Iska horimaad duleedka Kismaayo ku dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada Jubaland

0
Sunday February 28, 2016 - 19:21:06 in Wararka by
  • Visits: 871
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska horimaad duleedka Kismaayo ku dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada Jubaland

    Iska horimaadkan oo ka dhacay duleedka galbeed ee xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo, gaar ahaan halka loo yaqaan Haanta biyaha, ayaa u dhexeeyay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab iyo weliba ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugidda Jubaland oo halka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska horimaadkan oo ka dhacay duleedka galbeed ee xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo, gaar ahaan halka loo yaqaan Haanta biyaha, ayaa u dhexeeyay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab iyo weliba ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugidda Jubaland oo halkaasi ku sugnaa.
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnail
Iska horimaadka oo ay labada dhinac isu adeegsanayeen hubka noocyadii kala duwan ayaa dhacay xalay abaare 9:00 fiinimo xilliga geeska Afrika, waxaana uu socday qadar daqiiqado ah.


Afhayeenka nabadsugidda Jubaland Axmed Max’uud Max’ed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkii xalay uu ahaa mid ay uga hortagayeen walxaha qarxa oo uu sheegay in koox ka tirsan Al-shabaab ay qorsheeynayen in ay ku aasaan mid kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Kismaayo.

"Waxay rabeen in ay shacabka argagixiyaan, waxay soo aadeen wado marta hanta biyaha, ciidanka nabadsugidda iyo sirdoonka ayaa ka warhelay, ciidankaa ka howlgalay, ciidanka ayaana fashiliyay, miinooyinkiina gacanta ayaan ku dhignay,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Inkastoo afhayeenku sheegay in weerarkaasi ay ku dhaawaceen askari ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo hubkiisa ay gacanta ku dhigeen, ayaysan hadana jirin wax hadal ah oo ku saabsan iska horimaadkaasi oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab.

Rasaasta ay labada dhinac isweeydaarsanayeen ayaa xalay laga maqlayay inta badan xaafadaha magaalada Kismaayo, ayadoo arintan ay kusoo beegmeeyso xilli kooxda Al-shabaab ay mudooyinkii u danbeeyay waday qaraxyo iyo weerarro ay ka geeysaneeyso qeybo ka tirsan gobollada dalka.
xigasho:-hiiraan.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip