
Akhriso;War Murtiyeedka laga soo saaray Shirkada Wadatashiga Beesha Mudulood
1 – In dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ku dhaqmaan, islamarkaana ilaaliyaan dastuurka dalka Soomaaliya.
2 – In howl-galka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee Amisom uu dhex-dhexaad ka noqdo arrimaha siyaasadda Soomaaliya.
3 – In si wadajir ah looga horjeesto wixii sababi kara qalalaase siyaasadeed oo dalka ka dhaca, islamarkaana xal nabadeed loo maro khilaafaadyada jira; lana dhiso qaran waara oo ka shaqeeya maslaxadda guud.
4 – In dhowaan la qabto shirweyne u dhantahay beesha Mudulood dal iyo dibad, kaasi oo looga tashanayo aayaha beesha.
5 – In beesha Mudulood raadiso maqaamka siyaasadeed iyo xuquuqda gobolka Banaadir uu ku leeyahay nidaamka maamul ee dalka.
6 – In la dhisay Guddiga qabanqaabada Shirka wadatashiga Beelweyne Muddulood oo si degdeg loo qaban doono, ayna kasoo qeybgeli doonaan dadka gudaha iyo dibadda.
7 – In beeshu kaalin firfircoon ku yeelato doorashooyinka dalka ka dhacaya 2020/2021.
8 – Waxaa beesha caalamka looga mahad-celinayaa taageerada ay siiyaan Soomaaliia. Waxaa kaloo Bulshada caalamka iyo AMISOM laga codsanayaa inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Akhriso;War Murtiyeedka laga soo saaray Shirkada Wadatashiga Beesha Mudulood
Shirka Wada-tashiga Beesha Mudulood oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayna qeybgaleen Madaxweynayaal hore dalka u soo maray,duubabka dhaqanka, xildhibaano,siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa laga soo saaray Warmurtiyeed ay ku jiraan q