Maamulka Soomaaliland oo sheegay in shirkadda Turkish Airlines ka codsatay inay ka shaqeeyaan Garoonka Hargaysa.
Soomaaliland ayaa markii ugu horeysay sheegtay in Maamulka Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish Airlines ay ka codsadeen inay ka shaqo bilaabaan Garoonka Diyaaradaha Cigaal Airport oo ku yaalla Magaalada Hagreysa.
Cumar Cabdullaahi Aadan Agaasimaha wasaaradda Duulista iyo Gaadiidka Cirka Somaliland ayaa Wareysi uu siiyay Wargeyska Dawan ee ku hadla Afka Maamulka Soomaaliland u sheegay in Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Shirkadda Turkish Airlines ay yimaadeen Hargeysa islamarkaana ay Maamulka kala hadleen sidii ay uga Howl bilaabi lahaayeen Garoonka Diyaaradaha Hargeysa.
"Waxay shirkaddaTurkish Airlines ay naga soo codsatay inay Madaarka Hargeysa duulimaadyo ka bilawdo kadib markii ay ku qanceen qaabka uu u shaqeeyo iyo nabad gelyadiisaba laakiin wali kamaanu aqbalin Codsiga Turkish nooga yimid”ayuu yiri Cumar C/llaahi.
Shirkadda Duulimaadyada Turkish oo Soomaaliya meeshii ugu horeysay ee ay ka shaqeyso ay tahay Muqdisho,walina ka Howlgasha ayaan ka hadlin warka ka soo yeeray Soomaaliland oo ah in Turkish Airlines ay ka codsatay in Soomaaliland ay ka Howl biloowdo.

0 