AMISOM oo xirtey Xerada Xalane & dhaq dhaqaaqyada oo la joojiyey

0
Sunday March 29, 2020 - 12:28:50 in Wararka by
  • Visits: 314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM oo xirtey Xerada Xalane & dhaq dhaqaaqyada oo la joojiyey

    AMISOM ayaa ku dhawaaqdey in Maanta laga bilaabo ay xirtey Xaruntooda ugu weyneyd ee xerada Xalane,taas oo muddo 30 Cisho ah la hakiyey howlihii ka socdey sababo la xiriira Cudurka Coronavirus oo dhawaan laga helay qof ku sugnaa Xerada Xalane. Qor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AMISOM ayaa ku dhawaaqdey in Maanta laga bilaabo ay xirtey Xaruntooda ugu weyneyd ee xerada Xalane,taas oo muddo 30 Cisho ah la hakiyey howlihii ka socdey sababo la xiriira Cudurka Coronavirus oo dhawaan laga helay qof ku sugnaa Xerada Xalane. Qoraal kasoo baxey Midowga Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in amarkaan oo socon doona muddo 30 Cisho ah lagu joojiyey dhamaan dhaq dhaqaaqyada iyo howlihii halkaasi ka socda,waxaana uu saameyn ku yeelan doonaa Shaqada Safaaradaha Shisheeye iyo Hay'adaha UN-ka ee ku yaalla Guaha Xalane. Amarkaan ayaa waxaa lagu wargeliyey dhamaan Shaqalaha ka howlgalayay Xerada Xalane,kuwa Ajaanibta ah ee degan iyo sidoo kale Safaaradaha ku yaalla,si loo yareeyo faafiada Cudurka COVID 19. Tallaabadaan ay AMISOM ku joojisey howlihi ka socdey Xerada Xalane ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli Jimcihii la soo dhaafay Gudaha xeradaas laga helay qof Ajnabi ah oo qaba Cudurka Coronavirus,kaas oo kamid ahaa Qandaraaslayaasha la Shaqeeya Qaramada Midoobey.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip