Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa labaad uu ahaa qof naftii hure ah oo ku xirnaa jaakadaha qarxa, kaasoo beegsaday maqaayad ku dhow Afar irdoodka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in goobta qaraxyada ka dhaceen ay ku yaallaan goobaha faras magaalaha oo u badan maqaayado iyo goobo ganacsi kala duwan.
In ka badan 10-ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxyadan, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka dhashay qaraxa loo adeegsaday gaariga.
La soco wixii warar ee ku soo kordha qaraxyada ka dhacay Baydhabo wararkeena danmbe insha llaah



0 



Qaraxyo xoogan oo goor dhow ka dhacay magaalada Baydhabo
Warar goor dhow naga soo gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in qaraxyo xoogan goor dhow ay ka dhaceen bartamaha magaalada.