ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin cid dhex-dhexaadisay isaga iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug, isla mar kaana 2da dhinac ay wadahadal yeesheen, sid aasina uu ku yimid heshiiska.

Waxaa uu sheegay Madaxweynihii hore ee Galmudug in isaga oo shuruud ku xirin wadah adalka Qoorqoor uu la heshiisyay, sidoo kale na aysan soo kala dhex gelin DF iyo Beesha Caalamka, isaga oo kaliya go’aan uu ku gaar ay inuu qaado tallaabadaas.

Xaaf ayaa dhawaan shaaciyay inuu u tanaas ulay danta iyo dhismaha Galmudug, isla marka ana uu ka shaqeyn doono dib u heshiisiinta Ga lmudug, uuna la shaqeyn doono maamulka Cu sub. Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Habeen hore si rasmi ah xilka Maamulka Galmudug ugu war eejiyay Madaxweyne Ax.C.K.Qoorqoor oo ku soo baxay Doorasho ka dhacday bilowga sana dkaan M/Dh/mareeb ee Galmudug.

Xildhibaano loo heysto hurinta dagaal beeleed oo dacwad lagu soo oogay

Maxkamadda Ciidamada qalabkasida ayaa dacwad ku soo oogtay Xildhibaano, Guddoom iyihii D/Wankaweyn. iyo Saraakiil ciidan, kuw aasoo lagu eedeeyay inay ka qeyb qaateen hurinta dagaal beeleed ka dhacay D/Wanlawe yn ee G/Sh/ Hoose.Xildhibaanada dacwada la gu soo oogay ayaa ka kala tirsan Maamulada Hirshabeelle iyo K/Galbeed, waxaana lagu ka la magacaabaa Xildhibaan Aadan Cabdi Faar ax Kala Dire iyo Mayow Mustaf Xasan, waxaa na loo heystaa inay ka qeyb qaateen dagaala dii ka dhacay Wanlaweyn.

Waxaa kaloo dacwad lagu soo oogay Gudd oomiyihii D/Wanlaweyn Maxamed Siidow C/ra xmaan, kaasoo shaqada laga joojiyo iyo Xildhi baan hore Maxamed Taraafiko iyo Hoggaami yo Maleeshiyo Cabdi Nuunow Afweyne

Sidoo kale waxaa iyana dambi lagu soo oo gay Abaanduulaha qeybta 7aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo lagu magacaabo Salaad Tifow.

Xeer Ilaaliye kuxigeenka Maxkamadda Ciid amada ayaa ka dalbaday Maamulada K/Galbe ed iyo Hirshabeelle in laga dalbanayo Xildhib aannadaas lagu bilaabo baaritaan, una hogga ansamaan inay hor-yimaadaan Maxkamadda.

Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegtay in baaritaano dheeraad ah lagu sameyn doono Xi ldhibaannada lagu eedeeyay hurinta dagaal beeleedyada.Ciidamo ka tirsan Danab ayaa la kala dhex dhigay dhinacyadii ku dagalamay W/weyn,waxaana G/Maxkamada CQS G/le. Shuute uu amray in nolol iyo geeri lagu soo qa bto male eshiyaadka diidan degenaan shaha ee ka qeyb qaadanaya dagaal beeleedyada. xigasho:-jow har.com

Tiradda dhimashada Cudurka Corona Virus ee Mareykanka oo gaartay 22,106

Mareykanka ayaa hadda ka sarra maray Ta lyaaniga tirada ugu badan ee dhimashada cor onavirus adduunka oo dhan. Xogtii ugu damb eysay, oo ay soo aruuri say jaamacadda Johns Hopkins, waxay muujin eysaa in ka badan 22, 106 oo qof oo ku nool Mareykanka in ay dhint een.

Guul-darrada naxdinta leh ayaa timid waxy ar uun ka dib markii Mareykanku noqday wad dankii ugu horreeyay ee diiwaangeliya in ka badan 2,000 oo dhimasho ah hal maalin gudah eed. Waxaa ay sidoo kale noqoneysaa tiraddii ugu badneyd ee taariikhda hal dal u dhimata Corona Virus ah tan iyo markii dhamaadkii 2019-kii uu kasoo bilowday Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

Tirada guud ee dhimashada Mareykanka gaareysa 22,106, tirada ka bogsatay 41,730, tiradda guud waa 561,103 sidda ay ku waran tay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO).

Adduunka oo dhan, tirada kiisaska ayaa ku dhow 2 milyan, iyadoo tirada soo-kabashada ay ku dhowdahay Nus Milyan

Spain oo shaacisay tirada Guud ee COVID-19 ugu geeriyootay dalkaas Tirada dhimashada laga diiwaangeliyay da lka Spain dadka u dhintay xanuunka coronavi rus ayaa lagu sheegay in ay gaartay 16,972 qof, taasi oo ka dhigan dalkaasi uu qeyb ka no qonayo wadamada sida weyn uu aafeeayay cudurka. Axaddii Dorraad aheyd ayaa la sheeg ay in tirada dadkauu soo ritay cudurka ay gaa rtay619 qof ,waxaana maalinimadii sabtigana aynu soo dhaafnay ,Wasaaraddda Caafimaad ka dalkaasi ay sheegatay in tirada uu soo dad ka uu ku dhacay ay gaarayeen 510 qof, ,bal se wasaaraddu Caafimaadka wadankaasi ay aa tilmaamtay in ay sii yaraaneyso faafitaan ka xanuunka.

Wadarta guud ee dhimashada dalkaasi ay aa lagu sheegay 16,972taasi markeedii hore aheed 16,353 waxaana war ay soo saartay w/ Caafimaad Spain ku sheegtay in guud ahaan kiisaska ay gaareen 166,019 laga soo bilaabo markuu ka dilaacy dalkaasi.

Dhinaca kale dalka Mareykanka ayaa ka sa ra maray dalka Talyaaniga oo ahaa dalka ay ku dhinteen dadkii ugu badnaa marka laga re ebo shiinaha oo markiisii hore uu kasoo bilow day xanuunka, iyadoona wadankaasi mareyk anka dadka u dhintay laga diiwaangeliyay 20, 608 qof u dhintay cudurka coronavirus,sida la ga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins.

Somaliland oo shaacisay Kiisas Cusub oo ah Cudurka Coronavirus

W/Caafimaadka Maamulka Somaliland ayaa Shalay shaacisay in Dad Cusub oo qaba Cudurka halist ah ee Coronavirus laga helay deegaano ka tirsan maamulkoo da,kuwaasi oo la geeyay Xarumo dadka lagu karantiilo.

W/Caafimaadka Somaliland Cumar Cali C/hi ayaa sheegay in Cudurka Cor onavirus laga helay 3ruux oo ku kala sugan Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama.

Waxaa uu sheegay Wasiir Cumar in 2 ruux ay ku sugan yihiin Hargeysa, halka kan kalena uu ku sugan yahay M/Boorama.

Wasiirka ayaa waxaa uu tilmaamay in 3da ruux la geeyay Xarumaha loogu talagalay in da dka lagu karantiilo, isla markaana xaaladooda Caafimaad haatan lala tacaalayo.

Si kastaba Tirada guud ee Somaliland laga helay Cudurka halsita ah ee Coronavirus waa 5 qof

Ciidanka Amniga oo gacanta ku dhigay Rag kufsi ka geystay Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga DFS ku su gan D/Yaaqshiid ee G/Banaadir ayaa waxaa a sheegay inay gacanta ku soo dhigeen 2nin oo Habeen hore degmadaasi ku kufsaday Gabar 18 sano jir ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka D/ Yaaqshi id ayaa sheegay inay hayaan 2da nin oo fal kaas ku eedeysan, balse wararka qaar ayaa sheegaya in raga gabadha Kufsaday ay gaara yaan ilaa 4 nin, isla markaana ay Afduubteen ka hor inta aysan Kufsan.

Waa Kufsigii 7-aad oo muddo bil ka dhaca Soomaaliya, waxayna ka kala dhaceen Magaal ooyinka Muqdisho, Afgooye, Janaale, Warshe ekh iyo Balanbal. Ilaa hadda ma jirto hal qof oo sharciga loo horkeenay dambiyadaas, hayeeshee laamaha amaanka ayaa sheegay inay falalka qaar u haayaan eedeysanayaal.

XIGASHO:RADODALSAN.COM

Muwaadin Soomaali ah oo Shalay lagu dilay Gudaha Koonfur Afrika

Koox hubeysan oo Burcad K/Afrikaan ah ay aa Shalay deegaan ka tirsan dalkaas waxaa ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadka halkaas kunool.

Muwaadinka Soomaaliga ah ee la dilay ayaa dad yaqaanay wax aa ay magaciisa kusoo gaabiy een Xasan, waxaana dilkiisa uu sigaar ah uga dhacay deegaanka Nelspruit ee Gobolka Mpumalanga ee Koonfur Afrika.

Kooxda burcadda ah ee dilka fulisay ayaa isaga baxsatay goobta, waxaana durbo hal kaas gaaray Muwaadiniin Soomaaliyeed oo meydka marxuumka ka qaaday goobta.

Soomaalida ku nool deegaanka Nelspruit ee G/Mpumalanga ee waxa ay sheegeen in Xasan uu ahaa shaqsi kaxeeyn jiray mid kamid ah gaadiidka alaabta lagu wareejiyo ee loo yaqaano delliveriga.

Bangiga adduunka oo sheegay inuu cagta saaray dhabbihii 30 sano kadib lagusoo cel in lahaa xidhiidkii Soomaaliya

Golaha Fulinta ee Bangiga Adduunka ayaa Shalay u dhaqaaqay sidii caadi looga dhigilahaa xiriirkii ay la lahaayeen D/F/Soomaaliya (FGS) 30sano ka dib. Tani waxay fursad u siin eysaa Soomaaliya inay ka hesho maalgalin lac ageed oo laga helo Ururka Horumarinta Caal amiga ah ee Bankiga Adduunka (IDA) iyo inay si dhow ula shaqeyso dhammaan kooxda Ban kiga Adduunka si loo soo jiito maalgashiga tag eeraya xasilloo nida iyo horum arka dalka Soo maaliya.

Axelvan Trot senbu rg, Mada xa Maareyn ta Bangiga Adduunka ee Howlgallada ayaa yidhi, "Talaa badani waa natiijada sanado badan oo ah wa dashaqeyn dhow oo aan la leennahay DFS, waxaan hadda sugeynaa inaan xiriirkaya ga u gaarno heerka xiga oo aan ka helno tag eero qoto dheer iyo mid ballaaran oo dhinaca farsamada ah iyo taageero farsamo oo laga helo guud ahaan Bangiga."

"Soomaaliya waxay sameysay dib-u-habayn muhiim ah waxayna muujisay go'aan adag oo ku aadan sii wadista wadadan,” ayuu yiri Hafez Ghanem, Madaxweyne ku xigeenka Afrika, Bangiga Adduunka.

Bangiga adduunku wuxuu sheegay, isbada lladaan inay aasaas u yihiin yareynta joogtada ah ee dhimista saboolnimada iyo nolol wanaag san oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed, waxayna albaab u fureysaa maalgashiga gan acsiga gaarka loo leeyahay oo abuuri kara shaqooyin hormarinaya dhaqaalaha.

Dib-u-habeynta Soomaaliya ayaa sii waday sa xoojinta awoodda dowladda ee ah in ay sii so adeegyo aad loogu baahan yahay xagga caafimaadka iyo waxbarashada dadka Sooma aliyeed, iyo in la dhiso qaab dhismeedka gan acsiga gaarka loo leeyahay ee abuuri kara sha qooyin gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyed.

DFS ayaa fududeysey wada-tashiyada ku saa bsan Qorshaha Horumarinta Qaranka, iyadoo ka warbixineysa mudnaanaha dalka si maalg ashi looga sameyn karo meelaha ugu daran.

"Shalay waxay calaamad u tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dib-ula-hawlgalka buuxa ee Kooxda Bangiga Adduunka ee Soom aaliya,” ayuu yiri H.E.M. C / raxmaan Ducaale Beileh, Wasiirka Maaliyadda ee JFS oo ku dar ay hadaliisa,” Waxaan uga mahadnaqaynaa Bangiga taageeradii ay horay u siisay inay ka caawiyaan dalka inuu gaaro halkaan waxaan an rajeyneynaa inaan qorsheynno waji cusub oo maalgashi ah si aan u gaarsiino himilooyin ka dhimista saboolnimada ee Qorshaha Horu marinta Qaranka.”

Go'aanka Shalay ay gaareen Golaha Bang iga Aduunka ee kooxda Fulinta ayaa dhigaya asaaska Soomaaliya inay marin u hesho maal galinta loogu talagalay mashaariicda dawladda dhexe iyo tan dawlad-goboleedyada ee hoos imanaya Ururka Horumarinta Caalamiga (IDA).

XIGASHO:HIIRAAN.COM

Madaxweyne Waare oo amray Dhaqan galinta Awaamiirta maamulka Hirshabeelle

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay Saa meynta cudurka Covid 19. Waxaa uu sidoo ka le shee gay in uu iskaranti ilay laak iin uusan he yn wax cudur ah.

Wuxuuna bulshada So omaaliyeed gaar aha an Bulshada Hirshabelle ugu baaqay in ay qaa taan Talooyinka bahda caafimaadka.

Hay’adaha ammaanka Waxaa uu faray Dha qan galinta Awaamiirta maamulka Hirshabelle ee ka hortaga Cudurkani, wuxuuna sidoo kale amar uu ka soo saaray jaadka lagu iibiyo Hir shabelle ka yimaada xuduuda Dalka Itoobiya.

Wasiir dowle ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa ka mid noqday dadkii ugu horreeyay ee Cudurka Corona Virus ugu dhintay Soomaal iya Waxaa uu xusay in ay dejiyeen Qorshayaal loogu tala galay sidii looga hortagi lahaa Cudurka Corona Virus.

Madasha Xisbiyada oo War kasoo saartay xaaladda dalka ee COVID-19

Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh. Shar iif Sh Axmed ayaa War Cusub kasoo saartay xaaladda Cudurka Coronavirus oo kiisas dho wr ah laga helay Magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa waxaa lagu sheegay in looga baahan yahay in wax kasto la isugu geeyo la tacaalida iyo ka hortega faafida Cudurka Coronavirus oo sameeyay aduunka oo dhan.

Madasha Xisbiyada ayaa D/F/Soomaaliya kula talisay inay ka howlgasho sidii loo keeni lahaa guud ahaan dalka Agabka Caafimaad ee loogu talagalay la dagaalanka COVID-19, isla marka ana arrintaas ay iskaashi ka sameeyaan Dowl adda iyo Maamul Goboleedyada loona shaqe yo si wadajir ah.

Si kastaba Qoraalka Madasha ayaa waxaa ku soo beegmayaa, iyadoo xalay Wasaa aradda Caafimaadka shaacisay in tirada dadka laga helay Cudurka Soomaaliya ay gaartay 60 Ruux oo 32 kamid ah ay ku sugan yihi in M/Muqdisho.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo ba xay Madasha Xisbi yada Qaran.

Maamul Cusub oo loo Magacaabay Degm ada Guriceel (Wareegto)

Madaxweynaha D/G/ Gal mudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Maamul Cusub u Magacaabay D/Guriceel ee G/Galgaduud.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxwey ne Qoorqoor ayaa waxaa Guddoomiy aha Cus ub ee Guriceel loogu magicaabay Faarax Ca bdi Macalin, halka C/Shakuur Axmed Faarax laga dhigay Guddoomiye ku-xigeenka Arrima ha siyaasadda iyo amniga.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa Cabdirisaaq C/llaahi Faarax u magacaabay in uu nqodo Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Arrimaha Bulshada degmadaas.

Ugu danbeyntii Qoorqoor ayaa faray dhamm aan hay’adaha kala duwan ee amniga Galmud ug inay la shaqeeyaan Guddoonka Cusub ee Guriceel si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacabista



Coronavirus: 'Xaaskeyga waxay dhima tay ayadoo sameyneyso wixii ay jecleyd’


Xilli xanuunka coronavirus uu saameyn ba'an ku yeeshay dalal badan oo caalamka ka mid ah ayaa waxaa maalamihii lasoo dhaafay lagu baraarugay khtarta ay wajahayaan shaqaalaha caafimaadka ee safka hore uga jira dagaalka ka dhanka ah cudurkan.

Dalal badan ayaa laga soo wariyay in dhakhaatiir badan iyo kalkaaliyeyaal la tacaalayay dad qaba Covid-19 uu xanuunka ku dhacay, kuwaas oo qaar kamid ah ay u dhinteen.

Dhakhaatiirta xanuunkan u dhintay waxaa kamid ah kalkaaliso u dhalatay dalka Indonesia.

Khubarada caafimaadka ee dalkaas ayaa sheegay in shaqaalaha caafimmaadka ee ku dadaalaya wax ka qabashada dadka uu ku dhacay xanuunka ay u baahn yihiin waxyaabo muhiim ah oo ay isaga difaaci karaan xanuunka.

"Haddii aan difaaci weyno iyaga, waa ay dhimanayaan" ayuu yiri Zubairi Djoerban oo ah madaxa guddiga loo xil saaray wax ka qabashada xanuunka corona ee dalka Indonesia.

Haweeney lagu magacaabo Ninuk, oo 37 sano jir ah ayaa qoyskeeda u sheegtay in ay aaminsan tahay in uu haleelay xanuunka, waxyar uun kahor inta aysan Dowladda Indoenesi ku dhawaaqin kiiskii ugu horeeyay.

"Waxaa i haleelay feyraska corona, ma kula tahay in aan ka badbaadi doono? ayay weydiisay seygeeda.

"Waxaan u sheegay in ay isdajiso, waxaa kale oo aan u sheegay in wax walba ay Alle gacantiisa ku jiraan, waxaana isku dayay in aan qalbiga u dejiyo" ayuu yiri Raul oo ah seyga kalkaalisada uu uu ku dhacay xanuunka.

Nasiib darro, Ninuk waxa ay u geeriyootay isla xanuunkaas, iyadoo jiifta sariirta isbitalka oo aanay cidkale wehlinin.

Arul wuxuu sheegay in xaaskiisa aysan xiran jirin qalabka la'iskaga difaaco xanuunka iyadoo weliba ka howl gali jirtay isbitaal ay dowladdu maamumusho oo ay ka shaqeyneeysay 12-kii sano ee la soo dhaafay.

Xaaskeyga waxay igu tiri "waxaan u noolaa inaan dadka daryeelo, waxaana dhintay anigoo sameynaayo wixii an jeclaa."

"Waxaan u sheegay caruurteena in hooyadood ay ahayd halyeey ayna tahay inay ku faanaan'," ayuu yiri.

Shaqaalaha caafimadka ee Indonesia ayaa dowladdooda ugu baaqaya inay siiso qalabka howlwadeennada ay iskaga difaacan cudurka, xilligan oo ay dagaal kula jiraan Coronavirus.

Ugu yaraan boqolkiibo 12 tirada dhiamashada ee sare u socota ee la diiwan geliyay waa dhaqaatiir, mana jirto cid xisaabineysa tirada dhimashada kalkaaliyasha dhimanaya.

Novita Purwanti iyo qaar ka mid ah kalkaaliyayaasha ay isla shaqeyaan oo ka howl gala xarun caafimaad oo dad weynaha loogu talagalay ayaa lacagtooda inta isku dardareen ku soo iibsaday qaar ka mid ah qalabka loo baahanyahay, wayna wada isticmalaan.

"Waan nadiifinnaa qalabka si aan mar kale u isticmaalno, inta aan sugeyno qalabka la'iskaga difaacayo cudurka ee ay ka keeneyso waaxda caafimaadka," sidaas ayey tiri Novita Purwanti.

"Ma iibsan karno cafuufka N95, aad ayuu qaali u yahay, aad ayeyna u adagtahay inaad hesho," ayey tiri Novita.

Waxay ka mid tahay shaqaalaha furinta hore uga jira la dagaallanka cudurka Corona ee la aaminsanyahay inuu dunida ugu faafayo si ba'an.

Novita, oo ah hooyo dhashay labo caruur ah oo ay da'adoodu kala tahay 10 iyo 2 sano jir ayaa hada ka walaacsan aadidda shaqada.

"Aad ayaan u walbahaarsanahay, ma seexan karo, mar walba waxaan taabtaa dadka xanuunsan, ee aan hubin inay cudurka qabaan iyo in kale," ayey tiri.

Xitaa isbitaallada sida gaarka ah loo leeyahay ee ku yalla caasimadda dalkaasi ee Jakarta dhibaatada wey ka jirtaa, oo dhakhaatiirta ayaga ayaa soo ibsanaya qalabkii ay xiran lahayeen sida okiyaalaha iyo dharka la xirto marka ay dhaqaatiirta la tacaalayaan qof cudurka qaba.

"Waxay noqotay inaan soo ibsano maryaha afka lagu xirto , waxaan rajeynaya in dowladda ay na siiso qalbkii aan xiran lahayn si aan dalkeena ugu dagaalano," sidaasi waxaa yiri Ervan Surya, oo ka shaqeeya isbitaal ay gacanta ku hayso dowladda.

Daraasad uu sameyay machad fadhigiisu yahay London oo inta badan wax ka qora cudurada faafa ayaa ku qiyasay in boqolkiiba 2 dadka ku nool wadankaasi Indonesia uu haleelay Corona.

Iyadoo dalkaasi uu ku yaryahay qalabka baaritaanka lagu sameeyo ayaa qaar badan waxay ka cabsi qabaan in tirada dadka uu haleelay cudurka iyo kuwa u dhintayba ay intaa ay masuliyinta shegeen ay ka badantahay oo marka la eego Aasiya, Shinaha uu ku soo xigi karo dalkaasi.

Barasaabka Jakarta Anies Baswedana ayaa dadka u sheegay in eheladooda ay aasaan iyagoo xiran dharka qafilan haddii xitaa aanan laga helin xanuunka.

"Dabcan qaar kamid ah lagama baarin xanuunka, ama qaarkii la baarayna natiijadooda wali lama helin", ayuu yiri barasaabka caasimadda Jakarta.

Sida ay sheegeen dhakhaatiirta carruurta ee dalkaas, carruurta ayaa kamid ah dadka u dhintay xanuunkaas, waxaana Dr Aman oo kamid ah dhakhaatiirtaas uu sheegay in ay ku raadjoogaan macluumaadka la xiriira arrintaas.

Tirada dadka ee dalkaas oo aad u badan ayaa keentay in uu gabaabsi noqdo adeegga caafimmaadka, waxaana kunkii qof ku aadeysa hal sariir, sida ay sheegtay hey'adda caafimmaadka adduunka ee WHO.

Shiinaha iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale la sheegay in ay dhanka tasiilaadka kaga wanaagsan yihiihn.

Sanadkii 2017-kii, hey'adda WHO ayaa sheegtay in afartii dhakhtar ee ee ku nool dalkaas ay ku aadayaan toban kun oo qof.

Toddobaadyo kahor ayay ahayd markii Dowladda Indonesia saraakiil ka tirsan ay dafireen in xanuunka uu si aad ah ugu faafayo dalkaas, waxaana ay sidoo kale aad uga gaabiyeen xakameynta duullimaadyadii ka imanayay Wuhan oo ah halkii uu markii hore ka dillaacay xanuunka.

Wasiirka caafimmaadka ee dalkaas, Terawan Agus Putranto ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay ku doodayay in xitaa hal kiis oo xanuunka ah aanan lagu arkin dalkaas, wuxuuna sababta ku sheegay "Alle bariga".

Hase yeeshee, toddobaadyo ka dib, waxaa isbaddelay xaaladda.

Bishii lasoo dhaafay, madaxweynaha dalkaas, Mr Joko ayaa qiray in dowladiisa aysan ka run sheegin maclumaadka la xiriira faafidda xanuunka, wuxuuna sababta ku sheegay in aysan dooneynin in dadweynaha qalqalaan.

Haatan waxaa ay xireen dhammaan xuduudaha dalkaas uu la wadaago dalalka deriska la ah, waxayna sidoo kale dowlad goboledyada usoo jeediyeen in dhammaan la hakiyo isu socodka dadka, arrintaas oo ay dad badan dalbanayeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip