Iska hor imaadkan ayaa ka dambeeyay markii ciidamo ka kala tirsan Maamulka Koofur Galbeed uu soo kala dhex galay ismaan-dhaaf, waxaana iska hor imaadkaas uu hakad geliyay dhaq dhaqaaqii ganacsiga.
Goob joogayaal ku sugnaa halka lagu magacaabo Afar Irdoodka ayaa sheegay in iska hor imaadka waxyeelada ugu badan ka soo gaaray dad rayid ah oo ka ag dhowaa goobta, waxaana iska hor imaadka kadib gaaray goobtaas ciidamo boolis ah.
Saraakiisha Booliska Gobolka Baay ayaa sheegay inay baaritaan wadaan oo ku aadan iska hor imaadkan iyo waxa keenay in Ciidamada is rasaaseeyaan.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii sidan oo kale is rasaaseyn ugu dhex martay degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug, waxaana iska hor imaadkaas uu ka dhashay muran la xiriiray lacago guno ay Ciidamada qaadanayeen.



0 



Iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Baydhabo
Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.