Xildhibaano jawaab la xiriirta duqeyn Shacab lagu diley ka dalbadey Mareykanka

0
Thursday March 12, 2020 - 10:06:51 in Wararka by
  • Visits: 276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano jawaab la xiriirta duqeyn Shacab lagu diley ka dalbadey Mareykanka

    Maalin ka hor diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee laga leeyahay mareykanka waxaa ay duqeyn la beegsadeen Gaari nooca Somaalida u taqaano Caasiga,kaas oo mareyey deegaanka Ugunji oo u dhow degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana duqeyntaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalin ka hor diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee laga leeyahay mareykanka waxaa ay duqeyn la beegsadeen Gaari nooca Somaalida u taqaano Caasiga,kaas oo mareyey deegaanka Ugunji oo u dhow degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana duqeyntaas ku dhintey dad la sheegay inay Shacab ahaayeen. Duqeynta lala beegsadey Gaariga ayaa waxaa ku dhintey 4 Ruux oo Shacab ahaa oo saddex kamid ah la sheegay inay hal qoys kasoo jeedeen,kuwaas oo Caanka ah Goblka Shabeellaha Hoose laguna Magacaabo Reer Xaaji Xayeeysi. Xildhibaan Mahad Dhoore oo kamid ah Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyey Mareykanka in uu duqeyntaas ku diley dad rayid ah oo aan waxba galabsan,isla markaana aysan ka fikirin duqeymaha ay fulinayaan. Xildhibaanka oo wareysi siiyey Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in duqeynta lala beegsadey Gaari ay wateen dad Shacab ah oo ay ehel ahaayeen,isla markaana halkaasi lagu diley lix Ruux. Dowlaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayuu Xildhibaanka ka dalbadey inay cadeyn u keenaan in dadka ay dileen inay ahaayeen Al-Shabaab,hayeeshee hadii ay yihiin Xildhibaannada Koonfur Galbeed uga hari doonin. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip