
Biyo Dhaamin Laga Sameeyay Deegaano Hoostaga Magaalada Boorama
Dhanka kale Dadka ku Nool Deegaanada Biyo Dhaaminta la Geeyay ayaa waxa ay ka Mahadceliyeen Deeqda Biyaha ee la soo Gaadhsiiyay waxaana ay Sheegeen inay Mudo 3 Sanadood ay iska Abaareysnaayeen islamarkaana ay ceelashii Biyaha ay ka dhaansanayeen ay Gudheen Xooluhuna ay Biyo u baahnaayeen iyaga oo intaasi ku Daray inay biyaha loo keenay ay aad Ugu baahnaayeen ‘’’
Geestooda iyaguna waxa Halkaasi saxaafada kula Hadlay Masuuliyiin ka socotay Hay,adani Biyo Dhaaminta Boorama ka Bilaabay ‘’’ Biyo dhaamintani waxa ay ku salaysnayd Baaqa Nooga Yimid Maamulka Gobolka awdal waxaan Gobolka u Keenay 50 Booyadood oo Biyo ah iyadoo ay qayb ka noqon doonaan Biyo Dhaaminta aan Wadnay ‘’’Illaahayna waxaan ka Baryaynaa inuu Nagu Asturo Camalkan Kheyriga ah’’’’ Sidaasi waxa Warbaahinta u sheegay Masuul ka socday Hay,ada Islaamiga ah ee Suna Khayriya ee Fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa
Sikastaba ha ahaatee Deeqdani biyaha ayaa ah Mid Baahi wayn loo qabay Maadaama Gobolka Awdal ay ka jirtay Abaaro saamayn Dadka iyo Xoolahaba dadka ku Dhaqan Deegaanada Biyaha la gaadhsiiyay ayaa ah kuwo inta badan Raadco ugu Jiro meel ay ka Helaan biyo iyo Baadba si ay iyaga iyo Xoolahooguba uga badbaadaan Abaaraha ka Jira Guud ahaanba Deegaanada Bariga iyo Galbeedka Somaliland


0 


Biyo Dhaamin Laga Sameeyay Deegaano Hoostaga Magaalada Boorama
Maamulka Gobolka Awdal ayaa waxa ay Biyo Dhaamin ka sameeyeen Magaalada boorama ee xarunta a Gobolka Awdal biyahaasi ayaa waxa Deeq ahaan soo Bixisay Hay,ada Islaamiga ah ee Suna Khayriya ee Fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa Deeqdani ayaa waxa ay k