Aabaha oo lagu magacaabo Faarax Abuukar Cali iyo hooyada oo lagu magacaabo Ayaan Cumar Cabdullaahi iyo saddexda caruur kale ee ay dhaleen ayaa meydkooda waxaa la wareegay hey’adaha baaritaanka, si ay u ogaadaan waxa sababay dabka, inkastoo markii dambe ay cadaatay in aanay jirin cid ku lug laheyd, balse waxa dhacay ay ahaayeen qarax ka dhashay mukeefkii guriga ugu jiray.
Nuur Ugaas Maxamed oo u qaabilsan Qunsuliyadda Safaarada Soomaaliya ee Sacuudiga xiriirka Bulshada iyo Arrimaha dibada ayaa sheegay in dhacdadan ay aheyd qadar dhacday, isla markaana aanay jirin cid mas’uul ka aheyn.
"Shan qof oo ahaa aabe, hooyo iyo saddex canug ay dhaleen ayaa habeen hore, iyagoo nabad qaba markii ay seexdeen, waxaa shalay subaxdii hore ku qarxay mukeefkii guriga ugu jiray, iyagoo hurda, waxaana qiiqii ka dhashay uu ugu soo galay qolka, taas ayaana keentay in neefta isku xiranto iyo inay waayaan wax oksijiin ah”ayuu yiri Nuur Ugaas Maxamed oo la hadlayay Idaacada VOA.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Faarax Abuukar uu u furmi waayay albaabka qolka, markii qiiq ugu soo galay qolka, waxaana uu xusay in saddexda canug ee ku dhimatay musiibadaas uu mid ka mid ah dhalay, halka labada canug kale ay haweeneyda nin kale u soo dhashay.
Aaskan Qoyskan Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa inuu dhowaan ka dhaco magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, iyadoo goobta uu shilkan ka dhacay ay aheyd Xaafada Al-Jameeco.



0 


Qoys Soomaali ka koobnaa 5 ruux oo ku geeriyooday dab ka kacay gurigooda magaalada Jeddah
Wararka ka imaanaya magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ayaa sheegaya in shan ruux oo isku qoys ahaa ay ku geeriyoodeen dab ka kacay gurigooda, xilli ay hurdayeen.