Wararka waxa ay sheegayaan ciidamada ilaalada u ahaa Sarkaalkaasi inay iska caabiyeen Shabaabka oo ay toogteen saddexdooda sida Saraakiisha ay inoo xaqiijiyeen.
Dhinaca kale ciidamada Jubbaland, gaar ahaan ciidanka ka howlgala Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo, ayaa gacanta ku dhigay labo qori oo nooca Ak47 ah oo Shabaabka ay ka carareen.
Taliyaha ammaanka Garoonka Kismaayo Ismaaciil Kheyre Dhuxuloow, ayaa sheegay Shabaabka xalay inay madaafiic ku soo tuureen Nawaaxiga Garoonka Kismaayo, ciidamadana arintaasi ay jawaab ka bixiyeen.
Wuxuu sheegay saaka aroortii inay ku dheelmadeen raadadka halkii Shabaabka ay ka soo tuureen madafiicda ayna ka soo qaateen labo qori oo Shabaab ay halkaasi uga carareen.
Shabaab ilaa hada kama aysan hadlin raggaan la sheegay in looga dilay gudaha Magaalada Kismaayo iyo hubkaan qoryaha ah ee laga qabsaday Shabaabka.



0 



Rag Shabaab ah oo Kismaayo lagu dilay iyo hub laga qabsaday
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose, Saddex nin oo Shabaab ka tirsan, ayaa lagu dilay Magaalada Kismaayo, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ammaanka.