
Somaliland:-Booliska oo qabtay Nin ku Eedeysan kufsi & dil
Ciidamada Booliska Somaliland ayaa la xaqiijiyey inay Gacanta ku dhigeen Nin la sheegay in habeen ka hor uu fal kufsi iyo dil ah u geystay Gabar 15 aheyd.
Falkaan ayaa saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliland ay sheegeen in uu ka dhacay degmada Lughaye oo ka tirsan gobolka Awdal,Isla markaana ninkaasi uu baxsad ahaa.
Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in ciidamadu ay qabteen Ninkaas loona gudbiyey Saldhiga Dhexe ee Magaalada Boorama.
Ehelada Gabadha kufsiga iyo dilka loo geystay ayaa dhawaan Booliska Soomaaliland waxaa ay ka dalbadeen in cadaaladda horkeenaan Ninkii ka dambeeyey falkaas,hayeeshee haatan Ninkaasi gacanta lagu dhigay.


0 




Somaliland:-Booliska oo qabtay Nin ku Eedeysan kufsi & dil
Ciidamada Booliska Somaliland ayaa la xaqiijiyey inay Gacanta ku dhigeen Nin la sheegay in habeen ka hor uu fal kufsi iyo dil ah u geystay Gabar 15 aheyd. Falkaan ayaa saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliland ay sheegeen in uu ka dhacay degmada Lug