
Madaxweynaha Yuhuuda: "Israel waxay taaageeraysaa Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM"
Reufin Riflin ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu dhigiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ku soo dhaweynayey Qasriga Dowladda ee magaalladda Tel aviv.
Madaxweynaha Kenya oo ay Wafdigiisu ka mid yihiin Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo Dibedda, Joseph Nkaissery iyo Amina Maxamed waxay Isniintii booqasho rasmi ah ku tageen Israel, iyagoo Madaxda dalkaasi la soo saxiixday Heshiisyo isugu jira Maalgashiga, Ganacsiga, Ammaanka, Caafimaadka iyo Beeraha.
Madaxweynaha Isarel, Reufin Riflin waxa uu sheegay inay Shacabka Kenya la wadaagayaan xanuunka Askartii Kenyanka ee lagu dilay weerarkii ay Alshabaab bartamihii bishii hore ku qaadeen Xeradda ay Askarta Kenya ku lahaayeen Degaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.
"Israel waxay taaageeraysaa Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, oo aan ogaanay inay ka faa’ideysan karaan Gobalka iyo Caalamka oo idil” ayuu yiri Madaxweynaha Israel.
Sidoo kale, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inay labada Dowladood iska kaashan doonaan sidii loogu guuleysan lahaa La-dagaalanka Alshabaab.
Israel ayaa waxay horey kaalin uga qaadatay Arrimaha Sirdoonka, Hawlgaladda Millateri iyo qorshaha derbiga ee ay Kenya kaga dhisayso xuduudka Somalia.


0 



Madaxweynaha Yuhuuda: "Israel waxay taaageeraysaa Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM"
Madaxweynaha Israel, Reufin Riflin ayaa sheegay inay Isarel ka taageerayso Kenya hawlaha ay kula dagaalamayaan Alshabaab iyo Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.