Wasiiraddii dowladda ee tagay Garowe oo kasoo horjeestay qodobadii kasoo baxay Shirkii Puntland

0
Friday March 20, 2020 - 20:24:39 in Wararka by
  • Visits: 278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiraddii dowladda ee tagay Garowe oo kasoo horjeestay qodobadii kasoo baxay Shirkii Puntland

    Wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ka qayb galay shirkii wada tashiga Garowe oo warbaahinta caasimadda Garowe ayaa kasoo horjeestay qodobadii kasoo baxay Shirkii wadatashiga maamulka Puntland. Wasiirka arrimaha diba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ka qayb galay shirkii wada tashiga Garowe oo warbaahinta caasimadda Garowe ayaa kasoo horjeestay qodobadii kasoo baxay Shirkii wadatashiga maamulka Puntland. Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo warbaahinta u akhriyay qoraal ay soo saareen ayaa sheegay in ay diidan yihiin qodoba kamid ah war murtiyeedka shirkii Garowe oo eedaymo culus loogu jeediyay madaxda dowladda federaalka islamarkaana ay ka xun yihiin ereyo ihaano ku ahaa dowlad goboleedyada kale.

                 Wasiirka ayaa sheegay in eedaymaha culus ee war murtiyeedka loogu jeediyay dowladda dhexe aysan ku jirin qodobadii shirka looga hadlay, sidoo kalena ihaano war murtiyeedka ihaano loogu gaystay dowlad goboleedyada kale.

                     Dhinaca kale wasiirka ayaa soo dhoweeyey booqashada madaxweyne Denni uu ku tagi doono magaalada Muqdisho si uu ula kulmo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa kale oo uu soo dhoweeyey shirka madaxweyne Denni ku casumay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka si looga wada tashad xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashada




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip