Xildhibaan Jeesow oo qaylo dhaan ka muujiyay qaraxyadii xalay gil gilay Magaalada Muqdisho

0
Sunday February 28, 2016 - 10:53:15 in Wararka by
  • Visits: 595
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Jeesow oo qaylo dhaan ka muujiyay qaraxyadii xalay gil gilay Magaalada Muqdisho

    ildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa uu ka hadlay weeraradii qaraxyada loo adeegsaday, ee Ururka Al Shabaab uu xalay ka gaystay Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa uu ka hadlay weeraradii qaraxyada loo adeegsaday, ee Ururka Al Shabaab uu xalay ka gaystay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, Gudoomiye Ku Xigeenka Guddiga Amniga Baarlamaanka Somaliya, ayaa sheegay inaanu weli la kulmin qarax lamid ah, qaraxii 1-aad ee xalay laga maqlay Caasimadda.

"Qaraxyo badan oo ay Shabaab sameeyeen goobjooggaa u ahaa, weli ma arag, weli neefa ima soo mareyso, mana arki doono Insha’Allah, qarax intaas le’eg iyo siduu qaraxaasi ahaaba.” Ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaan Jeesow, ayaa ku waramaaya inay u muuqato in Shabaab uu culeys wayn soo saaray Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu sheegay inay ku soo kululaadeen dhulka miyiga.

"Waxaa noo muuqato in Shabaab baadiyihii ay ku soo kululaadeen, oo Magaalada Muqdisho qaasatan ay aad ugu soo buuxsameen.” Ayuu yiri Gudoomiye Ku Xigeenka Guddiga Amniga Baarlamaanka Somaliya.

Mudanaha Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, ayaa wuxuu laamaha ammaanka uu ugu baaqay feejignaan badan inay sameeyaan, si ay wax kaga qabtaan hujuumka uu Shabaabku ku haayo Xarunta Somaliya.

"Waxaan leeyahay hay’adaha amniga feejignaan hadda sida ay yihiin, si dhaanto in la sameeyo.” Ayuu yiri Mr. Jeesow oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA.







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip