HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 19-FEB-2020

0
Wednesday February 19, 2020 - 09:29:54 in Wararka by
  • Visits: 493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 19-FEB-2020

    Farmaajo oo la kulmay Xog-hayaha cusub ee IGAD Madaxweynaha J/F/Soomaaliya Md.Ma xamed C/hi Farmaajo ayaa kulan la qaa tay Xog-hayaha Guud ee urur-goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu. Madaxweynaha ayaa ugu hambalyee yay Xoghayeh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farmaajo oo la kulmay Xog-hayaha cusub ee IGAD Madaxweynaha J/F/Soomaaliya Md.Ma xamed C/hi Farmaajo ayaa kulan la qaa tay Xog-hayaha Guud ee urur-goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu. Madaxweynaha ayaa ugu hambalyee yay Xoghayeha cu sub ee IGAD xilkan dhawaan loo igma day. Waxa uuna u raj eeyey in uu ka mir o-dhaliya qorsheyaasha heer gobol ee kor u qaadista iskaashiga, nabadda iyo hor umarka dalal ku mideysan IGAD oo Soom aaliya ay ka mid tahay bud-dhigeyaasha ururkan.

Mucaaradka Somaliland oo eedeyn u je ediyay Madaxweyne Muuse Biixi

     Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Fay sal Cali Waraabe ayaa ka hadlay go’aankii maanta uu madaxweynaha Somali land ka qaatay in Hargeysa uu yimaaddo Farm aajo. Waxaa shee gay in Madaxweyne Muu se uu is badalay markii uu arkay Sida ay u diidan yihiin booqashadda Farmaajo Shac abka Somaliland.

     "Waxani waa wax ay ku soo heshiiyeen markuu arkay mawjaddii shacabka Soma liland ayuu is baddalay, xogo kalana waan hayaa iyo waxaa ku kallifaya”

     Madaxweynaha Somaliland, Muuse Bii xi Cabdi ayaa soo dhaweeyay raalli gelintii madaxweyne Farmaajo uu u jeediyay So maliland balse waxa uu meesha ka saaray in Farmaajo uu booqasho ku tego Harge ysa.

Shir deg deg ah oo laga yeeshay Amni ga Gobolka Gedo

     Taliyaha Ciidanka xooga dalka Soo maaliyeed Ee Gobolka Gedo Janaraal Ma xamed Cadow Cali Sanka, ayaa Maanta waxaa uu kulan xo g-wareysi ah la qaa tay Maamulka deg mada Doolow iyo Saraakiisha Ciida mada.Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen Saraakii sha Ciidamada Gorgor ee dhawa an la gee yey degmadaas ayaa waxaa loo ga hadla yay xaalada amni ee Gobolka Gedo iyo sidii loosii xoojin lahaa.

      Sidoo kale Taliyaha,Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada ayaa waxaa ay isla garteen in wada-shaqyen dhow la isla yee sho,isla markaana laga hortago cid kasta oo amniga lidi ku ah,sidoo kale in la kordhi yo la-dagaalanka Al-Shabaab.

      Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa ay Ciidamo farabadan geysay deg mooyin ka tirsan Gobolka Gedo,waxaana tallaabadaas ku dhaliilay dad u badan Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

Goormuu dhaqan gelayaa heshiiska Mareykanka & Taliban?

      Heshiiska u dhaxeeya Taliban iyo ci idamada Mareykanka ee lagu yareynayo rabshadaha dalka Afghanistan, ayaa dha qan-geli doona shanta maalmood ee soo soca gudahood, waxaa sidaas maanta sheegay sii-hayaha wasiirka arrimaha gudaha Afghanistan.

      "Yareynta rabshadaha waxay billaab an doontaa shanta maalmood ee soo so cda gudahood, waxaana saldhig u ah wa da-xaajoodkii dhex maray Mareykanka iyo Taliban,” ayuu Masoud Andarabi u sheeg ay taliyeyaal boolis goboleedyo kulan isu gu yimid magaalada Kabul.

       Toddobaadkii tegay, sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa sheegay in wada-xaa joodyo dalka Qatar lagula yeeshay wakiilo ka socda Taliban ay dhaliyeen in mabda’ ahaan la isku raaco in rabshadaha la yar eeyo muddo toddobaad ah.

       Saraakiisha Mareykanka iyo Taliban ayaa dalka Qatar ku wada-hadlayey tan iyo sanadii tagtay, ayaga oo doonaya in la gaaro heshiis ciidamada Mareykanka ay u ga bixi karaan dalkaas, laguna soo geba-gebeynayo dagaalkoodii ugu waqtiga dhe eraa.

      Taliban ayaa taas dhaafsaneysa inay damaanad qaado in mintidiinta caalamiga ah aysan wax shirqool ah kasoo maleegi doonin Afghanistan.

      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si weyn u doonaya in ciida mada Mareykanka uu kasoo saaro Afghan istan, oo ay ku sugnaayeen 18 sano, ay aga oo galay kadib weerarkii Al-Qacida ay ku qaaday Mareykanka, 11-kii September 2001.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Gu ddiga doorashooyinka Qaranka

     Guddiga Madaxabanaan ee Doorash ooyinka Qaranka ayaa maanta la kulmay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faraamjo.

Guddiga ayaa madaxwaynaha kala hadlay sha rci ga doorasho oyin ka Qaran ka oo dhawaan ay soo ansixiy een labada gole ee Barlamaanka federaal ka Soomaaliya oo haatan sugaayo saxiixa madaxwaynaha JFS.

      Sidoo kale Guddiga ayaa madaxway naha ka codsaday in la dadajiyo ansixinta wax ka badalka sharciga xisbiyada oo Bar lamaanka horyaallo, ansixintaasoo guddi ga ay muhiim u arkaan si labada sharci ay iskula jaanqadaan madaama ay yihiin sharciya isa saamaynaa.

     Shalay ayay aheyd markii Guddiga Ma daxa bannaan ee doorashooyinka Qaran ka ayla kulmeen Guddiga ku meelgaaarka ah ee diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka,iyada oo kulanka labada Guddi diiradda lagu saaray talo is dhaafsi ku aa ddan Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee dhawaan ay ansixiyeen labada gole ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho oo ka jawaabey Caba sho loo gudbiyey

    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Md.Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Finish) ayaa xar unta aqalka dowlada ho ose ee Xamar kulan ga ar ah kula qaatay qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan degmooyinka Kaaraan iyo Hiliwaa ee dhawaan banaanbax cabasho ah oo ku aadan Qashin-weynaha Muqdisho ka dhi gay degmooyinkaasi.

       Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Finish ayaa mid mid u dhageystay bulshada Soomaaliyeed ee cabashada qa bay iyagoo sheegay iney Saameeyn dhi naca Caafimaadka ah iyo nadaafada kala kulmeen goobtaasi Qashin-Weyna ah. Gu ddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale warbixina kala duwan oo quseysa Qa shin-Weynaha Muqdisho iyo dhibaatada    kajirta ka dhageestay guddoomiye ku-xige enka arimaha bulshada gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti iyo guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee gobolka Banaadir Aadan Sh.Cali Fiidow.

      Guddoomiyaha gobolka Banaadir ah na duqa M/Muqdisho Md. Cumar Finish waxa uu xusay in maamulkiisa uu si deg deg ah wax uga qaban doono cabashada bulshada isagoo dhanka kale tilmaamay in si nidaam ah loo xaliyo waxaana hadal kiisa kamid ahaa.

      "ka maamul ahaa waxaa inaga go’an inaan si deg deg ah oo nidaam dowli ah u xalino cabashadiina la xariirta Qashin-We ynaha gobolka Banaadir sidoo kale waxa an la xisaabtami doona shirkadii aan u xil saarnay iney hagaajiyaan oo ay la dagaa lamaan jeermiska si bulshada deegaanka uusan u saameynin, dhawaan ayaan korm eer qiimeyn ah ku tagi doona goobta Qash in-Weyna ah si aan ugu kuurgalo cabasha diina iyo waxa la gudboon dowlada hoose


Muuse Biixi oo faah faahiyey la kulankii Farmaajo Aqabalayna Raali gelintii

     Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbada Madaxweyne ee sanadlaha ah u jeedinayay Xubnaha lab ada Gole ee Soomaaliland ayaa waxaa uu ka hadlay kulankii uu Addis Ababa kula qa atey Madaxweynaha Soomaaliya & war arka sheegaya in Madaxweyne Farmaajo tagayo Magaalada Hargeysa.

      Madaxweyne Muuse Biixi waxaa u she egay in 9 Bishan uu Addis Ababa u tegay ka qeyb-galka Shirkii Madaxda Afrika, hay eeshee markii uu dhamaadey uu si kedis ah Xafiiskiisa isugu kulan siiyey Ra’iisul Ito obiya Abiy Axmed Madaxweyne Farmaajo una sheegay in ay doonayaan inay wada hadlaan.

        "Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa i soo wacay iguna marti qaadey Xafiiskiisa, wuxuuna si kedis ah iila kulansiiyey Far maajo,saddexdeena waxan galnay Shir aan horay u sii ogeyn oo aan u diyaar ga roobin,waxaan ka hadalnay oo anjende ah majirin balse kulan kaliya ayay aheyd ayuu yiri”Madaxweyne Muuse Biixi.

     Sidoo kale waxa uu sheegay in ka hor kulankaas kooban ee uu Addis Ababa kula qaatey Madaxweyne Farmaajo ay jireen Madax ka socotay dalalka, Turkiga, Swed en iyo Jabuuti oo ka codsadey in dib loo bilaabo wada-hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland isaguna uu aqbalay.

    Sidoo kale waxaa uu Muuse Biixi soo hadal qaadey raali gelintii 13-kii Bishan Madaxweyne Farmaajo ka siiyey Shac abka Soomaaliland duqeyntii dadka Shac abka ahaa lagu diley ee Dowladdii Maxam ed Siyaad Barre ka geysatay Magaalada Hargeysa,waxaana uu sheegay in uu aqbalay raali gelintaas.

      Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay raalli gel intii madaxweyne Farmaajo uu u jeediyay Somaliland balse waxa uu meesha ka sa aray in Farmaajo uu booqasho ku tego Hargeysa.

     "Madaxweynaha Soomaaliya imaanaya Somaliland, horta waa hadal heyn, laakin hadal heyntaa ma xumo, madaxweynaha Soomaaliya , Maxamed Cabdullaahi, tall aabo wanaagsan buu qaaday marka uu yiri raalin gelin baan bixinay, laakin wuxuu ku dilay markuu yiri waan imanayaa Har geysa,” ayuu yiri Muuse Biixi oo jeedina yay khudbad sannadeedka.

     Wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaa liya ay ka shaqeysay cunaqabateyn dhaq aale oo lagu soo rogo Somaliland.

"Waxaa kamid ah inay dagaal la gasho oo ay xiriirka u goyso dowlad kasta iyo ha’yad kasta oo xurmeyso ama maamusta Somaliland,waxana Shacabka u cadeynay aan in Farmaajo uu yimaado Hargeyso uu ka xigo Gabaygii Faarax Nuur ayuu yiri "Muuse Biixi

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in Soomaaliya ay heshiin karaan waa haddii ay qaddariyaan go’aanka shacabka Somaliland iyo gooni isu taagooda

       Khudbadda Maanta ee Madaxweyne Muuse Biixi oo aad u dheereed ayuu sii kale kaga hadlay warar ka Maalmahaan soo baxayay ee sheegayay in Madaxwe yne Farmaajo uu tagayo Haregyso, wax aana uu sheegay in aan waxba ka jirin,isla markaana hadaladaas ay yihiin kuwo dha awacaya wada-hadallada u bilaawdey.

     "Bshaan 13 keedii ayaa waxaa dhac dey arrin aan fileyn oo aheyd kedis in Far maajo uu ka bixiyey Raali gelin duqeyntii Somaaliland loo geystay Xasan Sheekh marbuu si dulmaray wixii dhacay laakin farmaajo waa Madaxweynihii ugu horeey ey ee Raali gelin bixiya waana ka aqbal nay ayuu yiri”Muuse Biixi.

     Dad badan oo isugu jira kuwa xilal ka haaya DFS iyo Soomaaliland,Shacabka 2da dhinac iyo kuwo u badan Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxaa ay siweyn u sug ayeen wixii ay ka wada hadleen Madaxw eyne Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi,waxaana xusid mudan in Madax tooy ada Soomaaliya aysan weli wax faah faa hin ah ka bixin kualnkii 2da Madaxweyne.

Maxkamadda Ciidamada oo Xukunno riday

    Maxkamadda Darjada 1aad ee Ciid amada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaado ah waxaa ay xukuno kala duwan ku riday Ragg lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab.

      Cabbduqaadir Suufi Muunye & Saciid Cumar Cabbdullaahi ayaa loo heystaa ka mid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay ah aayeen u qaabilsanayaaal xagga maamul ka iyo maaliyadda uga wakiil ah maleeshiy ada Al-Shabaab Tuulada Mareerey oo hoos tagta degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose.

        Eedeysanaha 1aad ayaa ahaa Taliy ihii tuullada halka eedeysanaha 2aad uu ahaa u qaabilsanaha xagga Uruurinta lacagta ay ay ka qaadaan dadka deeg aanka.

    Cabbduqaadir oo magiciisa afgarasha du yahay Amiir Gaabbow ayaa laga soo qabtay degmada Dharkeenley ee gobalka Banaadir 8dii October sanadkii ina dhaa fay halka Saciid oo magiciisa afgarashadu yahay Macallim Saciid laga soo qabtay xa afadda Xamar Jadiid ee degmada Warta Nabadda 29-kii September Sanadkii hore.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Shantii Nove mber codsaday in 2da eedeysane loo dha adhiciyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan, waxa ayna markale baaritaan dheer kadib codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda 21-ka January sanadkan.

     Horaantii February ayay Maxkamadda u fariisatay dhageyisga dacwadda labada eedeysane.     Cabduqaadir iyo Saciid aya a ka sheegay fadhiga Maxkamadda in ay 2dooda hoos tegi jireen Dakhare oo isna maqane ah.

      Ibraahim Aadan Dakhare ayaa ah tali yaha tobanka tuullo ee kala ah Yunbis, Bu ulle-kulan, Bangaleey, Baladul-Amiin, Mo or-diinle, Sabiid, Mareerey, Gaalle-wer, Cu mar-beerre iyo Sagaalaad, waxa ayna lab ada xukunsane ahaayeen kuwa ku xigeen iyo wakiil uga ah Tuullada Mareerey.

     Maxkamadda ayaa wada tashi dheer ka dib go’aan ka soo saartay labada shaq si ee kala ah Cabbduqaadir Suufi Muunye & Saciid Cumar Cabbdullaahi waxa ayna ku wada xukuntay min 10-sano oo xabsi ci idan, sida uu u sheegay dhinacyada dacw adda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Ciid amaa Qalabka sida.

       Dhanka kale Xasan Luqmaan Xuseen Ibraahim oo magacyadiisu afgarashadu yihiin Tabliiq iyo Luqmaan ayaa laga qabt ay degmada Howlwadaag ee gobalka Ban aadir 28 August sanadkii ina dhaafay.

     Xasan waxaa loo heystaa kamid ahaa nshiyaha Al-Shabaab iyo inuu si gaar ah u gu ahaa wakiil wareed mid kamid ah war baahinta ku hadasho Afka Alshabaab.

      Xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qal abka Sida ayaa Maxkamadda Ciidamada weydiistay in eedeysanaha loo gudbiyo xa bsiga dhexe gar-suge ahaan 10-kii Decem ber sanadkii tegay.

       Baaris kale ayuu isku howlay xafiiaska xeer ilaalinta Ciidamada oo leh awoodda horgeynta Maxkamadda eedeysanaha ma rka ay u arkaan in ay jiraan eedo mudan in Maxkamad lala tiigsado eedeysanaha.

      Maxkamadda ayaa 25-kii bishii ina  dhaaftay ee sanadkan ogolaatay soo jee dinta Xafiiska Xeer Ilaalinta ee aheyd dha geysiga eedda loo heysto Xasan luqmaan.

Xasan oo fursad loo siiyay in uu ka hadlo fadhiga Maxkamadda ayaa sheegay in uu ka shaqeyn jiray kaliya ka war bixinta dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee suuqyada Mu qdisho si gaar ah suuqa ugu weyn Soom aaliya ee Bakaaraha.

     Xafiiska ayaa sidoo kale la wadaagay garsoorayaasha Maxkamadda fariimo maqal iyo qoraal isugu jiro taasi oo muu jineysa howshiisa wardoonimo oo uu shir kada kula ahaa Al-Shabaab,sida lagu she egay War kasoo baxay Xafiiska Maxkam adda Ciidamada.

        Qareenka eedeysanaha ayaa Maxk amadda weydiistay in loo fududeeyo xuk unka maadaama uu eedeysanaha kaliya ku sinaa sii deynta dhacda maalmeedka suuqa sida isagaba uu qirtay.

      Garsoorayaasha ayaa iyagane ugu da mbeynta go’aan ka soo saaray waxaana lagu xukumay sideed sano oo xabsi ciidan ah sida uu la wadeegay dhinacyada dac wadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Dar ajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Duqeyn Cusub oo ka dhacday Gobolka Jubbada Dhexe

      Mareykanka ayaa faah faahin waxaa uu ka bixiyey duqeyn dhinaca Cirka ah oo uu la beegsadey Saldhigyo Xubno ka tirs an Ururka dagaalamayaasha Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Jilib ee Gobolka Jub bada Dhexe.

       War-saxaafadeed ka soo baxay tal iska Ciidamada Maraykanka ee qaara da Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyntaas laga fuliyey agagaarka degmada Jilib,isla markaana lala beegsaday Saldhigyo ay leeyihiin Al-Shabaab.

      Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen Xubin ka tirsa naa Al-Shabaab,sidoo kalena ay ku taage erayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab,sida uu sheegay kuxigeenka Agaasimaha howlga lada, Taliska Mareykanka ee Afrika Gen. Miguel Castellanos.

      Sidoo kale waxaa Qoraalka Africom la gu sheegay in duqeyntaas qiimeyn ay sa meeyeen aan wax khasaaro ah lagu gaa rsiin dad Shacab ah balse lagu bur buriyey Saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab.

      Mareykanka ayaa sanadkaan 2020 wa xa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya,isla markaana uu la beegsanayo Xarumaha Al-Shabaab iyo Daacish-ta ka Soomaaliya ee ka how lgasha deegaannada Puntland.

Kooxo qorsheynayay weerar oo Xabsiga la dhigay

        Booliiska Jarmalka ayaa xiray Koox la sheegay inay qorsheeynayay in ay wee raraan masjid ku yaala dalkaasi, kaddib markii ay booliisku heleen xog ku aaddan falkaasi.

      Mintidiinta la xiray oo ka kooban 12 qo food ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin koox lagu magacaabo Der harte Kern, oo ka soo horjeedda islaamka iyo dadka ma gangalyo doonka ah ee jooga dalkaasi.

Siidoo kale Booliisku waxa ay baadi goob ugu jiraan xubno kale oo ka tirsan xagji riintan kuwaasoo qeyb ka ahaa qorshaha weerarka masjidka iyo sidoo kale dadka magan galyo doonka ah.

      Dalka Jarmalka waxaa ku sugan koo xaha cansuriyiinta midigta fog, oo abaab ula weerarro ka dhan ah dadka Muslimi inta ah oo ay ku jiraan dadka magangelyo doonka ah.

Kenya oo la wareegtay Gaadiid loo soo wadey Soomaaliya

      Dowladda Kenya ayaa shaacisey inay sirasmi ah ula wareegeyso Gaadiid kala duwan oo ay ku jiraan kuwa Casri ah, kuw aas oo loo waday dalal kamid ah kuwa Afrika oo ay kamid tahay Soomaaliya. Ga adiidkaan ayaa saraakiisha Ciidamada Ammaanka Kenya waxaa ay sheegeen in si sharci darro ah la doonayay in loo gud biyo,waxana Gaadiidkaas loo waday dal alka,Burundi,Koonfurta Sudan,Somalia,Uganda, Malawi, Tanzania iyo NRC.

     Gaadiidkaan ayaa Ciidamada Kenya ku qabteen howlgal gaar ah oo ay sameey een sida lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay laamaha Ammaanka dalka Kenya, inkastoo aysan shaacin halka sida rasmiga ah howlg alka looga fuliyey.

Sidoo kale waxaa ay Boolisku shaaci yen inay xireen 37 Ruux oo ka dambe eyey inGaadiid ka an si sharci darro ah kusoo geliyaan Gud aha dalka Kenya,kuwaas oo Maxkamad la horgeyn doono.

      Ilaa iyo hadda macada sababta rasmi ga ah oo ay Kenya ula wareegeyso Gaad iidkas,hayeeshee waxaa xusid mudan in horay ay ula waregtay una burburisay Ga adiid ay saarnaayen badeecooyin loo soo waday Soomaaliya.

    Si kastaba Bishii Apriil ee sanadkii teg ay ee 2019 ayay aheyd markii Ciidamada Kenya ay qabteen laba Gaari oo ah nooca Casriga ee dunida laga adeegsado, kuw aas oo la sheegay in laga soo xaday dalka Ingiriiska.

Taliyaha Booliska oo sameeyey xilka qaadis & Magacaabis

      Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaali yeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xij aar ayaa waxaa uu xilkii ka qaadey Tali yihii Ciidanka Booliska degmada Wadajir Cabdi-baasid Maxamuud Cagey,isaga oo mid cusub u Magacaabey Saldhiga degma daas.

       Wararka la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in Taliyaha Saldhiga Booliska Wada jir loo Magacaabey Sac iid Cali Maxamuud oo ka mid ah Saraakiisha Ciid amada Booliska Soomaaliyeed.

Ilo xog-ogaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in xilka qaadista Taliyihii Saldhiga Booli ska Wadajir ay ka dambeeysay,kadib mar kii shalay Maalin cad Gudaha degmadaas laga tuuray madaafiic lagu weeraray Xe rada Xalane,isla markaana intaasi kadib Taliyaha Booliska uu xilkii ka qaadey su’aalana laga weeydiiyey arrintaas.Si kas taba Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuli yada weerarka madaafiic ah ee lagu qaa day Xerada Xalane,waxaana weerarkaas uu sababay in xilkii laga qaado Taliyihii Saldhiga Booliska Wadajir.

Maamulka Hir-Shabeelle oo ka hadlay dagaalka M/Jowhar

       Xalay waxaa M Jowhar muddoo ku dhow hal Saac uu dagaal culus ku dh exmaray Ciidamo ka tirsan kuwa dow ladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka oo ka dhacay Xaafada Horseed ayaa la xaqiijiyey in uu sababay dhaawaca hal askari,waxaana dagaalkaas faah faahin ka bixiyey Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

     Wasiirka Amniga Maamulka Hir-Shabe elle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay in Xubno ka tirsan Al-Shababa ay so weerareen Koontorool laga soo galo M.Jowhar,hayeeshee Ciidamada Dowlad da iyo kuwa AMISOM ay iska difaaceen.

     "Al-Shabaab ayaa isku dayay iney am aanka qal qal galshaan waxeyna Rasaas Kusoo Tuur Tuureen Bar Fariisan u ah cii danka amaanka Hirshabelle oo bananka Magalada ah,taasoo laga Kontoroolo Dha qdhaqaqa dadka soo galo Magalada iyo Dadka kabaxa, kooxahii soo Rabshadeya yna Fariisimahena ciidanka Amniga ayaa ku daba jiro sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ayuu yiri”Wasiir Maxamed Kheyre.

         Xaalada Magaalada Jowhar ayaa ah mid degan,.waxaana saaka si caadi ah u Shaqeynaya dhaq dhaqaaqa Gaadiid iyo Ganaccsiga,hayeeshee siweyn looga dare emay dagaalka dhex-maray Ciidanka Dow ladda & kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Mareykanka oo cambaareeyay dilkii Wariye Cabdiweli Online

      Safaaradda Mareykanka ee Magaala da Muqdisho ayaa waxay cambareysay dilkii fiidnimadii Axada Wariye Cabdiweli Cali Xasan (Cabdiweli Online) loogu gays tay Degmada Afgooye ee Gobolka Shab ellaha Hoose.

       Safaaradda Mareykanka ee Somaliya ayaa tacsi u dirtay qoyskii, eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay Wariyaha, oo kooxo hubeysani ay ku toogteen xaafadda Xaa wo Taako.

        Qoraal maanta ka soo baxay Safaa radda ayaa lagu sheegay inuu Wariyuhu ahaa mid madaxbannaan, una shaqa ynayay Universaltv iyo Radio Kulmiye ee Maga alada Muqdisho.

      Qoraalka ayaa wax aa sidoo kale lagu shee gay in beegsiga iyo dilalka ka dhanka ah dadka Warbaahinta ka shaqeeya, oo sha qadoodu tahay in ay warka gaarsiiyaan, waxna baraan bulshada inay tahay mid ay Al Shabaab dooneyso inay ku aamusiiso codka Soomaaliyeed.

      Safaaraddu waxay bogaadisay shaqa da hufan ee ay Wariye-yaasha Soomaaliy eed u hayaan shacabkooda, inkastoo ay garow-san tahay culeyska iyo halista ay ku shaq-eeyaan.Qoraalka ka soo baxay Saf aaradda Mareykanka ku leeyahay M/Muqd isho ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Washington ay garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed, si ay u difaacaan xoriyad da lama taabtaa-nka ah ee Saxaafadda iyo midda hadalka, waxaana Soomaalida loo gu baaqay in la soo afjaro dhaqanka rab shadaha iyo weliba nabadgelinta kuwa wax dila, ee gacanta sharciga ka baxsada.

      Inta laga warqabo ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilka Wariye Cabdiweli Online loogu gaystay Degmada Afgooye, ha yee-shee waxaa si dhow loola xiriirinaya minti-diinta Ururka Al Shabaab.Wariye Cabdiweli Online oo noqonayo Wariyihii ugu horeeyay ee sanadkan dalka lagu dilo ayaa ifka waxa uu uga tagey xaas iyo laba carruur ah.

Madaxweynaha Puntland oo Guddi Magacaabey

      Wareegto kasoo baxdey Xafiiska Mad axweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa lagu Magacaabey Guddi ka Shaqeeya qaban qaraabada Shirkii uu horey u ilaamiyey.

Hoos Ka Akhriso Magacaabista Gudd iga

     Madaxweynaha  Puntland, isagoo ka duulaya warmurtiyeedkii kasoo baxay Shi rkii Golaha Xukuumadda Puntland ee ka qabsoomay magaaladda Boosaaso, Bishii February 7, 2020, Shirkaas oo nuxurkiisa ay kamid ahayd in la qabto shir weyne wa da tashi ah 15ka Bisha March 2020 oo ay isugu imaanayaan Golayaasha Puntland iyo Wakiillada ku matala Dowladda Feder aalka, Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Waxgar adka si looga tashado mustaqbalka Puntl and iyo doorkeeda ku aadan midnimada iyo hirgalinta hanaanka Federaaleynta Dalka.

     Sidaas darteed, Madaxweynaha Punt land wuxuu u magacaabay Gudiga Qaba nqaabada Shirka Wada-tashiga Dowladda Puntland xubnaha hoos ku xusan:

      1. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanc ad, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Guda ha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda _ Gudoomiye.

       2. Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoo mada _ Gudoomiye ku-xigeen.

         3. Maxamed Cabdi Cismaan (Majii no), Wa siirka Wasaaradda Dekeddaha _Xubin.

       4. Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaq aalaha _ Xubin.

        5. Laylo Cabdi Cartan, Lataliyaha Madaxwaynaha _ Xubin.

      6. Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhi baan _ Xubin.

         7. Mahdi Siciid Xasan, Xildhibaan _ Xubin.

8. Cabdiraxmaan Maxamed Bangax, Bul shada rayidka _ Xubin.

        9. Maxamuud Ismaaciil Ciyoon, Bulsh ada rayidka _ Xubin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip