HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWS PAPER EE SAAKAY 24-MARSO-2020

0
Tuesday March 24, 2020 - 11:10:15 in Wararka by
  • Visits: 385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWS PAPER EE SAAKAY 24-MARSO-2020

    Soomaaliya oo cadeysay mowqifkeeda khilaafka Itoobiya & Masar Wasiirka W/Arrimaha Dibadda ee XFS Ax med Ciise Cawad ayaa markii ugu ho reysay waxaa uu ka hadley khilaaf ka xoogan ee u dha xeeya D/Itobiya iyo Masar, kuwaa soo saaxiibo dhow la a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya oo cadeysay mowqifkeeda khilaafka Itoobiya & Masar Wasiirka W/Arrimaha Dibadda ee XFS Ax med Ciise Cawad ayaa markii ugu ho reysay waxaa uu ka hadley khilaaf ka xoogan ee u dha xeeya D/Itobiya iyo Masar, kuwaa soo saaxiibo dhow la ah So omaaliya iskuna heys ta wab iga Nile. Wasiir Cawad wax aa uu sheegay in Soomaaliya ay dhex dhex aad ka tahay khilaafka u dhaxeeya 2da dow ladood,kaas oo horey Wadamada Jaamacad da Carabta ay si cad u taageereen D/Masar. Md.Cawad oo ku sugan M/Garoowe lana hadley mid kamid ah Warbaahinta ka howlg asha deegaananda Puntland ayaa waxaa wax laga weeydiiyey haddii uu yimaado cul eys siyaasadeed oo 2da dowladood uu mi dba midka kale uu ku doonayo inay Sooma aliya la safato Go'aanka ay qaadan doonaan ayaa waxaa uu ku jawa abey. "Runtii mowqifka Soomaaliya ee khilaaf ka dowladaha Itoobiya iyo Masar waa dhex-dhexaadnimo,xaqiiqdii fursada kaliya ee in oo furan waxaa waaye inay isku soo dhawe yno ama aan ka aamusno balse marnaba Soomaaliya looma yeerin doono go'aankee da ayuu yiri" Wasiir Cawad. Sidoo kale Wasiir Cawad ayaa wax lag weeydiiyey warar maalmihii la soo dhaafay soo baxayay oo sheegay in Soomaaliya ay Shirkii wadamada Jaamacadda Carabta ay saxiixeen in la taageero Masar, ha yeeshee culeys uga yimid Itoobiya ay mowqifkoodii bedeleen,waxaana uu sheegay in warkaas aan waxba ka jirin,isla markaana Soomaali ya ay mar walba dhex dhexaad tahay. Si kastaba Soomaaliya ayaa horey waxaa ay go'aan dhex dhexaadnimo ah ka qaadat ay khilaaf soo kala dhex-galay D/Sacuudiga iyo Imaaraadka oo dhinac ah iyo D/Qatar, waxaana taasi ay sababtey in D/Imaaraadka ay joojiso taareeada ay siin jirtey Somaliya.

Itoobiya oo beenisey War laga baahiyey Abiy Axmed & Uhuru Kenyatta

Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa Baraha Bulshada iyo Warbaahinta qaar ay baahineysay in uu khilaaf xoogan soo kala dhex-galay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,hayeeshee waxaa warkaasi beenisey Dowladda Itoobiya.

War kasoo baxey Safaaradda Itoobiya Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya ayaa waxba kama jiraan lagu sheegay warka ku aadan khilaafka Uhuru Kenyatta iyo Abiy Axmed,iyada oo arrimaha la xiriira khilaafka uu soo ifbaxey markii uu baaqdey kulankii la filayey in 20-kii Bishaan ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha labada dal.

Dhawaan Madaxweynaha Itoobiya Sahle Work Sewde ayaa waxaa ay la kulantey dhiggeeda Kenya,iyaga oo ay ka wada hadleen arrimo ay kamid ahaayeen khilaafka la xiriira Wabiga Nile ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Masar,waxaana jirey warar sheegayay in kenya ay taageero u muujisey Dowladda Itoobiya.

Kulanka dhex-mari lahaa Madaxw-eynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa ku wehlin lahaa Madaxweynaha Soo-maaliya Maxamed Cabdullaahi Farma-ajo,hayeeshee dib loo dhigey sababo la xir-iira Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay Saddexda dal.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo ku dhawaa qey dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Cabdi xamiid Maxamed Dirir oo muddooyinkii ugu danbeey ay ku ho wlanaa howlgelinta ciidanka ayaa Shalay ko rmeer ugu tagay ururka 26aad ee guutada 6aad ku waas oo ku sugan degaanka Shal aambood ee G/Sh/hoose.

Ujeedka kormeerka taliyuhu yahay dar da rgalinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shaba ab ee ka socda G/Sh/Hoose,iyada oo taliya ha uu Ciidamada ugu baaqay inay sii wada an howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka dhulka XDSJen. Dirir ay aa hoggaaminayey howlgal ay dhawaa CX DS kula wareegeen deegaanka Jannaale ee G/Sh/Hoose.

Ciidamada Danab oo burburiyay saldhi gyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen G/JHoose.

Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka So omaaliyeed ayaa burburiyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Hoose. Faah faahinno dheer aad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo iyo duqeymo is barbar so cday oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada sida gaarka ah u ta babaran ee komaando oska xoog ga dalka ay ka fuliyeen deega ano hoos yimaada G/ J/Hoose ee K/Soo maaliya. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si wa dajir ah u fuliyay ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab iyo diyaaradaha Marey kanka, iya doo lala beegsaday saldhigyo Al-Shabaab ay ku lahaayeen qeybo ka mid ah gobol kaasi.

Taliyaha ururka shanaad ee ciidamada Danab, Xasan Maxamed Aadan (Ciraaqi) ay aa faah faahin ka bixiyey weeraradaasi lala beegsada kooxda Alqaacida ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed , wuxuuna sheegay inay ku burburiyeen ilaa 3 saldhig oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan malee shiyada argagixisada ah. waa sida hadalka loo yiriye

Taliye Xasan Ciraaqi ayaa tilmaamay in saldhigga 1aad ee cagta la mariyay uu ku ya allay tuulada Buulo Xaaji, halka kan 2da ee kale ay Al-Shabaab ku lahayeen tuulada lag ta Caanoole oo ka tirsan G/Jubbada Hoose.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray inay gabi ahaan la wareegeen saldhigyadaasi, isla markaana ay haatan ka wadaan baaritaano dheeraad ah si ay uga bixinayaan miinooyin ka ay maleeshiyadu ku aaseen.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in howlg alkaan iyo duqeynta barbar socotay lagu bur buriyey 2gaari oo kala ahaa Toyotoa Succe ed iyo Suzuki oo uu tilmaamay inay la socd een saraakiil sar sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana ay ku jireen kuwa ajaaniib ah.

Ciidamada kumaandooska ah ee xoogga dalka ayaa maalmihii ugu dambeeyey xooj iyey dhaq dhaqaaqyada milatari ee ay ka wa daan Gobollada Jubbooyinka iyo Shabeel ada Hoose, si looga xureeyo cadowga um madda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Guddiga Caleema-Saarka Madaxda Galmudug oo la kulmey Xaaf

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Xaflada Caleemo-Saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Yuu suf Garaad Cumar oo maalmahaan socdaal ku marayey deegaano ka tirsan Galmudug ayaa Magaalada Gaalkacyo waxaa uu kula kulmey Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle.

Kulanka ayaa waxaa ay labada dhinac uga wada hadleen dhacdooyinkii horey uga dhacay Galmudug kuwa weli taagan ee xal ka u baahan iyo Arrimo badan oo ku saab san xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya.

"Waxaan gurigiisa Gaalkacyo salaan ugu tegey Madaxweyne Axmed Ducaale Xa af, Sheekooyin dhinacyo badan oo aan isla soo qaadnay ayaa isugu jiray dhacdooyin hore, kuwo hadda taagan, mustaqbalka Gal mudug iyo guud ahaanba siyaasadda dalka ayuu yiri”Yuusuf Garaad”

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Xaflada Caleemo-Saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ay aa maalmahaan ku guda jira qaban qaabinta Xaflada Caleema-Saarka,kadib markii dib loo dhigey,waxaana uu socdaalo kala duwan uu ku mareyay deegaano badan oo ka tirsan Galmudug.xigashoradiorisaala.com

Puntland oo gacanta ku soo dhigtay rag ka tirsan Al Shabaab iyo Daacish

Nabadsugidda D/G/Puntland ee loo soo gaabiyo PSF waxa ay soo bandhigtay Saw irro dad indhaha ka xiran oo ay sheegtay in ay kusoo qabteen howlgalo qorsheys ay oo ay ka sameey een M/Boosaaso. Ciidamada amaan ka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ho wlgal baaritaan ah ka sameynayay Xaafado katirs an M/Boosaaso G/Bari oo waayihii da mbe falal amni darro martigelisay.

Qoraal kasoo baxay Nabadsugidda Puntl and waxaa lagu sheegay in shaqsiyaad lala xiriirinayo Al-Shabaab iyo Daacish inay gaca nta ku dhigeen, waxaana ay tilmaameen in la soo qabtay iyaga oo ku sugan M/Boosaa so ee Puntland Qoraal lagu daabacay bo ogga ciidamada amaanka Puntland ee loo soo gaabiyo PSF ayaa lagu yiri sida tan:

"Ciidamada Amniga Puntland PSF oo mu ddooyinkan dambe ka waday gudaha M/Bo saso hawlgallo weli socda oo lagu adkayno amniga M/Bosaso ayaa Habeen hore (22 March 2020) waxay gacanta ku soo dhigeen shak hisyaad lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin ko oxaha Al Shabaab iyo Daacish Iyo agab la doonayey in loo gudbiyo kooxahaas ee ku dhuumaalaysta buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat”

Taliska PSF-ta waxa uu sheegeen in ho wlgalada ka socda M/Boosaaso ay sii socon ayaan illaa inta laga xasilinayo ammaanka la na soo afjarayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.

17-kii bishan ayaa sidan oo kale howlgal lo ciidanka amaanka Puntland ay ka same yeen waxa ay ku soo qabqabteen shaqsiyaa d ay uga shakiyeen inay xiriir la leeyihiin dag aalamayaasha Al shabaab iyo Daacish ee iy agu ka dagaalama qeybo ka mid ah deega anada maamulka Puntland. Wali ma jirto nat iijo rasmi ah oo ay soo saareen ciidamada puntland oo ku aaddan howlgallada ay Boo saaso ka sameeyeen 17-bishan iyo Habeen hore, howlgalladaasi oo kaliya y ku sheegeen in la gu qabtay rag looga shakiyay Al shabaab iyo Daacish.

Ururuka Daacish ayaa si weyn ugu xoog gan buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat oo mararka qaar ay kuwada dagaalamaay daga alamayaashaasi iyo ciidanka Puntland.

Hir-Shabeelle oo ka digtey fatahaado markale ka dhaca deegaanada Maamulkaas

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Maamulka Hir-Shabeelle Xil dhibaan Maxamed Bashiir Qaasim(Daqare) ayaa shee gay in xilligaan ay jirto cabsi ku aadan in Wabiga Shab eelle uu fatahaad markale ka sameeyo dee gaano ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle.

Wasiir kuxigeenka oo shir jaraa’id u qa btey Warbaahinta waxaa uu sheegay in dha waan la guda geli doono xilli roobaad wabi gana uu biyo badan keeni doono,isla mark aana ay jiraan 51 Goobood oo Wabiga uu ka fatahi karlo,kuwaas oo ku yaalla laga soo bil aabo deegaanka deefoow ee Gobolka Hiir aan iyo degmada Balcad ee Gobolka Shab eellaha Dhexe.

Isaga oo sii hadlayey Wasiir kuxigeenka ayaa waxaa uu ku eedeeyey Hay’adda FAO in ay tartan furan u sameyn weysay Hay’a daha ku Shaqada leh ka hortegida fatahaad aha deegaannada Hir-Shabeelle,isla markaa na ay keentey hay’addo ay madax ka yihiin dad aan kasoo jeedin deegaannada Hir-Sha beelle kana yimid deegaannada Galmudug iyo K/Galbeed waa sida u dhigey.

Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqaay Hay’adaha Caalamiga ah,madaxda Dowla dda iyo Madaxda Hir-Shabeelle inay ka qeyb qaataan sidii looga hortegi lahaa fatahaad uu markale Wabiga Shabeelle ka sameeyo deegaano ka tirsan M/ Hir-Shabeelle.

Mas’uuliyiin ku baxey deegaan ay ka jirtey Cabasho Maamul

G/M/Dhuusamareeb ahna Duqa Ca asim ada GalMudug ayna wehliyaan Saraa kiisha Ciidamada Booliiska iyo nabadsugida ee He er degmo iyo Xubno ka tirsan Maamulka Degmada ayaa kormeerkii ugu hore eyey ee Maamulka Cus ub ku gaaro meel ka baxsan M/Dhusamareb ku tag ey D/Ceel-dheere oo ka mid ah deegaanada hoostaga M/Dhuu samareeb .

Kormeerkan ayaa la xiriira sidii loo hagaa jin lahaa Maamulka deegaankaasi iyadoo wadatashi mug leh lala sameynayo Waxg aradka iyo qaybaha kala duwan ee Bulsha da. Xubnaha maamulka waxaa deegaanka Ceel-dheere Ku soo dhoweeyay Gudoom iyaha Deegaanka , Odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada oo ka ga xog waramey guud ahaan culeesyada wax ka qabashada u baahan waxaana goob taasi ugu horeyn ka hadley Guddoomiyaha Ceel-dheere C/llaahi C/raxmaan Raage iyo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka

Dhamme Burhaan Axmed Rooble Taliya ha Booliiska Dhuusamareeb oo isna Goobta ka Hadley ayaa Bulshada Deegaanka u dir ay Fariin Amniga la xiriirta, isagoo ka dalba dey Shacabku in uu la shaqeeyo laamaha Amaanka .

C/casiis Aadan Afrax Xoghayaha Maa mulka Dhuusamareeb iyo G/Galmudug Ma calin C/raxmaan Cali Maxamed Geeda-qor ow ayaa ugu dambeyn la hadley Bulshada Deegaanka Ceel-dheere waxa ayna u balan qaadeen inay ka shaqayn doonaa Horum arka Deegaanka

Somaliland oo karantiishey 16 Ruux

Wasaaradda Caafimaadka Soomaa liland ayaa la wareegtey ilaa ku dhawaad 16 qof oo looga shakiyay cudurka Corona vir es,kuwaas oo Diyaaradda Itoobiya Airl ine ay kasoo dejisey Garoonka Diyaarada ha Ci gaal ee M/Hargeysa.

Dadkaan ayaa lagu daabulay gaadiidka Ambalaasta ee W/Caafimaadka Somalil and ku diyaarisay garoonka diyaaradaha Harge ysa,iyada oo la mari nayo marxalada 2aad ee kar antiilka oo qaadan karta mudo 14 cisho ah,sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan W/C/ Soomaaliland.

Dadkaan oo dhamaantood Soomaali ah ayaa waxaa ay ka yimaadeen wadama da Mareykanka Iyo Ingiriiska,waxaana ay saarnaayeen diyaarada Ethopian Airline du ulimaadkeedii duhurkii maadaama mud do 2maalmood ah la fasaxey duulimaady ada Caalamiga ah.

Majiro wax War ah oo kasoo baxay ilaa iyo hadda Guddiga heer qaran ee hawsh an loo xil saaray,hayeeshee waxaa weli Garoon ka Hargeysa ka socda howlo baaritaano ah

Isbedel lagu sameeyey Mas’uuliyiinta degmooyinka G/Gedo

Guddoomiye kuxigeenka Amniga G/ Ge do ahna kusimaha Guddoomiyaha Cismaan Nuur Macalimow ayaa waxaa uu xilalkii ka qaadey qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Gedo iyo kuxgeenad ooda,isaga oo mas’uuliyiin kale Magacaa bey. Wareeg to kasoo baxdey xafiiska Gu ddoomiye kuxigeenka Amniga G/Gedo ayaa waxaa xilalka looga qaadey guddoomiyeya asha degmooyinka,Luuq, B/-Xaawo iyo Do olow,iyada oo la Magacaabey Guddoomiyey aal Cusub iyo kuxigeenadooda.

Hoos Ka Akhriso Mas’uliyiinta la EMagacaabey.


NISA oo gacanta ku dhigtay Shabakad Shabaab warqadaha u sameyn jirtay

Ciidamada NISA ayaa gacanta waxa ay ku soo dhigeen Shabakad Al Shabaab u sa meeya Documentiyo been abuur ah, ku waasi oo lagu dhibaateeyo shacabka Soo maaliyeed.

NISA ayaa waxa ay she eg tay xogo ay ka heleen shacabka So maliyed in lagu soo oga aday dadkaan warqadaha be en abuurka u sameyn jiray Al Shabaab.

Raggaan ayaanan la sheegin rasmi ah aan meesha laga soo qabtay, balse wararka waxa ay sheegayaan in xubnahan laga soo qabtay Suuqa Bakaaraha oo warqadaha Be en abuurka ay ku sameyn jireen.

Raggaan oo Saddex nin ah ayaa waxaa gacanta ku haayo Nabad Suggida Somaliya, waxaana ay ku xiran yihiin godka Jilacow.

Al Shabaab ayaa dadka ku nool Magaalada Muqdisho waxa ay ku sameeyaan falal hanj abaad ah oo ku aadan inay u hoggaansam aan awaamiirtooda ama inay tallaabo ka qaadi doonaan.

Puntland oo sheegtay inay qabatey Xubno ka tirsan Al-Shabaab & Daacish

Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafey waxaa ay ho wlgallo kala duwan ka sameeyeen xaafado ka tirsan M/Boosaaso G/Bari,howlgalkaas oo la sheegay in uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayey.Howlgalkaan ayaa waxaa sigaar ah u fulinayey Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano PSF-ta,waxaana War kasoo baxey lagu sheegay in howlgalka lagu soo qabtey Xubno lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab & Daacish iyo Agab ay wadeen.

Ciidamada Amniga Puntland PSF oo muddooyinkan dambe ka waday gudaha M/ Bosaso hawlgallo weli socda oo lagu adka yno amniga M/Boosaaso ayaa (22 March 2020) waxay gacanta ku soo dhigeen shakh siyaad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab iyo Daacish Iyo agab la doonayey in loo gudbiyo kooxahaas cadowga ah ee ku dhuumaalaysta buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat ayaa lagu yiri”Warka Ciidamada PSF-ta.

Maalma ka hor ayaa sidaan oo kale la amaha Ammaanka Mamaulka puntland wax aa ay shaaciyeen inay howlgal kusoo qabte en Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama dhulka Buuraleyda ah ee G/ Bari walow aysan soo bandhigin.

Weerar lagu qaadey Saldhig ay ku sug an yihiin Ciidamada Kenya

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka kadib ayaa waxaa Goobjoo gayaal ay sheegeen in halkaasi uu ka dhac ay dagaal culus oo socdey ina ka badan Sa acad,kaas oo u dhaxeeyey Ciidamada Ken ya iyo dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ee Saldhiga weeraray.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa wax aa ay sheegeen in uu jiro khasaaro labada dhinac dagaalka kasoo gaarey,hayeeshee aysan cadeyn karin maadaama xilliga dagaa lka uu dhacayay ay aheyd habeen.

Al-Shabaab oo ka hadley dagaalkaas wa xaa ay sheegeen inay weerar xoogan ku qa adeen Saldhiga Ciidamada Kenya ee deega anka Hoosingow,hayeeshee ysan bixin faah faahin intaasi kasii dheer.

Wararka aan Shalay ka heleyno deeg aanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoo se ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay deegaankaas ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan,iyaga oo baadi goobaya xubnaha ka tirsanaa Al-Sha baab ee weerarka kusoo qaadey.

Guddoonka Golaha Shacabka oo la kulmey Guddi ay Magacaabeen

Kusimaha Guddoomiyaha G/Shacabka ahna G/kuxigeenka 1aad ee G/C/wali Ibr aahim Sh.Muudeey oo uu wehliyo G/ kuxigen ka 2aad Md.Cawad ay aa Kulan la qaatay Gu ddiga Diyaarinta Xeer arka Dhameystiraya Sharc iga Dorashooyin ka Qaranka.

Guddigaan oo uu Dhawaan Magacaabay Guddoonka 2da Aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa ka kooban 17 xubnood, Kulanka ayaa ahaa mid isxogwareysi ah loogana hadlayay Arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa ba nnaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Xaliimo (Yarey) ayaa Dorraad she egtay in Xildhibaannada labada aqal looga baahan yahay inay dedejiyaan Sharciga Axs aabta si Xisbiyada la diiwaangeliyey ay uga baxaan Kumeel gaarnimada.

Dowladda oo markale sheegtay inay ku raadjoogto dad la kulmay qof laga helay Coronavirus

Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa ku raad joogta dad looga shakiyay inay la kulmeen qofkii ugu horr eeyay ee la xaqiijiyay in uu ku dhacay cudurka Cor ona gudaha dalka.

"Waxaa la raadinaya oo lagu daba jiraa..muwa adinkii koowaad markii laga helay..cid alaale ciddii la fadhiday diyaaradda ama u dhaw eyd ama xiriir toos ah la samey say…arrintaas wey socotaa waxaa naga kaa lmeyneysaa WHO” ayay tiri wasiirka caafim aadka ee Soomaaliya, Fowsiya Nuur Abiikar oo BBC-da u warrantay.

Waxay sidoo kale sheegtay in dadkii diy aaradda la saarna qofka laga helay cudurka ay gaareen dee gaanno ka tirsan dalka.

"Dabcan dadkii diyaarad da la soo raa cay muwaadinka meelo badan ayay dalka ka tageen gobollada dhexe iyo Koonfur ta..waa la wada wacaya, waa la raadinaya , waxaa lagula talin doonaa inay is xakam eyaan oo ay si iskood ah isu karantiilaan” ayay tiri Fowsiya .

16-kii bishan ayay aheyd markii dow ladda Soomaaliya ay shaacisay in qofkii ugu horreeyay gudaha dalka laga helay fayraska Corona ee caalamka faraha ba’an ku haya.

Wasiirka waxay sidoo kale sheegtay in haa tan la karantiilay 9 qof oo looga shakinsan yahay cudurka kuwaas oo ka yimid dhinaca da lalka Shiinaha iyo Talyaaniga

Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadley Cudurka Coronavirus ee laga helay dalkaas

Ka dib kulan xasaasi ahaa oo uu Madax eeynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Ge elle la qaatey Xubno kamid ah Golihiisa Was iirada ayaa waxaa uu si kulul uga hadley Ca abuqa Coronavirus oo dad qaba laga helay Gudaha dalkaas.

Madaxweyne Geelle waxaa uu sheegay in ilaa iyo hadda dalka Jab uuti laga helay laba qof oo qaba cudurkaas,kuwaas oo uu sheegay in xaaladooda caafimaad la baxnaaninayo,sidoo kalena D/Jabuuti ay dadaal ugu jirto sidii ay uga hortegi laheyd faafida cudurkaas.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey Madax weynaha Jabuuti inay sameeyeen dadaalo farabadan ayna qaateen go’aano ay kamid yihiin xakameynta Socodka,fasax ay geliye en Shaqaalaha dowladda,hayeeshee uu she egay in dadku aysan ku baraarug saneyn dhibaatada Caabuqa,isla markaana aysan hoggaansameyn Amarada kasoo baxa Dowl adda ee lagu xakameynayo faafida Covid 19.

Dalal badan ayaa haatan la tacaalaya sida ay uga hortegi lahaayeen Cudurka dadka badan diley ee Coronavirus,kaas oo markiisii hore kasoo bilaawdey Wadanka Shiinaha.

Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo la dhaariyay

Xarunta Baarlamaanka Maamulka Koo nfur Galbeed ee M/Baydhabo ayaa Shalay waxaa lagu dhaariyay 95 Xildhibaan oo Baa rlamaanka Maamulka K/ Galbeed ah.

Xildhibaanadan ayaa dhawaan la soo bandhi gay liiskooda, kadib mar kii Odayaasha Dhaqan ka K/Galbeed ay soo xuleen. Xildhibaanada Baarlamaanka Maam ulka K/Galbeed oo tiro ahaan la yareeyay, ayaa u badan dhalinyaro Aqoonyahano ah, kuwaasi oo laga soo kala xulay dadka ka soo jeeda deeganada Maamulka Koonfur Galbeed.

Inkastoo ay jirto tabasho kala duwan oo beelaha qaar ay ka muujiyeen tirada Xildh ibaanada la siiyay ayaa haddana waxaa jirta suurtagalnimada in la kordhiyo liiska Xildhib aanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed si loo qanciyo Beelaha qaar ee tabashada muu jinaayo.

Puntland oo amartay in la xiro Masaaji dada & Dugsi Qur,aanka

Maamulka Puntland ayaa amar ku bixiy ay, in mudda labo 7aad ah la xiro dhamma an masaajidda ku yaalla gudaha Puntland, si looga hortaggo faafidda cudurka Corona virus. Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diin ta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed, oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Garowe, ayaa am ar ku bixiyay in mudda laba 7aad ah la xiro dhammaan masaajidda iyo dugsiyada Qur’a anka ee ku yaalla degaannada Puntland, si looga hortago cudurkaas Coronavirus.

Wasiir Xaamud, ayaa sidoo kale culimaa’udi inka masaajidda iyo macalllimiinta dugsiy ada Qur’aanka ku boorriyay, in ay si deg deg ah u dhaqan-geliyaan fulinta amarkaas, wax aana uu ku hanjabay in tallaabo sharciga wa afaqsan laga qaadi doono ciddii aan u hogg aansamin amarka dowlada.

Go’aankan ayaa ku soo beegmay, maa lmo kadib markii Puntland ay fasaxday dha mmaan goobaha Waxbarashada iyo Xafiisy ada dowladda, islamarkaana ay amar ku bi xisay in la joojiyo kulamada dadweynaha iyo xafladaha Aroosyada, si looga hortago faafi dda Coronavirus.

Somaliya ayaa hal kiis oo caabuqa Co ronavirus laga helay, balse waxaa jirta dad kale oo laga shakisan yahay oo dowladda Som aliya ay karantiishay.

In kabadan 20 ruux oo Caabuqa Corono ugu geeriyootay Xabsi

Argagax ku saabsan faafitaanka Coron avirus wuxuu ka dhaliyay rabshado xabsi ku yaalla Colombia oo ay ku dhinteen 23 max buus, iyadoo Chile noqotay waddankii ugu dambeeyay Latin Ameerika ee ku dhawaaqa xaalad xaddidaad ah.

Wasiirka Cadaaladda Colombia Marg arita Cabello ayaa rab shadaha ku tilmaam tay iskuday goosasho ah, waxa ay sidoo ka le sheegtay inay ah ayd qorshe maxaabiista ay ku doonayaan in ay xabsiga kaga baxaan.

Wasiirka ayaa diiday eedeymaha ay u soo jeediyeen kooxaha xuquuqda aadanaha ee ahayd in rabshadaha ay ka dhasheen na daafad daro ka jirta xabsiga.

Bandoow lagu soo rogay dalka Chile wuxuu ka dhaqan galayaa dalka oo dhan laga bila abo Shalay.

Wasiirka Caafimaadka ee dalkaasi Jai me Manalich ayaa sheegay in Dalka laga hel ay kiisas gaaraya 632 oo caabuq, waxaana sidoo kale Chile ay diiwaan galisay dhima shadii ugu horreysa ee uu sababay Covid 19.

Ecuador waxay tahay dalka labaad ee tir ada ugu badan ee dhimashada diiwaan gali yey gobolka oo dhan kadib Brazil.

Warka ayaa imanaya iyada oo dawlada ha gobolka ay xoojinayaan dadaallo ay ku doonayaan inay ku yareeyaan faafitaanka masiibada, oo ay ku dhinteen kumanaan qof adduunka oo dhan.

Argentina, Bolivia, El Salvador iyo Para guay waxay ka mid yihiin dalalka soo koraya dadaal ayeyna ku bixinayaan sidii ay dadko oda uga badbaadin lahaayeen Coronovirus.

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel oo Shalay Karantiil gashay.

Hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Mer kel ayaa Shalay oo Isniin aheyd gashay karantiil kadib markii Dhakhtar ay hore ula kulantay laga helay cu durka Corona Virus, sidaa darteedna ay go’aansatay in guriga isku karantiisho.

Afhayeenka dowladda Steffen Seibert ay aa sheegay in maalin walba baaritaan lagu sameynayo Markel, baaritaankuna uusan no qon doonin mid qarsoodi ah.

Waxa uu intaasi ku daray in Mrs. Angel ay waajibaadkeeda shaqo gudaneyso iyad oo joogta guriga.

Hogaamiyaha Jarmalka ayaa hore u she egtay in ay suura-gal tahay in 70%(boqolk iiba todobatan) cudurka Coronavirus uu ku dhaco dadka Jarmalka, waxana dalka Jarm alka uu ku jira kaalinat 3-aad ee dalalka Yur ub ee uu aadka u saameyey Cudurkan, wax aa ka horeeya Talyaniga iyo Spain.

Waxaa cudurkan u dhimatay 14,748 add uunka oo dhan, waxa uuna ku dhacay in ka badan 341,526 ruux halka 99,040 ay ka soo bogsatay sida lagu qoray boga lagu qoro xogaha cudurkan la xiriirta.

Safaaradaha Somaliya ee Hindiya Shaqooyinka hakisey

War ka soo baxay Safaaradda Soomaal iya ku leedahay Dalka Hindiya ayaa sheega ya in la hakiyo adeegyadii ay qaban jirtay sa faaraddu laga bilaabo Shalay oo aheyd Isn iin Safaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya, kadib amaro ka soo kala baxay dowaladaha Soomaaliya iyo Hindiya, kuwaas oo ku aa dan xakameeynta xanuunka inta badan dun ida ku baahay ee cornovirus covid19.

Safaradda ayaa sheegtay in ay u hoga ansa mi doonto amarada dowlada aan mar tida u nahay ee Hindiya, si looga hortago xa kama ynta cabuqa islamarkaana ay dadka Soomaaliyeed la wadaagi doono wixii soo ko rdha muddada ay Safaraddu xiran tahay, iya doo lataliyaha labaad ee Safaaradda Soom aaliy eed ee dalka Hindiya Saliim Cabdullahi Cilmi oo guddoomiye ka ah guddi si dhaw ula socon doona haddii muwaadiniinta Soom aaliyeed ay ku timado arrin deg deg ah, ka na jawaabi doona cabashooyinkooda, waxa ayna Safaaraddu sheegtay in ay si dhaw ula socon doonto xaaladda muwaadiniinta So omaaliyeed.

Dhanka kale Soomaalida ku dhaqan dal ka Hindiya iyo kuwa u yimaada Caafimaad ka, ganacsiga iyo Waxbarashada ayaa waxa saameeyay xanuunka corno virus oo kiisas badan ka mid ah ay ka jiraan dalka hindiya, guud ma jiraan goobaha Waxbarashada arday aada, ganacsatada joogta hadda dal ka kama bixi karaan, sidoo kale dadka So omaaliyed ee haysta fiisooyinka dal ku galka hindiya hadda ma soo gali karaan dalka, qa rkood waxa ay ku xayiran yihiin dalka Kenya oo ah halka dadka ugu badan ay ka qatan Fisaha.

Sidoo kale dad degan Magaalooyinka ka la duwan waxa ay qaarkood sameeyeen duc ooyin iyo Allabari oo Rabbi kaga baryayaan xanuunkaan saf marka ah in ay ka nabadg alaan, iyadoo dhanka dhaqdhaqaaqa waxa ay kala siman yihiin Shacabka Hindiya, wax ayna qaarkood u sheegeen Warbaahinta in ay guryahooda ku nagaan doonaan inta ay ka arkayaan isbedal kale, madaama dalku uu galay xalad dag dag ah.

Puntland oo ka hadashay Xildhibaan lagu diley Gaalkacyo

Guddoomiyaha G/Mudug ee Puntland Kooxo hubeysnaa ayaa Bartmaha M/Gaalk acyo ee Xarunta G/Mudug waxaa ay ku dil een Xildhibaan ka tirsanaa G/deegaanka Magaaladaas oo lagu Magacaabi jirey Muk htaar Axmed Cumar (Tinle),iyaga oo goobta ka baxsadey,waxaana dilkaasi ka hadley Maamulka Puntland.

Guddoomiyaha G/Mudug ee Puntland A xmed Muuse Nuur ayaa sheegay in ragga hubeysan ay dhowr xabadood ku dhufte en,isaga oo kasoo baxey Xil-ka Goob Ga nacsi oo ku taalla W/M/Gaalkacyo,sidoo ka lena ay dhaawaceen Askari kasoo hor baxay markii ay dilka geysteen,iyaga oo baxsana ya. Sidoo kale Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Xildhibaanka uu u geeriyoodey dhaawac culus oo soo geeray,hayeeshee ay haatan socdaan howlgallo kala duwan oo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyey dil ka Xildhibaanka,isla markaana ay ka Go’an tahay inay gacanta kusoo dhigaan.

Waxaa uu ku eedeeyey inay dilkaasi ka dambeeyeen Al-Shabaab,sidoo kalena uu sheegay in aysan jirin cid ilaa iyo hadda loo qabtey dilka Xildhibaanka,balse uu rajeyna yo in la soo qabto dadkii ka ambeeyey.

M/Gaalkayo G/Mudug ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal loo geysto,mas’uuliyiin, Askar iyo dad kale,waxaana dilalkaas inta badan sheegta Ururka Al-Shabaab.


Diyaaradihii hakiyay duulimaadyada oo loo la'yahay meel la dhigo

Waxaa toddobaadyadii la soo dhaafay la joojiyay qaar ka mid ah duulimaadyada caa lamiga ka dib markii uu dunida ku faafay fay raska corona.Dalal badan oo caalamka ah ayaa sheegay in kiisas badan laga helay xan uunka corona oo markiisii hore ka dil aacay dalka shiinaha.

Saameynta xanuunka ayaa keentay in dad badan aysan safrin, wadamo badanna ay joojiyeen duullimaadyadii caalamiga aha a, taasoo keentay in inta badan shirkadaha diyaaradaha ay joojiyaan duulimaadayada, maadaama ay yaraadeen macaamiisha safr eysa iyo dalalka la tagi karo.

Wargeyska The Financial Times ayaa ku soo warramay in diyaarado gaaraya 80 kun ay joojiyeen duulimaadyadii, taas oo ka dhigan in dhammaan diyaaradahaas ay u ba ahdeen meelo la dhigo, maadaama aysan hawada ku jirin.

Diyaaradaha joojiyay duullimaadyada wa xaa ka mid ah, Emirates, Delta, Qantas, Luf thansa iyo kuwa kale oo badan oo yareeyay safarada sida KQ, British Airway iyo kuwo kale.

Diyaaradaha ayaa markii hore isku ba deli jiray goobaha la dhigo diyaaradaha oo marka mid kuwo hawada ku jiraan, kuwa ka le ayaa yaali jiray bakinnada eelaboorada ku dhex yaalla.

Shirkadda Delta Airline ayaa sheegtay in ay joojineyso boqolkiiba 70 duulimaadyadii ay sameyn jirtay, waxayna intaa ku dartay in ay fariisinayaan lix boqol oo diyaaradood.

Madaxa shirkadda Delta, Ed Bastian ay aa sheegay in sidoo kale ay ka fikirayaan in ay hawlgab ka dhigaan diyaaradaha duugga ah.

Sidoo kale shirkadda diyaaradaha ee Qantas ayaa sheegtay in ay si ku meel gaar ah u hakineyso 150 diyaaradood, haddana ay wadaan wadahadalo ku aadan sidii loo heli lahaa meel la dhigo diyaaradahaas.

Madaxa shirkadda Qantas, Alan Joyce, oo la hadlay warbaahinta Mareykanka, ayaa sheegay in dedaallada kahortagga xanuun ka corona ay keentay in ay aad hoos ugu dhacdo tirada dadka safra, taasina ay kha saaro ku keentay shirkadaha duulimaadya da. Sido kale shirkadda duulimaadyada ee dalka Jarmalka ee Lufthansa ayaa sheegtay in ay hakisay duulimaadyada ay ku tegi jirtay meela badan oo caalamka ah.

Mareykanka waxaa la soo wariyay in shir ka daha duulimaadayada qaar ay waayeen meel la dhigo diyaaradaha, waxaana ay ku qasbanaadeen in diyaaradaha loo weeciyo xarumo lagu tijaabiyo diyaaradaha cusub, saldhigyada milateri iyo goobo kale.

Sidoo kale qaaradaha Yurub, Mareykan ka iyo Aasiya waxaa la sheegay in qiimaha laga qaado goobaha la dhigo diyaaradaha ay sare u kacday, maadaama ay adag tahay in la helo goobo bannaan oo la dhigo diy aaradaha.

M/Copenhagen ee dalka Denmark wa xaa la sheegay in ciriiriga ka jira goobaha la dhigo diyaaradaha ay gaartay heer aan la maleysan karin, waxaana maamulka garoon ka diyaaradaha ee magaaladaas uu la yimid qorshe cusub.

Labo ka mid ah halka ay diyaaradaha ku ordaan ee garoonka diyaaradaha ee Copenhagen ayaa la sheegay in laga dhigay meel la dhigo diyaaradaha, si loo heelo dhul dheeraad ah oo la dhigo diyaardaha joojiyay duulimaadyada.

Dan Meincke oo ka mid ah mas'uuliyiinta gar oonka Dan Meincke ayaa warbaahinta CNN ee Mareykanka u sheegay in qorshaha ha dda ay dejiyeen ee ah in halkii diyaaradda ay ku ordeysay marka ay caga dhiganeyso la dhigo karo oo keliya lixdan diyaaradood.

Seynisyahan Soomaali ah oo uu ku dhacay Coronavirus

Xasan Cabdi Dhoorre waa Seynisyahan ka mid ah khubarada loo xil-saaray baarit aanka cudurka coronavirus ee dalka Ingiriis ka, balse isagii ayuuba ku dhacay, walow hadda uu ka fiicnaad ay. Wuxuuna sharrax ay sidii uu uga caafdi maad ay Coronavirus, isagoo wareysi siinay ay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.

"Anigoo shaqada jooga ayuu xanuunku i qabtay, ka dibna waxaa la iisoo diray guriga. Ma jirto meel xaqiiqo ah oo aan dhihi karo cu durka halkaas ayuu iga soo raacay, laakiin waxaan raacayay tareennada ay dadka bad an saaran yihiin iyo basaska", ayuu yiri.

Markii uu cuedurka ku dhacay wuxuu aad ugu sii xanuunsaday gurigiisa, halkaasoo uu isku karantiilayay. "Xanuunkan wuxuu leey ahay qufac qallalan oo aysan waxba soo raa ceynin. islamarkii aan guriga tagayba waxaa igu billowday qufacaas iyo qandho kulul, si doo kalena waxaa i dhibayay naqaska", ayu u yiri Xasan Cabdi Dhoorre.

Muxuu isticmaalay Seynisyahanka, ka dib markii uu cudurka ku dhacay?

Dhoorre oo su'aashaas ka jawaabaya ay aa yiri: "Horta wali ma jirto daawo soo bax day oo uu cudurkan leeyahay, sababtoo ah waa xanuun adduunka ku cusub. Aniga wax aan qaadanayay dawooyin kaalmaati ah, si da qandho jabiyaha loo yaqaanno barastimo olka, kaasoo aan labo xabo ka cunayay mar kiiba, sidoo kalena waxaan cabayay biyo badan",

Hadda wuu ka caafimaaday xanuunka, wuxuuna dadka Soomaalida ah ku boorriyay inay aaminaan jiritaanka cudurkan, ayna aad uga taxadaraan.

Wuxuu seynisyahankan sheegay in dawa da coronavirus sameynteeda ay qaadan kar to wax ka badan hal sano, xilli xanuunkan uu faro ba'an ku hayo inta badan dalalka ca alamka.Dowladda Britain waxa ay shaacisay inay hawsha kala wareegtay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee maamula tareenna da dalkaasi. Shirkaddaha ayaa laga cods aday inay aqbalaan heshiis degdeg ah oo looga gol leeyahay la dagaalanka cudurka saf-marka ah.

Shirkaddii diiddo heshiiska ayaa waxaa si khasab ah looga qaadan doonaa shatiga iyo tareennada ay maamushaba.Dhanka kale dowladda ayaa laga filayaa tallaabooyin dhe eraad ah oo ay uga hortagayso cudurka Covid-19.

281 oo qof ayaa ilaa hadda UK gudahee da ugu dhintay coronavurus, halka dad gaa raya 5,683 qofna uu ku dhacay.

Muxuu yahay Coronavirus?

Waxaa la aaminsan yahay inuu yahay no oc caabuq ah oo ka mid ah bahda Fayraska ee loo yaqaanno coronavirus, kaasoo aan horay loogu arkin bani'aadanka.

Markii ugu horreysay wuxuu ka dillaacay magaalada Wuhan, oo ku taalla bartamaha gobolka Hubei ee dalka Shiinaha.

Wararka qaar waxay sheegeen in cudur kan oo ka abuurmay xayawaanka uu markii hore kasoo ifbaxay suuqa hilibka xayawaan nada badda ee magaalada wuhan.

Khubarada waxay sheegeen in uu cala amado ahaan u dhoo yahay cudurka Sars, oo ah caabuq aad u xun oo neef mareenka ku dhaca ayaa ku dhawaad 800 oo ruux ku dilay caalamka horaantii sanadihii ka dambe eyay 2000, wuxuuna qudhiisa qeyb ka ahaa cudurka coronavirus.

Maxaa ugu dambeeyay?

Q/Yurub ayaa hadda saldhig u ah cronavi rus, inkastoo markii ugu horreysay uu ka dillaacay Shiinaha. Waddanka ay dadka ugu badan ku dhinte en waa Talyaaniga, oo wali dagaal culus kula jira cudurkan.

Guud ahaan dunida 350,000 oo qof ayuu ku dhacay Coronavirus, tan iyo markii uu soo ifbaxay. 15,000 oo ka mid ah dadkaas ayaa u geeriyootay, halka ku dhawaad 100,000 oo ruuxna ay ka caafimaadeen.

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Shaqada hakin doonto

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Md.Maxamuud Axmed Nuur Tar san ayaa sheegay in Safaaraddu ay sha qada hakin doonto muddo 7baad ah oo ka billaabanaysa maalinta Talaadada, si loo ga fogaado faafidda cudurka COVID 19 ee uu keeno Corona Fayrus.

Safiirka ayaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya ugu baaqay in ay raacaan ti lmaamaha ay D/Kenya bixisay ee looga fogaanayo cudurka. D/Kenya ayaa xirtay dhammaan goobaha la isugu yimaado, iya doo ku baaqday in shaqooyinka laga fasa xo dadka laga maarmo ama ay xaafada hooda ka soo shaqo tagaan.

Waddanka Kenya waxaa laga helay 17 qof oo qaba cudurka COVID 19.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip