Midowga Yurub oo shaacisay inay dhimayo dhaqaalaha ay siiyo ciidamada AMISOM.
War-saxaafadeed laga soo saaray xafiiska Midowga Yurub ayaa looga hadlay weerarkii Al-Shabaab masuuliyadiisa ay sheegteen oo habeen ka hore ka dhacay magaalada Muqdisho.
Midowga Yurub ayaa sheegay in weerarkii habeen hore ka dhacay magaalada Muqdisho uu ahaa mid lagu bartilmaameydsaday dadka aan waxba galabsan ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Warsaxaafadeedka Midowga Yurub ayaa tacsi loogu diray ehelada dadkooda ku waayay weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana caafimaad loogu baryay dadka ku dhaawacmay weerarkaasi.
Midowga Yurub ayaa sheegtay iney ka go’an tahay taageerada ay siinayaan dowlada Soomaaliya, iyadoo loogu baaqay dowlada Soomaaliya, ciidamada midowga Africa ee AMISOM iyo dhamaan bulshada caalamka iney u midoobaan dagaalka Al-Shabaab.
Dhanka kale Midowga Yurub ayaa balanqaaday iney gacan weyn ka geysan doonaan dadaalada nabadeed ee ka socdo dalka Soomaaliya, iyadoo Midowga Yurub shalay uu shaaciyay inuu dhimayo dhaqaalaha uu siiyo ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga.
xigasho;-somaliweyn.com

0 