
AKHRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 31-MARCH-2020
Taliyaha Ciidanka Asluubta: "Cumar Filish wuxuu dhagax dhigay DHUL la boobayo”
Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdraxmaan Aadan ayaa she egay in Guddoomiyaha G/Banaadir Cumar Fi nish uu dhagax dhigay dhul ay leeyihiin ciidam ada Asluubta, oo uu sheegay inay boobayaan dad shacab ah.
Taliyaha oo shir jaraa’id isugu yeeray sax aafadda ayaa sheegay in dhulkii uu Asluubta ku lahaa Magaalooyinka Muqdisho, Afooye iyo Balcad ay ku jiraan halis, islamarkaana qaa rkood la boobay, halka qaar kalana hadda la qorsheenayo in la boobo sida uu hadalka u dhigay. Taliyaha ayaa si gaar ah Guddoo miyaasha Muqdisho iyo Balcad ugu eedeeyey inay dhul ay Asluubta leedahay siinayaan dad shacab ah oo si sharci darro ah ku qaadanayo.
Dhulkii ciidamada Asluubta ee Xabsigii Keyds aney oo hadda isbitaal ahaan ku shaqeeya ayuu sheegay in loo sharciyeeyay dad shacab ah oo uu dhagax dhigay Guddoomiyaha G/Banaadir dhulkii ciidamada Asluubta oo la boobayo.
Wuxuu caddeeyay in dhulka Keydsaney oo Asluubta la siiyey sanadkii 1980-kii si sharci darro ah loo siiyey shirkad lagu magacaabo Dhul iyo Guri oo la rumeysan yahay inay wax ka leeyihiin shakhsiyaad miisaan ku dhex leh Dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Guddoomiy aha Degmada Balcad uu bilaabay inuu Shacab ka u sharciyeeyo dhul horey loogu sharciyeey ey Asluubta oo ku yaalo Magaalada Balcad isla markaasna ay Asluubta heysato sharicigii lahaanshiyaha.
Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidamada Asluu bta ayaa sheegay inuu arrintaan u gudbin doo no madaxda ugu sareeyo dalka isla marka asna iyaga looga fadhiyo inay go’aan ka qaat aan boobka uu sheegay in lagu hayo dhulkii Asluubta laheyd.
Marxuum Gu’jir oo Aas Qaran loogu sameeyay magaalada Garoowe
Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Gobol ka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi Gu’jir, oo Habeen Hore u geeriyooday qarax ismiidaamin ah oo lagula
Eegtay M/Garoowe, ayaa Shalay oo Isniin ah Aas qaran loogu sameeyay duleedka waqooyi ee caasimadda Garoowe.
Aaska Qaran ee Marxuumka ka qeyb-galay Madaxweynaha D/Puntland Siciid C/hi Deni, Guddoomiyaha G/Wakiilada Puntland Cabdir ashiid Yuusuf Jibriil Cawil, G/Ku-Xigeenka 1a ad ee G/Wakiilada Puntland Abuukaate Cabdi casiis C/hi Cismaan, Xildhibaano ka tirsan 2da Aqal ee Soomaaliya oo uu ka midyahay Mada xweynihii hore ee Puntland Senator Cabdirax maan Faroole, Madaxweynihii hore ee Puntl and Abdiweli Maxamed Cali Gaas, Xubnaha Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Degmada, Saraakiisha Laamaha Amniga, Hogaanka Dhaqanka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.
Madaxweynaha D/Puntland Siciid C/hi Deni ayaa Aaska kula kulmay Xubno ka mid ah Qoyskii AHUN Guddoomiye Cabdisalaan Gujir, Kuwaasi oo uu si gaar ah ugu tacsiye eyay.
DF oo ammartay in la xiro goobaha diinta lagu barto
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya ayaa amartay la xiro goobaha ba rashada diinta, dugsiyada iyo mowlacyada, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Coron avirus ee dunida dhibaatada ku haya.
Go’aankan ayaa waxaa lagu gaaray kulan ay Shalay isugu yimaadeen Wasaaradda Awqaa fta iyo Arrimaha Diinta iyo culimada, waxaana dadweynaha lagula taliyay in guryahooda ay ku cibaadaystaan, si looga taxaddaro faafi taanka Coronavirus.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri "Sida aad lawada socotaan waxaa Dunida ha lis badan ku haya caabuqa Coronavirus (Co vid19) oo si xowli ah maalinba ugu faafaya wa ddamo cusub, sidaas datreed, waxaa ay was aaradda soo saartay:
"Laga billaabo maalinta berri oo ah Tala ado 31/03/2020 waxaan si’ rasmi ah u xirnay dugsiyada barashada qur’aanka iyo xarumaha barashada diinta muddo laba todobaad ah, maadaama caruurtu ay yihiin kuwa ugu nugul qaadidda caabuqa covid19.”
Dawladda Soomaalya waxay horey u ama rtay in la xiro iskuullada iyo jaamacadaha, si doo kale waxay dawladdu joojisay duulimaad yadii gudaha iyo dibedda.
Dhinaca kale hay’adda caafimaadka adduu nka xafiiskeeda Soomaaliya ayaa idaacadda VOA Somali u sheegtay in ilaa haatan shayba arka lagu xaqiijiyey saddex kiis oo ah cudurka Coronavirus Soomaaliya.
Madaxda DF oo si kulul u cambaaree yey qarixii Garoowe
Madaxweynaha Soomaaliya, Md.Maxamed C/hi Farmaajo iyo R/w.XFS Xasan Cali Khayre ayaa siyaabo kala duwan uga ha dlay weerarkii is-miidaam inta ee Habeen Hore fiidkii hore ka dha cay gudaha M/Garoowe ee Pun tland. Madaxweyne Farmaajo oo khadka taleefanka kula xariiray, Siciid Deni oo ah madaxweynaha maamulkaa si, ayaa marka hore uga tacsiyeeyey geerida guddoomiyihii G/Nugaal, C/salaan Xasan Xirsi (Gu’jir) oo qaraxaasi lagu dilay.
Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ay aa cafimaad deg-deg ah u rajeeyey shaqsiyaa dka kale ee ay waxyeelada ka soo gaartay we erarkaasi.Dhankiisa R/wasaare Khayre oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka hadlay weerarkaan, wuxuuna sheegay in xu kuumaddiisa ay xanuunka la qeyb-saneyso eh ellada ay dadkooda waxyeeladu soo gaartay.
Khayre ayaa si gaar ah Puntland uga tacsiiy ey geeridii ku timid, marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi Gu’jir, isagoo u rajeeyey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.
Weerarkaan oo uu fuliyey qof naftiisa hallige ah oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab. Garoowe oo saldhig u ah Puntland ayaa waxaa lagu tiriyaan magaalooyinka ugu amniga fiican Soomaaliya, waxaana madaxda maamulkaasi ay wacad ku mareen inay xoojin doonaan amniga, si looga hortago suurta-gal nimada weeraro kale oo ka dhaca halkaasi.
Guddoomiyihii G/Hiiraan oo kasoo hor jeestay xil ka qaadis lagu sameeyey
Guddoomiyihii Maamulka G/Hiiraan Cali Maxamed Carraale ee xilka qaadista lagu sam eeyey ayaa kasoo horjeestaay xilka qaadista as,isaga oo sheegay inay tahay mid Sharci darro ah,isla markaana Madaxweyne Waare uusan xilka ka qaadi karin.
Wareegto kasoo baxdey xafiiska Madax weynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Wa are ayaa waxaa xilka gud doom iyaha G/Hiiraan Habeen Hore lo ogu Magacaabey markii 3aad Cali Jeyte Cismaan.
Gudoomiyihii G/Hiiraan Cali mu xumed Carraale oo shir Jaraa’id ku qabtey Bel edweyne ayaa sheegay in xilka qaadista lagu sameyey ay tahay mid Sharci darro ah,isla ma rkaana isaga uu yahay Guddoomiyaha G/hii raan .
Hadalka Guddoomiyihii G/Hiiraan ee diidma da ku saabsan ayaa waxaa uu khilaaf Cusub ka abuurayaa G/Hiiraan, iyaa oo ay xusid mu dan tahay in xilligii G/G/hiiraan loo Magacaab ey xilka qaadis lagu sameeyey G/yihii G/Hii raan Yuusuf Dabageed uu diidey,waxaana khi laaf xoogan uu Beledweyne ka taagnaa in ka badan Bil,kaasoo ugu dambeyn la xaliyey
Shir deg deg ah oo laga yeeshay Amniga deegaano ka tirsan Puntland
Guddiga amniga G/Karkaar ayaa kulan deg-deg ah ku yeeshay xarunta maamulka Go bolka,kaas oo looga hadlayay dhinaca Amni ga,kadb markii falal Amni darro kusoo kordh eyn deegaano ka tirs an Puntland.
Kulankaan oo uu shir guddomiyay G/ye ku-xigenka 1aad ahna kusimaha G/Gobolka Karkaar Cabdicasiis Yuusuf Caamir, waxaana ka qeyb galay Taliyaha Qaybta Gobolka Cab diqaadir Jaamac Dirir, Duqa D/Qardho Cabdi Siciid Cismaan, Agaasimaha madaxtooyada D/ Qardho Cali Axmed Siciid, Xisaabiyaha wasa arada maaliyada G/Karkaar Yaasin Cabdi Ciise iyo xeer ilaaliyaha Maxkama da G/Kar kaar Jaamac Suuley.
Shirka oo muddo saacada ah socday ayaa waxaa laag soo saarey 3qdoob oo ku saabsan dhinaca Amniga.
1:Guddiga amniga G/karkaar waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii G/Nugaal Marxuum C/salaan Xasan Xirsi (Gujir).
2:in si wayn loo adkeeyo Amaanka dham maan degmooyinka G/Karkaar.
3:iyadoo la raacayo awaamirti kasoo ba xday Xukumada Puntland si looga horta go Cudurka Covid19 waxaa la xiray dham maan xududaha G/Karkaar Bad iyo barriba
Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaq ay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab
Madaxweynaha D/G/Jubbaland ayaa tacsi u direy guud ahaan Shacabka iyo Maamulka Puntaland geerida ku timid G/yahii G/Nugaal Marxuum Cabdisalaam Xasan Xersi oo ku gee riyoodey qarixii ka dhacay M/Garoowe.
War-saxaafadeed kasoo baxey Xafiiska Ma daxweynaha Jubbaland ayaa waxaa lagu she egay inay aad uga xun yihiin qaraxaas,isla mar kaana Jubbaland ay ku baaqeyso in hal meel looga soo wada jeesto Al-Shabaab.
Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Madaxweynaha Jubbaland.
Maamulka G/Banaadir oo faah faahiyey rag ay Ciidanka toogteen
Maamulka G/Banaadir oo faah faahin ka bixiyey is rasaaseyn Ciidamo ka tirsan kuwa D/Soomaaliya iyo rag hubeysan Shalay ku dhe x-marey Gudaha suuqaweyn ee Bakaaraha gaar ahaan Suuqa Khaliifa.
Israsaaseyntaas ayaa waxaa ay sababtay dhimashada 3ruux oo isugu jirey laba Rag ah oo hubeysnaa iyo qof Shacab ah,wa xaa na mas’uuliyiin ta Maamul ka gob olka ay sheegeen in ragga hubeysnaa ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.
Afhayeenka Maamulka G/Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa sheegay in ragga la toogt ey ay ahaayeen kuwo ka tirsan Al-Shabaab oo falal amni darro ka geysanayay Suuqa Bak aaraha,isla markaana ay dagaal la galeen Cii damo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in Ciidanka Boolis ka ay toogteen 2ka mid ahaa raggii hubeysnaa halka israsaaseynta ku dhintey qof Shacab ah oo kamid ahaa Ganacsatada Suuqa Bakaaraha halka askari ka tirsan Ciidamada Booliska uu falkaasi ku dhaawacmey.
Ugu dambeyn Afhayeenka Maamulka G/ Banaadir Saalax Cumar Xasan waxaa uu she egay in ragga hubeysnaa ee Shalay Ciidanka toogteen ay ahaayeen kuwo falal amni darro horey Suuqa uga geystay laguna raad joogey.
Tirada dadka uu Coronavirus ku dili doona Mareykanka oo la saadaaliyey
Saynisyahan sare oo Mareykan ah, Dr. Ant hony Fauci ayaa soo saaray saadaalin taxadd ar uu la socdo oo ah in cudurka coronavirus uu dalka Mareykanka ku dili karo dad gaaraya 200,000 oo qof.
Dr. Fauci oo hoggaamiya cilmi-baarista cu durrada faafa ee Machadka Caafimaadka ee Qaranka, ayaa hoos u dhigay saadaasha ugu xun ee ah in cudurka uu dili karo hal milyan oo qof, wuxuuna taa bedd elkeeda bixiyey qiyaas cusub oo ah in dhim ashada ay u dhaxeyn karto 100,000 ilaa 200,000. Hase yeeshee, Fauci oo xubin ka ah guddiga madaxweyne Trump u xil saaray xakameynta cudurka, ayaa ka digay inaan loo qaban haddii tirada aysan sax noqon. "Ma doo nayo in taas la ii qabto…waa wax is-beddelaya mar walba, si fudud ayaad ku qaldami karta oo aad ku marin habaabin kartaa shacabka,” ayuu yiri.
Cudurka COVID-19 ayaa si xooggan ugu dhuftay Mareykanka 7baadyadii dhowaa, si la mid ah qeybo ka mid ah Asia iyo Yurub. Kadib markii Mareykanka laga xaqiijiyey dhimashadii ugu horreysey ee ka dhalatay cudurka 29-kii Febraayo, waxay qaadatay ha bil in tirada ga arto kun qof, hase yeeshee kadib, laba maalin gudahood ayey ku gaartay 2200 oo qof.
"Tani waa habka ay cudurada ugu faafaan si caalami ah, waana taas waxa aan dhamma anteen ka walaacsanahay, oo aan digniinta sa re ugu qaadeyno,” waxaa sidaas tiri Dr. Debo rah Birx, oo ah isu-duwanah guddiga Aqalka Cad u xil saaray xakameynta cudurka.
"Ma jiro doono gobol ama magaalo ka bad-ba adi doonta,” ayey tiri.
Dalka Mareykanka ayaa ah dalka laga xaqi ijiyey kiisaska ugu badan caalamka ee la xiriira Coronavirus, wuxuuna fayruska ku haleelay in ka badan 143,00 oo qof, oo 2,514 ka mid ah ay geeriyoodeen. AFP + VOA
Dad la socday diyaaraddii Ethiopian Airlin es ee ka dagtay Hargeysa oo laga helay Coronavirus
4qof oo ka mid ah dadkii dhowaan ay diy aarada Ethiopian Airlines ay ka dajisay Madaa rka Hargeysa ee Somaliland ayaa laga helay cudurka dunida ku faafay ee Covid-19 ama Coronavirus.
4taasi qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Jabuuti ayaa iyagu ka soo dagay mad aarka Hargeysa, kadib na uga sii gudbay xuduu da dhulka ee D/Jabuuti la wadaagto Somaliland, gaar ahaa Lowyacado, sida ay xaqiijisay D/ Jabuuti. D/Jabuuti ayaa hore u shaacisay in ay xayiraad ku soo rogtay duulimaadyadii caa lamiga ahaa, midaasi oo kaliftay in dadkaasi ay kasoo dagaan madaarka Hargeysa, ka di bna ay Jabuuti ka galaan xuduuda dhuleeda.
D/Jabuuti ayaa sheegtay 4taasi qof in laga helay Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay xili ay isku dayayeen inay xuduuda Lowyacado uga soo gudbaan dalka Jabuuti.
Arrintan ay shaacisay D/Jabuuti ayaa sii la bo jibaareysa cabsida baahsan ee laga qabay dadka la socda diyaarada Ethiopian Airlines oo duulimaadyadeeda caadiga ah ku timaada Ma daarka Hargeysa, midaasi oo suurta-gal ka dhi geysa in Somaliland ay noqoto xudunta Fayr uskaasi ee deegaanada Soomaalida.
Xukuumada Muuse Biixi ayaa hore u fasax day dad u karantiilna, iyadoo ku sii deysay da maanad sida ay xog ku heshay Caasimada Online, kuwaasi oo kasoo dag ayna madaarke eda, isla markaana looga shakisanaa inay qab aan cudurka Coron avirus.
Waxaana xusid mudan in Rakaabka Ethi opian Airlines ay soo qaado aysan badanko odu dalalka ay ka yimaadeen ka soo marin ba aritaan Caafimaad, midaasi oo iyaduna kor usii qaadeysa cabsida Coronaha ee Somaliland.
Xigasho:-caasimadda.net
Wasaaradda Caafimaadka oo ammartey in la siidaayo dad looga shakisnaa COVID 19
Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa ama rtey in la siidaayo 4 Ruux oo looga shakisnaa inay qabaan Cudurka Coronavir us,kuwaas oo lagu karantiiley isbitaalka UN/AMISOM ee Mu qdi sho. Dadkaan la fasaxay ayaa waxaa ku jirey mid kamid ah oo baaritaan la gu sameeyey laga helay Corona-virus, hayee shee tira laba jeer ah oo baaritaan lagu same eyey laga waayey Cudurka.
Qoraal kasoo baxey Wasaaradda Caafim aad ka kuna qoran luuqada English-ka ayaa la gu shaaciyey Magacyada Afarta qof oo dham aantood la karantiiley laga waayey Cudurka Coronavirus.
Dadka ayaa Magacyadooda waxaa ay kala yihiin
1: Axmed Yuusuf Yaasiin
2: Cabdi Caiis Cabdi Risaaq Cusmaan
3: Ducaale Jaamac Maxamuud
4: Ibraahim Maxamed Yaasiin.
Madaxweynaha Galmudug oo ku baaqay in Wadajir loola dagaalamo Al-Shabaab
Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqo or ayaa uga tacsiyeeyay Maamulka Puntland iyo guud ahaan shacabka geerida G/yihii G/ Nugaal waxa u una Alle (SWT) caafimaad deg-deg ah uga baryey dhammaan dadkii ku wax yeeloobay falkaas.
"Aniga oo ku hadlaya Magacayga iyo kan Shacabka Galmudug waxaan tacsi tiraanyo leh u dirayaa Dowlada iyo shacab weynaha Pun tland oo aan uga tacsiyeynayo geerida G/G/u ugaal Marxuum Cabdi Salaam Xasan Xirsi. Waxan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumka. Rabbi Naxariistii Janno ha ka waraabiyo.”
Sidoo kale, Madaxweyne Qoorqoor ayaa si daran u cambaareeyay qaraxaasi, Waxaana uu ku baaqay in si wadajir ah loola dagaalamo Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya.
Madaxweyne Deni oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyay
Madaxweynaha D/Puntland Siciid C/hi Deni, ayaa xilkii ka qaaday taliye ku xigeenkii qeybta Booliiska gobolka Bari, G/dhexe C/ras hiid Barre Maxamed Aamusane.
Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyneDani, ayaa taliye ku xigeenka cus ub ee Booliiska G/Bari loogu magacaabay G/ dhexe C/fitaax Maxamed Max/ud Qaal, oo laga soo wareejiyay ciidanka Daraawiishta Puntl and. Sida dikreetada ku xusan, waxaa go’a ankaas loo qaatay dardar gelinta Amniga G/B ari, xilli maalmahan falal amni-darro ka dhacay een gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Halkaan ka akhriso dikreetada xilka qaadista
Madaxweynaha DGP.Md. Siciid /hi Deni ay aa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.18, March 30, 2020 kuna saabsan wareejin Sarkaal iyo u magacaabid Taliye ku-xigeenka Qaybta Boo liska Gobolka Bari.
Madaxweynaha D/Puntland.Markuu arkay: Dastuurka D/Puntland Qodobkiisa 80-aad .Ma rkuu tixgeliyey: Dar-dar gelinta Arrimaha Amn iga Gobolka Bari.
Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa G/Dhexe C/kaafi Maxamed Maxamuud Qaal laga soo wareejiy ay Ciidanka Daraawiishta loona wareejiyey Cii danka Booliska Puntland, isla markaana wax aa loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Qay bta Booliska Gobolka Bari.
Tirada kiisaska Coronavirus ee caalam ka oo dhaaftay 700,000
In ka badan 700,000 oo ah kiisas la xiriira cudurka Coronavirus ayaa laga xaqiijiyey caal amka, tan iyo markii uu billowday faafitaanka caalamiga ah ee fayruskan, sida ku cad tiro ururin ay sameysay wakaaladda wararka ee AFP. Kiisaska ayaa hadda gaaraya ugu yara an 715,204, oo ay ku jiraan dhimashada 33, 568 qof, ayada oo cudurkana uu gaaray 183 dal oo ka mid ah caalamka.
Dalka laga xaqiijiyey kiisaska ugu badan ay aa ah dalka Mareykanka, oo cudurka uu ku haleelay in ka badan 143,00 oo qof, oo 2,514 ka mid ah ay geeriyoodeen.
Dalka kusoo xiga waa Talyaaniga oo laga xaqiijiyey 97,689 kiis. Talyaaniga ah ayaa dal ka laga diiwaan-geliyey dhimashada ugu bad an, oo gaareysa 10,779 qof.
Dalka Shiinha oo cudurkan uu kasoo sha ac-baxay bishii December 2019, ayaa laga dii waan geliyey 81,470 kiis iyo dhimashada 3,304 qof, inkasta oo dalalka qaar ay su’aalo ka keeneen tiradaas, ayaga oo sheegaya in Shiinaha ay daboolayaan xaqiiqda tirada rasm iga ah.
Soomaaliya ayaa diiwaan-gelisay saddex ki is oo laba ka mid ah laga helay muwaadiniin di bedda kasoo laabtay, halka kan saddexaad uu yahay qandaraasle la shaqeeya xafiiska QM.
Tiradan 715,204 ayaa ah kaliya qeyb yar oo ka mid ah dadka cudurka uu haleeley, maadaama tijaabada lagu sameynayo oo kaliya dadka is ku arkay calaamadaha cudurka, waxaana la ru meysan yahay inay jiraan dad badan oo ayaga oo aan la baarin cudurka inta uu ku dhacay ka kacay.
Coronavirus oo Faraj u furay kalluumaysata da Dalka Kenya !!!
Guud ahaan qaaradda Afrika, fayraska Co rona ayaa culays ku keenay dhinacyo badan oo dhaqaalaha ah, wax aana joogsaday inta ba dan ganacsiyada. Balse waxaa jira dad ka faa’ii day cudurkan caalamka saameeyay. Tusaale ahaan, ganacsatada kal luunka fresh-ka ah ee dalka Kenya ayaa faa’iido badan ka sameeyay baahidda ay sha cabka u qabaan hilibkaasi cad, kadib markii la joojiyay kalluunkii laga soo dhoofin jiray Shi inaha.
Kalluumaysata xeebta Dunga ee harada Victoria ayaa waxaa si wanaagsan ugu kala so cda ganacsigooda kalluunka. Sicirka kalluunka ee Dunga ayaa sare u kacay boqolkiiba 40 ba dii todobaad ee la soo dhaafay, sababtuna waa fayraska Corona.
Waxaa yaraaday kalluunka laga soo dhoof in jiray dalka Shiinaha oo ah halka uu cudurka ka bilowday. Dadkuna waxa ay walaac ka qab aan iibsashada wax kasta oo uga yimaada dal kaasi, Labadaasi arimood ayaa sare u qaaday baahidda loo qabo kalluunka laga soo dabo harada.
"Kalluumaysata harada Victoria ayaa had da ah kuwo faraxsan, sababtoo ah waxa ay hel ayaan macaamiil badan. Xeebta Dunga ayaa hadda ah meel ay aad usoo buux dhaafiyeen dadka ku nool magaalada Kisumu ee doonaya kalluunka fresh-ka ah, waayo dadka waxa ay cabsi ka qabaan kalluunka laga keeno Shiin aha fayraska Corona awgii,” ayuu Maurice Mis odhi oo ah madaxa maamulka xeebta Dunga.
Suuq la’aantii hore
Ka hor inta aanu dillaacin fayraska Corona, kalluumaysata maxalliga ah ayaa la daallaa dhacay suuq u helidda kalluunkooda. Kalluun ka laga soo dabo harada ayaa laba-laab ka qa alisanaa kan laga soo dhoofin jiray Shiinaha. Taasi ayaa dhalisay in kalluumaysata ay qiimo aad u jaban ku iibiyaan kalluunkooda ama ay guryahooda geystaan si halkaa loogu cuno.
Hase yeeshee Jackline Nyaboro oo kalluunka ku iibisa Dunga ayaa sheegaysa in hadda ay macaamiisheeda doonayaan inay kalluunka ka iibsadaan qiimo kasta oo uu yahayba.
"Fayraska Corona awgii, dadka iibiya kall uunka Shiinaha ayaa khasaaro la kulmay, sab abtoo ah si caadi ah uma wadi karaan ganac sigooda. Maadaama aan kamid ah ganacsata da kalluunka harada, fursad gaar ah ayaan ha dda haystaa oo waxaan ku iibin karaa qiimaha aan doono,” ayay tiri Jackline.
Kenya ayaa sanadkii 2018 dalka Shiinaha ka soo dhoofsatay kalluun la qallajiyay oo qii mihiisu dhan yahay 23 milyan oo dollar.
Ganacsatada kalluunka ee harada Victoria ayaa in badan ka cawday kalluunka raqiiska ah ee laga soo dhoofiyo Shiinaha iyagoo she egay inuu dhulka la galay ganacsatada max alliga ah. Victoria Kalluunka Shiinaha ayaa 100/ 50 hay stay suuqa Kenya, balse tiradaasi ay aa aad hos ugu dhacday tan iyo markii uu bilowday fa yraska Corona. Ganacsatada kal luunka Shiin aha Hase yeeshee arintaasi ay aan war wana agsan u ahayn dadka oo dhan. Qiimaha sare ee kalluunka maxalliga ah ayaa hoos u dhigay faa’iidada ay helaan ganacsata da tafaariiqley da ah sida Caroline Ochieng oo kale. "Maadaama aan kamid ah haweenka ka lluunka Shiinaha ku iibiya Kisumu, qiimo jaban ayaan ku helnaa, balse marka la soo dhoofin w aayo, waxaan iibsannaa kalluunka haradeena oo ah miid qiimihiisu sarreeyo. Waa taas saba bta aan u dooneyno inaan u helno kalluunka Shiinaha laga soo waarido iyo weliba kan laga soo dabo haradeenna si aan u dareemin culeyska ganacsiga,” ayay tiri Caroline.
Kalluunka Shiinaha ayaan Kenya la keenin tan iyo bishii November 2019. Waxaa jirta cabsi ah in kalluumaysata maxalliga ah ay haqab-tiri waayaan baahidda sii kordheysa ee bulshadu u qabto hilibkaasi cad. Balse xilligan waxa ay ku faraxsan yihiin faa’iidada wanaagsan ee ay helayaan.
Xigasho;BBCSomali
Liiska musharixiinta Xilka Guddoonka Baarlamaanka KGS
Guddiga doora-shada Guddoonka Baarlamaanka Koo-nfur Galbeed ayaa waxaa ay Shalay soo geba-gabeeyeen diiwaangelinta musharixii nta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo labadiisa kuxigeenka.
Xilka guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa waxaa isku soo taagay Shan musharax oo kala ah laba u taagan qa bashada xilka guddoomiya ha iyo laba u sharaxan xilka guddoomiye kuxigeenka 1aad iyo mid u sha raxan xilka guddoomiye kuxigeenka labaad.
Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaan ka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigey Ma gacyada Musharixiinta ku tartamaya xilka Gud doonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
BOGA CAYAARAHA
20-ka Ciyaaryahan ee ugu Caansan Adduunka oo la Shaaciyey
Xog ururin laga yaabo inuu muran ka dhasho oo ay samaysay Transfermarkt oo ah warbaahinta samaysa qiimaynta suuqa ciyaartoyda ee sida billaha ah loosoo bandhigo, waxa kasoo baxday in dhamaan 20-ka ciyaartoy ee ugu caansan adduunka aanay ka mid ahayn Lionel Messi oo ah xiddiga adduunka ee sannadka iyo Cristiano Ronaldo oo tobankii sannadood ee ugu dambeeyey shan jeer la siiyey abaal-marinta Ballon d’Or.
Akhriso liiska 20-ka ciyaartoy ee ugu caansan oo ay la socoto Qiimeynta.
1. N’Golo Kante (Chelsea) – 75%
2. Mohamed Salah (Liverpool) – 74%
3. Harry Kane (Tottenham Hotspur) – 72%
4. Jamie Vardy (Leicester City) – 71%
5. Virgil van Dijk (Liverpool) – 70%
6. Pierre-Emerick Aubameyang (Arsenal) – 69%
7. David de Gea (Manchester United) – 69%
8. Sadio Mane (Liverpool) – 69%
9. David Silva (Manchester City) – 69%
10. Leroy Sane (Manchester City) – 69 %
11. Alisson Becker (Liverpool) – 68%
12. Hugo Lloris (Tottenham Hotspur) – 67%
13. Leonardo Campana (Wolverhampton Wanderers) – 67%
14. Kasper Schmeichel (Leicester City) – 67%
15. Roberto Firmino (Liverpool) – 66%
16. Joao Moutinho (Wolverhampton Wanderers) – 66%
17. Mesut Ozil (Arsenal) – 65%
18. Alexandre Lacazette (Arsenal) – 65%
19. Cesar Azpilicueta (Chelsea) – 65%
20. Trent Alexander-Arnold (Liverpool) – 65%
Lukas Podolski oo eedeeyey Arsene Wenger
Lukas Podolski ayaa si furan uga hadlay sida uu ugu dhibtooday inuu boos joogta ah helo kooxda Arsenal mudadii labo sanno iyo bar ah.
Xiddigii hore ee Bayern Munich ayaa Gunners ku biiray sannadkii 2012 isagoo u dhaliyay 31 gool islamarkaana caawiye ka ahaa 17 gool 82 kulan uu saftay isagoo sidoo kale qaaday koobka FA Cup 2014.
Waqtigii uu Podolski joogay Arsenal waxay ku soo aaday Koobkii Adduunka ee Jarmalka ay qaadan sannadkii 2014, laakiin xilli ciyaareedkii ku xigay waxa uu ciyaaray daqiiqado yar inkastoo uu qeyb ka ahaa xulkii Jarmalka.
Bishii November 2014, waxa uu soo bandhigay carada uu ka qabay inaan la ciyaarsiinin taasoo keentay in amaah lagu siiyo Inter Milan labo bilood ka dib.
Podolski oo haatan u ciyaara kooxda Turkiga ee Antalyaspor ayaa sheegay inaan la ciyaarsiinin daqiiqadihii uu u qalmay: "Ma aanan helin waqti ku filan oo aan ku ciyaaro; waxaan dareemayay inaan si fiican u ciyaaray, inaan helin daqiiqadihii aan u qalmay.” ayuu u sheegay majalada FourFourTwo.
Mourinho oo shaaca ka qaaday 11-ka xiddig ee ugu fiicnaa uu macalin u noqday… (Zlatan, Pogba & Eto’o oo ka maqan)
Tababaraha kooxda kubadda cagta Tottenham Hotspur ee Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday shaxda kooxdii ugu fiicneyd ee uu macalin u noqday, inta uu ku jiray xirfadiisa ciyaareed, inta badan kooxaha uu soo tababbaray.
Macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa wax ciyaaryahan ah ka dooqan kooxda uu hadda tababaraha ka yahay ee Tottenham Hotspur, halka inta ugu badan ciyaartoydu uu ka soo xushay Chelsea, ha ahaato labadii xilli kala duwanaa ee uu soo maamulay.
Mourinho ayaa wuxuu xirfadiisa tababarka ka soo bilaabay Sporting Lisbon, kaddib wuxuu u wareegay Porto, Chelsea, Inter Milan, Real Madrid, Manchester United, iyo hadda uu joogo Tottenham Hotspur.
Shaxda kooxda uu Jose Mourinho xushay ayaa lagu dhex arkay kaliya labo ciyaaryahan oo Real Madrid ah, kuwaasoo kala ah Cristiano Ronaldo iyo Mesut Özil, wuxuuna sidoo kale doortay Ricardo Carvalho oo u soo ciyaaray labada kooxood Real Madrid iyo Chelsea.
Haddaba shaxda 11-ka ciyaaryahan ugu wanaagsan uu macalin u noqday Jose Mourinh ayaa waxay kala yihiin sidan:
Goolhaayaha: Petr Cech (Chelsea)
Daafacyada: Javier Zanetti (Inter Milan), John Terry (Chelsea), Ricardo Carvalho (Chelsea – Real Madrid)
Khadka Dhexe: Claude Makelele (Chelsea), Mesut Ozil (Real Madrid) Frank Frank Lampard (Chelsea)
Weerarka: Cristiano Ronaldo (Real Madrid), Eden Hazard (Chelsea), Didier Drogba (Chelsea).
Kooxda Man United oo mushahar sare ku soo jiidanaysa Jadon Sancho… (Immisa ayay u soo bandhigeen?)
Kalsoonida ay ku qabto Manchester United inay la soo saxiixan karto Jadon Sancho suuqa xagaaga ayaa ah mid aad u sarreysa, waxaana ay doonayaan inay markan ka fara-maroojiyaan Borussia Dortmund.
Man United ayaa doonaysa inay Sancho ka dhigto xiddigga ugu mushaharka badan garoonka Old Trafford, iyagoo diyaar u ah in laacibka kooxda BVB ay siiyaan 400,000 oo gini toddobaadkii sida wararka lagu helayo.
Laacibka qaranka Ingiriiska ayaa la rajeynayaa inuu isaga dhaqaaqi doono garoonka Signal Iduna Park marka suuqa kala iibsiga uu furmo, isagoo saddexdii sano ee la soo dhaafay argagax gelinayay difaacyada horyaalka Bundesliga.
Kooxda Manchester United ayaa ugu cad-cad saxiixa Sancho, waxaana ay qabaan kalsooni ah inay helaan suuqa xagaaga, inkastoo ay loollan adag kala kulmi karaan Liverpool iyo Chelsea oo iyaguna xiiso u muujinaya da’yarkan.
20-sano jirkaan ayaa xilli ciyaareed kale oo qurux badan ku qaadanaya dalka Jarmalka, waxaana uu dhaliyay 14 gool oo horyaalka ah kaliya ah, sidoo kalena loogu darayo 15 caawin oo uu Bundesliga ka sameeyay.
OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTA GANACSIGA
OGEYSIISKA HALKAN AYAA SIIYAY in astaanta ganacsiga ee kor ku xusan ay tahay hantida DORCO CO., LTD, incorporated in the Republic of Korea of (Golim-Dong), 350 Kyungahnchun-Ro, Cheoin-Gu, Yongin-Si, Kyunggi-Do, Republic of Koreaiyo isla sumadda ganacsi ee loo isticmaalo badeecada soo socota:
Fasalka 08: Gadiro aan koronto lahayn; Shucaaca nabdoonaanta; Xiirashada; Kaadi biraha; Xallinta kiisaska; Xaaladaha Rasaasta.
OGEYSIISKA WAXAA SIDO KALE BIXINAYA DORCO CO., LTD. waxay sheeganeysaa dhammaan xuquuqaha sumcadda ganacsi ee Soomaaliya waxayna bilaabi doontaa talaabo sharci ah oo ku habboon qofkasta ama shakhsiyaadka lagu helo inuu isticmaalayo sumadda ganacsiga ama astaan ganacsi kasta oo khiyaano ama jahwareer la mid ah, ama haddii kale ku xadgudbay xuquuqdeeda
OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTA GANACSIGA
OGEYSIISKA HALKAN AYAA SIIYAY in astaanta ganacsiga ee kor ku xusan ay tahay hantida DORCO CO., LTD, incorporated in the Republic of Korea of (Golim-Dong), 350 Kyungahnchun-Ro, Cheoin-Gu, Yongin-Si, Kyunggi-Do, Republic of Koreaiyo isla sumadda ganacsi ee loo isticmaalo badeecada soo socota:
Fasalka 08: Gadiro aan koronto lahayn; Shucaaca nabdoonaanta; Xiirashada; Kaadi biraha; Xallinta kiisaska; Xaaladaha Rasaasta.
OGEYSIISKA WAXAA SIDO KALE BIXINAYA DORCO CO., LTD. waxay sheeganeysaa dhammaan xuquuqaha sumcadda ganacsi ee Soomaaliya waxayna bilaabi doontaa talaabo sharci ah oo ku habboon qofkasta ama shakhsiyaadka lagu helo inuu isticmaalayo sumadda ganacsiga ama astaan ganacsi kasta oo khiyaano ama jahwareer la mid ah, ama haddii kale ku xadgudbay xuquuqdeeda
OGEYSIIS MUHIIM AH OO AY KUU HEYSO SHIRKADA IS GAARSIINTA SOMTEL
BISHAARO BISHAARO BISHAARO:
Shirkada is gaarsiinta Somtel Waxa ay Ugu Bishaareeyneeysaa Ardayda Soomaaliyeed Inay Usoo Kordhisay Xirmooyinka ardayda Kuwaasoo ardayda Soomaaliyeed ay Ku Heli Karaan Data aad Qiimo Jaban & Internet Xawaarihiisu Sareeyo .
Xirmooyinka Ardayda ayaa waxaa Lagu Jaangooyay baahida ardayda Soomaaliyeed
& Awoodooda Dhaqaale Inataba.
Macaamil Ku Shubo $1 Maalin Walba Kuna Hel 2.3 Gb , 20 Daqiiqo Oo Ku Hadal ah & 10 Sms Bilaash ah
Sidoo Kale Macamil Ku Shubo $0.5 Ku na Hel 900 MB,10 Daqiio Oo Ku Hadal ah & 5 Sms Bilaash ah.
FG
Xirmooyinka Ardayda Waa Xirmooyin Maalinle ah Oo aad Ku Shuban Karto 24 Saac 1 Jeer kuna Heli karto GB-yo Waafi ah, Ku hadal Qiimo jaban & Fariin Qoral Bilaash ah.
Wixii Faafaahin Intaas dheer Fadlan Booqo Xarumaha Shirkada Isgaarsiinta Somtel ama
La Xiriir Telefoon Numbarada Kala ah 151/152/215000.


0 


AKHRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 31-MARCH-2020
Madaxweyne Farmaajo oo madaxda IGAD shir ugala qayb galay Internetka (Video-conference) Madaxweynaha J/F/Soomaaliya Md.Max amed C/hI Farmaajo oo kala qeyb galay Mad axda dalalka IGAD shir deg-deg ah oo ay kaga arrinsanyeen khatarta cudurka Koroona