
Diiwaangelinta Shirkadaha ka Shaqeynaya Arrimaha Xajka oo bilaawdey
Hoos Ka Akhriso Qoraalka Wasaaradda oo u badan farriin ku socota Shirkadaha diyaaradaha dalka.
Waxaa ay Wasaaraddu in muddo ah soo wadday dejinta habkii iyo hanaankii lagu gudan lahaa shaqada Qaran ee u adeegidda Xujayda Soomaaliyeed ee xajka sanadkan 1441/2020; Hadaba, iyada oo la raacayo siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo ku dhisan hufnaan & gudashada ammaanada Umadda Soomaaliyeed si’ waafaqsan Danta Dalka & Diinta ayay wasaaraddu si’ rasmi ah ugu dhawaaqday:
⦁ In adeegga Xajka sanad kasta yahay Tartan furan,
⦁ In Qabashada araajida iyo galalka shirkadaha danaynaya u adeegidda xujayda Soomaaliyeed ee sanadkan 1441/2020 ay soo gudbistaan galalkooda codsi muddada u dhaxaysa 04/03/2020 – 11/03/2020.
⦁ U adeegidda xujayda Soomaaliyeed waxaa loo galayaa Tartan furan oo ay simanyihiin shirkadaha Soomaaliyeed ee ku soo gudbista galalkooda codsi sanadkan 1441/2020 muddada sare ku xusan
Diiwaangelinta Shirkadaha ka Shaqeynaya Arrimaha Xajka oo bilaawdey
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa marka hore waxaa ay u mahadcelisay dhammaan shirkadihii Soomaaliyeed ee u soo adeegay xujayda Soomaaliyeed xajkii 1440H/2019. Qraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa la