Qof ay qaraabo yihiin darawalkaan la dilay, kana gaabsaday magaciisa ayaa sheegay in qofkii dilka ka dambeeyay uu goobta ka baxsaday, balse lagu raad joogo.
"Waxaa jirtay degmada Afmadow meel kaliya oo lagu qaado lacagta taasina wuu soo dhiibay, balse ciidan kale oo kuwaasi dhinac uga soo baxay ayaa mar kale lacag Shan Kun Shilin Soomaali ah weydiistay inuu bixiyo isna wuu diiday kadibna waa la dilay” Ayuu yir Ruuxaasi.
Marka loo eego cadadka lacagta darawalkaasi loo dilay iyo Qiimaha nafta ay leedahay, ayaa ah wax aanan la isla bar bar dhigi karin.
Darawallada kaxeeya gaadiidka ka shaqeeya gobollada dalka qaarkood ayaa la kulma dhibaatooyin badan, sida dilal, dhaawac iyo dhac loo geysto hantida ay wadaan.



0 


Kooxo hubaysan oo nin Darawal ah u dilay 5 kun Shilling Somali awgeed
Wararka inaga soo gaaraya Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubadda hoose, ayaa sheegaya in Kooxo hubaysan inay halkaasi ku dileen nin Darawal ahaa. Sida ay sheegayaan ilo wareedyo dadka deegaanka ah dableydaan hubaysan ayaa toogtay Darawalka, xilli uu ka