Weriye lagu xiray magaalada Boorama
Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay Weriye ka howlgala xarunta warbaahinta Boorama News, kaddib markii lagu eedeeyay inuu afti ka qaadayay Soomaalida Koonfurta ka soo jeeda ee halkaasi degan.
Weriyahaan oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Jaray (Qaxwe) ayaa isagu ra’yi ururin ka waday magaalada Boorama, isagoona dadweynaha degaankaasi ka ururinayay aragtidooda kala duwan ee ay ka qabaan masaafurinta maamulka Somaliland uu ku hayo dadka reer Koonfureedka.
Sidoo kale Weriye Maxamed Jaray ayaa dadweydiinayay su’aalo la xariira ka qeyb galka doorashooyinka dadweynaha ee ka socda Somaliland, waxayna Boolisku sheegeen in maxkamad la soo taagayo.
Magaalada Boorama waxaa ka socda dadaallo lagu sii deynayo weriyahaasi, iyadoo ururrada saxaafadda Somaliland ay dalbadeen in la sii daayo weriyahaasi isla markaana sheegay in sharci darro lagu xiray.

0 