HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 19-MAARSO-2020

0
Thursday March 19, 2020 - 09:15:15 in Wararka by
  • Visits: 1187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 19-MAARSO-2020

    Amarkii R/wasaare Khayre ee xirida goob aha waxbarashada oo dhaqan galay Waxaa Shalay inta badan M/Muqdisho ka dhaqan galay amarkii Habeen hore ka soo baxay R/wasaaraha XFS ee ku aaddanaa in la xiro goobaha waxbarashada, saba bo ku aadan cudurka C

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amarkii R/wasaare Khayre ee xirida goob aha waxbarashada oo dhaqan galay Waxaa Shalay inta badan M/Muqdisho ka dhaqan galay amarkii Habeen hore ka soo baxay R/wasaaraha XFS ee ku aaddanaa in la xiro goobaha waxbarashada, saba bo ku aadan cudurka Corona virus. Xarumaha iskuulladda iyo kuwa Jaamacadaha ayaa Shalay badi hirgaliyey ammar kaasi, iyaga oo fasaxay arda yda, lana wadaagay farriinta R/wasaare Khayre ee aheyd in la xiro muddo illaa 15 ci sho ah, si looga hortago faafinta cudurka Coronavirus. Tallaabadaasi oo muhiim u ah xakam eynta cudurkaan oo fara ba'an ku haya caa lamka ayaa waxaa sidoo kale si aad ah u bo ggaadiyey dadka Soomaaliyeed.DFS ayaa horay u soo saartay ammar lagu joojinayo duulimaadyada caalamiga ah ee garoonka Aadan Cadde, kaas oo Xalay kadib dhaq an-gali doono. Sidoo kale taliska ciidanka Booliska Soo maaliyeed ayaa Shalay hakiyey muddo 15 cisho ah howlaha waaxda faraha ee hay'ad da CID oo bixisa warqadda dambi la'aanta. Dhammaan tallaabooyinkaan ayaa qeyb ka ah qorshaha ay dowladda dhexe ee Soo maaliya uga hortageyso COVID19, iyadoo si doo kale ku dhawaaqday inay u dooneysay la tacaalida cudurkan lacag gaa reysa 5 milyan oo Doller-ka Mareykanka ah.

W/Saalax Jaamac oo xafiiskiisa ku qaabi lay Ergayga gaarka ah ee Xogahaya Q/M

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee XFS Md.Saalax Axmed Jaamac ayaa Shalay xafi iskiisa kulan kula yeeshay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Q/Mi doobay u qaabilsan Soo maaliya, Amb James Swan, 2da masuul ayaa ka wadahadlay horumar ka laga gaaray

geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka waxa ayna isla soo qaadeen arrimo horay u sii dhaqaajinaya howlaha dhameeystirka das tuurka. Ugu horeyn, Wasiir Saalax oo ay shir ka ku wehliyeen Agaasimaha Guud iyo La-taliyha Arrimaha Warbaahinta iyo Xiriirka ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, ayaa ka hadlay howlaha qabsoomay bilihii la soo dha afay iyo kuwa u qorsheysan Wasaaradda iyo 2da guddi ee qaran ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka.

"Waxaan aaminasanahay sanadkii aan joogay xafiiskan waxa inoo suurtagashay qa bsoomidda howlo muhiim ah inaga ka wasa arad ahaan iyo 2da guddi ee qaran ee ku shaqada leh dib-u-eesgita dastuurka, sido kale waxaa howsha ku soo biiray in kabadan 20 wasaarad oo katirsan XFS

si ay howlaha kaga aaddan dhameeysti rka dastuurka ay uga qeybqaataan;

arrimaha awood qeybsiga waa wadnaha dib-u-eegista dastuurka waxaana

wasaaradaha kala doodnay qeexidda awoo dahaas, sida loo kala la leeyhaay, halka ay awooduhu yaallaan iyo qodobo kale” ayuu yiri Wasiir Saalax.

Intaa kadib, Amb James Swan ayaa bog aadiyay howlaha u qabsoomay hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka waxa uuna soo hadal qaaday howlaha harsan ee u baa han in la qabto.

"Waxa aan idinku hambalyeeynayaa ho wlaha aad qabateen oo ay ka mid yihiin saf arada dhowaan aad ku tagteen seddexda do wlad goboleed ee Koonfur Galbeed, Galmud ug iyo Hirshabeelle oo aad kala hadasheen aragtida ay ka qabaan arrimaha dastuurka, Waxaan is aragnay qaar kamid madaxda do wlad goboleedyada iyo dad kale oo Soom aali ah waxaana kala hadlay muhiimadda dhameeytirka dastuurka iyo inay doorkooda ka qaataan;

Waxaan idinku garab taaganahay sidii hore loogu sii wadi lahaa arrimaha dib-u-eegista dastuurka si guul looga gaaro geedi-socodkan soo socday muddo dheer” ayuu yiri Amb James Swan.

Sidoo kale, Wasiirka waxa uu sheegay in Wasaaradaha XFS ee ku lugta leh arrimaha masiiriga ah ee ku jira dastuurka ay door wa naagsan ka qaadanayaan howsha socota maadaama ay horay heshiisyo wadash aqe yn iyo dhanka awoodaha ah ula galeen was aaradaha dowlad goboleedyada, dhanka ka lena ay ku gacan siinayaan Wasaaraad da Arrimaha Dastuurka sidii loo dhameeytsiri lahaa dastuurka.

Wasiirka waxa uu sidoo kale soo hadalqa aday banbax howled ay yeelan doonaan Gol aha Wasiirada kaasoo looga arinsan doono arrimaha dib-u-eegista dastuurka. Wasiir Saalax waxa uu dhinaca kale ka hadalay ho wlaha baaxadda leh ee wacyigel inta dadwe ynaha ee qabsoomay, waxa uuna sheegay in howlaha wacyigelinta iyo waxbarashada madaniga ee dib-u-eegista dastuurka la dar dargelin doono isla markaana ay si joogta ah u socon doonaan si wacyiga shacabka Soo maaliyeed ee arrimaha dastuurka kor loogu qaado.

Gebogabadii, Wasiirka waxa uu ka mah ad celiyay taageerada QM ay la garabta agantahay DFS gaar ahaan hay’adaha u xil saaran dib-u-eegista dastuurka kuwaasoo is ugu jira arrimaha is-dhaafsiga khibradda oo ay ka gacan-geystaan hay’adaha Unka iyo arrimaha Wacyigelinta Dadweynaha oo imi nka uu soocdo sI olole ah

Maxaa ka jira kiis 2aad Coronavirus in dalka laga helay? Kadib markii Shalay baraha Bulshada lagu faafiyay warar been abuur oo la xiriira in ru ux 2aad laga helay Caabuqa Coronavirus, ayaa arrintaasi waxaa beenisay DFS

D/Somaliya waxa ay beenisay wararka be en abuurka ee lagu faafiyay Baraha Bu lshada, kaasi oo la xiriira qof 2aad oo qaba Caabuqa Cor onavirus in dalka la ga helay.

Wasiir ku xigeenka W/caafimaadka So omaaliya la hadlay Idaacada Kulmiye ee Mu qdisho ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wararkaasi. Wasiir Maxamed Saciid C/hi ay aa sidoo kale sheegay in uusan dalka oolin qalab lagu ogaan karo cudurkaasi, islamark aasina dadka laga shakiyo dowladu ay ku soo baarto dalka dibadiisa.

Xaaladaha la xiriira caabuqa Coronavirus ayaa ku sii faafaya dunida, waxaana jirta ca bsi wayn oo guud ahaan caalamka ka jirta oo la xiriira Caabuqaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliye ed oo magacaabay taliyeyaal cusub

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaali yeed Sarreeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Taliye Cusub u Magacaabay Cii danka Booliska maamulka K/G/Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Xij aar ayaa waxaa Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska K/Galbeed loogu magacaabay inuu noqdo Gaashaanle Sare Cabdi Ibraahim Shaamow oo loo yaqaano (Cabdi Dheere),

isagoo bedelaya Taliyihii hore ee Ciidank aas.

Sidoo kale Wareegatada ayaa waxaa lagu magacaabay taliyaha Cusub ee qeybta Bool iska Sh/Hoos, Taliyaha laanta Booliska dam biyada G/Baay iyo saraakiil kale oo la shaq eyneysa.

Ugu dambeyn wareegtada ayaa lagu am ray taliyeyaasha cusub inay si deg-deg ah xil alka ula wareegaan, si loo dardar galiyo how laha Booliska ee K/ Galbeed Soomaaliya.


Wasiir Maxamed Siciid: Ma yaallo Muqdi sho qalab lagu ogaan karo Coronavirus

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafi maadka xukuumadda federaalka Soomaal iya, Md.Maxamed Siciid C/hi oo Shalay u warramayey warbaahinta ayaa ka hadlay arr imo dhowr ah oo ku aadan cudurka Corona.

Wasiir ku xigeenka ayaa marka hore sha aciyey in dalka, gaar ahaan M/Muwqdisho uusan oolin qalab caafimaad oo lagu ogaan karo cudurka Corona.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in muwaad inka Soomaaliyeed ee laga helay cudurka, muunada laga qaaday loo diray dalka diba ddiisa, sidaasina lagu ogaaday.

Dhinaca kale wuxuu beeniyey weerar la’ isla dhex-marayey baraha bulshada oo shee gayey in qof 2aad oo qaba xanuunka lagu arkay isbitaal Digfeer.

Maxamed Siciid C/hi ayaa xusay in ka wa saarad ahaan ay wadaan dadaallo xoogan, isagoona ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay dhankooda taxadar muujiyaan.

Soomaaliya oo laga helay kiis ka mid ah xanuunkaa COVID19 ayaa waxa ay haatan dad badan wal-wal ka muujinayaan halista cudurkaan, maadaama DFS aysan heysan qalabkii loogu tala galay in looga hortago cudurka iyo kuwa karantiilka intaba.

Coronavirus oo markii sii hore ka soo bilo wday Shiinaha ayaa si weyn ugu baahay du nida inteeda kale, wuxuuna sababay in wa damadu ay kala xirtaan xuduudaha.

Taliska Booliska Soomaaliya oo xiraya Waaxda Faraha ee CID-DA

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqey in la xirayo Waaxda Far aha ee Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-DA sababo la xiriira Cudurka Co ronavirus.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in iyada oo la raaca yo awaamiirta Madaxda DFS ee ku aaddan ka taxadarka Caabuqa karoona feyras in wixii ka bilaawda maalinta Berri la xirayo Waaxda Faraha ee CID.

"Iyadoo la raacaya awaamiirta guud DFS oo ku aadan taxadirka faafinta cudurka cor onavirus, waxaa shacabka Somaliyeed ku wargelineynaa in laga bilaabo BERI taariik hduna ku beegantahay 19/03/2020 aan xi rnay Waaxda Faraha ee CID oo bixisa war qada dembi la’aanta muddo 15 cisho ah” ayeey tiri Taliye Zakiya.

DFS ayaa wado dadaallo ku aaddan sidii looga hortegi lahaa faafida cudurka karoona, waxeyna amartay in la laga fogaado dhamm aan goobaha sabab u noqo karo in uu faafo xanuunkaan.

Dowladda Somaliya oo soo saartay awa amiir lagu joojinayo kulamada cayaaraha

DFS ayaa waxay qaaday tallaabooyin hor leh, oo ujeedkiisu yahay in lagu yareeyo am aba lagula dagaalamo faafitaanka caabuqa Coronavirus. Wasaaradda Dhalinyarada & Cayaaraha Somaliya ayaa waxay Shalay soo saaray amar muddo shan iyo toban ma almood lagu joojinayo cayaaraha noocyado oda kala duwan, dhammaan dalka oo dhan, si looga hortaggo faafitaanka Coronavirus.

War ay soo saartay Wasaaradda Dhalinyara da & Cayaaraha ayaa lagu sheegay in shan iyo toban cisho la joojiyo dhammaan caya araha dalka, noocyadooda kala duwan.

Warka ayaa ahaa mid ku socday Was aaradaha Dhalinyarada & Cayaaraha ee Maamulada Puntland, Galmudug, Hirshab elle,Banaadir, K/ Galbeed iyo Jubbaland.

Warka qoraalka ee ka soo baxay Wasa aradda Dhalinyaradaha & Cayaaraha Somali ya ayaa lagu muujiyay laga bilaabo Khamiis ta , oo taariikhduna ku beegan tahay 19-ka bishan in la joojiyay dhammaan cayaaraha kala duwan ee dalka.

Cayaaraha la joojinayo waxaa ugu muh iimsan Horyaalka Somaliya, oo xilligan uu wareegiisii 2aad si habsami leh uga socona yo M/Muqdisho.

Xiriirka Kubadda Cagta Dalka ayaa wax aa laga soo xigtay in laga bilaabo Khamiista ah ay u hoggaansami doonaan amarka ka soo baxay Wasaaradda Dhalinyarada & Ca yaaraha, oo ay Wasiir ka tahay Khadiijo Max amed Diiriye.

Caabuqa Coronavirus ayaa tan iyo Jimc ihii ku fidaayay Wadamada Geeska Afrika, iyadoona laga diiwaangeliyay dalal ay ka mid yihiin Tanzania, Kenya, Itoobiya, Somali ya iyo Jabuuti oo Shalay xaqiijisay.

Senator Nadiir: Deni wuxuu iska noqday nin caqabad ku ah Puntland iyo DF

Senator Axmed Macalin Cumar Nadiir oo ka tirsan golah aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qodobadii ka soo baxay shirka wadatashiga Puntland ee lagu soo gabagabeeyey magaalada Garoowe.

Senator Nadiir oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa ka horyimid warmurtiyeedkii ka soo baxay shirkaasi, isagoona tilmaamay in uusan wax macne ah u laheyn dowlad goboleedka Puntland iyo sidoo kale guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim aheyd in Puntland laga tala galiyo sharciga doorashooyinka qaranka ee dhowaan la meel mariyey.

Axmed Macalin Cumar Nadiir oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in Deni uu iska noqday nin caqabad ku ah Puntland iyo dowladda dhexeba, sida uu hadalka u dhigay."Waa run doorbey ku leeyihiin oo in laga tala geliyo ayey aheyd sharciga doorashooyinka, Madaxweynaha Puntland waxa uu iska noqday nin caqabad ku ah Puntland iyo dowladda dhexeba, shuruucdii uu meel mariyey baarlamaanka ayuu rabaa in uu duro” ayuu yiri Senator Axmed Nadiir oo ka tirsan golaha aqalka sare ee baarlamaanka Somalia.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Dorraad dowlad goboleedka Puntland ay ku dhawaaqday shirweyne looga hadlayo khilaafka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, inkastoo aysan weli dhankeeda ka hadlin dowladda dhexe.

Xoogaggii Amisom ee ka qayb qaatay qabashadii Janaale

Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa waxay gacan ka gaysteen hawlgalkii maalin ka hor, ay Ciidanka Xoogga Dalka ku la wareegeen gacan ku haynta Deegaanka Jannaale ee G/Sh/ Hoose.

Kaalinta Amisom ee qabashadii Jan naale ayaa ahayd mid kaalmo ah, balse doorka hoggaamineed waxaa lahaa Xoogaga Gorgor & Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Xoogaga Amisom ayaa waxay fariisimo ka samaysteen waddooyinka soo gala Jan naale, si ay uga hortaggaan haddii weerar uu ka yimaado maleeshiyada Ururka Al Sha baab.

General Tigabu Yilma Wondimhunegn, Taliyaha Ciidanka Amisom oo ka hadlay ha wlgalkii maalin ka hor lagu xoreeyay Jann aale ayaa hawlgalka ku sheegay in uu ahaa mid guuleystay.

Taliyaha ayaa warsaxaafadeed uu Shalay soo saaray waxa uu sheegay in intii uu hawl galku socday ay ciidamadu dileen dhawr ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab, halka tiro kalena ay dhaawaceen.

Sidoo kale waxa uu Taliyaha uu Cii da mada Huwanta ku ammaanay, sida hufan ay isaga kaashadeen hawlgalkan, isaga oo in taa ku daray in uu u rajeynayo in dhakhsiya kaga soo kacaan, ciidamadii ku dhaawacm ay hawlgalkaasi, oo aanu tiradoodu cayimin.

Warsaxaafadeedka ayuu ku sheegay in Ciidamada Huwanta ay yareeyeen halistii ka jirtay dhulka ballaaran ee Somaliya, awooda ciidamada u leeyihiin dagaalkana ay yareys ay weerarkii ka yimaanayay Al Shabaab.

"Amisom oo kaashaneysa Ciidamada So omaaliya ayaa yareeysay halista Al Shaba ab ee ka jirta dhulalka ballaaran ee Somal iya, sidaasi darteed awoodda ay u leeyihiin dagaalka ayaa loo yareeyay wee raro koob an oo lagu bartilmaameedsanayo yoolalka go’doonsan.” Ayaa lagu yiri warka ka soo ba xay Taliska Amisom.

Deegaanka Jannaale oo qiyaastii 95km u jira M/ Muqdisho ayaa waxaa ku dhaqan dad tiradooda lagu sheegay soddon kun (30,000) oo qof, waxaana mara Webiga Shabelle. Jannaale waxay caan ku tahay beeraha iyo

ganacsiga.

Jabuuti oo xaqiijisay kiiskii ugu horeeyay caabuqa Coronavirus

J/Jabuuti ayaa waxay Shalay xaqiijisay in kiiskii ugu horeeyay oo Coronavirus ah ay ka diiwaangelisay dalkeeda, ka dib markii laga helay nin u dhashay dalka Spain.

Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrima ha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Ja buuti ayaa shaaca ka qaaday in kiiskii ugu horeeyay oo caabuqa Coronavirus laga xaqii jiyay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Ninka laga helay caabuqa Coronavirus ayaa ka mid ahaa askar u dhalatay dalka Sp ain oo 14-kii bishan ka soo degay Garoonka Caalamiga ee Djibouti, sida ay xaqiijsay Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti.

War ka soo baxay Wasaaradda Caafimaad ka Jabuuti ayaa lagu yiri "Qofka qabay cud urkan Coronavirus ayaa waxa uu dalka soo galay 14-kii bishan March, isagoo ka soo de gay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee M/Djibouti, waxaana uu la socday 32 ask ari oo kale oo u dhashay dalka Spain.”

Warka oo lagu faah faahiyay waxa ay yihi in Ciidamada Spain ayaa lagu yiri "Ciidama dan Spain ayaa waxay jooggaan dalka Jab uuti, iyagoo qayb ka ah hawlgalka la dag aalanka ee burcad badeeda wadanka Somaliya.”

Sidoo kale waxaa warkan lagu cadeeyay in Ciidamada Spain la geeyay Xerada Ciidamda Faransiiska ku leeyihiin dalka Jab uuti, halkaasoo dammaantood lagu karan tiilay, si markaasi loo hubiyo caafimaadko oda. "Ciidamada soo galay 14-kii bishan wa xaa dhammaantood la geeyay Xerada Ciida mada Faransiiska, halkaasoo lagu karanti lay, si baaritaan loogu sameeyo.” Ayaa lagu yiri warkan ka soo baxay Wasaaradda Caa fimaadka Jabuuti.

Caabuqa Coronavirus ayaa tan iyo Jimci hii ku fidaayay Wadamada Geeska Afrika, iyadoona laga diiwaangeliyay dalal ay ka mid yihiin Tanzania, Kenya, Itoobiya, Soma liya iyo Jabuuti oo Shalay xaqiijisay.

Caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Galmudug oo dib loo dhigay

Guddiga qaban-qaabada caleema-saar ka madaxweynaha cu sub ee dowlad gobolee dka Galmudug, ayaa dib u dhigay munaasa badda Caleema saarka oo dhici lahayd 26-ka Maarso 2020.

Guddiga ayaa she egay in uu go’aankaas gaaray, markii uu arkay saam eynta ay xan nibaadda dayaa raduhu ku yeelatay qurba joog ta Soomaaliyeed ee ka qeyb geli lahaa munaasabadda, ar kay talada dhakhaatiirta, dhe gaystayna soo jeedinta DFS in la dhimo kulammada waaweyn.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay, in uu garawsaday baahida loo qabo in maskax, muruq iyo maalba la isugu geeyo, ka hortag ga faafidda caabuqa Korona iyo daryeelka dadka qaada Covid-19. Sidoo kale, guddiga ayaa xusay in Caleema-saarka la qaban doo no xilli ku habboon, kaas oo uu Guddigu la wadaagi doono Dadweynaha wakhtiga munaasabka ah.

Mareykanka oo shaaciyey WAQTIGA ay joojinayaan tababarka ciidamada DANAB

Taliska howlgalada AFRICOM ayaa shaa ca ka qaaday waqtiga uu ku eg yahay, oo ay joojin doonaan tababarada ay siiyaan Ciida mada DANAB ee Soomaaliya, oo ah ciidan si gaar ah loo tababaro.

Iyada oo Waaxda Difaaca Mareykanka culeys lagu saar ayo dib u eegista joogitaanka Ciidamada Mareykanka ee Africa iyo meelo kale, AFRI COM waxay saadaalineysaa inay sii wadi doonto horumarinta waxa ay ugu yeertay "Hillaaca Guusha” ilaa 2027, Miguel Castel lanos, ku xigeenka agaasimaha howlgalada AFRICOM, ayaa hadalkaas ku sheegay war eysi uu siiyey Military Times.

Ciidamada Soomaalida ah ee Dowladda Mareykanka tababarka siiso ayaa waxaa loo yaqaanaa Kumaandooska DANAB, waana guuto ka tirsan ciidamada Dowladda oo si gaar ah loo tababaray.

"Danab waa ciidamada leh kartida ugu ba dan, si gaar ah gudaha Soomaaliya,” ayuu Miguel Castellanos, isagoo tilmaamay in ay rajeynayaan in tababarada ay joogsan doo nan marka la gaaro sanadka 2027-da.

Waqtiga ay AFRICOM sheegtay inay joo jin doonto tababarka Ciidamada Dowladda ee DANAB ayaa waxay ku aadan tahay 10 sano kadib markii ay Ciidamada Howlgalka Gaarka ah ee Mareykanka ay markii ugu hor eysay ka qeyb qaateen tababar dhallaanka lagu siinayey sidii ay ula dagaalami lahaa yen Al-Shabaab.

Ciidamada uu Mareykanka u tababaro DS ayaa markii ugu horeysay sanadkii 2013 waxaa lagu bilaabay 150 askaro, waxayna hadda tiro ahaan gaarayaan 800 Boqol ilaa 1000 Askari, wuxuuna qorshaha AFRICOM yahay in ciidamadaas la gaarsiiyo illaa 3 Kun oo Askari.

Bancroft Global Development oo ah shir kad aan dowli aheyn, balse la shaqeyso Wa saaradda Gaashaandhigga Mareykanka ay aa la siiyey qandaraaska qorsita Ciidamada DANAB ee loo tababaro Dowladda Sooma aliya.

Bancroft Global Development, marka ay diiwaan geliso Ciidamada, waxay si toos ah ugu wareejisaa Taliyaasha Ciidamada Mar eykanka, waxaana markaas wixii ka dambe eyo la siiyaa tababar ku saabsan farsamooy inka dagaalka iyo sidii ay howlgalo uga sa meyn lahaayeen goobaha halista ah oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Kooxda Al-Sha baab.Howlgalka AFRICOM waxaa la sa meey ey sanadkii 2007 si looga hortago khat arka Al-Qaacidda ee qaaradda Africa, illaa hadda na si rasmi ah looma oga guutooyin ka ka joogo Soomaaliya sababo ku saabsan bad baadinta Ciidanka.

Coronavirus: Dalal wax ka badelay aadaanka salaadda

Dalalka Kuwayd iyo Isutagga Imaaraad ka Carabta ayaa si KMG ah u xiray masaaj idda, waxaana ay isbedel ku saameeyeen aadaanka saaladda sida ay ku warrameen warbaahinta waddamadaasi.

Dowladaha dalalkaasi ayaa joojiyay sala adaha lagu tukado masaa jida si looga hortago faafi dda fayraska Corona ee laayay dadka badan.

Halkii uu mu'adinka ka dhihi lahaa "Xaya Cala Salaah" ayaa waxa uu ku bedalayaa "As-saalatu fii biyuutikum" ama "Alaa salluu fii rixaalikum" oo la micno ah guryihiinna ama halka aad joogtaan ku tu kada.

Kumannaan qof oo ku nool bariga dhexe ayuu ku dhacay cudurkan saf-marka ah ee galaaftay noolasha dad badan. Wadamo ba danb oo Islaam ah ayaa joojiyay salaadaha jamaacada ah, halka kuwo kalena ay soo ga abiyeen saacadaha ay furnaanayaan gooba ha cibaadada.

Ma bannaantahay in wax laga bedalo aadaanka?

Dr Sheekh Aadan Sheekh Cali, imaamka masaajidka Abubakar ee xaafadda Islii ayaa sheegay inay horay u dhacday xaaladdan oo kale.

"Arintan xilligii Nebiga (NNKH) way dha cday. Bukhaari iyo Muslim waxay soo saare en in Imaan Cabdullahi ibnu Cabbaas uu mu'adinkiisii ku yiri maalin roob badneyd ha dhihin Xaya Cala Salaah ee waxaad tiraah daa Salluu fii biyuutikum. Dadku way dhibs adeen arinkaa, balse Cabdullahi ayaa ugu ja waabay waxaa sidan sameeyay mid aniga iga fadli badan oo Nebiga waxa uu diidayay inay dadka dhoobada ku socdaan," ayuu yiri imaamka.

Golaha sare ee culimada Sacuudi Carabi ya ayaa dhawaan fatwooday in dadka qaba fayraska Corona ay mamnuuc ka tahay Saa ladda Jimcaha iyo inay xaadiraan masajida .

Waxa ay uga baaqeen dadka looga shaki yay fayraska inay guryahooda joogaan oo ay iskarantiilaan, iyadoo dadka ka cabsi caqaba inuu ku dhacana loo oggol yahay inay gury ahoodda joogaan.Corona oo bishii Desem barka soo billo wday Shiinaha ayaa saamee yay dalal badan oo caalamka ah iyadoo kum

anaan qof ay u dhinteen.



LAMAANAHA ISKU DHAARSADAY JACAYLKA INDHAHA LA'


Horay ayaa loo yiri, "Jacaylka waa indh oole". Laakiin maxaa dhacaya markii labo qof oo indhaha naafo ka ah ay is jecla adaan?

"Waa jacayl gabi ahaanba ka duwan mid ka caadiga ah; waa jacayl aan ku dhisneyn muuqaal wanaag iyo qurux," ayuu yiri Niraj Gera, oo ah sawir qaade u dhashay Hindiya oo abaalmarinno badan ku guuleystay.

Musalsal sawirro ah oo uu dhawaan soo bandhigay ayuu Mr Gera uga sheekeeyay qi sada nin iyo haweeney aragga la' oo is jecla aday, wuxuuna sheekadooda ku cabiray ilaa 13 sawir.

"Maalin ka mid ah bishii July ee sanadkii hore, waxaan ka dukaameysanayay dhisma ha Connaught [oo ku yaalla M/ Delhi], ka dib waxaan arkay lammaane qurux badan. Way socdeen gacmaha ayeyna is heysteen, iya goo dhoollacaddeynaya, oo sheekeysana ya," ayuu yiri Mr Gera oo la hadlayay BBC-da.

Lammaanahan waxaa caawinayay nin ka le oo ku hoggaam inayay qeybaha kala duw an ee dhismaha Connaught. Mr Gera wuxuu sheegay in xaaladda lammaanahan ay aad u soo jiidatay: "Waxay ahayd markii ugu hor reysay ee aan arko lammaane aragga la," ayuu yiri.

Sidaas awgeed wuu u tagay, wuxuuna u gu yaboohay inuu ge eyo ilaa boosteejada.

"Intii aan sii soconnay waddada, waan sheekeysaneynay, waxaa na weydiiday inay nin iyo xaaskiis yihiin, wayna ii xaqiijiyeen. Mar ka waxaan weydiiyay haddii ay raalli ka yihiin in sheekadooda la faa fiyo. taasna way iga oggolaadeen," ayuu yiri.

SawirkaNIRAJ GERA Musalsalka uu same eyay sawir qaadaha wu xuu si buuxda ugu sharraxay qisada jacaylka dhabta ah ee De epak Yadav iyo Arti Chaurasia, oo labadoo duba ay da'dooda tahay 21 sano.

Markii ugu horreysay waxay isku barteen Facebook-ga.

Deepak wuxuu sheegay in isaga iyo gaba dhaba ay isticmaali jire en telefoonno casri ah laga heli karo adeegyada loogu talagalay dad ka aragga naafada ka ah.

"Markii aad taabato batoonka hadalka ee telefoonka, waxaa dib kuugu soo laabanaya jawaab hadal ah," ayuu yiri.

Maalin ka mid ah bishii June ee sanadkii 2018-kii, Deepak wux uu sheegay in magaca Arti uu uga soo booday qeybta magacyada dadka isu bandhigta ee Facebook-ga, sida asna ay dadka qaar ku codsadaan saaxiibt inimada.

"Waxay ila ahayd inaan waxyaabo badan is ku mid ka ahayn, sid aas awgeed waxaan u dirsaday codsi saaxiibtinnimo," ayuu yiri isag oo la hadlayay BBC-da.

Arti inay aqbasho waxay ku qaadatay mu ddo labo isbuuc ah. "Ma aanan garaneynin, marka waxaan la yaabanaa qofka uu yah ay?" ayey tiri.

Laakiin ugu dambeyn way ku darsatay lii ska saaxiibbada

Wax yar kaddib waxay billaabeen inay farriimo isdhaafsadaan.

Waxay sheekeystaanba ugu dambeyn waxay kala qaateen lamb arrada telefoon nadooda.

"Markii ugu horreysay waxaan telefoonka iskula hadalnay 31-kii bi shii July," ayuu yiri Deepak.

"Wicitaankaas ugu horreeyay wuxuu socday 90 daqiiqo", ayey tiri Arti. Si joogto ah ayey u wada hadli jireen, maalin maalma ha ka mid ahna, Arti waxay weydiisay inuu gabar saaxiibad ah leeyahay.

"Wuxuu yiri, maya, xerada wey bannaa ntahay", ayey tiri iyadoo qosleysa.

Wax badan kuma aysan qaadanin inay jacayleeda u bandhigato. Taasina waxay dhacday 10-kii bishii August.

"Telefoonka ayaan iskula hadleynay. Sa axiibkey ayaan la fa dhiyay, iyaduna waxay ku dhiirratay inay i dhahdo 'Waan ku Jecla hay'. Anigana waan ugu jawaabay," ayuu yiri Deepak.

Laakiin Deepak wuxuu sheegay inuu hal daqiiqo hadalka ku dha gay marka ay Arti jacaylka u qiratay.

"Waxaan is dhahay hadalkaas aniga la iiga baahnaa marka hore, sidey iyada ku dhahday? Xoogaa ayaan aamusnaa, kad ibna waan ku dhahay anigoo ugu jawaab aya", ayuu yiri.

Labo bilood ka dib, Deepak ayaa ugu tag ay meesha ay dagga neyd, markii ugu horrey say ayeyna si toos ah u kulmeen.

Tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay, De epak iyo Arti si joogto ah ayey u kulmaan, waxayna sheegeen in jacaylkooda uu xoo geystay.

Deepak wuxuu sheegay in hadda wixii ka horreeyay uu qoyskii sa ka qarin jiray jac aylkooda". "Aabahay wuxuu i dhahaa hadda ka fogow jacayl iyo wax la mid ah, dib ayaad ka heli doontaa waqti bad an oo aad waxyaa bahaas ku maareysid. Ku dadaal waxbara shad aada, xirfadna yeelo," ayuu yiri.

Hase yeeshee Arti waxay sheegtay in qoyskeeda intooda badan ay ka war qabaan xiriirka ay la leedahay Deepak, inkastoo aabahe ed uusan waxba ka ogeyn.

Waxaan weydiinay waxa dhici kara haddii ay waalidiintooda BBC-da ka arkaan sheekadooda, ayna ka war helaan xiriir kooda.

"Waxaan rajeyneynaa inay arki doonaan," ayuu yiri Deepak.

"Haddii ay arkaan in warbaahinta ay ama anayaan xiriirkeenna, iyaguna dhanka fiican ayey ka eegi doonaan", ayey tiri Arti.

Lammaanahan waxay hadda raadsana yaan shaqooyin, si ay u xaqiijiyaan wadajir ka mustaqbalkooda.

"Waan is mehersan doonnaa isla marka uu mid naga mid ah helo shaqo," ayey tiri Arti. "Laakiin waxaan mararka qaar ka walw alaa inaan duqoobi doonno annagoo wali shaqo helin oo aan is guursa nin." Xuquuqda sawirrada: Niraj Gera XigashoBBC

Puntland oo Walaac ka muujisay Ciidam ada loo tababarayo D/F/Soomaaliya

Ciidamada DFS ee Haramcad D/Punt land ayaa X F/Soo-maaliya ku Eedaysay, in ay dhisayso ciidamo hal dhinac ka raran oo aan isu’ dheelli tirnayn, islamarkaana Khatar ku ah Amniga iyo Xas-iloonida dalka.

War-muriyeedkii daraad ka soo baxay Shir kii Garoowe, ayaa qod ob kamid ah lagu xusay in DFS ay baal-martay

Heshiiskii dhismaha Ciidan Qaran oo la saxiixay sannadkii 2017, kaasi dhigayay

in dalka loo dhiso Ciidamo Qaran oo midaysan.

"Wuxuu Shirweynuhu walaac ka muujiyey in ay dowladdu dhiseyso ciidan dhinac u raran oo aan isu’dheelii tirnayn khatarna ku noqon kara Amniga, Xasiloonida iyo Wadajirka dalka” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Shirweynaha Wada-tashiga Puntland.

Sidoo kale, Qoraalkaas ayaa lagu sheegay in Shirweynuhu

xukuumadda Puntland ugu baaqayo, in ay la-xisaabtan adag la gasho dowladda

Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha ku gacan-siiya Tababarka ciidamada, si wax

looga weydiiyo Ciidamada halka dhinac ah ee la hubaynayo.

Xukuumadda Puntland, waxay marar kala duwan ku cel-celisaa, in Hannaanka Tababaridda iyo Qalabeynta Ciida-mada dowladda Federaalka Soomaaliya, uu yahay mid dhinac u raran oo Beelo gaar ah la hubaynayo, balse uusan ahayn mid lagu dhisayo Ciidamo Qaran oo midaysan.



CORONAVIRUS: M/YURUB OO XUDUUDAHA XIRTAY SI LOOLA DAGAALLAMO FAYRASKA


Midowga Yurub ayaa xayiraad socdaal oo 30 maalmood ah ku soo rogay dhammaan xuduudaha dalalkiisa. Tallaabada uu ururku ku dhawaaqay ayaa la sheegay in la filayo in uu ka dhaqan galo 26 dal ee ka tirsan M/Y.

Xayiraadda M/Y uu soo rogay ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii kordhey so tirada dhimashada dalalka Talyaaniga, Spain iyo Faransiiska.

Qaradda Yurub waxaa si weyn u saamee yey fayraska Corona ee dunida ku sii faa faya, isla markaana dilay ku dhawaad 7,500 oo qof. Sidoo kale tartanka kubadda cagta Euro 2020 ayaa dib loo dhi gay muddo hal sano ah ilaa 2021 sababo la xiriira cudurka saf-mar ka ah ee corona.

Cudurka ayaa wuxuu soo ritay dad ka ba dan 185,000 oo daafaha dunida ku kala nool.

Maxay ka dhigan yihiin tallaabooyinka M/Yurub uu qaaday?

Tallaabooyinka M/Yurub uu qaaday wax aa ka mid ah xayiraadda dhinaca socdaalka oo lagu soo rogay muwaadiniinta aan u dha lan iney ka soo tallaabaan xadka.

Marka laga reebo muwaaddiniinta wakht iga dheer yurub degga naa, qoysaska muw aaddiniinta yurub u dhashay iyo Diblumaasi yiin ta, shaqaalaha caafimaadka ee xududa ha isaga goosha iyo dadka gaadiidka ka shaqeeya.

Tallaabbada M/Yurub uu qaaday ayaa la gaga dhawaaqay kulan ay muuqaal aragga fog talaadada gelinki dambe ku yeesheen mada xada waddamada reer yurub, go'aan kaasi oo ka dhaqan galayo dhammaan wadd amada xubinka ka ah Midowga Yurub.

Madaxa Koomishinka M/Yurub Ursula von der Leyen oo shir jara a'id qabtay wuxuu sheegay "Arrintan iney tahay mid wanaagsan ayna muujineyso arrimaha xuduudaha wixii ku saabsan inaan ka mideysannahay."

Waddamada Britain iyo Jamhuuriyadda Ireland oo aan ka mid ah ayn waddamada uu go'aankaasi uu saameynayo waxaa loogu baaq ay iney tallaabbadaasi qayb ka noqdaan.

Haddaba Yurub maxaa ka cusub?

Muwaaddiniinta Faransiiska ee guriyahooda ka baxa waxaa laga doonayaa iney sitaan warqad caddeyneyso sababta ay guriga uga soo baxeen, haddiise ay warqad wadan ay la kulmayaan ganaax lac ageed oo dhan €135 Yuuro oo u dhigma ($150 doolar).

Arrintan ayaana imaneysa kaddib marki uu madaxweyne Macron uu dalka Faransiis ka uu geliyey xaalad degdeg oo la mid ah mid da gaal, shacabkana uu ku amray iney guriyahooda ka soo bixin oo ay u soo bixi karaan oo keli wixi daruuri ah.

Tirada dadka laga helay cudurka Coron avirus ee dalka Faransi iska Talaadadi oo ke li ah waxay sare u kacday 16% taasoo tirada gaarsiisay 7,730 qof, halka ay dhimashadu na gaartay 175 qof taa soo ka dhigan dhima shaduna 7% iney sare u kacday.

Dad ka badan 2,500 oo qof ayaa isbitaal lada lagu dabiibay, iya da oo 699 ka mid ah dadkaasi daryeel degdeg ah loo fidiyey.

Dalka Britain dadka u dhintay cudurka Co ronavirus waxay gaareen 71.

Sida oo kale tani iyo inta uu cudurka gaa ray waddamada Yurub waxaa dib loo dhigay wadahadalladi ka bixitaanka Midowga Yurub ee Britain.

Dalka Spian kiisaska cudurka Coronav irus ee ahaa 2,000 wux uu hadda gaaray 11, 178. Xukumadda Madridna waxay xayirtay dha mmaan iisu socodka dalka kaasoo saa meeyey shacab ka badan 47 milyan.

Dalka Spain ayaana noqonaya dalka 2aad uu cudurka Safmarka ee Coronavirus faraha ba'an ku hayo marka laga reebo dalka Taly aaniga.

Dalka Talyaaniga waxaa cudurka laga hel ay 31,500 oo qof tirada asi ka dhigeyso dalka ku xiga Shiinaha uu sida weyn cudurka u sa ameeyey. Dhimashada oo ahayd 2,150 tal aadadi oo keli ah waxay gaartay 2,503.

Dalka Jarmalkana waxaa laga helay 6,000 oo kiis halka dhimash aduna ay marey so 13.

Ireland waxaa sida oo kale laga helay 15,000 oo kiis oo cudurka Coronovirus. Dalka Iran ayaana noqday dalka 3aad uu cudurka faraha ba'an uu ku hayo iyada oo dadka cudurka uu soo ritay ay gaareen 16,000, 988 qofna ay u dhinteen. Dowladaha Mareykanka iyo Britain wa xay shaaca ka qaadeen xi dhmooyin dhaqaa le oo ay ku caawinayaan dhaqaalaha dalal koo da, si ay uga hortagaan saameynta cudu rka Coronavirus uu u geys an karo.

Wasiirka maaliyadda Mareykanka Steve Munchin ayaa sheegay dowladdu iney dhaq aalaha dalka ku kabeyso lacag dhan trillion dollar. Wasiirka maaliyadda Britain wuxuu sheegay dowladdu iney bi xisay deyn dhan $400 oo bilyan oo doolar oo wax looga qabanaya ganacsiga sii wiiqmaya

RW Xasan Cali Kheyre oo la kulmay dhigiisa Itoobiya Dr. Abiy Ahmed

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta Booqasho ku tagay dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaara Itoobiya Dr. Abiy Ahmed.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa iska wareystay Xaalada labada Dal, waxeyna intaa kadib ka wada hadleen qodobo ay kamid ahaayeen Kobcinta dhaqaalaha, Horumarinta caafimaadka, waxbarashada, iyo amniga guud ahaan gobolka gaar ahaan sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta ayaa isla soo qaaday xaaladda caabuqa Coronavirus iyo sida ay labada dal wadajir u wajahi karaan, iyada oo la eegayo dhinacyada la iska kaashan karo, si looga hortago inuu ku faafo labada dal.

Kulanka ayaa ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaana ka qeyb ka ahaa Wasiiro aka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Waliba dowladda Itoobiya.

Safarka Kheyre ayaa ahaa mid deg deg ah oo aan horay loo sii shaacin, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu ku saabsanaa Arrimo ay ka mid yihiin sidii loo xalin lahaa Itoobiya oo ka Carootay markii Soomaaliya ay la safatay Masar Arrimaha wabiga Nile.

Go’aan kasoo baxay Dowladda Soomaaliya oo dhaqan galay

Isniintii la soo dhaafay ayaa Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliy uu ku dhawaaqay in dhamaan la joojinayo duulimaadyada Caalamiga ah ee yimaada soomaaliya iyo kuwa ka baxa laga bilaabo Maanta oo ku beegan 19/3/2020.

Go’aankaas ayaa Wararka aan heleyno Maanta dhaqan galay,iyada oo ilaa iyo hadda saakay aysan wax diyaarado ah oo ka yimid wadamada Caalamka ee soo gaarey muqdisho iyo Gobolada,iyada oo Go’aankaas ay dowladda u gaartey arrimo la xiriira Cudurka Coronavirs.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay waqti badan gelineyso sida looga hortegi karo Caabuqa Coronavirus oo dalal badan saameyn ku yeeshay,iada oo joojisey duulimadyadaii Caalamiga ahaa,sidoo kale xirtey muddo 15 Cisho ah Goobaha Waxbarashada.

Dalal badan ayaa qaatey Go’aan noocan oo kale oo uu Cudurkaasi corona-virus gaarey iyo kuwo uusan weli gaarin,iyada oo lagu dadaalaayo in cudurkaasi uusan dadka gaarin.

Qaraxyo lala beegsadey Kaamirooyinka lagu xirey Wadooyinka Muqdisho

Magaalada muqdisho waxaa siweyn looga maqlay qarax-yo,kuwaas oo la sheegay in lagu burburiyey qaar kamid ah kaamirooyinka ay hay’adaha Amniga ee Soomalaiya ku xireen wadada Maka-Almukarama ee Magaalada Muqdisho.

Mar qura ayaa dadka Muqdisho xilligii Salaada subax waxaa ay maqleen jug culus taas oo la sheegay in ilaa iyo Shan qarax lagu burburiyey kaamirooyinka ku xiran laga bilaabo Isgoyska dabka iyo kuwa ku dhow dhow.

Qaraxyada kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas la sheegay inay ridayeen Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ee u sugan qeybo kamid ah wadada Makala Al-Mukarama,waxaana weli la shaacin khasaaro kasoo gaarey qaraxyadaas iyo rasaasta dad Shacab ah.

Dad saaka tegay Wadada Maka Al-Mukarama ayaa waxaa ay sheegeen in Waaberigii hore ee saaka Goobaha lagu qarxiyey Baalooyinka Kaamirooyinka ee Wadada Maka Al-Mukarama la soo dhoobey Ciidamo farabadan kuwaas oo muddo xirey isku socodka dadka iyo Gaadiidka walow markii dambe dib loo furey.

Waa markii labaad oo Kaamirooyinka Hay’adaha Amniga ay ku xireen wadada Maka-Almukarama qarax lala beegsado,waxaana aya aheyd 30-kii Bishii Janaayo ee sanadkaan makii la qarxiyey,iyada oo laamaha Amniga Soomaaliya aysan ka hadlin qaraxyada lagu burburiyey kaamirooyinka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip