Aasaasaha Facebook Zuckerberg oo bilaabay inuu is ilaaliyo kadib markii IS ay u hanjabeen(Sawiro)

0
Friday February 26, 2016 - 17:14:37 in Wararka by
  • Visits: 632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aasaasaha Facebook Zuckerberg oo bilaabay inuu is ilaaliyo kadib markii IS ay u hanjabeen(Sawiro)

    Aasaasaha Bogga caanka ah ee Facebook Mark Zuckerberg ayaa lagu arkay wadooyinka magaalada Berlin ee dalka Jarmalka isagoo si xoog leh loo ilaalinayo kadib markii toddobaadkan ay u hanjabeen ururka IS.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aasaasaha Bogga caanka ah ee Facebook Mark Zuckerberg ayaa lagu arkay wadooyinka magaalada Berlin ee dalka Jarmalka isagoo si xoog leh loo ilaalinayo kadib markii toddobaadkan ay u hanjabeen ururka IS.

Zuckerberg ayaa isagoo rucleynaya waxaa dhinacyada ka cararayay ciidamo ilaalo u ah wadooyinka Berlin iyadoo ay ahayd markii ugu horeysay ee la arko isagoo la ilaalinayo bilyaneerkan oo booqasho labo cisho ah ku tegey dalka Jarmalka.

Cajalad muuqaal ah oo ay soo saareen taageerayaasha IS oo cinwaan loogaga dhigay Holicii Taagerayaasha ayaa loogu hanjabay aasaasayaasha bogaga bulshada ee Twitter Jack Dorsey iyo Facebook Zuckerberg.

Dadka soo duubay cajalada ayaa sheegay in ay leeyihiin bogaga facebook iyo Twitter faro badan, waxayna ku hanjabeen haddii la tirtiro inay aargoosan doonaan.Kooxdan soo saartay cajalada muuqaalka ah ayaa sidoo kale soo bandhigay sawirada Jack iyo Mark oo rasaas ay ku taal.

aasasaha facebok (1)

aasasaha facebok (2)

aasasaha facebok (4)

aasasaha facebok (5)

aasasaha facebok (6)

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip